Walaal Ilaah ayaa ku jecel
Ma doonayo inay naftaadu lunto. Taas owgeed waxan ku ogeysiinayaa inaad toobbad keento ood Ilaah usoo noqoto.
Haddii anad Cawadhalaad ama (Born Again in Christ) ahayn. Walaal ogow safaar baad tahay oo dunidan waad ka tagi, waxad uu socoota meel ay naftaadu ku gubato haddii aad iska diiddo Masiixa ama haddii aanad toobbad keenin, waad aragtaa Ilaah amarkiisa iyo xukuunkiisa inuu ku yidhi Aadam iyo Xaawo, haa cunina geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta. Maaliintaad cuntaan hubaal waad dhiman doontaan.
Ilaaha Rabbiga ah Aadan iyo Xaawo wuu xukumay oo amar ay dhowraan ayuu siiyey. Wuxu yidhii inta geed beerta Jannadda ku taal waad cuni kartaan. Laakiin, geedka aqoonta ee wanaagga iyo sharka maa cuni kartaan, Maalintaad cutaanna runtii malintaas waad dhiman doontaan.
Bilowgii (Genesis 5:16-17) sidaas ayeyna dhimashadu ku timid. Walaal bilowgii Ilaah wuxuu inoo Abuuray Janno inaan isaga weligeen ku caabudno oo Jannada ku raaxaysano. Laakiin Aadam iyo Xaawo way jabiiyeen Amarkii Ilaah Ku xukumay inay xajiyaan oo ay yeelaan.
Aadam iyo Xaawo shayddaan ayaa hoos galay oo been u sheegay, waanu ku xadgudbeen axdigii uu Ilaah lagalay ama la dhigtay iyaga. Walaal arintu geedka ma aha ee waa ofiinta ama addeecidda amarkaas uu Ilaahay iyaga siiyey ee uu ku amray. Geedku waa xujo waa xukun Ilaah oo iyaga ilaahay ku tijaabinayay. Laba calaamo ayuu Ilaah Aadam ku soo dajiyey. Markuu arkay inuu ku xadgudbay xukunkiisa: Ta koowaad waxay ahayd dhimashada jidhka iyo tan nafta ama ruuxa. Tan labaadna waxay ahayd waxay kasoo bexeen jannadii waxaana uu ilaahay iyaga ku amray inay xooggooda iyo dhididkooda ku noolaadaan oo ay dunida korkeeda ku dhibtoodaan. Dhibka, cudurada, gabowga, dhulgariirada iyo masiibooyinka dunidan aan ku noolahay ka jiraana waa kuwo denbigaas ka dhasahay oo maalintaas bilowday.
Sikastaba ha ahaatee, Aadam iyo Xaawa Geedki Aqoonta iyo Sharka way cuneen oo islamarkiiba sharkii iyo denbi ayaa soo galay qalbiyadoodii, xukuunku Ilaah ee u jabiiyeen aawadeed waxaana timid Ciqaabta ugu weyn eek u timid natiijadii denbigooda tasoo ahayd dhimasho waayo waqtigaas ka hor dhimasho ma ay jirin.
Aadam iyo Xaawo shayddaan oo sida abeeso isu soo ekeysiiyey ayaa duufsaday ama khiyaameeyey, akhirkiina way cuneen geedkii ilaahay u sheegay inaanay taabanin ama aanay cunin taasina waxa y keentay inay jabiyaan axdigii iyaga iyo ilaahay dhexyaalay. Ilaahayna iyagii jannadii ayuu ka saaray oo dunidan silica badan ayay yimaaddeen oo caruur ku dhaleen kuna tarmeen.
Markaas dambiga hal nin iyo naagtiisii ay galeen ayaa dunidii oo dhan gaadhay oo u wada gudbay. Denbigii ay Xaawo iyo Aadan galeenna wuxuu u gudbay caruurtoodii ay dhaleen iyo tafiirtoodii ka hadhay fac ka fac ilaa odey ka odey iyo ilaa awow ka awow. waayo tafiirtoodii denbigaas ayay dhammaan ku dhasheen. Sidaasayna banii’aadanka dhammaan u noqdeen kuwo denbiilayaal ah.
Balse haddii aan Ciise Masiix rumeysano oo aan raacno isaga oo aan xertiisa noqonno waxaan ka badbaadeynaa denbigaas iyo ciqaabtiisa oo markaan dunidan ka tagno waxaan tageynaa jannada iyo halka ilaahay uu joogo weligeen iyo weligeenna halkaas ayaan ku noolaaneynaa oo ilaah agtiisa ayaan joogi doonaa. Haddiise aan Masiixa iska diidno waxaan khatar ugu jirnaa in ilaahay ina ciqaabo oo aan cadaabta ku daa’ino weligeen. Waayo ma jiro mid cadaabta innaga badbaadin oo aan Masiixa ahayni.
Previous: Guurka Kitaabka Qudduuska ah
