Guurka Kitaabka Qudduuska ah
Bilowgi Ilaah wuxu abuuray dunida, ka dib wuxu abuuray nin iyo naag ama Aadan iyo Xaawo wuxu ugu yeeday Dad. Ilaah jeceelka uu u qabay abuurkiisa wuxu Adam iyo Xaawo awood u siiyey inay Iaah Jannadda kula nooladaan weligood oo ay Ilaah halkaas ku cabuddaan. Sida Kitaabka Qudduuska ah inoo sheegay Aadam iyo Xaawo amarkii Ilaah ku xukumay inay xajiyaan way ka baxeen oo way jabiyeen axdigii Ilaah la dhigtey, oo isla markaa wajigii Ilaah ayaa ka qarsoomay dembigii ay galeen awgeed.
Hasa yeeshee Ilaah naxariistiisa weli way la jirtay Aadan iyo Xaawo sababta uu ugu abuuray Nin iyo Naag ama lab iyo dhidig waa inay kulmaan oo ay isguursadaan oo ay tarmaan si ay dunida u buuxiiyaan halkaasna Ilaah ku cabudaan inta ay dunidu jirto.
Guurka Kitaabka Qudduuska ah waa kulanka hal Nin iyo hal Naag keli ah, labada Qof oo ku midoobay kulanka guurkooda oo waxay yihiin mid ama hal qoys.
Kitaabku wuxuu sheegay in sababtaa awgeed Ninku uu ka tagi doono guriga Abihiis iyo Hooyadiis oo wuxu la kulmi Naagtiisa ama gabadha uu jeclaado, oo markay isguursadaan waxay noqdaan mid ama hal jidh.
Ilaah wuxu yidhi guurku waa axdi iyo ballan adag oo nool, waa mid wakhti dheer jira oo ay ku raaxaystaan labada qof ee isguursaday. Waa xadhig adag oo isaga dhow laba walaal ah.
Matthew 5:32
Sida Kitaabka Qudduuska ah sheegay waxa aan shaki lahayn kii ala kii Naagtiisa u fura sabab aan aheyn inay sinaysatey mahee, wuxu iyada ku dhigay dhilo. Oo Ninka guursada Naagtaas la furay wuu ka sinaystey iyada oo xalaal uma aha.
Sidaas oo kale Naag alla Naagtii Ninkeeda katagta ama furta bilaa sabab aan ahayn inuu Naag kale doontey oo u ka sinaystey ama guursaday maahee, waxay jabisay guurkii xalaasha ahaa ee iyada iyo Ninkeeda ka dhexeyay. Oo ninkeedii haday guursato xalaal uma aha, waayo ninkeedii xalaasha u aha ayey bilaa sabab uga tagtay.
Xaq maha inuu guurku ku dhamaado furitaan, bilaa sabab waxa quudha ee Guurka dhawiici kara waa hadduu midkood gogol dhaaf sameeyo ama sineysto.
Markos 10: 6-9.
Tan iyo bilowgii abuurka dunida Ilaah ayaa u sameeyey nin iyo naag lab iyo dhadig, sababtaas awgeed ninku wuxu ka tagi aabihiis iyo hooyadiis wuxuuna la kulmi oo u la jiri naagtiisa. Labaduba waxey noqon isku jidh oo markale iyaga loogu yeedhi mayo laba, waxay yihiin mid. Hadaba waxii Illah isku xidhay Binu-Adam yaanu kala furin.
Hebrews 13:4
Xidhiidhka Guurka iyo jiritaankiisu wuxu leeyahay sharaf iyo cis gaar ah, waa mid dunidda oo dhan farxad u leh. Madaama guurku yahay hadiyad xagga Ilaah ka timid waa xaq in la eego gogosha guurka daahiir iyo xalaal oo labada isqaba dacad isu ahaadaan, si aanay ugu dhicin dabinka sinada. Oo kii ku kaca shuqullada ibliiska, Ilaaha weyn ee xukunka leh hoortiisa ciqaabtiisu ama ganaaxiisu waa ku weyn.
Guurka Kitaabka Qudduuska ahi waa xalaal, waana mid ay Ninka iyo Naagta is guursaday ku raaxeystaan inta ay dunidan joogaan.
Isagoo awoodi kara Ninku hadduu daryeel tiri waayo reerkiisa, wuxu la mid yahay yahay cawaan ama mid Ilaah rumeysneyn.
Waa masuuliyada ah inu Ninku qiimeeyo, oo uu siiyo Naagtiisa fursad buuxda Dhinaca mamuulka iyo xidhiidka guurka ee ka dhexeeya isaga iyo naagtiisa. Oo waa inuu naftiisa u bixiyo iyada hadii loo baahdo.
- Waa inuu Ninku u arkaa xaaskiisa ama naagtiisa inay u tahay barakad iyo inshaaro uu xagga Ilaah ka helay.
- Sida Kitaabka Qudduuska ah sheegay Ninku masuuliyadda Naagta waa mid ka horaysa shaqada iyo hawlaha siyaasadda oo dhan.
- Massiixiga xigmadda leh waa inuu yahay hal naag ninkeed.
Proverbs 18:22.
Kii alla kii hela xaas iyo qoys wacan, wuxuu helay barakadda Ilaah.
Timothy 3:2-12.
Qofka massiixiga ah waa inuu foojignaadaa oo u yahay nin xaqa, guurkiisuna ku eeg yahay hal naag, waa inuu naxaariis iyo marti soo dhaweyn leeyahay. Waa inuu yahay mid wax bari kara lagana baran karo. Waa inuu noqdo mid caruurtiisa, guriigiisa, iyo dariskiisa og.
Ninka masiixiga ah waa inuu ula dhaqmaa naagtiisa si xushmad leh, madaama ay guurka qofka masiixiga ah uu yahay iskaashi. Oo aanu ahayn mid qofka la leeyahay ama loola dhaqmo hab adoonsi ah oo kale.
1 Peter 3:7.
Nimankow si xaqa u tixgeliya haweenkiina aad qabtaan kuna dhaqa ixtiiraam, Idinkoo u arka wehelkiinna inay iyo idinka tamar yar hiin, oo idiin yihiin hadiyad iyo dhaxal qaali ah, sii aan loo hor joogsan tukashada iyo baryada Rabbigiina.
Ephesians 5:25-33.
Ninkow jeclow xaaskaaga ama Naagtaada, Sida Sayid Ciise Masiix uu u jecelyahay (Kiniisaddiisa), amaba sida Rabbigu uu u jecelyahay Dadka Dunida oo dhan oo u bixiyey naftiisa iyaga inuu Qudduus ka dhigo, oo u ku nadiifiyo Qowlkiisa.
Sidaas oo kale ragga xaasaska lahow u jeclaada xaaskiina aad qabtaan, sida aad u jeceshihiin naftiina iyo jidhkiina, wayo weli lama hayo qof fayow oo naftiisa neceb. Oo ki naagtiisa jecelaadaa wuxu kaloo uu jecelyahay naftiisa.
Sidas oo kale haweenka la qabaw u jeclaada oo sharaf gaar ah siiya oo u eega Nimankiina aad guursateen sida naftiina waayo, isagaa ah kan Ilaah ku siiyey inaad dunida kula raaxaysato.
Guurka labada qof ee massixiyiinta ah ayaa ah mid ay labada qof u simanyihiin masuuliyadda iyo hogaaminta caruutooda iyo guriigooda. Inkastoo uu ninku yahay madaxa qoyska oo uu taas kitaabku sheegay hadana waxa fiican inuu naagtiisa la wadaago wixii talada reerka ku saabsan.
Previous: Ma Ogtahay?
