Personal tools
You are here: Home Somali language Casharo Soomaali Ah Ma Ogtahay?

Ma Ogtahay?

UUNKA WADA GAARA

Ma ogtahay Masiixii markuu

samada aadaayey

Ma ogtahay inuu yiri ammar oo dhan aa

aniga ley siiyey?

Ma ogtahay xertii in uu ku yiri

uunka wada gaara?

Ma ogtahay xer ka dhiguuna yiri

aadanoo idile?

Ma ogtahay baabtiisuuna yiri

markey aamminaane?

Ma ogtahay Seddaxmidnimadaa

la isku baabtiisi?

Ma ogtahay addeeciddaa la bari

iney adkeeyaane?

Ma ogtahay inuu yiri anaa

idinla sii joogi?

Ma ogtahay addeeceen warkii

Eebbahood faraye?

Ma ogtahay adduunkoo dhan buu

gaarey Eraygiiye?

Ma ogtahay aniba iigu yimi

aqalki aan iilley?

Ma ogtahay waxaan kula rabaa

inaad ogaataaye?

Ma ogtahay iftiin yaad ka heli

idil ahaantiise?

Ma ogtahay Masiixood akhbasho

arrinta koowaad ah?

Ma ogtahay ummaddood bartana

ammar cad weeyaane?

INJIIL

Ma ogtahay Injiilkeennu waa

Eray Ilaaheeye?

Ma ogtahay inaan lana bedelin

uu yahay sidiisi?

Ma ogtahay Ilaah baana yiri

dhowra Eraygeyga?

Ma ogtahay inaan yeelnayoo

taaban Eraygiisa?

Ma ogtahay awood inuu ka heli

kii adkeeyaana?

Ma ogtahay iftiin inuu yahay

nuursha illinkiisa?

Ma ogtahay miro ruuxiyaa

uunku ka arkaaye?

Ma ogtahay adduunkuu ku heli

Eebbe wuxuu siiyo?

Ma ogtahay abaal marin sugyoo

Aakhiruu heliye?

Ma ogtahay ilmeyn maayo oo

wuu ilka caddeyne?

Ma ogtahay akhbaarkaas inuu

dhigayo Injiilku?

Ma ogtahay la'aantiis iney

dunidu aafoobi?

Ma ogtahay inuu yahay dawada

aadanuhu doono?

Ma ogtahay inaan kula jeclahay

inaad horuu doonto?

Ma ogtahay aaya maleh ninkii

diida Eray Eebbe?

BARAKEYSAN

Ma ogtahay barakeysan kuwa

aan is booxaarin?

Ma ogtahay boqortooyada Jannadaa

gacanta loo buuxin

Ma ogtahay barakeysan kuwaa

laga baroorsiiyo?

Ma ogtahay Baaxad-soorahaa

bishaaradood siine?

Ma ogtahay barakeysan kuwaan

camal la buubeynin?

Ma ogtahay barwaaqada dhulkey

dhaxli banaankaase?

Ma ogtahay barakeysan kuwa

xaqnimo u baahan?

Ma ogtahay baashaal iney

uurka buuxsanina?

Ma ogtahay barakeysan kuwa

naxariista badan?

Ma ogtahay berigooda yaa

boorka laga qaadi?

Ma ogtahay barakeysan kuwaan

uurku bahaloobin?

Ma ogtahay berri inuu Ilaah

baro u dheerayni?

Ma ogtahay barakeyan kuwaa

nabada beeraaya?

Ma ogtahay barbaartaa inuu

Eebbe ballan siiyey?

Ma ogtahay barakeysan kuwaa

beenta lagu maago?

Ma ogtahay Boqortooyada Jannadey

baarax u dabaalan?

Ma ogtahay barakeysan kuwaa

Masiixa loo beylin?

Ma ogtahay abaal marin badan

iyaga loo buurye?

TOWBAD

Ma ogtahay towbad xumidey

tamiday Soomaali?

Ma ogtahay iney taag dhigeen

talana ay seegtay?

Ma ogtahay tol aan u tureyn

yey tixgeliyaane?

Ma ogtahay tubtii Eebbehood

saa uga talaabe?

Ma ogtahay ma toobsadaan haddaad

talo u taaneyso?

Ma ogtahay Injiil tows ridaa

diide taladiise?

Ma ogtahay Masiix taah tiraa

diide tusmadiise?

Ma ogtahay tumaatida ku dhici

taaheedaba mooge?

Ma ogtahay taarik iney yihiin

toosinin salaadda?

Ma ogtahay haddey tiicayaan

talo xumaantoode?

Ma ogtahay tab iyo xeelad ma leh

tu' ay ku faadi ?

Ma ogtahay Masiixey tartiib

taladiis yeelaanna

Ma ogtahay Injiilkey si toosa

ugu tixnaadaana

Ma ogtahay haddey toobad keen

aaney wada taabin?

Ma ogtahay tacabkood khasaar

tobanya dhowr jeere?

JAAHILAA LUMAY

Ma ogtahay Jaamacow ninkii

jaahilaa lumaye?

Ma ogtahay Jaxiimaan ka baqi

inuu u jiitaaye?

Ma ogtahay jikraarkiyo wuxuu

eedi jirribaadda?

Ma ogtahay xigaaliyo juffuu

Jidka ka doortaaye?

Ma ogtahay wuxuu jantaba

xaqa ma jiibeeyo?

Ma ogtahay jabkiisana ma oga

jiirku marayaaye?

Ma ogatahay jar inuu ka dhici

aanuu u jeedaynin?

Ma ogtahay kuwaa jerinayoo

oo u jiir nixina

Ma ogtahay inuu juuq u oran

hadal ha joogteena?

Ma ogtahay jalfis kuwuu dhiguu

jaal u heystaaye?

Ma ogtahay jilbiskaa diluu

jaarigiis yahaye?

Ma ogtahay jise laawahaas

jimicii diidaaya

Ma ogtahay janno inuu jahdaa

jiinka laga waaye?

Ma ogtahay jameecada Masiix

hadduu u soo jeesan

Ma ogtahay dhegna jalaq hadduu

jeerna u siineynin

Ma ogtahay Injiilkaa Jabbaar

hadduu u soo joogsan

Ma ogtahay Jaliil inuu jaaseyn

yaa u jiri doonta?

QUDDUUSNIMO

Ma ogtahay Ilaah Qaaddirkeen

waa wada qudduuse?

Ma ogtahay qudduusnimuuna faray

kii qira iimmaanka?

Ma ogtahay qof aan qudduus ahayn

Qaaddir arkimeyse?

Ma ogtahay qudduus haddii la noqon

qodobaa jira e?

Ma ogtahay Masiixood qirtaa

qodobka koowaad ah?

Ma ogtahay Qaaddirna waa inaad

qaab u jeclaataaye?

Ma ogtahay Qaaddir kale ma jiro

waa inaad qirtaaye?

Ma ogtahay qodob kalena waa

qaddari deriskaaga?

Ma ogtahay qisa kalaan rabaa

inaan kuu qunshaaye?

Ma ogtahay qummanaantu waa

qiime saa'idahe?

Ma ogtahay qurun laga haraa

qabarku noo sheegay?

Ma ogtahay qaab u socodka xumi

waa qar soo dumiye?

Ma ogtahay qadaf lama rabee

waa leys qurxiyaaye?

Ma ogtahay qushuuc waa sedee

qoomamadaa ceeba?

Ma ogtahay qiyaamaa jirtoo

Qaaddir loo tegiye?

XOG WARRAN

Ma ogtahay Soomaaliyey

sidaan idiin dooni?

Ma ogtahay sumad inaad tihiin

suran sedrigeyga?

Ma ogtahay sinnaba inaad

igaga suuleynin?

Ma ogtahay in leydin siroo

siriq leydiin daadshey?

Ma ogtahay in leydinku sugay

sebiyo waayeelna?

Ma ogtahay surunkaad heysaan

Saciiruu tagaaye?

Ma ogtahay Dariiqii sugnaa

leydinka sii jeedi?

Ma ogtahay siyaasadey ahayd

seddaxda Ilaahe?

Ma ogtahay sideedaba inaan

Saaddir qura leennay?

Ma ogtahay siniyo faaxishaba

Sayidku noo diidye?

Ma ogtahay sed weeyee inaan

oognana salaadda?

Ma ogtahay soonkana inaan

saani u adkeyno?

Ma ogtahay saddaqada waan

siinnaa ehelkeede?

Ma ogtahay sulux in aan nahoo

nabadda aan soorro

Ma ogtahay jannana inuu ka sabri

Sayidka kii diida?

CAJABAYEY!

Ma ogtahay Cali in aan ku iri

Caaddil war aqoonso?

Ma ogtahay in uu ciil qabtoo

carana ay saaqday?

Ma ogtahay caqli in aan u iri

war cowdibileyso?

Ma ogtahay cajabeyey uu yiri

Casiis waan aqaanaa?

Ma ogtahay cibaaradu waa

Ciisaha ad diidday?

Ma ogtahay Ciise inuu uun yahay

nebi Caaddil doortay?

Ma ogtahay Ciise nebi ka weyn

cilladdu waa taase?

Ma ogtahay cid kama aanan maqal

casharka kaagaahe?

Ma ogtahay inaan Ciise dabdii

Caaddil nebi dirin?

Ma ogtahay codxumidaadu iney

ciiddu ay giriiri?

Ma ogtahay cagahaaga yaa dhaama

caqligaaga?

Ma ogtahay cilaaqtanku ma ahan

camal gobaadeede?

Ma ogtahay cagahaaga yaa

Casiis ka cabsoodey?

Ma ogtahay caqligeyguna

Caaddil wuu yaqaannaa?

Ma ogtahay caammaa luntaye

culimo liibaantay?

Ma ogtahay caqiido san inaan

anigu ceyneynin?

Ma ogtahay Ciisaa kaaga filan

culeys ku haayoo dhan?

Ma ogtahay cishadanaan rabaa

Ciise in aan raaco?

Ma ogtahay Casiis waaxidaa

culay ad laabtaada?

Ma ogtahay cidaheygi yaa

cabsi igu haaya?

Ma ogtahay haddey Ciise rabaan

cidi ma hor joogto?

FAA'IIDO MA LEH

Ma ogtahay Faaraxow fudeyd

laguma faa'iido

Ma ogtahay fagfagtuna ka daran

furuqa faafaaye?

Ma ogtahay falkastoo ad fali

labaa la fiirshaaye?

Ma ogtahay fiig baa ku xigi

fara fudeyd baase?

Ma ogtahay facaa raaca waa

lagu fidnoobaaye?

Ma ogtahay faduusha xaqaa

laga fogaadaaye?

Ma ogtahay filfilid laguma helo

fered Ilaaheeye?

Ma ogtahay nin falan oo quraa

Eebbe isku fiiqa?

Ma ogtahay Fataax Eraygiisa

laguna faayaaye?

Ma ogtahay fiqiyadiisa yaa

laga faa'iidaaye?

Ma ogtahay Fardowsey ku geyn

faalada toodaa he?

Ma ogtahay fool adeyg ka roon

fulaynimo jaane?

Ma ogtahay faral weeye inaad

Ciise fadlan raacdo?

Ma ogtahay Injiilkeyna faray

Fiqiga raaciise?

Ma ogtahay famil hadduu ku noco

Fataaxaad leedahay?

LA'EED

Ma ogtahay Kulmiyow la'eed

kalaamka beentaahe?

Ma ogtahay wuxuu kaa geeyaa

keli Ilaaheeye?

Ma ogtahay kurbuu kugu ridaa

kaaga sii darane?

Ma ogtahay karaamaadna ma leh

kaan iska ilaalin?

Ma ogtahay kibir yaa dabeed

kurku la dheeraane?

Ma ogtahay wuxuu kaa celshaa

kalaam Ilaaheeye?

Ma ogtahay Injiikuu ku oran

waa ku aan jirine?

Ma ogtahay Masiixana kol buu

kuugu dhigi hoose?

Ma ogtahay kalaamkaas beentaahi

waaba karantiine?

Ma ogtahay ninkuu kaamil helo

kuuste gebigiiye?

Ma ogtahay Kaniisadda Alluu

kaaga digayaaye?

Ma ogtahay Kitaab kuu ku oran

kii horeba maahan?

Ma ogtahay sheydaankaa ka dhigan

kobuu ka soo duulo?

Ma ogtahay inkastoon ka digay

kallifka uu keeno

Ma ogtahay kumanaan ka badan

kuwaan i yeeleyne?

LARUURO

Ma ogtahay lillaahiye iney

lumeyso Soomaali?

Ma ogtahay luggooyaa la baday

lala diciifaaye?

Ma ogtahay libtoodi lunsheen

labiyo dhowr jeere?

Ma ogtahay laayacaa ku dhacay

iney liciifeenna?

Ma ogtahay laqbadi loo akhriyey

lalabkey eedeene?

Ma ogtahay lakabkii haddaa

daawa loo helaye?

Ma ogtahay laruuradoodu waa

Injiilkey liideene?

Ma ogtahay lurkaba waxaa ka bi'in

akhrinta Luukoose?

Ma ogtahay ma luudeen haddey

xaqa u laabtaane?

Ma ogtahay leyli bexe haddii

Masiixa loo geeyo?

Ma ogtahay luuqyada kuma heysteen

laqama sheydaane?

Ma ogtahay bannaan lagu nastey

layrsan lahaayeene?

Ma ogtahay laabtoodu wey

liibaani lahayde?

Ma ogtahay luufkaa ka hari

luri calooshooda?

Ma ogtahay inuu laxaw ka hari

laqdaba diideene?

Ma ogtahay laacib iney noqon

jannada loo diidin?

RUNLOW

Ma ogtahay Qudduuska ayaa

maamula adduunke?

Ma ogtahay awood yey ka heli

kulli Masiixiyiintu?

Ma ogtahay Maryan ku abuur

mirihii Masiixa?

Ma ogtahay dembigii ka dhana

marna lama dhaafe?

Ma ogtahay Runlow in la yiraa

magaca kiisaaba?

Ma ogtahay haddiyaduu baxshaa

Macalinkaa weyne?

Ma ogtahay midkii aan lahayn

ma ahan Masiixe?

Ma ogtahay mira ruuxiyuu

siiyaa mu'miniinta

Ma ogtahay jacayl yaa ka mida

miraha uu siiyo?

Ma ogtahay farxad yaa ka mida

miraha uu siiyo?

Ma ogtahay dulqaadashaa ka mida

miraha uu siiyo?

Ma ogtahay nabad yaa ka mida

miraha uu siiyo?

Ma ogtahay roonaan yaa ka mida

miraha uu siyo?

Ma ogtahay wanaag yaa ka mida

miraha uu siiyo?

Ma ogtahay aamminimaa ka mida

miraha uu siiyo?

Ma ogtahay qabow yaa ka mida

miraha uu siiyo?

Ma ogtahay is celin yaa ka mida

miraha uu siiyo?

YIMID MASIIXII

Ma ogtahay mar hore inuu

yimid Masiixeenni?

Ma ogtahay mooradii ku dhallay

Maryanoo bikraahe?

Ma ogtahay maxab kama uu helin

magaaladiisiiye?

Ma ogtahay jannuu mudan hayaa

uunka kii maqlaba?

Ma ogtahay cadaab inuu ku dhici

kii diida Masiixa?

Ma ogtahay in la muday oo

macatab la saarey?

Ma ogtahay in uu noo dhintoo

meyray dembigeenni?

Ma ogtahay in la aasay uu

galay mugdigaasna?

Ma ogtahay inuu sara kacay

seddax maalin ka dib?

Ma ogtahay inuu tegay Samada

Mowlana la joogo?

Ma ogtahay in uu imanayuu

maamulina uunka?

BADBAADO

Ma ogtahay badbaaduu baxshaa

Macalinka weyne?

Ma ogtahay Injiilkaad ka heli

macnahoo idile?

Ma ogtahay towbad keen ayaa

marinka kuu toosin?

Ma ogtahay janniyo naari waa

midkaad doorataaye?

Ma ogtahay camal suubban waa

mire Masiixeede?

Ma ogtahay waa haddiyad Alloo

muruq shaqeynayne?

Ma ogtahay masala gaabku eed

muranka beentaahe?

Ma ogtahay mushriknimnadu waa

ma hadho sheydaane

Ma ogtahay madax adeygu waa

marin ciriiryoone?

Ma ogtahay runtoo la wajahaa

marna la hureyne?

Ma ogtahay ab ka gaarku waa

marin habow jaane?

Ma ogtahay badbaado waxaad ku heli

Masiixood raacdaaye?

MARKII HORE

Ma ogtahay markii hore Ilaah

samaduu meegaarey?

Ma ogtahay arladana inuu

mudeyna tiirkeeda?

Ma ogtahay adduunyada mugdiyo

muuq xumaa helaye?

Ma ogtahay iftiin yaa Ilaah

maamuus ugu miisey?

Ma ogtahay iftiinkiyo mugdigi

meel ku kala oodye?

Ma ogtahay biyihii Ilaah

meel isugu geeye?

Ma ogtahay Macbuud inuu markaa

bad ku magaacabay?

Ma ogtahay dhulkii soo haraan

miro ku beernaaye?

Ma ogtahay Ilaahey badduu

mallaay ku abuuray?

Ma ogtahay Macbuudkeen jeclaa

muuqa quruxdiiye?

Ma ogtahay Ilaahey ku yiri

wada mataaneeya?

Ma ogtahay Ilaah yaa dhulkana

duunyo ku manneystay?

Ma ogtahay Aadan yuu kolkaa

uummay Mowlaheenu?

Ma ogtahay Aadan feertii buu

marwo uga yeelay?

Ma ogtahay Aadan iyo Xaawana

muuqiis ka abuurye?

Ma ogtahay jannadii iney

macandi heysteena?

Ma ogtahay mirihii cuneen

laga mabnuucaayey?

Ma ogtahay laga saar jannadey

maalku ku heysteenna?

Ma ogtahay Mowle waa caaddil

maalin iyo leyle?

WAR MIISAAN LEH

Ma ogtahay Masiixi noqo

Mowliid inaan iri?

Ma ogtahay inuu yiri meeqaa

maal la i siinaayaa?

Ma ogtahay inaan iri maal

Mowlaa laga tuugaa?

Ma ogtahay Masiixiyaddu

maaley bixisaaye?

Ma ogtahay ma iibsanno dadkee

macnuhu waa kaase?

Ma ogtahay malyuun oon ley siin

noqon maa Masiixi?

Ma ogtahay diintaad heysataa

maal yaa kugu siiya?

Ma ogtahay abkey ka gaaroo

mushaar layma siiyo?

Ma ogtahay adiyo abkaa

Mowlow tegaysaane?

Ma ogtahay Fardowsaan ka sugi

Mowlihii abuurtay?

Ma ogtahay Masiixii dafire

malahan liibaane?

Ma ogtahay middaasaan geleyn

aniga maankeyga?

Ma ogtahay Masiixoo quraa

Mowle loo maraaye?

Ma ogtahay ma aan maqal warkaa

maantadan horteede?

Ma ogtahay xujjaa daahirtoo

maqashay maantaane?

Ma ogtahay caddeyn male innaba

miinkaad tirineyso?

Ma ogtahay Injiilkaa dhigaa

Mowle hadalkiisa?

Ma ogtahay Injiilkii lunyoo

maanta lama haayo?

Ma ogtahay inuu saaran yahay

aniga miiskeyga?

Ma ogtahay haddey sidaa ay tahay

waa mucjiso weyne?

Ma ogtahay Masiixood qirtaa

mucjiso kaleetaa?

Ma ogtahay anigoo odayaa

leygu maadsaniye?

Ma ogtahay mushrikiintu abid

maage mu'miniinta?

Ma ogtahay war miisaan le yaad

maanta iila timid?

Ma ogtahay haddii taa ad garan

waa mahad Ilaahe?

Ma ogtahay halley maagabee

aqbal Masiixiiye?

Ma ogtahay ku mootiyey Ilaah

marin cadaabeedki?

Ma ogtahay Ilaah mahad lehoo

mu'min iga yeelye?

Ma ogtahay Ilaah wuu hadaa

maskaxdi doontaaye?

NASIIB MA LEH

Ma ogtahay nasiib male ninkii

diida nebi Ciise?

Ma ogtahay in ay naaqus tahay

diintuu nasri moodo?

Ma ogtahay nuurkii Ilaah

diidyey oo nacyaye?

Ma ogtahay nasteexo Eebbihiis

naafo ka jeclaaye?

Ma ogtahay Nasaaradi Ilaah

diidyey nabaddiiye?

Ma ogtahay necbaayoo ka fiig

nimco Ilaaheeye?

Ma ogtahay naxli lagu lumuu

nacamta haayaaye?

Ma ogtahay nibiri raacyayoo

nacyey Ilaaheeye?

Ma ogtahay nacasnimo yuu

nacabkii doortaaye?

Ma ogtahay naftiisii u dhiib

ma naxe sheydaane?

Ma ogtahay naqii diidyey iyo

nolol gobaadeede?

Ma ogtahay nararacdiisa yaa

naarna u horseedi?

Ma ogtahay nasab sheegashaa

nabara gaarsiine?

Ma ogtahay neecawdi janno

deyri noloshaase?

Ma ogtahay nabsaa helahayoo

xaquu naqtiimaaya?

ADI WANAAGAAGA

Ma ogtahay walaalow inaan

wacdi an kuu haayo?

Ma ogtahay warkeyguna waa

adi wanaagaaye?

Ma ogtahay waanadeydu waa

xaqood ad weydaaran?

Ma ogtahay weedh aan la hubin

Waaxid oran maaye?

Ma ogtahay nin waalin yaa yiraa

Injiilku waa beene?

Ma ogtahay wadada sami waa

Masiixood weyneyso?

Ma ogtahay weligaa inaad

innaba waareynin?

Ma ogtahay wed baa jira dila

waleysya waayeele?

Ma ogtahay Waaxid yaa dabeed

loo wada tegaaye?

Ma ogtahay waxaad geysataa

waa lagu horkeeni?

Ma ogtahay walaalow haddaad

heysataa wakhtiye?

Ma ogtahay waxaa kula gudboon

Waddadood soo raacdo?

Ma ogtahay Injiil waxaan ahayn

waa lagu lumaaye?

Ma ogtahay ninkii waxgaradaan

diidin weedheeye?

Ma ogtahay waa towbad qura

waxaan ku weydiine?

Document Actions