Somalidu badanaa waxa ay ka daba orodaa aduunyada iyo quruxdeeda, taas oo sababu ah dhibaatooyinka waaweyn ee ina soo gaaray sanadihii ugu dambeeyey, laga bilaabo 1991, dagaalkii sokeeye ka dib, soomaalidu waxaa ay u cararty wadamo kale oo ay nabad taallo waxaana ay raadsadeen sidii ay u noolaan lahaayeen, sidii ay u badbaadin lahaayeen noloshooda, nolosha caruurtooda iyo ehelkooda, waxa ay ku mashquuleen baahida nafta oo aan weligeed dhamaan.

Waxaa ay iloobeen baahida ruuxa, baahida jirka weligeed ma dhamaato, lacag, guri, gaari, ilmo, xaas qurux badana, intaba hadaad hesho waxaad weligaa u oradaa waxyaabo siyaado ah, oo weligiis bini’aadamku kuma qancin nolosha uu heesto.

Taasi waxaa ay keentay inaan ilowno nolosha dhabta ah, inaan xalino dhibaatooyinkeena, inaan ku noqono dalkeenii bur buray, hadaba soomaali weligeed ma midoobin oo hal meel kama soo jeedsan, waxaa ayna la timid khilaaf xoog leh oo soo wajahay mudooyinkii lasoo dhaafay, 20 Kii sano ee u dambeeyey.

Hadaba sidee baan ugu taqalusi karnaa ama aan u baabi’in karnaa baahida jirkeen, isla markaana fiirinaa baahida Ruuxeena!

Marka hore, waa inaad ogaataa qofkasta oo aqrinaya qoraalkan, ku qancidda waxa aad heysatid waa arrin aad iyo aad muhiim u ah, ogow in waxkasta oo aad heshid inay yihiin wax dad kale oo badan ayna heysan, waa arrin aan macno laheen inaad maanta oo dhan aad u orodid waxaanad heysid.

Taas daraadeed, boqorkii Suleymaan waxaa uu ku yiri buuga Ecclesiastes: ” Ku farax waxa aad heysatid, illow waxaanad heysan, waa wax aan macno laheen raadinta aduunyu quruxdeeda iyo walxo aanad awoodi karin waana adoo ka daba cararaya dabeel oo waligaa ma aad gaareysid”

Hadaba ugu dambeyn, waxaa muhiim ah inaad ogaatid in aduunkan aad timi adiga oo kaliya, qaawan, waxna aan heysan, aadna ka tegi doonto sidoo kale, waayo aad u mareysaa dhibaatadaas oo dhan, raadinta wax aanad waligaa heysaneyn, ka fakar arrintaas!

© Somali Christian Ministries, 2014
Top