Waxa barakadaysan
Wacdiigi Ciise dadka ku wacdiyey marku buurta joogay, iyo sidii uu ubaray boqortooyada Ilaah waxay tahay.
Marku dadkii badnaa arkay ayuu buurtii koray, marku fadhiistay ayaa Xeertiisi u timid kolkaasu bilaabay inuu wax baroo isaago leh.
- Waxaa barakadaysan kuwaa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo boqortooyada Jannada iyagaa leh.
- Waxaa barakadaysan kuwaa baroorta, waayo waa laa qalbiqabowjiin doona.
- Waxaa barakadaysan kuwaa camal qaboow, waayo dhuulkay dhaxlii doonaan.
- Waxaa barakadaysan kuwaa xaqnimada u gaajaysan oo uu harraadsan, waayo way deergii doonaan.
- Waxaa barakadaysan kuwaa naxariista leh, waayo waa loo naxaariisan doonaa.
- Waxaa barakadaysan kuwaa qalbiiga ka daahiirsan, waayo Ilaah bay arkii doonaan.
- Waxaa barakadaysan kuwaa nabadda ka shaqeeyaa , waayo waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilashii Ilaah.
- Waxaa barakadaysan kuwaa xaqnimada awaadeed loo silciiyo, waayo Boqortooyada Jannada iyagaa leh.
- Waad barakaysan tihiin goorti laydiin caayo, oo laydiin silciiyo oo wax walba oo xuun iyo been laydiinka sheego, Awaaday farxa oo reyreeya, waayo Jannada abaalgudkiinu waa ku weyn yahay. Sidaasay u silciin jireen Nabiyadii idiinka horreeyey.
By: Margaret Gabriel Abdulla
Previous: Aasaaska Diinteenna
