Ku soo dhawaada!
Walaalayaal website-kaan waxaan u samaynay si ay soomaalida masiixiyiinta ah ee dunida daafaheeda ku nool ay isu bartaan oo ay ugu wada xidhiidhaan. Website-ka waxa kale oo uu u furanyahay inay soomaalida kale ee aan masiixiyiinta ahayni ay soo galaan oo ay akhristaan amaba ay u dhegeystaan fariimaha ku jira website-kan oo ah kuwo xiiso badan. Sidaas daraaddeed waxaan dhammaan idin ogeysiineynaa inaad nala soo xidhiidhaan oo aad nala soo wadaagtaan wixii faallo ama su’aalo ah ee aad heysaan ee ku saabsan website-ka amaba guud ahaan masiixiyiinta soomaaliyeed iyo masiixiyaddaba…
Waxaan ka codsanaynaa soomaalida masiixiyiinta ah inay noo soo diraan taariikhda ku saabsan sidii ay masiixiyiin ku noqdeen taasoo aan ku qori doono website-ka si ay dadka kale u akhristaan oo ay uga faa’iideystaan.
Fadlan haddaad rabtaan inaad luqadda af-soomaaliga nagula soo xidhiidhaan warqadhiinna ku soo hagaajiya macalin Xassan oo emailkiisa uu yahay: Email: roohaani@yahoo.com
Haddii aad rabto inaad luqadda ingiriisida nagula soo xidhiidhaan waxaad nagala soo xidhiidhi kartaan cinwaanka macalin Xassan ee kor ku xusan, amaba cinwaanka macalin Andrew oo ah: roohaani@yahoo.com
Fadlan halkan ka akhriso daraasado dheeraada oo ku saabsan diinta masiixiyadda.
Filin Fiican Baan kuu haynaa.
Noloshii Ciise Masiix (The Life of Jesus Christ) scmforchrist@gmail.com
Filinkan
waa filinka ugu hubaalsan ee Nolosha iyo ereyaasha Ciise Masiix ku
saabsan. Erayaasha oo dhan ee hadalka filinkan waxay ka yimaadeen
Kitaabka Qoduuska ah. Filinkan waxaa laga rikooday 16 af, oo qaarkood
ay ka mid yihiin afafka Ingiriisiga, Faransiiska, Soomaaliga, Carabiga,
Urduuga iyo in kaloo badan.
Haddaadan haysanin, oo Hal nugul (Koobi)
aad doonaysid, haddiyad ahaan baan kuu siin doonaa. Fadlan Cinwaankaaga
boostada noo soo dir.
|
|
|
All donations are tax deductible. Charitable Registration # 856550306RR001.

