Personal tools
You are here: Home Somali language Casharo Soomaali Ah Aasaaska Diinteenna

Aasaaska Diinteenna

(The Foundation of Our Faith) by: Brother Warsameh

1.

Su'aal: Immisa Ilaah ayaa jirta?

Jawaab: Waxaa jira hal Ilaah oo xaq ah.

Aayad: Markos 12: 29b "Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya."

 

2.

Su'aal: Maxaa loola jeedaa Saddexmidnimo?

Jawaab: Saddexmidnimadu waa eray ka war bixiya sida Ilaah isugu muujiyo Kitaabka Qudduuska ah, sida Aabbaha, Wiilka, iyo Ruuxa Qudduuska ah. Inkasta oo uu mid kasta oo ka mid ah Saddexmidnidu yahay Ilaah kaamil ah marna lama macne ahan saddex Ilaah. Eeg su’aasha laad.

Aayad: 2 Korintos 13:14 “Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelmnimada Ruuxa Qoduuska ahu kulligiin ha idinla jireen.”

 

3.

Su'aal: Aabbahu ma Ilaah kaamil ah baa?

Jawaab: Haa, Aabbaju waa Ilaah kaamil ah?

Aayad: Filiboy 2:11 “Iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.”


4.

Su'aal: Wiilku ma Ilaah kaamil ah baa?

Jawaab: Haa, Wiilku waa Ilaah kaamil ah?

Aayad: Yooxanaa 20:28 “Toomas ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigay iyo Ilaahayow.”


5.

Su'aal: Ruuxa Qudduuska ahi ma Ilaah kaamil ah baa?

Jawaab: Haa, Ruuxa Qudduuska ahi waa Ilaah kaamil ah.

Aayad: Falimaha Rasuullada 5:3a-4b “Laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shaydaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Qoduuska ah been u sheegtid…Dad been uma aad sheegin, waxaadse u sheegtay Ilaah.” F.G. Seddaxmidnimadu marnaba micnaheedu ma ahan seddax Ilaah. Eeg su’aasha laad.


6

Su'aal: Yaa abuuray adduunka?

Jawaab: Ilaah ayaa abuuray adduunka.

Aayad: Bilowgi 1:1 “Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.”


7.

Su'aal: Illah wax kasta miyuu og yahay?

Jawaab: Haa, Ilaah wax kasta waa og yahay?

Aayad: Maahmaahyadii 15:3 “Rabbiga indhissu meel kastay jiraan, iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan."


8.

Su'aal: Waa maxaay Kitaabka Qudduuska ahi?

Jawaab: Kitaabka Qudduuska ahi waa Erayga Ilaah.

Aayad: 2 Timoteyos 3:16 "Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada."


9.

Su'aal: Kitaabka Qudduuska ahi muxuu ka kooban yahay?

Jawaab: Kitaabka Qudduuska ahi wuxuu ka kooban yahay Sharcigii nebi Muuse (Towreed), Sabuurkii nebi Daa'uud, Qorniinkii nebiyada, iyo Axdiga Cusub (Injiil).

Aayad: 1 Boqoradii 2: 3a "Oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhowrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatisfurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse…"


Luukos 20:42 "Daa'uud qudhiisa ayaa Kitaabkii Sabuurrada ku leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, midigtayda fadhiiso."


Yooxanaa 6: 45a "Waxaa ku qoran kitaabbadii nebiyada, Kulligood Ilaah baa wax bari doona."


Luukos 24: 44 "Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa in ay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa."


10.

Su'aal: Yaa qoray Kitaabka Qudduuska ah?

Jawaab: Kitaabka Qudduuska ah waxaa qoray Ilaah isagoo adeegsanaya dad barakaysan oo qudduusiin ah oo uu hoggaaminayay Ruuxa Qudduuska ahi.

Aayad: 2 Butros 1: 21 "Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Qoduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay."


11.

Su'aal: Wax miyaa lagu dari karaa ama laga dhimi karaa Kitaabka Qudduuska ah?

Jawaab: Maya! Wax lagu dari karo ama laga dhimi karo Kitaabka Qudduuska ahi ma jiraan.

Aayad: Muujintii 22: 18-19 "Oo haddii nin wax ka qaado erayadii kitaabka wax-sii-sheegiddan, isna Ilaah baa qaybtiisa ka qaadi doona geedka nolosha iyo magaalada qoduuska ah iyo waxyaalaha kitaabkan ku qoran."


12.

Su'aal: Ilaah muxuu Aadan ka abuuray?

Jawaab: Ilaah Aadan wuxuu ka abuuray ciidda dhulka.

Aayad: Bilowgii 2: 7 "Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyay ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool."


13.

Su'aal: Ilaay muxuu ka abuuray Xaawa?

Jawaab: Ilaah Xaawa wuxuu ka abuuray feertii Aadan.

Aayad: Bilowgii 2: 21-22 "Oo Rabbiga Ilaah ahu hurdo weyn buu ku riday ninkii, kolkaasuu gam'ay; kolkaasuu ka bixiyey feedhiisii middood, meesheediina hilib buu ku awday. Oo feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayy naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii."


14.

Su'aal: Ilaah muxuu u abuuray dadka?

Jawaab: Ilaah wuxuu u abuuray dadka in ay isaga sharfaan oo ay caabudaan.

Aayad: Ishacyaah 43: 7 "Waana mid kasta oo magacayga loogu yeedho, oo aan u uumay sharaftayda aawadeed. Anigaa sameeyey, oo anigaa suubiyey."


15.

Su'aal: Sidee ayaan u sharfi karnaa una caabudi karnaa Ilaah?

Jawaab: Ilaah waxaan u sharfi karnaa una caabudi karnaa in aan isaga jeclaano oo aan camal wanaagsanna aan la nimaadno.

Aayad: Matayos 5: 16 "Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan."


16.

Su'aal: Halkee ayey Adan iyo Xaawa ku noolaayeen markii hore?

Jawaab: Adan iyo Xaawa markii hore waxay ku noolaayeen beer Ceeden.

Aayad: Bilowgii 2: 15-17 "Rabbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro. Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal; wax baad ka cuni kartaa: laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa."


17.

Su'aal: Muxuu Ilaah uga eryey Aadan iyo Xaawa beertii Ceeden?

Jawaab: Ilaah wuu ka eryey Aadan iyo Xaawa beer Ceeden waayo waxay wax ka cuneen geedkii looga digay in aanay waxba ka cunin.

Aayad: Bilowgii 3: 6 "Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed loo doonay in caqli lagu yeesho, ayey midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay."


18.

Su'aal: Waa maxaay dembi?

Jawaab: Dembi waa caasinimo iyo wax kasta oo qilaafsan ammarada Ilaah.

Aayad: 1 Yooxanaa 3: 4 "Kii kasta oo dembi falaa wuxuu falaa caasinimo; oo dembigu wuxuu yahay caasinimo."


19.

Su'aal: Ma jiraa qof aan dembi lahayni?

Jawaab: Maya, ma jiro qof aan dembi lahayni.

Aayad: 1 Yooxanaa 1: 8 "Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, hafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto."


20.

Su'aal: Dhib intee la'eg ayaa ka dhashay dembigii Aadan iyo Xaawa iyo keennaba?

Jawaab: Dhammaanteen waxaan ku caasinnay oo aan ka fogaannay Ilaah waxaana mudan keennu yahay in aan dhimano waayo ciqaabta dembiga ayaa ah dhimasho keliya.

Aayad: Rooma 3: 23 "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah."


Rooma 6: 23a "Waayo, mushahaarada dembihu waa dhimashada…."


21.

Su'aal: Sayid Ciise Masiix weligiis miyuu dembaabay?

Jawaab: Maya! Sayid Ciise Masiix weligiis ma dembaabin haba yaraatee.

Aayad: Cibraaniyada 4: 15b "Laakiin waxaynu leennahay mid (Sayid Ciise Masiix) si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn."


22.

Su'aal: Ilaah muxuu sammeeyey si uu u sugo badbaadadeenna?

Jawaab: Illah, naxariistiisa aawadeed, wuxuu bixiyey qiimihii dembigeenna kaddib markii uu soo diray Sayid Ciise Masiix si uu iskutallaabta ugu dhinto dembiyadeenna aawadood.

Aayad: Rooma 5: 8-9 "laakiinse waa inoo dhintay intaynu weli dembiilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoohu muujiyey. Haddaba haddaynu haatan dhiigiisa xaq ku noqonnay, de si ka baddana isagaynu isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah."


23.

Su'aal: Sidee ayaynu ku heli karnaa badbaado?

Jawaab: Waa in aan Sayid Ciise Masiix u rumaynaa in uu yahay Badbaadiyaheenna.

Aayad: Falimaha Rasuullada 16: 31a "Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa."


24.

Su'aal: Maxaa loola jeedaa in aan u rumayno Sayid Ciise Masiix in uu yahay Badbaadiyaheenna?

Jawaab: In aan u rumayno Sayid Ciise Masiix in uu yahay Badbaadiyaheenna waxaa loola jeedaa in aan ka toobad keenno dembiyadeennii hore oo aan isaga keligiis si rasmi ah ugu kalsoonaanno in uu inna siiyo badbaado maaddaama uu yahay Sayidkeenna u dhintay dembiyadeennii kana soo sara kacay kuwii dhintay.

Aayad: Falimaha Rasuullada 3: 19a "Haddaba toobad keena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro…"


Rooma 10: 9-10 "Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Illah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa, waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta."


25.

Su'aal: Badbaadadeenna ma shaqaysan karnaa haddii aan la nimaadno camal wanaagsan?

Jawaab: Maya, badbaadadeenna ma shaqaysan karno haddii aan la nimaadno camal kasta oo wanaagsan. Runtii badbaadadeennu waa deeq Ilaah.

Aayad: Efesos 2: 8-9 "Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, ma aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin."


26.

Su'aal: Sidee ayaan demgiyadeenna cafis ugu heli karnaa haddaan nahay mu'miniin?

Jawaab: Waa in aan dembiyadeena Ilaah u qirannaa si uu innooga cafiyo.

Aayad: 1 Yooxanaa 1: 9 "Haddaynu dembiyadeenna qirano, isagu waa aamin iyo caadil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarradu oo dhan."


27.

Su'aal: Haddii ay badbaadadeenu tahay deeq Ilaah oo nimco ah oo aanan innagu shaqaysan karayn, weli miyaa la inaga doonayaa in aan la nimaadno camal wanaagsan?

Jawaab: Haa, waa in aan la nimaadno camal wanaagsan; inkastoo aanan badbaado ku helayn, haddana, waa miraha iimaanka oo sharfa Ilaah.

Aayad: Yacquub 2: 18 "Laakiin waxaa la odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay rumaysad, anna waxaan leeyahay shuqullo. I tus rumaysadkaaga aan shuqullada lahayn, anna rumaysadkayga shuqulladaydaan kugu tusi doonaa."


28.

Su'aal: Waa maxaay qudduusnimo?

Jawaab: Qudduusnimadu waa qumanaan iyo toosnaan hadal iyo camalba leh oo laga doonayo dhammaan Masiixiyiinta oo dban maaddaama ay tihiin kuwo ku dayanaya Sayid Ciise Masiix.

Aayad: 1 Butros 1: 15-16 "Laakiinse siduu kan idiin yeedhay qoduuska u yahay, idinkuna sidaas oo kale dabiicaddiinna oo dhan qoduus ku ahaada, maxaa yeelay, waxaa qoran, Idinku waa inaad qoduus ahaataan, waayo, aniguba qoduus baan ahay."


29.

Su'aal: Ruuxu Qudduuska ahi muxuu sameeyaa si uu u caawiyo mu'miniinta?

Jawaab: Ruuxa Qudduuska ahi wuxuu ku jiraa mu'miniinta si uu u awoodsiiyo in ay nolol qudduus ah ugu noolaadaan Sayid Ciise Masiix dartiis.

Aayad: 1 Korintos 3: 16 "Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro."


30.

Su'aal: Waa maxay salaaddu?

Jawaab: Salaaddu waa la hadlid Ilaah, ku xamdinaqidiis, iyo caabudiddiisaba.

Aayad: Filiboy 4: 6 "Waxba haka welwelina, laakiinsi wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto"


31.

Su'aal: Sidee ayaa kaniisadda Ilaah loo taageeraa?

Jawaab: Kaniisadda Ilaah waxaa taageero u ah hadiyadaha ay bixiyaan xubnaheedu hadba inta ay xubin weliba awooddo.

Aayad: 1 Korintos 16: 2a "Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey."


32.

Su'aal: Waa maxay baabtiisku?

Jawaab: Baabtiisku waa qirasho laga hor sameeyo dad kale inagoo u sheegayna in aan rumaysannay Sayid Ciise Masiix in uu yahay Sayidkeenna kana toobadkeenayna dembiyadeenii. Qofka qirashadan samaynaya ayaa biyo la maquuriyaa oo misna laga soo saaraa si loo muujiyo in uu Sayid Ciise Massix la dhintay lana soo sara kacay.

Aayad: Falimaha Fasuullada 8: 36 "Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biya leh, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?


Fallimaha Fasuullada 19: 5 "Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa."


33.

Su'aal: Waa maxay Cashada Sayidku?

Jawaab: Cahada Sayidku waa qaadashada kibista iyo koobka iyadoo lagu xusuusanayo dhimashadii uu Sayid Ciise Masiix innoo dhintay.

Aayad: Luukos 22: 19-20 "Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahad naqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh. Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya. Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay."


34.

Su'aal: Yaa ka qayb qaadan karaya Cashada Sayidka?

Jawaab: Cashada Sayidka waxaa ka qayb qaadan karay mu'miniinta rumaysatay in Sayid Ciise yahay badbaadiyahooda.

Aayad: 1 Korintos 11: 28-29 "Nin kastaa ha is-imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabba. Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin."


35.

Su'aal: Qof Masiixi ahi ma guursan karaa qof aan Masiixi ahayn?

Jawaab: Maya, qof Masiixi ahi ma guursan karayo qof aan Masiixi ahayn.

Aayad: 2 Korintos 6: 14-15b "Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwo aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan…ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin."


36.

Su'aal: Maxay noqon ninkii Masiixi noqdaa laakiinsi aan weli xaadkiisu Masiixi noqon?

Jawaab: Ninka Masiixiga noqday yaanuu ka tegin xaaskiisa haddii ay doonayso in ay la sii noolaato. Gabadhuna waa sidaas oo kale, haddii ay Masiixi noqoto ninkeeduna aanuu weli Masiixi noqonin, waa in aanay isaga ka tegin haddii uu doonayo in uu la sii noolaado.

Aayad: 1 Korintos 7: 12b-13 "Hadduu mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la joogto, yaana ka tegin. Oo afadii nin aan rumaysanayni qabo oo isna raalli ka yahay in uu la joogo, yaaney ninkeeda ka tegin."


37.

Su'aal: Ka warran haddii xaaska aan Masiixiga noqon uu iskiis isaga tago?

Jawaab: Ninka aan Masiixiga noqoni haddii uu doorto ha iska tago, gabadha mu'minadda ahi eed innaba ma leh. Ninka Masiixiga noqdayna waa sidaas oo kale. Haddii xaaskiisa aan mu'minadda noqoni go'aansato in ay iska tagto, isna eedi dushiisa ma ahan.

Aayad: 1 Korintos 7: 15 "Laakiin haddii kan aan rumaysanayni tago, ha iska tago. Waxaas oo kale walaalka ama walaashu uma xidhxidhna. Illaah wuxuu inoogu yeedhay nabad.


38.

Su'aal: Guur cayn kee ah ayaa Ilaah ugu talo galay dadka sida ku cad Kitaabkiisa?

Jawaab: Hal nin iyo hal naag oo keliya ayaa Ilaah ugu talo galay in ay is guursadaan. Guurkii kulmiya nin iyo naag ka badanna wuxuu qilaafsan yahay qorshaha Ilaah u dhigay dadka sida ku cad Kitaabkiisa.

Aayad: Markos 10: 7-8 "Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa. Labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh.


39.

Su'aal: Ninkii isagoo hal xaas ka badan leh noqda Masiixi, miyuu furayaa dhammaan oo uu la harayaa tii ugu horaysay oo keliya?

Jawaab: Maya! Furriinku waa xaaraan Ilaahna aad ayuu u neceb yahay. Gogol dhaaf waxaan ka ahayni ma bannayn karayaan furriin.

Aayad: Matayos 5: 32 "Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.


Malaakii 2: 16 "Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waan necbahay furidda, oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan necbahay kii dharkiisa dulmi ku deda, haddaba sidaas daraaddeed iska jira oo khiyaano ha ku macaamiloonina."


40.

Su'aal: Ninka isagoo hal xaas ka badan leh noqday Masiixi, ma wuxuu u tegayaa oo keliya xaaskiisii ugu horreysay, oo inta kalena miyuu ka dhowrsanayaa in uu la seexdo in kasta oo uu marasho iyo masruuf siinayo iyaga iyo caruurtoodaba?

Jawaab: Maya! taasi waxay qilaafsan tahay ammarka Ilaah ee uu dhigayo Kitaabkiisa Qudduuska ahi. Runtii haweenka uu qabo oo dhami waa isku wada xaq waana in uu caddaalad falaa.

Aayad: Baxniintii 21: 10 "Oo hadduu naag kale la guursado, waa inuusan inna ka dhimin masruufkeeda, iyo dharkeeda, iyo xaqa naagnimadeeda."


41.

Su'aal: Kaniisaddu miyey baabtiisi ninkii leh hal xaas ka badan ee noqda Masiixi?

Jawaab: Haa! Kaniisaddu waa in ay baabtiistaa qof kasta oo noqda Masiixi. Shardiga keliya ee ku xiran baabtiiska waa in uu qofkaasi ahaadaa mid toobad keenay oo rumaystay in Sayid Ciise Masiix yahay Badbaadiyihiisa. In loo diidaa in biyo lagu baabtisso qof Sayid Ciise Masiix rumaystay waxay noqonaysaa in la caasiyo Sayid Ciise Masiixi oo dhaqan geliyey baabtiiska.

Aayad: Matayos 28: 19 "Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka, iyo Ruuxa Qoduuskaa."


42.

Su'aal: Kaniisaddu ma u ogolaanaysaa in Masiixi leh hal xaas ka badan uu ka qayb qaato Cashada Sayidka?

Jawaab: Kaniisaddu xaq uma lahan in ay ka hor istaagto qof Masiixi ah in uu ka qayb qaato Cashada Sayidka. Waxa keliya ee ay xaq u leedahay waa in ay u digto mu'min kasta in uu is-imtixaamo isagu bal in uu ka qayb qaadan karayo Cashadaas Sayidka.

Aayad: 1 Korintos 11: 28, 31 "Nin kastaa ha is imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabbo….Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen."


43.

Su'aal: Kaniisaddu ma howl gelin kartaa mu'min leh hal xaas ka badan kaas oo Ilaah ugu yeeray in uu Sayidka si buuxda ugu adeego?

Jawaab: Haa! Ilaah wuxuu si wayn u isticmaalay rag iimaan iyo daaacadnimo isku darsaday oo hal xaas ka badan lahaa, Ibraahim iyo Daa'uud, in ay dunida barako u soo jiidaan. Xusuuso Saleebaan oo isagoo Ruuxa Qudduuska ahi hoggaaminayo qoray dhowr suuradood oo ka mid ah Maahmaahyadii sida ku cad Kitaaba Qudduuska ah. Intaas waxaa dheer oo Kitaabku dhigayaa, in nin hal xaas ka badan lihi aanuu kaniisadda hoggaamiye ama caawiye ka noqon.

Aayad: 1 Timoteyos 3: 2a "Sidaas daraaddeed hoggaamiyaha kaniisaddu waa in uu ahaado mid aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba…"


1 Timoteyos 3: 12 "Caawiyayaasha kaniisaddu mid kastaahu naag keliya ha guursado, hana noqdeen kuwo si wanaagsan ugu talinaya carruurtooda iyo guryahooda."


44.

Su'aal: Maxaa lagu samayn mu'minkii naag labaad guursada?

Jawaab: Ninkii guursadaa naag labaad ka dib markii uu Masiixi noqday wuxuu gelayaa dembi wayn, wuxuuna qilaafay qawaaniinta Ilaah ee ku ca Kitaabkiisa. Kaniisaddu waa in ay anshax marisaa ninkan xalaalaystay xaaraaanta.

Aayad: 1 Korintos 5: 11a, 13b "Laakiin hadda waxaan idiin soo qoray, Ha raacina qof walaal la yidhaadhdo hadduu sinaysto, ama wax badan damco….Idinkuse kan sharta leh dhexdiinna ka saara."


45.

Su'aal: Xaggee ayuu haatan ky sugan yahay Sayid Ciise Masiix?

Jawaab: Sayid Ciise Masiix haatan jannada ayuu ku sugan yahay.

Aayad: 1 Butros 3: 22 "Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midig oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga."


46.

Su'aal: Waa maxaay janno?

Jawaab: Jannadu waa meel kaamil ah oo loo diyaariyey kuwa badbaaday si ay Ilaah u weheshadaan weligood.

Aayad: Muujintii 21: 27 "Oo gudaheedana sinaba uma ay geli doonaan wax nijaas ah amase kii sameeya karaahiyo iyo been, laakiinse waxaa keliyahoo geli doona kuwa ku qoran kitaabka nolosha ee Wanka"


47.

Su'aal: Waa maxay naartu?

Jawaab: Naartu waa meel leh ciqaab weligeed ah oo loo diyaariyay kuwa aan badbaadin.

Aayad: Matayos 25: 41 "Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa' igihiisa loo diyaargareeye."


48.

Su'aal: Sayid Ciise Masiix miyuu soo laabaan doonaa?

Jawaab: Haa! Runtii wuu soo laaban doonaa si uu dunida u xukumo.

Aayad: Matayos 24: 30 "Markaasaa waxaa cirka ka soo muuqan doona calaamada Wiilka Aadanaha, markaas ayaa qolooyinka dhulka oo dhammu barooran doonaan, oo waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn."

 

Document Actions