Personal tools
You are here: Home Somali language Casharo Soomaali Ah Soonka Runta Ah

Soonka Runta Ah

ISHAIAH 58: 1-14

Sidii Rabbigu ugu muuqday riyo Nabi Ishaiah, Rabbigu wuxu leyahay xoog u dhawaaq qayli oo waxba hala hadhin, codkaagana siida buun oo kale kor u qaad oo dadkayga xadgudubkooda ogeysii, reer Yaquubna sida dembigoodu yahay u sheeg. O bal eg iyaagu way I raadiyaan maliin kasta oo waxay jecel yihiin inay jidaadkeyga ogaadaan oy I caabudaan sidii quruun xaqnimo samaysay oo an innaba amarkii Ilaahooda ka tegin. Waxay I weydiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad ujecel yihiin inay igu soo dhowaadaan.

Iyaga oo raadinaya inay ogaadan jidadkayga inay yeelaan amarkeyga. Waxay iga codsadan inaan siiyo xaq ku saabsan sharciga, si ay ugu raaxaystaan inay i caabudaan. Umaddani waxay i weydiiyan bal maxaanu u soonaa, haddii aanad Ilaahow marnaba arkeyn? oo maxaanu uga afxidhanney luqmada iyo raashiinka, haddii aannad u fiirsanayn?

Bal eeg Rabbigu wuxuu leeyahay runti isla marka aad soontaan waxad sameysaan damacyaadiina idiin gaarka ah? idinkoo dulmaaya shaqaalahiinna iyo kuwa tamarta yar, oo soonkiinnu wuxu ku dhammaadaa dood, dagaal iyo muran kaliya. ma waxaad u qabtaan soonka noocaas ah aya I raaligelinaya? ma maalin Nin u naftiisa dhibo baa soon ah? ma inuu madaxiisa sida cowsduurka ufoororsho uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglobaa si u ugu ekaado mid u sooman Ilaah? Waxaa ma tiraahdaan waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo?

Rabbigu wuxu Nabi Ishaciiya ku yidhi ogeysii dadkayga xumaantooda iyo qadarin la’aantooda, waliba sii naadi sida dambigoodu yahay iyo sharka qalbiigooda ka buuxaa inuu ka daboolay wajiga Ilaah. Bal eg oo ka fiirso soonka aad Ilaah la hor joogtaan, sidaas awgeed mararka qaarkood Ilaah uma u arko xaq soonkiina iyo salaadiina midnaba.

Fiiri buugga (Ishaiah Surada 29:13,) Markaasuu Rabbigu ku yidhi, kuwo badan ayaa Rabbiyow Rabbiyow i leh, hadana amarkeyga jabiya sida laba wajiilayaashu sameeyaan ayay dadkanu iigu soo dhowaadaan oo afkooda iyo bushiimahooday igu maamuusaan. Laakiin, qalbigooda way iga foogeeyaan, oo waxay iga hor mariyaan dhaqan iyo sharciyo ay iyagu samaysteen oo u gaar ah iyaga.

Laba wajiilayaalow maanta waad ka soontaan raashinka, Laakiin ka ma soontaan hadalka sharka ah iyo shuqullada xun xun ee aad samaysaan, oo dhexdiina kama foogeysaan harqoodka culus ee xaq darada kan aad walaalaha saarteen, oo kama soontaan farta fiiqiddeeda iyo dhiigga aad gacmaha kula jirtaan iyo xukunka qalafsan ee aad ku dhaqantaan. Miyaanu sharciga jecaylka Ilaah ka wayneyn? Aaway caafinta, jacaylka, naxariista, hoseysnimada, iyo samirka Ilaah ku farxaa? sow kanu maha soonka aan doortey ee iraaligeliya? In silsiiladihii sharniimada la fuuro, oo guntiimaha harqoodka xumaanta la dabciyo? oo kuwaa dulmaan ee idiin xiidhan la la xoreeyo, oo dabiinkasta oo cadaalad daroo ah aad jebisaan?

Sow maha inaad kibiistaada kan gaajeysan uu goysid, ood masaakiinta aan hoy ama guri laheyn guurigaaga soo galisid, o markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo adan xigtadaada aad isku jidhka tihiin ka dhuuman.

Oo markas asxaantaydu iyo naxaariisteyda ayaa kor kiinna ku iftiimi sida kaaha cadceedda waaberi oo kale, oo dhaawacyadaada iyo dhibatadaadu dhaqsay u bogsan. Aniga Ilaahaga ah waligey waan kulaa jiri doonaa, oon ku badbaadin doonaa, dhinac kastana waan kaa illaalin doonaa. Markaad salaadda xidhato tukashadaada waan maqli doonaa, haddaad ii dhawaaqdo waan ku jawaabi doonaa. Waad ii qayshaan doontaa oo waxaan ku odhan waa ikan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka cadaadiiska, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadalka sharka ah.

Hadaad kan gajeysan quudkaaga siisid ood nafta dhiibateysan raali gelisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu kasoo dhex kaahi doona, mugdigaaguna wuxu isu beddeli doonaa sida dharaar oo kale.

Markaad intaa la timaaddo waxaad meel u banaysay Ilaah Rabbiga ee waxa qarsoon arka inuu ku barakeeyo oo u soonkaaga iyo saladaada ku soo dhawaado, markaasna wuu ku hooggaamin doonaa. Oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dhergin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer masno ah oo la waraabiyey oo si qurxoon u baxday, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin. Oo dadkaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniiyo badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa jabniin kabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.

Margaret Abdulla

Document Actions