Personal tools

INJIILKA SIDA MATAYOS U QORAY

Cutubka 1

Abtirsiinta Ciise (Lk. 3:23-38)

1Kanu waa kitaabkii abtirsiinyada Ciise Masiix, ina Daa'uud, ina Ibraahim. 2Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis 3Yahuudahna wuxuu Tamar ka dhalay Feres iyo Serah, Feresna wuxuu dhalay Esroom, Esroomna wuxuu dhalay Araam, 4Araamna wuxuu dhalay Caminadaab, Caminadaabna wuxuu dhalay Naasoon, Naasoonna wuxuu dhalay Salmoon, 5Salmoona wuxuu Raxab ka dhalay Bo'as, Bo'asna wuxuu Ruut ka dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay, 6Yesayna wuxuu dhalay boqor Daa'uud. Daa'uudna wuxuu naagtii Uuriyaah qabi jiray ka dhalay Sulaymaan, 7Sulaymaanna wuxuu dhalay Rexabcaam, Rexabcaamna wuxuu dhalay Abiyah, Abiyahna wuxuu dhalay Aasaa, 8Aasaana wuxuu dhalay Yoosafaat, Yoosafaatna wuxuu dhalay Yooraam, Yooraamna wuxuu dhalay Cusiyah, 9Cusiyahna wuxuu dhalay Yootam, Yootamna wuxuu dhalay Axaas, Axaasna wuxuu dhalay Xisqiyaah, 10Xisqiyaahna wuxuu dhalay Manaseh, Manasehna wuxuu dhalay Aamoon, Aamoonna wuxuu dhalay Yoosiyaah, 11Yoosiyaahna wuxuu dhalay Yekoniyah iyo walaalihiis waagii Baabuloon loo kaxeeyey. 12Goortii Baabuloon loo kaxeeyey dabadeed, Yekoniyah wuxuu dhalay Salaatii'eel, Salaatii'eelna wuxuu dhalay Serubaabel, 13Serubaabelna wuxuu dhalay Abihuud, Abihuudna wuxuu dhalay Eliyaaqiim, Eliyaaqiimna wuxuu dhalay Asoor, 14Asoorna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Akhiim, Akhiimna wuxuu dhalay Eliyuud, 15Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub, 16Yacquubna wuxuu dhalay Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, tii Ciise, kan Masiix la yidhaahdo, ka dhashay. 17Haddaba abtirsiinyada oo dhan oo Ibraahim ilaa Daa'uud waa afar iyo toban oday, Daa'uud ilaa waagii Baabuloon loo kaxeeyeyna waa afar iyo toban oday, waagii Baabuloon loo kaxeeyey ilaa Masiixana waa afar iyo toban oday.

Dhalashadii Ciise Masiix (Lk. 2:1-7)

18Dhalashadii Ciise Masiix sidanay ahayd. Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Qoduuskaa ka uuraysatay. 19Ninkeedii Yuusuf wuxuu ahaa nin xaq ah oo aan doonayn inuu dadka tuso, wuxuuse doonayay inuu si qarsoon u eryo. 20Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa’igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Qoduuskaa ka yimid. 21Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa. 22Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, 23Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Emmanu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga. 24Markaasaa Yuusuf hurdadii ka kacay oo yeelay sidii malaa’igtii Rabbigu ku amartay, oo naagtiisii ayuu qaatay; 25uma uuse tegin iyada ilaa ay wiil umushay, oo wuxuu magaciisa u baxshay Ciise.

Cutubka 2

Imaatinkii nimankii xigmadda lahaa

1Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh, 2Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno. 3Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan. 4Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimadii dadka oo dhan, ayuu weydiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa. 5Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray, 6Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona. 7Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay. 8Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo. 9Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay, 10oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen. 11Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah. 12Markaasaa riyo loogu digay inaanay Herodos ku noqon, oo dhulkoodii ayay jid kale u mareen.

Cararkii xagga Masar

13Goortay ka tageen, malaa’igtii Rabbiga ayaa Yuusuf riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carar oo halkaas joog ilaa aan kuu soo sheego, waayo, Herodos ayaa ilmaha dooni doona inuu dilo. 14Wakhti habeen ah ayuu kacay, oo ilmihii iyo hooyadiis kaxeeyey, oo Masar tegey, 15oo halkaasuu joogay ilaa dhimashadii Herodos, inay noqoto wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Wiilkayga ayaan Masar uga yeedhay.

Layntii Herodos uu carruurtii Beytlaxam laayay

16Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday. 17Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga dhex hadlay, isagoo leh, 18Cod baa Raama laga maqlay, Oohin iyo baroor weyn, Raaxeel oo u ooyaysa carruurteeda, Oo aan doonaynin in la qalbi qabowjiyo, waayo, ma ay joogin.

Ka-soo-noqodkii xagga Masar

19Laakiin goortuu Herodos dhintay, malaa'igtii Rabbiga ayaa riyo ugu muuqatay Yuusuf oo Masar jooga, iyadoo leh, 20Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo dhulka Israa'iil tag, waayo, kuwii ilmaha naftiisa doonayay waa dhinteen. 21Markaasuu kacay oo kaxeeyey ilmihii iyo hooyadiis, oo dalkii Israa'iil tegey. 22Laakiin goortuu maqlay in Arkhela'os meeshii aabbihiis Herodos Yahuudiya xukumayo, wuu ka baqay inuu halkaas tago. Markaase Ilaah baa riyo ugu digay, oo uu dhinacyada Galili ku leexday. 23Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasaret la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.

Cutubka 3

(Mk. 1:1-8; Lk. 3:1-17)

1Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh, 2Toobad keena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay. 3Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya. 4Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed. 5Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan, 6markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya. 7Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa? 8Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, 9hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim. 10Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa. 11Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Qoduuska ah iyo dab. 12Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa' goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.

Ciise waa la baabtiisay (Mk. 1:9-11; Lk. 3:21-22)

13Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso. 14Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid? 15Laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday. 16Ciise goortii la baabtiisay, ayuu markiiba biyaha kor uga baxay, kolkaasaa samooyinku furmeen, oo wuxuu arkay Ruuxa Ilaah oo sida qoolley oo kale u soo degaya oo dushiisa imanaya, 17OO cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.

Cutubka 4

Shayddaan baa isku deyey inuu Ciise duufsado (Mk. 1:12-13;Lk. 4:1-13)

1Goortaasaa Ruuxu Ciise cidlada u kaxeeyey in Ibliisku jirrabo. 2Oo goortuu afartan maalmood iyo afartan habeen soomanaa, ayuu dabadeed gaajooday. 3Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda. 4Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado. 5Markaasaa Ibliisku magaaladii qoduuska ahayd geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka 6oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, hoos isu tuur, waayo, waa qoran tahay, Malaa'igihiisa ayuu amri doonaa, Oo gacmahooda ayay sare kuugu qaban doonaan, Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin. 7Ciise wuxuu ku yidhi, Haddana waa qoran tahay, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin. 8Haddana Ibliiskii ayaa buur aad u dheer geeyey, wuxuuna tusay boqortooyooyinka dunida oo dhan iyo ammaantooda. 9Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan oo dhan waan ku siinayaa haddaad sujuuddid oo i caabuddid. 10Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Shayddaan yahow, bax, waayo, waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isaga keliya u adeegto. 11Markaasaa Ibliiskii ka tegey, oo waxaa u yimid malaa'igo, wayna u adeegeen.

Ciise wuxuu degay Kafarna'umtii Galili

12Maarkuu maqlay in Yooxanaa la qabtay, ayuu Galili ku leexday, 13oo intuu Naasaret ka tegey, wuxuu yimid oo degay Kafarna'um, tan badda agteeda ahayd oo ku jirtay soohdimaha Sebulun iyo Naftaali, 14inay noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay, isagoo leh, 15Dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali Xagga jidka badda, Webi Urdun shishadiisa, Galili quruumaha ka mid ah, 16Dadkii fadhiyi jiray gudcurka Ayaa iftiin weyn arkay, Kuwii fadhiyi jiray dalka iyo hooska dhimashadana, Iftiin baa u baxay.

Bilowgii wacdiga Ciise (Mk. 1:14-15;Lk. 4:14-15)

17Markaas dabadeed Ciise wuxuu bilaabay inuu wax ku wacdiyo oo yidhaahdo, Toobad keena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

Ciise wuxuu u yeedhay xertiisii u horraysay (Mk. 1:16-20; Lk. 5:1-11)

18Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simon kii Butros lalodhan jiray-iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal. 19Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta. 20Markiiba intay shabagyadii ka tageen, ayay raaceen isagii. 21Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay. 22Markiiba doonnidii iyo aabbahood way ka soo tageen oo way raaceen

Ciise wuxuu ku wareegay oo ka shaqeeyey Galili (Lk. 6:17-19)

23Ciise ayaa Galili oo dhan ku wareegay, isagoo [1]sunagogyadooda wax ku baraya oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyaya oo bukaan oo dhan iyo cudur oo dhan bogsiinaya dadka dhexdiisa. 24Warkiisuna waa gaadhay Suuriya oo dhan, oo waxay u keeneen kuwii bukay oo dhan, oo cudurro kala cayncayn ah iyo silic qabay, iyo kuwo jinni qaba, iyo kuwo suuxdin qaba, iyo kuwa curyaan ah, wuuna bogsiiyey. 25Waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili iyo Dekabolis iyo Yeruusaalem iyo Yahuudiya iyo Webi Urdun shishadiisa.

Cutubka 5

Wacdigii Ciise dadka ku wacdiyey markuu buurta joogay

1Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid. 2Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.

Kuwa barakadaysan (Lk. 6:20-23)

3Waxaa barakadaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 4Waxaa barakadaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqaboojin doonaa. 5Waxaa barakadaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan. 6Waxaa barakadaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi' doonaan. 7Waxaa barakadaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa. 8Waxaa barakadaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan. 9Waxaa barakadaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah. 10Waxaa barakadaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 11Waad barakadaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. 12Farxa oo reyreeyaa, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.

Wixii laga bartay cusbo iyo laambad (Mk. 9:50; 4:21; Lk. 14:34-35; 8:16; 11:33)

13Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee. 14Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto. 15Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan. 16Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.

Sharcigii hore iyo sharciga Ciise

17Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi’iyo; uma aan iman inaan baabi'iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada yeelo. 18Runtii waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan. 19Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada. 20Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.

Cadhada iyo dhiigqabidda (Lk. 12:57-59)

21Waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad dhiig qabin; kii dhiig qabaa wuxuu galabsadaa xukunka. 22Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo walaalkiis u cadhoodaa wuxuu galabsadaa xukunka, oo kii walaalkiis ku yidhaahda, Nacas yahow, wuxuu galabsadaa in shirka la geeyo, oo kii yidhaahda, Doqon yahow, wuxuu galabsadaa jahannamada dabka ah. 23Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto, 24hadiyaddaada ku dhaaf meeshii allabariga horteeda, tag, oo horta walaalkaa la soo heshii, dabadeed kaalay oo hadiyaddaada bixi. 25Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin. 26Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.

Daahirla'aanta (Mt. 18:8-9; Mk. 9:43-48; Mt. 19:9; Mk. 10:11-12; Lk. 16:18)

27Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan. 28Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay. 29Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa. 30Gacantaada midig hadday ku xumayso, iska jar oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada geli lahaa. 31Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo. 32Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.

Dhaaraha iyo runsheegidda

33Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada. 34Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah. 35Dhulkana ha ku dhaaranina, waayo, waa meeshuu cagihiisa dhigo; Yeruusaalemna ha ku dhaaranina, waayo, waa magaaladii Boqorkii weynaa. 36Madaxaagana ha ku dhaaran, waayo, tin keliya kama dhigi kartid caddaan ama madow. 37Laakiin hadalkiinnu ha ahaado, Haah, haah, maya, maya; wixii intaas ka badan sharkuu ka yimaadaa.

Aargudashada (Lk. 6:29-30)

38Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido. 39Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi, 40oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa, 41Oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco. 42Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.

Jacaylka iyo dabeecadda daahirka ah (Lk. 6:27-28, 32-36)

43Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 44laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya, 45Si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba. 46Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn? 47Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn? 48Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.

Cutubka 6

Sadaqadbixinta qarsoon

1Iska jira inaydnan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira. 2Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida laba-wejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 3Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso, 4Si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.

Tukasho qarsoon

5Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida laba wejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 6Laakiin adigu goortaad tukanaysid, qolkaaga qarsoon gal, oo goortaad albaabkaaga xidhid, Aabbahaaga meesha qarsoon ku jira bari, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona. 7Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis. 8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weydiin.

Tukashaduu Ciise xerliisii baray (Lk. 11:2-1)

9Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu qoduus ha ahaado. 10Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo. 11Kibis maalin nagu filan, maanta na sii. 12Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. 13Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortoo yada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin. 14Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona. 15Laakiin haddaanad dadka cafiyin. Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.

Soonka

16Kolkaad soontaan ha ahaanina sida laba-wejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfool-xumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 17Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo, 18Si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa.

Hodannimada runta ah (Lk. 12:33-34)

19Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi’iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan, 20laakiin maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan. 21Waayo, meesha maalkaagu ku jiro, meeshaasaa qalbigaaguna ku jiri doonaa.

(Lk. 11:34-36)

22Ilayska jidhku waa isha; haddaba haddii ishaadu hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammi waa iftiimi doonaa. 23Laakiin ishaadu hadday xun tahay, jidhkaaga oo dhammi gudcur buu ahaan doonaa. Haddaba iftiinka kugu jira hadduu gudcur yahay, gudcurkaasu sidee buu u weyn yahay!

Welwelka iyo aaminaadda Ilaah la aamino (Lk. 16:13; 12:22-31)

24Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal. 25Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka? 26Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn? 27Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara? 28Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. 29Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood. 30Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysad-yarayaalow? 31Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa? 32Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin. 33Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa. 34Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.

Cutubka 7

Xukunka dadka kale la xukumo (Lk. 6:37-38, 41-42)

1Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin. 2Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa. 3Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa? 4Sidee baad walaalkaa ugu odhan doontaa, I daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree; oo dogob baa ishaada ku jiree. 5Labawejile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto. 6Waxa qoduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.

Dhiirrogelinta tukashada (Lk. 11:9-13)

7Weydiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa; 8waayo, mid kasto oo weydiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa. 9Ninkiinnee baa haddii wiilkiisu kibis weydiisto, dhagax siinaya? 10Ama hadduu kalluun weydiisto, abeeso siinaya? 11Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weydiista?

Qaynuunka dahabka ah (Lk. 6:31)

12Haddaba wax kasta oo aad doonaysaan in laydinku sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya; waayo, kanu waa sharcigii iyo nebiyadii.

Labada jid (Lk. 13:24)

13Iridda cidhiidhsan ka gala, waayo, iriddu waa weyn tahay, jidkuna waa ballaadhan yahay kan xagga baabbi'idda u kaca, oo kuwa ka galaa waa badan yihiin. 14Waayo, iriddu waa cidhiidhsan tahay, jidkuna waa yar yahay kan xagga nolosha u kaca, kuwa helaana waa yar yihiin.

Runta iyo beenta (Lk. 6:43-44)

15Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa. 16Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga? 17Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa. 18Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo. 19Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa. 20Sidaa darteed waxaad iyaga ku garanaysaan midhahooda.

Hadallada iyo falimaha (Lk. 6:46, 13:25-27)

21Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya. 22Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannaan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannaan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannaan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn? 23Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.

Labada aasaas (Lk. h: 49; Mk. 1:22)

24Haddaba qof kasta oo hadalladaydan maqla oo yeela, waxaa loo ekaysiinayaa nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagaxa. 25Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa. 26Qof kasta oo hadalladaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay. 27Roobkii waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay, dumiddiisuna waa weynayd. 28Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan dhammeeyey, in dad kii oo dhammu waxbariddiisa la yaabeen, 29waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimada.

Cutubka 8

Baraslihii la bogsiiyey (Mk. 1:40-45; Lk. 5:12-16)

1Goortuu buurta ka soo degay, dad badan baa soo raacay. 2Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa. 3Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday, 4oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

Midiidinkii boqol-u-taliyahaa la bogsiiyey (Lk. 7:1-10)

5Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya 6oo leh, Sayidow, midiidinkaygii guriguu jiifaa, isagoo curyaannimo u buka oo aad u xanuunsanaya. 7Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi, Waan imanayaa oo bogsiinayaa. 8Markaasaa boqol-u-taliyihii u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid, laakiin hadal keliya dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa. 9Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa. 10Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, wuxuuna ku yidhi kuwii la socday, Runtii waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidan u weyn oo kale reer bini Israa'iil kama dhex helin. 11Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda, 12laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi. 13Markaasaa Ciise wuxuu boqol-u-taliyihii ku yidhi, Tag. Sidaad u rumaysatay ha kuu noqoto e. Oo saacaddaas ayaa midiidinkii bogsaday.

Ciise wuxuu bogsiiyey Butros soddohdiis iyo dad kale oo badan (Mk. 1:29-34; Lk. 4:38-11)

14Ciise goortuu guriga Butros galay, wuxuu arkay Butros soddohdiis oo jiifta oo qandhaysan. 15Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga. 16Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey, 17Si ay u noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay isagoo leh, Isagaa qaatay bukaankeennii, cudurradeenniina wuu isku raray.

Sida loo intixaamo kuwa doonaya inay xer noqdaan (Lk. 9:57-62)

18Goortuu Ciise dad badan oo ku wareegsan arkay, ayuu amray inay dhinaca kale tagaan. 19Kolkaasaa culimada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba. 20Ciise ayaa ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbiraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh. 21Mid kale oo xertiisa ah ayaa ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso. 22Laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda.

Ciisaa duufaankii dejiyey (Mk. 4:35-41; Lk. 8. 22-25)

23Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday. 24Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday. 25Markaasaa xertiisii u timid oo toosisay, iyagoo leh, Sayidow, na badbaadi, waannu lumaynaaye. 26Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday. 27Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

Jinnoolayaashii reer Gadareni (Mk. 5:1-20; Lk. 8:26-39)

28Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin. 29Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso? 30Waxaa iyaga ka fogaa daaqsin doofaarro badan ah oo daaqaysa. 31Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah, 32oo wuxuu ku yidhi, Baxa. Markaasay baxeen oo galeen doofaarradii, oo daaqsinta oo dhammu jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, oo biyaha ku bakhtiday. 33Kolkaasay kuwii daajin jiray carareen oo magaalada galeen, wax walbana way u sheegeen iyo wixii ku dhacay kuwii jinniyada qabi jiray. 34Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.

Cutubka 9

Curyaankii la bogsiiyey (Mk. 2:1-12; Lk. 5:17-26)

1Markaasuu doonni fuulay oo dhanka kale u tallaabay oo magaaladiisii yimid. 2Kolkaasay waxay u keeneen nin curyaan ah oo sariir ku jiifa. Ciise oo rumaysadkooda arka ayaa ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, kalsoonow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin. 3Kolkaasaa qaar culimada ah waxay isku yidhaahdeen, Ninkan waa caytamayaa. 4Ciise oo fikirradooda garanaya ayaa ku yidhi, Maxaad haddaba shar ugu fikiraysaan qalbiyadiinna? 5Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco? 6Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (markaasuu kii curyaanka ahaa ku yidhi), Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag. 7Markaasuu kacay oo gurigiisii tegey. 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

U-yeedhidda Laawi (Mk. 2:13-17; Lk. 5:27-32)

9Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay. 10Waxaa dhacay, goortii Ciise guriga cunto u fadhiistay, in cashuurqaadayaal iyo dembiilayaal badanu yimaadeen, oo ay la fadhiisteen Ciise iyo xertiisa. 11Goortii Farrisiintu arkeen ayay xertiisii ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu muxuu cashuurqaadayaasha iyo dembiilayaasha ula cunaa? 12Laakiin goortuu maqlay, wuxuu yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan. 13Laakiin taga oo barta hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, waayo uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembiilayaasha u yeedho ayaan u imid.

Wax soonka ku saabsan (Mk. 2:18-22; Lk. 5:33-39)

14Markaas waxaa u timid xertii Yooxanaa iyagoo leh, Annaga iyo Farrisiintu maxaannu dhaaxa u soonnaa, laakiin xertaadu ay u soomi weydaa? 15Markaasaa Ciise ku yidhi, Dadka aroosku ma barooran karaan intuu aroosku la joogo? Laakiin waxaa iman doona maalmaha arooska laga qaadi doono, markaasay soomi doonaan. 16Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah, waayo, tan lagu buuxin lahaa ayaa dharka ka go'da, oo jeexdintu waa ka sii xumaataa. 17Khamri cusubna laguma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale qarbeddada ayaa qarxaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamri cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub, labaduba waa sii raagayaan.

Yayros gabadhiisii; iyo naagtii dhiigbixidda qabtay (Mk. 5:21-43; Lk. 8:40-56)

18Intuu waxan kula hadlayay, waxaa u yimid taliye oo u sujuuday oo ku yidhi, Gabadhaydu haddeer bay dhimatay, laakiin kaalay oo gacantaada saar oo way noolaanaysaa. 19Markaasaa Ciise kacay oo raacay, isaga iyo xertiisiiba. 20Kolkaas naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. 21Waayo, waxay isku tidhi, Haddaan maradiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa. 22Laakiin Ciise intuu ku soo jeestay oo arkay, ayuu wuxuu ku yidhi, Gabadhay, kalsoonow; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Oo naagtii baa saacaddaas bogsatay. 23Ciise goortuu guriga taliyaha galay oo arkay kuwa biibiilayaasha yeedhinaya iyo dadka buuqaya, 24wuxuu ku yidhi, Ka leexda, yartu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen. 25Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu galay oo gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday. 26Markaasaa warkaasu dalkaas oo dhan gaadhay.

Laba nin oo indha la'

27Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo indha la', iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso. 28Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la'aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow. 29Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto. 30Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan. 31Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.

Nin carrab la' oo jinni qaba

32Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin carrab la' oo jinni qaba. 33Oo goortii jinnigii la saaray, ninkii carrabka la'aa waa hadlay, dadkii badnaana way yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Sidaas oo kale Israa'iil weligeed laguma arag. 34Laakiin Farrisiintii waxay yidhaahdeen, Wuxuu jinniyada ku eryaa madaxda jinniyada. 35Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:

Masiixu dadkuu u naxariistay

36Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn. 37Markaasuu xertiisii ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. 38Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.

Cutubka 10

Ciise laba iyo tobankiisii rasuul (Mk. 3:13-19; Lk. 6:12-16)

1Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan. 2Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa, 3iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, 4iyo [2]Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyot, kii gacan geliyey.

Rasuulladii shuqulkoodii (Mk. 6:7-13; Lk. 9:1-6)

5Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina, 6laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah. 7Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay. 8Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya. 9Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina, 10qandina jidka ha u qaadanina, ama laba khamiis, ama kabo, ama ul, waayo, shaqaaluhu cuntadiisa ayuu istaahilaa. 11Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan. 12Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya, 13oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto' laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto. 14Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba. 15Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.

Silaca (Mk. 13:9-13; Lk. 21:12-17)

16Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo. 17Laakiin dad iska jira, waayo, waxay idiin dhiibi doonaan shirar, oo sunagogyadooda ayay idinku karbaashi doonaan. 18Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn. 19Laakiin goortay idin gacan geliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa. 20Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa. 21Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan. 22Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona. 23Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado. 24Qof xer ahu macallinkiisa kama sarreeyo, addoonkuna sayidkiisa kama sarreeyo. 25Waa ku filan tahay qof xer ah inuu noqdo sida macallinkiisa, addoonkuna sida sayidkiisa. Hadday odayga reerka Be'elsebul ugu yeedhaan, intee ka badan ayay ugu yeedhi doonaan kuwa gurigiisa jooga.

Kuwii laga baqi lahaa (Lk. 12:2-9)

26Sidaa darteed ha ka baqina, waayo, wax daboolan ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax qarsoonna ma jiro oo aan la garan doonin. 27Waxaan gudcurka idiinku sheego, iftiinka ku dhaha, oo waxaad dhegta ka maqashaanna, guryaha dushooda kaga dhawaaqa. 28Ha ka baqina kuwa jidhka dila, laakiin aan karin inay nafta dilaan, waxaadse ka baqdaan kan jahannamada ku hallayn kara nafta iyo jidhkaba. 29Laba shimbirood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la'aantiis. 30Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin. 31Sidaa darteed ha baqina, waad ka qiima badan tihiin shimbiro badan. 32Sidaa darteed mid walba oo igu qirta dadka hortiisa, anna waan ku qiran doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa. 33Laakiin ku alla kii igu dafira dadka hortiisa, anna waan ku dafiri doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.

Doorashada dhibta leh iyo abaalgudkeeda (Lk. 12:51-53; 14:26-27)

34Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno. 35Waxaanse u imid inaan nin cadow kaga dhigo aabbihiis, gabadhna hooyadeed, naagna soddohdeed. 36Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa. 37Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo. 38Kan aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan i soo raacin, ima istaahilo. 39Kan naftiisa helaa waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday waa heli doonaa. 40Kan idin aqbalaa wuu i aqbalaa, kan i aqbalaana, wuxuu aqbalaa kan i soo diray. 41Kan nebi ku aqbala nebi magiciis, wuxuu heli doonaa nebi abaalkiis, kan qof xaq ah ku aqbala qof xaq ah magiciis, wuxuu heli doonaa qof xaq ah abaalkiis. 42Ku alla kii kuwan yaryar koob biyo qabow oo keliya ku siiya qof xer ah magiciis, runtii waxaan idinku leeyahay, abaalkiisu ka lumi maayoba.

Cutubka 11

1Goortii Ciise amarkiisa u dhammeeyey laba iyo tobankii xertiisa ahaa, waxaa dhacay inuu meeshaas ka noqday inuu magaalooyinkooda wax ku baro oo ku wacdiyo.

Yooxanaa Baabtiisaha (Lk. 7:18-35)

2Goortii Yooxanaa xabsiga ka maqlay shuqulladii Masiixa, laba xertiisii ah ayuu u soo diray 3oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa? 4Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. 5Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugaha la'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegaha la'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa, 6oo waxaana barakadaysan kan aan iga xumaanin. 7Markay tageen, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa oo wuxuu yidhi, Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso? 8Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada. 9Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, mid nebi ka sarreeya. 10Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga kuu sii diyaargarayn doona hortaada. 11Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn. 12Tan iyo wakhtigii Yooxanaa Baabtiisaha boqortooyada jannada waa la xoogay, oo kuwii xoogayna ayaa qaatay. 13Waayo, nebiyadii iyo sharcigu waxay wax sii sheegeen ilaa Yooxanaa. 14Haddii aad doonaysaan inaad tan aqbashaan, Kanu waa Eliyaas kan iman lahaa. 15Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo. 16Maxaan qarnigan u ekaysiiyaa? Wuxuu u eg yahay carruur suuqa fadhida oo kuwa kale u yeedhaysa, 17iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad calaacali weydeen. 18Waayo, Yooxanaa waa yimid isagoo aan waxba cunaynin oo cabbaynin, oo waxay yidhaahdaan, Jinni buu qabaa. 19Wiilka Aadanahuse waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, oo waxay yidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembiilayaal. Xigmaddu inay xaq tahay waa lagu caddeeyaa shuqulladeeda.

Waxaa hoog leh dadka aan Ilaah rumaysnayn magaalooyinkooda (Lk. 10:13-15)

20Dabadeed wuxuu bilaabay inuu canaanto magaalooyinkii uu shuqulladiisa xoogga leh badidooda ku dhex sameeyey, waayo, ma ay toobad keenin. 21Waa kuu hoog, Khorasinay; waa kuu hoog, Beytsayday; waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey, haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobad keeni lahaayeen, iyagoo dhar jooniyad ah gashan oo dambas ku fadhiya. 22Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan. 23Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaad ku degi doontaa [3]Haadees, waayo, haddii shuqulladii xoogga lahaa oo lagugu dhex sameeyey, Sodom lagu samayn lahaa, ilaa maanta way joogi lahayd. 24Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, dalka Sodom ayaa kaa xisaab fududaan doona.

Maanka u eg maanka carruurta (Lk. 10:21)

25Wakhtigaas Ciise ayaa hadalkan yidhi, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kugu mahad naqayaa, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilma yaryar. 26Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.

Ciise shuqulkiisa (Lk. 10:22)

27Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo. 28Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa. 29[4]Harqoodkayga dushiinna ku qaata oo wax iga barta; waayo, waan qaboobahay, qalbigayguna waa hooseeyaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. 30Waayo, harqoodkaygu waa dhib yar yahay, oo rarkayguna waa fudud yahay.

Cutubka 12

Wax Sabti dhawridda ku saabsan (Mk. 2:23-28; Lk. 6:1-5)

1Wakhtigaas Ciise wuxuu Sabtidii dhex maray beeraha, xertiisuna waa gaajaysnayd, oo waxay bilaabeen inay sabuulladii jartaan oo cunaan. 2Laakiin Farrisiintii goortay arkeen, waxay isaga ku yidhaahdeen, Eeg, xertaadu waxay samaynayaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo. 3Laakiin wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray, 4siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u cunay [5]kibistii tusniinta, tan aan xalaal u ahayn inuu cuno ama in kuwii la jiray cunaan, wadaaddada keliya maahee? 5Ama miyaydnaan sharciga ka akhriyin in wadaaddadii macbudka ku jira sabtida, ay sabtida ka dhigaan wax aan qoduus ahayn oo ay ka eed la' yihiin? 6Waxaan idinku leeyahay, Mid macbudka ka sarreeya ayaa halkan jooga. 7Haddaad aqoon lahaydeen hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, kuwa aan eed lahayn ma aad xukunteen. 8Waayo, Wiilka Aadanahu waa sayidkii sabtida.

Ninkii gacanta engegnaa waa la bogsiiyey (Mk. 3:1-6;Lk. 6:6-11)

9Markaasuu halkaas ka tegey oo wuxuu galay sunagoggooda. 10Oo waxaa joogay nin gacan engegan. Goortaasay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo'? si ay ugu ashtakeeyaan. 11Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkiinnee baa lax leh oo hadday sabtida god ku dhacdo, aan soo qabanaynin oo aan soo bixinaynin? 12Haddaba nin intee buu ka qiima badan yahay lax! Sidaa darteed waa xalaal in sabtida wanaag la sameeyo. 13Markaasuu ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Wuuna soo taagay, oo way bogsatay sida tan kale. 14Laakiin Farrisiintu waa baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay u dilaan.

Midiidinkii la doortay

15Ciise goortuu ogaaday ayuu halkaas ka tegey, oo waxaa raacay dad badan, dhammaantoodna WUU wada bogsiiyey. 16Wuxuuna ku amray inaanay cidna u sheegin, 17Si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh, 18Eeg midiidinkaygii aan doortay, Kan aan jeclahay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saari doonaa, Wuxuuna quruumaha u sheegi doonaa xukunka. 19Ma uu ilaaqtami doono, mana qaylin doono, Ninnana codkiisa jidadka kama maqli doono. 20Cawsduur nabar leh ma jebin doono, Dubaalad qiiqaysana ma demin doono, Ilaa uu xukunka u soo bixiyo libta. 21Oo quruumuhu waxay ku rajayn doonaan magiciisa.

Ciise iyo Be'elsebul (Mk. 3:20-30; Lk. 11:14-23; 12:10)

22Markaasaa waxaa loo keenay jinnooleh indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay. 23Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud? 24Laakiin Farrisiintu goortay maqleen, waxay yidhaahdeen, Kanu jinniyada wax kale kuma saaro Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada maahee. 25Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cid la' bay noqotaa, oo magaalo walba iyo guri walba oo kala qaybsamaa, ma taagnaan doonaan. 26Haddii Shaydaan Shaydaan saaro, waa kala qaybsamaa. Haddaba boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? 27Oo anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinnu yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna. 28Laakiin haddaan jinniyada ku saaro Ruuxa Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah. 29Ama qof sidee buu kan xoog leh gurigiisa u geli karaa oo alaabtiisa u dhici karaa, haddaanu kolkii hore kan xoogga leh xidhin? Markaasuu gurigiisa dhici doonaa. 30Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa. 31Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Qoduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono. 32Ku alla kii ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah waa loo cafiyi doonaa, laakiin ku alla kii ku hadla hadal Ruuxa Qoduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono wakhtigan iyo wakhtiga iman doona. 33Ama geedka wanaajiya iyo midhihiisaba, ama geedka xumeeya iyo midhihiisaba, waayo, geedka waxaa lagu gartaa midhihiisa. 34Dhal jilbisay, sidee baad wax wanaagsan ugu hadli karaysaan idinkoo shar leh? Waayo, afku wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan. 35Ninka wanaagsani wuxuu maalka wanaagsan ka soo saaraa wax wanaagsan, kan sharka lihina wuxuu maalka sharka leh ka soo saaraa wax shar ah. 36Waxaan idinku leeyahay, Eray kasta oo aan waxtar lahayn oo dadku ku hadlo, maalinta xisaabta xisaab bay ka bixin doonaan. 37Waayo, hadalladaada ayaa lagugu caddayn doonaa inaad xaq tahay, oo hadalladaada ayaa lagugu xukumi doonaa.

Ciise baa diiday markii calaamo la weydiistay (Mk. 8:2; Lk. 11:29-32)

38Markaas qaar culimada iyo Farrisiinta ah ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaannu calaamo kaa aragno. 39Markaasuu wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni shareed oo sina leh ayaa calaamo doonaya, calaamona lama siin doono calaamada nebi Yoonis maahee. 40Waayo, sida Yoonis saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha nibiriga ugu jiray, sidaasuu Wiilka Aadanahuna saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha dhulka uga jiri doonaa. 41Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobad keeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga. 42Boqoradda koonfureed waxay xisaabta la kici doontaa dadka qarnigan, wayna xukumi doontaa, waayo, waxay ka timid meesha dhulka ugu shishaysa inay xigmadda Sulaymaan maqasho, oo bal eeg, mid Sulaymaan ka weyn ayaa halkan jooga.

Jinnigu waa ku noqday meeshuu ka baxay (Lk. 11:24-26)

43Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn isagoo nasasho doonaya, mana helo. 44Markaasuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay, oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo madhan oo xaaqan oo hagaagsan. 45Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore. Sidaasay u noqon doontaa qarnigan sharka leh.

Walaalnimada runta ah (Mk. 3:31-35; Lk. 8:19-21)

46Intuu weli dadkii badnaa la hadlayay, ayaa hooyadiis iyo walaalihiis dibadda taagnaayeen oo doonayeen inay la hadlaan isaga. 47Mid baa ku yidhi, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay kula hadlaan. 48Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi kii u sheegay' Yaa hooyaday ah oo yaa walaalahay ah? 49Gacantiisa ayuu xertiisa ku taagay oo yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay! 50Waayo, ku alla kii yeela doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday ah.

Cutubka 13

Masaalka ku saabsan beerrayga (Mk. 4:1-9; Lk. 8:4-8)

1Maalintaas Ciise ayaa guriga ka baxay oo fadhiistay badda agteeda, 2oo waxaa u soo ururay dad faro badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay oo fadhiistay, dadkii badnaa oo dhammuna xeebtay taagnaayeen. 3Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerray baa baxay inuu wax beero, 4oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay. Kolkaasaa shimbiro yimaadeen oo cuneen. 5Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn, 6laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn. 7Qaar kalena waxay ku dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay. 8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon. 9Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

Sida loo isticmaalo masaallada (Mk. 4:10-12; Lk. 8:9-10)

10Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Maxaad masaallo ugula hadashaa? 11Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo. 12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto. 13Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan. 14Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto. 15Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin. 16Laakiin waxaa barakadaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan. 17Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebiyo badan iyo niman xaq ah ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maq laan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.

Micnaynta masaalka beerrayga (Mk. 4:13-20;Lk. 8:11-15)

18Haddaba maqla masaalkii beerrayga. 19Mid kasta oo hadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kan sharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray. 20Oo kii meelaha dhagaxa ah lagu beeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata. 21Xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar buu sii jiraa, oo goortii dhib ama silec ugu dhaco hadalka aawadiis, markiiba waa ka xumaadaa. 22Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalka maqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaa hadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midho la'aan. 23Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan hadalka maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

Masaalka ku saabsan gocondhada

24Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray. 25Laakin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday, oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuu tegey. 26Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay. 27Kolkaasaa odayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurin? Xaggee haddaba gocondhadu uga timid? 28Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay ku yidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno oo ururinno? 29Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goor taad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan. 30Labadoodu ha isla baxaan ilaa beergooyska, oo wakhtiga beergooyska waxaan kuwa gooya ku odhanayaa, Horta waxaad ururi saan gocondhadii, oo xidhmo xidhmo isugu xidha in la gubo, laakiin sarreenka ku soo ururiya maqsinkayga.

Masaalka ku saabsan iniin khardal ah, iyo masaalka ku saabsan khamiir (Mk. 4:30-34; Lk. 13:18-21)

31Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray. 32Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbiraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan. 33Masaal kale ayuu kula hadlay, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen. 34Waxan oo dhan ayaa Ciise masaallo kula hadlay dadkii badnaa, oo masaal la'aan kulama uu hadlin iyaga. 35Si ay u noqoto wixii nebiga lagaga dhex hadlay isagoo leh, Afkayga waxaan ku furayaa masaallo, Oo wax qarsoonna tan iyo aasaaskii dunida ayaan ku dhawaaqayaa.

Micnaynta masaalka gocondhada ku saabsan

36Markaasuu dadkii badnaa ka tegey oo guriga galay. Xertiisii ayaa u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo caddee masaalkii gocondhadii beerta. 37Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Kii abuur wanaagsan abuuray waa Wiilka Aadanaha, 38beertuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqortooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh. 39Oo cadowga abuurayna waa Ibliiska, beergooyskuna waa dhammaadka wakhtigii dunida, kuwa gooyaana waa malaa'igo. 40Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay, sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. 41Wiilka Aadanaha ayaa malaa'igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyo kuwa dembiga fala. 42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 43Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyada Aabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.

Masaallada ku saabsan maalka iyo luulka iyo shabagga

44Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday. 45Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayacmushtari luul wanaagsan doonaya. 46Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuu iibiyey oo iibsaday. 47Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay shabag badda lagu tuuray oo cayn walba lagu ururiyey. 48Kan markuu buuxsamay ay nimanku xeebta ku soo jiideen, wayna fadhiisteen oo kuwii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaana way tuureen. 49Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. Malaa'igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwa sharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah, 50oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 51Waxyaalahan oo dhan ma garateen? Waxay ku yidhaahdeen, Haah. 52Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimada ka mid ah oo xer looga dhigay boqortooyada jannada, wuxuu u eg yahay nin reer odaygiis ah oo maalkiisa ka soosaara wax cusub iyo wax duug ah.

Ciise waa laga celiyey Naasaret (Mk. 6:1-6; Lk. 4:16-30)

53Kolkii Ciise masaalladan dhammeeyey, ayuu halkaas ka tegey. 54Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh? 55Kanu miyaanu ahayn wiilkii nijaarka? Miyaan hooyadiis la odhan Maryan? Walaalihiisna Yacquub iyo Yoosee iyo Simoon iyo Yuudas? 56Gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Haddaba kanu xaggee buu waxyaalahan oo dhan ka helay? 57Wayna ka xumaadeen, laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa iyo gurigiisa dhexdooda maahee. 58Halkaas shuqullo badan oo xoog leh kuma samayn rumaysad la'aantooda aawadeed.

Cutubka 14

Dhimashadii Yooxanaa Baabtiisaha (Mk. 6:14-29; Lk. 9:7-9)

1Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, 2oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan. 3Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed. 4Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid, 5oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale. 6Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay. 7Kolkaasuu dhaar ku ballan qaaday inuu siiyo wixii ay weydiisatoba. 8Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. 9Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo. 10Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay. 11Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay. 12Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warramen.

Waxaa cunto la siiyey shan kun oo nin (Mk. 6:30-44; Lk. 9:10-17; Yoox. 6:1-13)

13Ciise goortuu taas maqlay, ayuu halkaas doonni kaga soo noqday, oo meel cidla ah ayuu keligiis tegey. Dadkii badnaana goortay warkaas maqleen, ayay magaalooyinka lug kaga soo raaceen. 14Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey. 15Goortii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, wakhtigiina waa dhammaaday, haddaba dadka dir si ay tuulooyinka u tagaan oo cunto u soo iibsadaan. 16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan. 17Waxay ku yidhaahdeen, Halkan waxba kuma hayno shan kibsood iyo laba kalluun maahee. 18Markaasuu wuxuu ku yidhi. Halkan iigu keena. 19Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay cawska ku fadhiistaan. Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakadeeyey oo kibistii kala jejebiyey oo xertiisii siiyey, xertiina dadkii badnaa bay siiyeen. 20Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dembiilood ka buuxa. 21Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.

Ciisebaa badda ku dulsocday (Mk. 6:45-52; Yoox. 6:15-21)

22Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale, intuu dadkii badnaa dirayo. 23Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay. 24Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. 25Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda. 26Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen. 27Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina. 28Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado. 29Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago. 30Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi. Sayidow, i badbaadi, 31Oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday? 32Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay. 33Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.

Bogsiintii dadkii Gennesaret joogay (Mk. 6; S3-56)

34Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesaret. 35Oo nimankii halkaas degganaa goortay garteen isaga, waxay cid u direen dalkaas ku wareegsan oo dhan, oo waxay u keeneen kuwa buka oo dhan, 36oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.

Cutubka 15

Ciisaa ka jawaabay eedayntii ku saabsanayd xeerka (Mk. 7:1-23)

1Markaas waxaa Yeruusaalem Ciise uga yimid niman Farrisiin iyo culimo ah, oo waxay ku yidhaahdeen, 2Xertaadu maxay xeerka waayeellada uga gudbaan? Waayo, ma faro xashaan goortay kibis cunayaan. 3Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinkuba maxaad amarkii Ilaah uga gudubtaan xeerkiinna aawadiis? 4Waayo, Ilaah wuxuu amray, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Kan aabbihii ama hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. 5Laakiin waxaad leedihiin, Kan aabbihii ama hooyadii ku yidhaahda, Wixii aan idiin tari lahaa, hadiyad baan Ilaah ugu bixiyey, 6aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad hadalka Ilaah ku buriseen. 7Labawejilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi, 8Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay. 9Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka. 10Markaasuu dadkii badnaa u yeedhay oo ku yidhi, Maqla oo garta. 11Ma aha waxa afka gala waxa ninka nijaaseeyaa, laakiin waxa afka ka soo baxa, kaas ayaa ninka nijaaseeya. 12Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Ma og tahay Farrisiintii inay ka xumaadeen markay hadalkii maqleen? 13Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Geed walba oo aan Aabbahayga jannada ku jiraa abuurin waa la rujin doonaa. 14Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan. 15Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee. 16Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garasho la'aan baad tihiin? 17Miyaydnaan garanaynin, Wax kasta oo afka galaa calooshay tagaan, oo waxaa lagu tuuraa meesha lagu xaaro? 18Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan: oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa. 19Waayo, waxaa qalbiga kasoo baxaa fikirrada sharka iyo sinada iyo wasmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda. 20Kuwan weeye waxa ninka nijaaseeyaa. Laakiin in lagu cuno faro aan la maydhin, ninka ma nijaasayso.

Bogsiintii gabadhii aan Yuhuudda ahayn (Mk. 7:24-30)

21Ciise ayaa meeshaas ka baxay, oo dhinacyada Turos iyo Siidoon ayuu u leexday. 22Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya. 23Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa. 24Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa'iil maahee. 25Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi. 26Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro. 27Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda. 28Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.

Dad badan baa la bogsiiyey (Mk. 7:31-37)

29Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay. 30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la, iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la, iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey. 31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

Waxaa cunto la siiyey afar kun oo nin (Mk. 8:1-10)

32Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaan e. 33Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan? 34Ciise ayaa ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo wuxoogaa kalluun yaryar ah. 35Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan. 36Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahad naqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen. 37Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dembiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay. 38Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin. 39Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.

Cutubka 16

Ciise baa diiday markii calaamo la weydiistay (Mk. 8:11-13; Lk. 12:54-56:11: 29)

1Waxaa u yimid Farrisiintii iyo Sadukiintii iyagoo jirrabaya, oo waxay ka baryeen inuu calaamo cirka ka tuso. 2Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Goortii ay makhrib tahay waxaad tidhaahdaan. Waxay noqonaysaa maalin wanaagsan, waayo, cirku waa guduudan yahay. 3Aroortiina waxaad tidhaahdaan, Maanta roob baa da'aya, waayo, cirku waa guduudan yahay, waana kicinsan yahay. Waxaad taqaanniin sida loo garto muuqashada cirka, laakiin ma kala garan kartaan calaamooyinka wakhtiyada. 4Waxaa calaamo doonaya qarni shareed oo sina leh, calaamose lama siin doono calaamadii Yoonis maahee. Markaasuu iska daayay iyaga oo ka tegey.

Ciise baa xertii ku canaantay indhola'aantoodii (Mk. 8:14-21)

5Markii xertii dhanka kale timid, waxay illoobeen inay kibis sii qaataan. 6Ciise ayaa ku yidhi, Iska eega oo iska jira khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta. 7Markaasay isla wada hadleen oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannaan soo qaadan aawadeed. 8Ciise oo gartay. ayaa ku yidhi, Maxaad isula hadlaysaan, rumaysadyarayaalow? Ma kibistaydnaan haysan aawadeed baa? 9Miyaydnaan weli garan ama miyaydnaan xusuusnayn shantii kibsood oo shantii kun cuntay, iyo intii dembiilood oo aad ka soo ururiseen? 10Ama toddobadii kibsood oo afartii kun cuntay iyo intii dembiilood oo aad ka soo ururiseen? 11Sidee baad u garan weydeen inaanan kibis idinkala hadlayn? Iska jira khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta. 12Markaasay garteen inaanu ku lahayn, Iska jira khamiirka kibista, laakiin waxbaridda Farrisiinta iyo Sadukiinta.

Butros wuxuu qiray inuu Ciise yahay Masiixa (Mk. 8:27-30; Lk. 9:18-21)

13Ciise goortuu dhinacyada Kaysariya Filibos yimid ayuu xertiisii weydiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Dadku yay ku sheegaan Wiilka Aadanaha? 14Waxay yidhaahdeen, Qaar waxay yidhaahdaan, Yooxanaa Baabtiisaha, qaarna Eliyaas, qaar kalena waxay yidhaahdaan, Yeremyaah, ama nebiyada midkood. 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? 16Simoon Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa ah Wiilka llaaha nool. 17Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakadaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey. 18Anigu waxaan kugu leeyahay, Butros baad tahay, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kiniisaddayda, oo albaabbadii Haadees kama adkaan doonaan. 19Waxaan ku siin doonaa furayaasha boqortooyada jannada, oo wax alla wixii aad dhulka ku xidho ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furto ayaa jannada ku furnaan doona. 20Markaasuu xertii ku amray inaanay cidna u sheegin inuu Masiixa yahay.

Ciise wuxuu sii sheegay dhimashadiisa iyo sarakiciddiisa (Mk. 8:31-9:1 ;Lk. 9:22)

21Kolkaa dabadeed Ciise Masiix ayaa bilaabay inuu xertiisii u sheego inay waajib ugu tahay inuu Yeruusaalem tago, oo xanuun badan ka helo waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimada, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo. 22Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto, oo wuxuu ku yidhi, Ilaah ha kaa hayo, Sayidow, taasu weligaa kuuma noqon doonto. 23Laakiin Butros ayuu u soo jeestay oo ku yidhi, Gadaal iga mar, Shaydaan yahow. Waad i xumaynaysaa e, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.

Waa in nafta la diido (Mk. 8:34-9:1; Lk. 9:23-27)

24Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha is-inkiro. iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco. 25Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday wuu heli doonaa. 26Waayo. nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? Ama nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda? 27Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu ammaanta Aabbihiis kula iman doonaa malaa'igihiisa, markaasuu nin kasta ugu abaalgudi doonaa siduu falay. 28Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan Wiilka Aadanaha oo boqortooyadiisa ku imanaya.

Cutubka 17

Ciise muuqiisu waa isbeddelay (Mk. 9:2-13; Lk. 9:28-36)

1Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer. 2Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday. 3Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga. 4Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas. 5Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay. oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga. 6Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen. 7Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina. 8Goortay indhahooda kor u qaadeen, cidna ma ay arkin Ciise keliya maahee. 9Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin. 10Xertiisii waxay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba culimadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado? 11Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run, Eliyaas waa imanayaa oo wax walba ayuu soo celin doonaa. 12Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas horuu u yimid, wayna garan waayeen, laakiin wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen isaga. Sidaas oo kalena Wiilka Aadanahu xanuun buu ka heli doonaa iyaga. 13Markaasaa xertiisii garatay inuu kala hadlay Yooxanaa Baabtiisaha.

Wiilkii jinnigii qabay waa la bogsiiye (Mk. 9:14-29, Lk. 9:37-43)

14Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi. 15Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuun sadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo, 16oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen. 17Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga. 18Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday. 19Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay? 20Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan. 21Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.

Ciise baa mar labaad dhimashadiisa sii sheegay (Mk. 9:30-32; Lk. 9:43-45)

22Intay Galili ku warwareegayeen, Ciise ayaa ku yidhi. Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacan gelin doonaa. 23Wayna dili doonaan. maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Markaasay aad u calool xumaadeen.

Ciise baa cashuurtii macbudka bixiyey

24Goortay Kafarna'um yimaadeen, waxaa Butros u yimid kuwii [6]labada darakmo qaadi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu labadii darakmo oo cashuurta ahayd sow ma bixiyo? 25Wuxuu yidhi, Haah, wuu bixiyaa. Oo goortuu guriga galay Ciise ayaa hadal hor mariyey oo ku yidhi, Maxay kula tahay, Simoonow? Boqorrada dhulku yay ka qaadaan cashuurta iyo baadda? Wiilashooda ama shisheeyaha? 26Goortuu yidhi, Shisheeyaha, Ciise ayaa ku yidhi, Haddaba wiilashu waa ka reebban yihiin. 27Laakiin si aannaan u xumayn iyaga, badda tag, oo jillaab ku tuur, oo kalluunka kolka hore soo baxa soo qaad, oo goortaad afkiisa furtid waxaad ka heli doontaa [7]istater. Kaas qaad oo inooga bixi aniga iyo adigaba.

Cutubka 18

Is-hoosaysiinta (Mk. 9:33-37; Lk. 9:46-48)

1Saacaddaas ayaa xertii u timid Ciise oo waxay ku yidhaahdeen, Yaa haddaba boqortooyada jannada ugu weyn? 2Markaasuu wuxuu u yeedhay ilmo yar, oo dhexdooda ayuu joojiyey oo yidhi, 3Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaydnaan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale, boqortooyada jannada ma geli doontaan. 4Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada, 5oo ku alla kii magacayga ilmahan oo kale ku aqbalaa, wuu i aqbalaa.

Ciise wuxuu ka digay inaan dadka kale la xumayn (Mk. 9:42-48; Lk. 17:1-2)

6Laakiin ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda moolkeeda lagu hafiyo. 7Waa u hoog dunida xumaanta aawadeed! Xumaantu waa inay timaado, laakiin waa u hoog ninka ay xumaantu ka timaado. 8Haddii gacantaadu ama cagtaadu ku xumayso, iska jar, oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan iyo lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba gacmood iyo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa dabka weligiis ah. 9Haddii ishaaduna ku xumayso iska bixi oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad il keliya nolosha ku gashid intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada dabka ah. 10Iska jira inaydnaan yaryarkan midkood quudhsan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar walba malaa'igahooda jannada ku jira ayaa wejiga Aabbahayga jannada ku jira eegaya. 11waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu badbaadsho kii lumay.

Masaalka ku saabsan laxdii hallowda1 (Lk. 15:3-7)

12Maxay idinla tahay, Nin hadduu tiro ido ah leeyahay oo middood ay ka hallowdo, miyaanu sagaal iyo sagaashanka buuraha dushooda kaga tegin oo doonin tii hallowday? 13Oo hadday noqoto inuu helo, runtii waxaan idinku leeyahay, taas aad buu ugu farxaa si uusan ugu farxin sagaal iyo sagaashankii aan hallaabin. 14Sidaas oo kale, ma aha doonista Aabbihiinna jannada ku jira in yaryarkan midkood lumo.

Wixii xumaanfalayaal loo samayn lahaa (Lk. 17:3)

15Oo haddii walaalkaa kugu dembaabo, u tag oo canaano, adiga iyo isaga keli ahaantiinna. Hadduu ku maqlo, walaalkaa waad soo ceshatay. 16Laakiin hadduu ku maqli waayo, mid ama laba kale wado, si hadal walba loogu adkeeyo afka laba ama saddex markhaati. 17Oo hadduu iyaga maqli waayo, dadka kiniisadda u sheeg, oo hadduu dadka kiniisadda maqli waayona, ha kuu ahaado sida qof aan Ilaah aaminin iyo cashuurqaade. 18Runtii waxaan idinku leeyahay, Wax alla wixii aad dhulka ku xidhaan ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furtaan ayaa jannada ku furnaan doona.

Tukashada wadajirka ah

19Weliba waxaan idinku leeyahay. Haddii laba idinka mid ahu dhulka ku heshiiyaan wax kastoo ay baryaan, way uga noqon doontaa xagga Aabbahayga jannada ku jira. 20Waayo, meeshii laba ama saddex qof ay magacayga isugu soo ururaan, halkaas anigu dhexdoodaan joogaa.

Waajibka iscafiga; iyo masaalka ku saabsan midiidinkii abaalka darnaa (Lk 17:4)

21Markaas Butros ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, immisa goor baan cafiyaa walaalkay hadduu igu dembaabo? Ma ilaa toddoba goor baa? 22Ciise ayaa ku yidhi, Kugu odhan maayo, ilaa toddoba goor, laakiin, ilaa toddobaatan goor oo toddoba ah. 23Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato. 24Goortuu bilaabay inuu xisaab qaato waxaa loo keenay nin toban kun oo [8]talanti uu ku lahaa. 25Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo. 26Addoonkii haddaba wuu dhacay, oo intuu sujuuday, ayuu wuxuu ku yidhi? Ii dulqaado, anna waan wada bixin doonaaye. 27Markaasaa addoonkaas sayidkiisii u naxariistay, wuuna sii daayay amaahdii wuu u dhaafay. 28Laakiin addoonkaas ayaa baxay oo helay mid ka mid ah addoommadii uu la shaqayn jiray, kii uu ku lahaa boqol dinaar. Wuu qabtay oo intuu ceejiyey ayuu ku yidhi, Bixi waxa lagugu leeyahay. 29Addoonkii uu la shaqayn jiray ayaa haddaba cagihiisii isku riday oo baryay, oo ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan bixin doonaaye. 30Isaguse ma uu doonaynin. Laakiin wuu baxay oo xabsiga ku tuuray ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa. 31Haddaba kuwii la shaqayn jiray, goortay arkeen wixii dhacay, aad bay u calool xumaadeen, oo intay sayidkooda u yimaadeen, ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan. 32Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday. 33Miyaanad lahayn inaad kii kula shaqayn jiray u naxariisatid sidaan anigu kuugu naxariistay? 34Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan. 35Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.

Cutubka 19

Wax ku saabsan naagfuridda (Mk. 10:1-12; Lk. 16:18)

1Waxaa dhacay in, goortuu Ciise hadalladan dhammeeyey. uu Galili ka tegey. oo wuxuu yimid soohdimaha Yahuudiya, oo Webi Urdun ka shisheeya. 2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga. 3Markaasaa Farrisiintii u timid. iyagoo jirrabaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in nin sabab kasta naagtiisa ku furo? 4Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi. Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig, 5oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh? 6Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin. 7Markaasay waxay ku yidhaahdeen. Haddaba Muuse muxuu u amray in warqaddii furniinta iyada la siiyo oo la furo? 8Wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, Muuse wuxuu idiinku fasaxay inaad naagihiinna furtaan qalbi engegnaantiinna aawa deed, laakiin bilowgii sidaas ma ay ahayn. 9Waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii la furay wuu sinaystaa. 10Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Haddii nin xaal kiisu sidan yahay xagga naagtiisa, in la guursadaaba ma wanaagsana. 11Laakiin wuxuu ku yidhi, Dadka oo dhammu hadalkan ma wada aqbali karaan, kuwii la siiyey mooyaane. 12Waayo, waxaa jira bohommo sidaas kaga dhashay uurkii hooyadood, oo waxaa jira bohommo dadku dhufaanay, oo waxaa jira bohommo isaga dhigay bohommo boqortooyada jannada aawadeed. Kii hadalkan aqbali karaa, ha aqbalo.

Ciise wuxuu u duceeyey carruur yaryar (Mk. 10:13-16; Lk. 18:15-17)

13Markaasaa ilmo yaryar loo keenay inuu gacmihiisa saaro oo uu u duceeyo, laakiin xertii ayaa canaanatay. 14Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ilmaha daaya oo ha u diidina inay ii yimaadaan, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada jannada. 15Gacmihiisa ayuu saaray iyaga, markaasuu meeshaas ka tegey.

Nin dhallinyar oo hodan ah baa doonayay nolosha weligeed ah (Mk. 10:17-22; Lk. 18:18-23)

16Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo? 17Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weydiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr. 18Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin. 19Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay. 20Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman? 21Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal ee kaalay oo i soo raac. 22Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

Hodanka faa'iido la'aantiisa (Mk. 10:23-31; Lk. 18:24-30)

23Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay. 24Haddana waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso. 25Xertii goortay maqleen aad bay u yaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 26Ciise intuu eegay ayuu ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, laakiin wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah. 27Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa? 28Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwiinna i soo raacay, wakhtiga cusboonaysiinta, goortii Wiilka Aadanahu carshiga ammaantiisa ku fadhiisto, idinkuna waxaad ku fadhiisan doontaan laba iyo toban carshi, idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil. 29Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah. 30Kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.

Cutubka 20

Masaalka ku saabsan shaqaalayaasha beerta canabka ah

1Boqortooyada jannada waxay u eg tahay nin oday reer u ah oo aroortii hore baxay inuu shaqaalayaal u kireeyo beertiisa canabka ah. 2Oo goortuu shaqaalayaal maalintii kula heshiiyey dinaar, ayuu beertiisii canabka ahayd u diray iyagii. 3Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan, 4oo wuxuu kuwaas ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga oo wixii xaq ah ayaan idin siin doonaa. Wayna tageen. 5Haddana saacaddii lixaad iyo saacaddii sagaalaad wuu baxay oo sidaas oo kale ayuu sameeyey. 6Saacaddii koob iyo tobnaad intuu baxay wuxuu arkay qaar kale oo taagtaagan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maalintii oo dhan halkan shuqulla'aan ula taagtaagan tihiin? 7Waxay ku yidhaahdeen Maxaa yeelay, cidna nama kiraysan. Wuxuu ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga. 8Goortii makhribkii la gaadhay, sayidkii beertii canabka ahayd ayaa wakiilkiisii ku yidhi, Shaqaalayaasha u yeedh oo mushahaaradooda sii, oo waxaad ka bilowdaa kuwii ugu dambeeyey ilaa kuwii ugu horreeyey. 9Goortay yimaadeen, kuwii saacaddii koob iyo tobnaad baxay, waxay wada heleen dinaar dinaar. 10Kuwii hore goortay yimaadeen waxay u malaynayeen inay wax ka badan helayaan, iyaguna sidaas oo kale dinaar dinaar bay heleen. 11Oo intay qaadanayeen ayay odaygii reerka ku gunuunaceen, 12oo waxay ku yidhaahdeen, Kuwan dambeeyey waxay shaqeeyeen saacad keliya, oo waad nagala mid dhigtay annagoo sidnay shaqadii cuslayd ee maalinta iyo kulaylkii. 13Laakiin wuu u jawaabay oo midkood ku yidhi, Saaxiibow, xumaan kuguma aan samayn. Sow dinaar igulama heshiin? 14Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale. 15Miyaynan igu hagaagsanayn inaan waxayga ku sameeyo wixii aan doonayo? Ma waxaase ishaadu u xun tahay wanaagsanaantayda aawadeed? 16Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

Mar saddexaad ayaa Ciise sii sheegay dhimashadiisa (Mk. 10:32-34; Lk. 18:31-34)

17Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday. Laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi, 18Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanahana waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. 19Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn inay ku kajamaan oo karbaashaan oo iskutallaabta ku qodbaan. Maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa.

Waxaa la weydiistay derejada dunida (Mk. 10:35-40)

20Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday. 21Wuxuu ku yidhi. Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidix daada, boqortooyadaada ka fadhiistaan. 22Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weydiisan aysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? Waxay ku yidhaahdeel1, Waannu karaynaa. 23Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa' laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey.

Weynaanta runta ah (Mk. 10:41-45)

24Tobankii goortay taas maqleen ayay labadii walaalaha ahayd u cadhoodeen. 25Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in quruumaha madaxdoodu ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin. 26Laakiin sidaasu dhexdiinna ahaan mayso, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado, 27oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, addoonkiinna waa inuu ahaado, 28sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.

Ciise wuxuu bogsiiyey laba nin oo indha la' (Mk. 10:46-52; Lk. 18:35-43)

29Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan. 30Oo laba nin oo indha la' ayaa jidka ag fadhiyey, oo goortay maqleen in Ciise ag marayo ayay qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso. 31Dadkii badnaa ayaa canaantay si ay u aammusaan, laakiin si ka badan ayay u qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso. 32Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo? 33Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa. 34Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.

Cutubka 21

Ciise guul buu ku galay Yeruusaalem (Mk. 11:1-11; Lk. 19:28-40; Yoox. 12:12-19)

1Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaage galeen ilaa Buur Saytuun, markaasaa Ciise laba xer ah diray, 2oo wuxuu ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba waxaad ka helaysaan dameer xidhan iyo qayl la jooga. Soo fura oo ii keena, 3oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa. 4Waxanu waa dhaceen in la arko wixii nebiga lagaga dhex hadlay markuu yidhi, 5Gabadha Siyoon u sheega, Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa Isagoo qalbi qabow, oo dameer fuushan Iyo qayl dameereed. 6Markaasaa xertii tagtay, oo sida Ciise ku amray ayay yeeleen. 7Dameertii iyo qaylkii ayay keeneen, oo dharkoodii bay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay. 8Dadka badidooda ayaa dharkoodii jidka ku goglay, qaar kalena laamo ayay geedaha ka soo jareen oo jidka ku gogleen. 9Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, [9]Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakadaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya. 10Oo goortuu Yeruusaalem galay, magaalada oo dhan waa kacsanayd, iyagoo leh. Kanu yuu yahay? 11Dadkii badnaa ayaa yidhi, Kanu waa nebiga Ciise la yidhaahdo oo ka yimid Naasaret tii Galili.

Ciise macbudkuu nadiifiyey (Mk. 11:15- 19; Lk. 19:45-48; Yoox. 2:13-22)

12Ciise wuxuu galay macbudka Ilaah oo ka eryay kulli kuwii macbudka wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay, oo wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kur siyadii kuwii qoolleyaha iibinayay. 13Wuxuuna ku yidhi, Waa qoran tahay, Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guriga tuka shada, laakiin waxaad ka dhigaysaan god tuugo. 14Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indhaha' iyo kuwa lugala': wuuna bogsiiyey. 15Laakiin wadaaddada sare iyo culimadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen 16oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga? 17Markaasuu ka tegey iyaga oo magaaladii ka baxay ilaa Beytaniya, oo halkaasuu ku hoyday.

Geedka berdaha ah oo aan waxba dhalin (Mk. 11:12-14. 20-26)

18Aroortii goortuu magaaladii ku soo noqonayay, wuu gaajaysnaa. 19oo wuxuu arkay geed berde ah oo jidka ku ag yaal, kolkaasuu u yimid, waxbana kama uu helin, caleemo keliya maahee. Oo wuxuu ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa midho yaynan kaa bixin, oo kolkiiba geedkii berdaha ahaa waa engegay. 20Xertii goortay arkeen way yaabeen oo waxay ku yidhaahdeen. Geedkii berdaha ahaa sidee buu kolkiiba u engegay? 21Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Haddaad rumaysan tihiin oo aydnaan shakiyin, wixii geedkii berdaha ahaa ku dhacay oo keliya ma aad samayn doontaan, laakiin weliba haddaad buurtan ku tidhaahdaan, Ruq, baddana isku tuur. way noqonaysaa. 22Oo wax kasta oo aad tukasho ku baridaan idinkoo rumaysan waad heli doontaan

Ciise amarkiisii baa wax laga weydiiyey (Mk. 11:27-33; Lk. 20:1-8)

23Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amar kan ku siiyey? 24Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weydiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 25Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 26Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan. 27Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idih1 sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

Masaalka ku saabsan labada wiil

28Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee. 29Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomammeeyey oo aaday. 30Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin. 31Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah. 32Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomammayn si aad u rumaysataan.

Masaalka ku saabsan beerta canabka ah (Mk. 12:1-12; Lk. 20:9-19)

33Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerray ah u kiraystay, oo dal kale tegey. 34Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerraydii inay midhihiisii u soo qaadaan. 35Markaasaa beerraydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen. 36Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen. 37Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan. 38Laakiin beerraydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee. 39Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. 40Haddaba sayidkii beerta canabka ah goortuu yimaado, muxuu beerraydaas ku samayn doonaa? 41Waxay ku yidhaahdeen, Nimankaas belaayada ah si baas buu u baabi'in doonaa; beerta canabka ahna wuxuu u kiraysan doonaa berray kale, kuwa isaga siin doona midhihiisa xilligooda. 42Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga? 43Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya. 44Oo kan dhagaxan ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, oo kan uu ku dhaco. wuu burburin doonaa. 45Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii goortay masaalladiisii maqleen waxay garteen inuu iyagu ka hadlay 46Goortay dooneen inay qabtaan ayay dadkii badnaa ka baqeen. waayo waxay u haysteen nebi.

Cutubka 22

Masaalka ku saabsan diyaafadda arooska

1Ciise ayaa u jawaabay oo mar kale masaallo kula hadlay. oo wuxuu yidhi, 2Boqortooyada jannada waxay la mid tahay sidii boqor wiilkiisa aroos u dhigay. 3Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay. mana ay doonaynin inay yimaadaan. 4Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega. cuntadaydii waan diyaargareeyey. dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyaar, ee arooska kaalaya. 5Laakiin way fududaysteen. oo iska tageen, mid beertiisuu aaday, mid kalena wuxuu aaday baayacmushterigiisii. 6Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen. 7Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay. 8Markaasuu addoommadiisii ku yidhi, Arooskii waa diyaar. kuwii loo yeedhayse ma ay istaahilin. 9Haddaba taga meesha jidadka ku kala leexdaan, oo in alla intaad heshaan arooska ugu yeedha. 10Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen. oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti. 11Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego. wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin, 12oo wuxuu ku yidhi. Saaxiibow. sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay. 13Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 14Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay. Laakiin kuwo yar baa la doortay.

Wax ku saabsan cashuurta Kaysar la siinayo (Mk. 12:13-17; Lk. 20:20-26)

15Markaasaa Farrisiintii baxeen. oo waxay ka wada hadleen si ay hadalkiisa ugu qabtaan. 16Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta. oo waxay ku yidhaahdeen. Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay. oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan. waayo, dadka wejigooda ma eegtid. 17Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin? 18Laakiin Ciise ayaa sharkoodii gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan, labawejilayaal yahow? 19I tusa lacagta cashuurta. Kolkaasay u keeneen dinaar. 20Wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan ivo qorniinkan? 21Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh. Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay. 22Oo goortay taas maqleen, way yaabeen, wayna iska daayeen oo ka tageen.

Sarakicidda kuwii dhintay (Mk. 12:18-27; Lk. 20:27-40)

23Maalintaas waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weydiiyeen, 24Oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu yidhi, Haddii nin dhinto isagoo aan carruur lahayn, walaalkiis waa inuu naagtiisa dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo. 25Waxaa nala jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey ayaa guursaday, wuuna dhintay, dhalna ma lahayn, wuxuuna naagtiisii uga tegey walaalkiis. 26Sidaas oo kalaa ku dhacday kii labaad, iyo kii saddexaad ilaa kii toddobaad. 27Markay wada dhinteen dabadeed naagtiina waa dhimatay. 28Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay toddobadoodii kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, kulligood way wada guursadeen iyada. 29Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi. Waad qaldan tihiin oo garan maysaan Qorniinka iyo xoogga Ilaah. 30Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna laysku ma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira. 31Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi, 32Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool. 33Dadkii badnaa goortay taas maqleen ayay waxbariddiisii ka yaabeen.

Qaynuunka ugu weyn (Mk. 12:28-34)

34Laakiin Farrisiintii goortay maqleen inuu Sadukiintii aamusiiyey ayay isu yimaadeen. 35Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weydiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi, 36Macallimow. qaynuunkee baa sharciga uga weyn? 37Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan. 38Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya. 39Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. 40Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.

Wax Masiixa ku saabsan (Mk. 12:35-37, Lk. 20:41-44)

41Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weydiiyey, 42oo wuxuu ku yidhi, Yuu idinla yahay Masiixu? Waa ina ayo? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Waa ina Daa'uud. 43Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh, 44Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo. 45Haddaba Daa'uud hadduu ugu yeedhay isaga Sayid, sidee buu wiilkiisa u yahay? 46Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weydiiyo.

Cutubka 23

Ciise wuxuu canaantay culimadii iyo Farrisiintii (Mk. 12:38-40; Lk. I l: 37-54; 20:45-47)

1Dabadeed Ciise ayaa dadkii badnaa iyo xertiisii la hadlay, 2oo wuxuu ku yidhi, Culimada iyo Farrisiinta waxay ku fadhiistaan kursiga Muuse. 3Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan. 4Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan. 5Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko. waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan; 6waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha. iyo kursiyada hore oo sunagogyada, 7iyo salaanta suuqa, iyo in dadku ugu yeedhaan, Macallin. 8Laakiin yaan laydiinku yeedhin, Macallin. waayo, mid baa macallinkiinna ah, idinkuna kulli walaalo baad tihiin. 9Ninna dhulka ha ugu yeedhina aabbe, waayo. mid baa Aabbihiin ah, kaasu waa kan jannada ku jira. 10Yaan laydiinku yeedhin sayiddo, waayo, mid baa sayidkiinna ah, kaasu waa Masiixa. 11Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkiinna. 12Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa. 13Laakiin waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay oo laba-wejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan. 14Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba-wejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran. 15Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay. laba-wejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka. 16Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay. 17Doqonno yahow indhaha la'u, kee baa weyn, dahabka iyo macbudka dahabka qoduus ka dhiga? 18Oo weliba waxaad leedahay, Ku alla kii meesha allabariga ku dhaarta waxba ma aha, laakiin ku alla kii ku dhaarta hadiyadda dul saaran, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay. 19Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda qoduus ka dhigta? 20Haddaba kan meesha allabariga ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa iyada iyo wixii dul saaran oo dhanba. 21Oo kii macbudka ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa isaga iyo kan dhex degganba. 22Oo kii jannada ku dhaartaana wuxuu ku dhaartaa carshiga Ilaah iyo kan ku dul fadhiyaba. 23Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, rexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin. 24Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa. 25Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan. 26Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato. 27Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan. 28Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi. 29Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba wejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa; 30oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannaan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay. 31Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay. 32Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin. 33Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada? 34Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan, 35inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha qoduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda. 36Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.

Ciise wuu u ooyay Yeruusaalem (Lk. 13:34-35)

37Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 38Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah. 39Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakadaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.

Cutubka 24

Ciise wuxuu sii sheegay dumidda macbudka

1Ciise ayaa macbudka ka baxay, oo intuu tegayay ayaa xertiisii u timid inay tusaan dhismaha macbudka. 2Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

Belaayooyinka imanaya (Mk. 13:3-23; Lk. 21- 7-24)

3Oo goortuu Buur Saytuun fadhiistay, xertii ayaa keli ahaan ugu timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamada imaatinkaaga iyo dhammaadka wakhtiga dunidu maxay ahaan doontaa? 4Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn. 5Waayo. qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. 6Oo waxaad maqli doontaan dagaallo iyo dagaallo hadalhayntood. Iska jira, hana baqanina, waayo, waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye. 7Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo dhulgariir. 8Waxan oo dhammu waa bilowga hoogagga. 9Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan. 10Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacan gelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan. 11Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. 12Dembigu waa badnaan doonaa, taa aawadeed qaar badan jacaylkoodu waa yaraan doonaa. 13Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, kaasaa badbaadi doona. 14Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta. 15Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha qoduuska ah (kii akhriyaa ha garto), 16markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen. 17Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato. 18Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato. 19Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya. 20Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida. 21Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed. 22Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa. 23Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina. 24Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo. 25Bal eega, horaan idiinku sheegaye. 26Haddaba hadday idinku yidhaahdaan, Bal eega, wuxuu joogaa cidlada, ha u bixina. Bal eega, wuxuu joogaa qolalka qarsoon, ha rumaysanina. 27Waayo, sida hillaacu bari uga yimaado oo u ifiyo galbeed, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa. 28Meel alla meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.

Imaatinka Wiilka Aadanaha (Mk. 13:24-27; Lk. 21:25-28)

29Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa. 30Markaasaa waxaa cirka ka soo muuqan doona calaamada Wiilka Aadanaha, markaas ayaa qolooyinka dhulka oo dhammu barooran doonaan, oo waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn. 31Oo wuxuu soo diri doonaa malaa' igihiisa oo wata buun weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jaahood cirka meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.

Soo jeedid baa loo baahan yahay (Mk. 13:28-37; Lk. 21:29-36:17: 30)

32Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanay saan inuu roobku dhow yahay. 33Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo. 34Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin. 35Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan. 36Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga malaa'igaha jannada iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbahay keliya maahee. 37Sida wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa. 38Waayo, siday wax u cunayeen oo wax u cabbayeen, oo u guursanayeen oo loogu guurinayay maalmihii daadka hortiisa ilaa maalintii Nuux doonnida galay, 39wayna garan waayeen ilaa daadkii yimid oo kulligood wada qaaday, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa. 40Markaas laba nin ayaa beerta ku jiri doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa. 41Laba naagood ayaa dhagax wax ku shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa. 42Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo. 43Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa wakhtiga tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo ma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo. 44Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

Masaalka ku saabsan addoommadii aaminka ahaa iyo kuwii aan aaminka ahayn (Lk. 12:42-46)

45Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda? 46Waxaa barakadaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya. 47Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga. 48Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay, 49Oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah, 50addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn, 51Oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela laba-wejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

Cutubka 25

Masaalka ku saabsan tobankii gabdhood

1Haddaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan. 2Shantood waxay ahaayeen doqonno, shanna caqli bay lahaayeen. 3Kuwii doqonnada ahaa laambadahoodii bay qaateen, laakiin saliid ma ay qaadan. 4Kuwa caqliga lahaase laambadahoodii bay qaateen iyo weelal saliidu ku jirto. 5Laakiin ninkii arooska ahaa waa raagay, taas daraaddeed ayay wada lulmoodeen oo seexdeen. 6Habeenbadhkiise qaylo ayaa yeedhay, Arooskii waa soo socdaaye, soo baxa oo ka hor taga. 7Markaasaa bikradihii oo dhammu wada kaceen oo laambadahoodii hagaajiyeen. 8Kuwii doqonnada ahaa waxay kuwii caqliga lahaa ku yidhaahdeen, Saliiddiinna wax naga siiya, waayo, laambadahayagii waa demayaan. 9Laakiin kuwii caqliga lahaa ayaa u jawaabay oo waxay ku yidhaahdeen, Maya, waaba intaas oo ay nagu filnaan waydaa annaga iyo idinka; bal u taga kuwa iibiya oo ka soo iibsada. 10Markay tageen inay soo iibsadaan, ninkii arooska ahaa ayaa yimid, oo kuwii diyaarka ahaa ayaa la galay guriga arooska, albaabkiina waa la xidhay. 11Dabadeedna waxaa yimid bikradihii kale, oo waxay yidhaahdeen, Sayidow, Sayidow, naga fur. 12Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Anigu idin garan maayo. 13Haddaba soo jeeda, waayo, garan maysaan maalinta ama saacadda.

Masaalka ku saabsan talantiyaasha

14Maxaa yeelay, waa sidii nin dal kale tegaya, oo addoommadiisii u yeedhay oo xoolihiisii u dhiibay. 15Mid wuxuu siiyey shan talanti, midna wuxuu siiyey laba, midna wuxuu siiyey mid; mid kasta sidii tabartiisu ahayd, markaasuu dhoofay. 16Isla markiiba kii shantii talanti helay ayaa tegey oo ku baayacmushtaray, oo wuxuu faa'iiday shan talanti oo kale. 17Sidaas oo kale kii labada helayna, laba kale ayuu faa'iiday. 18Kii midka helayse, wuu baxay oo dhulka qoday oo lacagtii sayidkiisii ayuu ku qariyey. 19Wakhti dheer dabadeed sayidkii addoommadaas ayaa yimid oo ka xisaab qaatay. 20Kii shantii talanti helay ayaa yimid oo keenay shan talanti oo kale, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay shan talanti; eeg, shan talanti oo kale ayaan ka faa'iiday. 21Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal. 22Kii labadii talanti helayna waa yimid oo yidhi. Sayidow, waxaad ii dhiibtay laba talanti; eeg, laba talanti oo kale ayaan ka faa'iiday. 23Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal. 24Kii talantigii keliya helayna waa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, waan ku garanayay inaad tahay nin qalbi engegan, oo aad wax ka guratid meel aanad wax ku beeran oo aad wax ka urursatid meel aanad wax ku firdhin. 25Waana baqay, oo intaan tegey ayaan talantigaagii dhulka ku qariyey. Bal eeg, waa kan kaagii. 26Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin. 27Haddaba waxaad lahayd inaad lacagtayda u dhiibto kuwa baangiga jooga, oo goortaan soo noqdo, waxayga iyo faa'iido ayaan qaadan lahaa. 28Haddaba talantigii ka qaada oo u dhiiba kan tobanka talanti haya. 29Waayo, mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto. 30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

Maalinta xisaabta

31Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. 32Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha. 33Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa. 34Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakadeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey. 35Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayi dow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen. 41Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey. 42Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin. 43Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan. 44Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan dodnaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay? 45Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen. 46Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeedah.

Cutubka 26

Sirqoolkii Ciise loo dhigay (Mk. 14:1-2; Lk. 22:1-2; Yoox. 11:45-53)

1Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan oo dhan dhammeeyey, inuu xertiisii ku yidhi, 2Waxaad og tihiin laba maalmood dabadeed inay tahay Iiddii Kormaridda, oo Wiilka Aadanaha waxaa loo gacan gelinayaa in iskutallaabta lagu qodbo. 3Markaasaa wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka waxay isku urursadeen barxadda wadaadkii sare oo Kayafas la odhan jiray. 4Oo waxay ka wada hadleen si ay Ciise khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan. 5Laakiin waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabsho dadka uga dhex kicin.

Ciise oo Beytaniya lagu subkay (Mk. 14:3-9; Yoox. 12:1-8)

6Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, 7waxaa u timid naag haysa weel [10]alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey. 8Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay? 9Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa. 10Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye. 11Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse mar walba idinlama joogo. 12Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso. 13Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhanmeel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

Yuudas khiyaanadiisa (Mk. 14:10-11; Lk. 22:3-6)

14Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyot la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare 15Oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacan gelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah. 16Markaas dabadeed wuxuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacan geliyo.

Cashadii ugu dambaysay (Mk. 14:12-26; Lk. 22:7-23; Yoox. 13:21-30;1 Kor. 11:23-25)

17Maalintii ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirkalahayn xertii ayaa Ciise u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu kuu diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda? 18wuxuu yidhi, Magaalada gala oo hebel u taga oo waxaad ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Wakhtigaygii waa dhow yahay, gurigaaga ayaan cashada Iidda Kormaridda kula samaysanayaa xertayda. 19Xertii waa samaysay sida Ciise ku amray oo cashada Iidda Kormariddii ayay diyaargareeyeen. 20Goortii makhribkii la gaadhay, laba-iyo-tobankii xerta ahaa ayuu cunto ula fadhiistay, 21oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacan gelin doona. 22Markaasay aad iyo aad u caloolxumaadeen, oo waxay bilaabeen in mid kastaa ku yidhaahdo, Ma aniga baa, Sayidow? 23wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Kii saxanka gacanta ila gesha kaasaa i gacan gelin doona. 24Wiilka Aadanahu waa baxayaa, siday u qoran tahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacan gelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan. 25Yuudas oo ah kii gacan geliyey ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma aniga baa, Sayidow? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhi. 26Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakadeeyey, wuuna jejebiyey oo xertii siiyey oo yidhi, Qaata oo cuna. Tanu waa jidhkaygiiye. 27Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahad naqay oo siiyey iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Kulligiin ka cabba. 28Waayo, kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay dembidhaafkooda aawadiis. 29Laakiin waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu kama cabbi doono midhahan geedka canabka ah ilaa maalinta aan iyadoo cusub idinkula cabbayo boqortooyada Aabbahay dhexdeed. 30Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur Saytuun.

Ciise wuxuu sii sheegay xertiisa ka-tegiddooda (Mk. 14:27-31; Lk. 22:31-34; Yoox. 13:36-38)

31Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Caawa kulligiin waa iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa oo idaha foofka ahu waa kala firdhi doonaan. 32Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo, dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa. 33Laakiin Butros ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Hadday kulli kaa xumaadaan, anigu weligay kaa xumaan maayo. 34Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Caawa qudheeda intaan diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa. 35Butros wuxuu ku yidhi, In kastoo aan leeyahay inaan kula dhinto, kollayba ku dafiri maayo. Xertii oo dhammuna sidaasay wada yidhaahdeen.

Ciise oo Beer Getsemane ku jiray (Mk. 14:32-42; Lk. 22:39-46)

36Markaasaa Ciise la yimid iyaga meel Getsemane la odhan jiray, oo wuxuu xertii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan halkaas tegayo oo ku soo tukanayo. 37Oo wuxuu watay Butros iyo labada wiil oo Sebedi, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiiraanyoodo. 38Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo ila soo jeeda. 39Wuxoogaa ayuu hore u socday, oo wejigiisuu u dhacay oo tukaday isagoo leh, Aabbow, hadday suurtowdo, koobkanu ha i dhaafo, hase ahaatee, yaanay noqon sidaan doonayo laakiin sidaad doonaysid ha noqoto. 40Xertii ayuu u yimid, oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Waa sidee? Miyaad kari weydeen inaad saacad keliya ila soo jeeddaan? 41Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daran yahay. 42Haddana mar labaad ayuu tegey oo tukaday isagoo leh, Aabbow, haddii aanay suurtoobin in koobkanu i dhaafo anigoo cabba maahee, sidaad doonaysid ha noqoto. 43Mar kale ayuu yimid oo arkay iyagoo hurda, waayo, indhahoodu lulmay la cuslaayeen. 44wuu iska daayay oo haddana ka tegey, oo mar saddexaad ayuu tukaday isagoo haddana hadalkii oo kale ku hadlaya. 45Markaasuu xertii u yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta. Bal eega, saacaddii waa dhow dahay, oo Wiilka Aadanaha ayaa dembiilayaal loo gacan gelinayaa. 46Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacan gelin lahaa waa soo dhow yahay.

Ciise waa la qabtay (Mk. 14:43-50; Lk. 22:47-S3; Yoox. 18:3-12)

47Oo intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo waayeellada dadka. 48Kii gacan geliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta. 49Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday. 50Kolkaasaa Ciise ku yidhi, Saaxiibow, maxaad u timid? Markaasay yimaadeen, oo gacmahooda ayay Ciise saareen oo qabteen. 51Oo bal eeg, mid ka mid ah kuwii Ciise la jiray ayaa gacanta fidiyey, oo seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay. 52Markaasaa Ciise ku yidhi, Seeftaada meesheedii ku celi, waayo, kuwa seefo qaada oo dhammu seef bay ku halligmi doonaan. 53Ma waxaad u malaynaysaa inaanan Aabbahay baryi karin oo uusan haddeer ii soo diri karin malaa'igo laba iyo toban guuto ka badan? 54Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa? 55Saacaddaas qudheeda ayaa Ciise dadkii badnaa ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay? Maalin walbaba macbudka ayaan fadhiyi jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan. 56Laakiin waxan oo dhan ayaa noqday in qorniinka nebiyadu rumoobo. Markaasaa xertii oo dhammu ka wada tageen oo carareen.

Ciise waxaa lagu xukumay wadaadka sare hortiisii (Mk. 14:53-65; Lk. 22:54-55, 63-71; Yoox. 18:12-14, 19-24)

57Kuwii Ciise qabtay waxay u geeyeen Kayafas oo ahaa wadaadkii sare, ilaa meeshii culimada iyo waayeelladu ku urursanaayeen. 58Laakiin Butros baa meel fog ka soo daba socday ilaa barxadda wadaadkii sare, wuuna galay oo askartii la fadhiistay inuu ugudambaysta arko. 59Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati been ah oo Ciise ka gees ah si ay u dilaan. 60Waase heli waayeen, in kastoo markhaatiyaal badan oo been ahu yimaadeen. Laakiinse dabadeed waxaa yimid laba, 61oo waxay yidhaahdeen, Kanu wuxuu yidhi, Waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso. 62Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay? 63Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah, iyo in kale. 64Ciise ayaa ku yidhi. Waad tidhi. Hase ahaatee waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka. 65Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka. 66Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuxuu istaahilaa dhimasho. 67Markaasay wejiga kaga candhuufeen oo garaaceen. Qaarna waa dharbaaxeen, 68oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Masiixow. Yuu yahay kan kugu dhuftay?

Butros baa dafiray Ciise (Mk. 14:66-72; Lk. 22:56 h2; Yoox. 18:15-18, 25-27)

69Butros wuxuu fadhiyey barxadda dibadda ah, markaasaa gabadh u timid oo waxay ku tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Galili. 70Laakiin dhammaantood ayuu ku hor dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu garan maayo waxaad leedahay. 71Goortuu iridda tegey mid kale ayaa aragtay, oo waxay kuwii halkaas joogay ku tidhi, Kanu wuxuu la jiray Ciisihii reer Naasaret. 72Haddana dhaar ayuu ku dafiray oo yidhi, Anigu garan maayo ninka. 73Wuxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa u yimid oo Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, hadalkaaga ayaa ku muujinaya. 74Markaasuu bilaabay inuu caytamo oo ku dhaarto inaanu ninka garanayn. Kolkiiba diiqii baa ciyey. 75Markaasaa Butros wu xuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu Ciyin saddex goor ayaad i dafiri doontaa. Markaasuu baxay oo aad u ooyay.

Cutubka 27

Ciise waxaa loo dhiibay Bilaatos oo ahaa taliyaha reer Rooma (Mk. IS: 1;Lk. 23:1-2;Yoox. 18:28-32)

1Goortii aroortii la gaadhay wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan. 2Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.

Yuudas dhimashadiisa

3Markaas Yuudas, oo ahaa kii gacan geliyey, goortuu arkay in la xukumay, ayuu isqoomammeeyey, oo soddonkii gogo' oo lacagta ahaa ayuu wadaaddadii sare iyo waayeelladii ku celiyey, 4oo wuxuu ku yidhi, Waan dembaabay markaan gacan geliyey dhiig eed la'. Laakiin waxay ku yidhaahdeen, Maxaa noogu jira? Yeelkaa. 5Markaasuu lacagtii macbudka gudihiisa ku daad shay oo ka tegey, wuuna baxay oo isdeldelay. 6Kolkaasaa wadaaddadii sare lacagtii qaadeen oo waxay yidhaahdeen, Xalaal ma aha in khasnadda qoduuska ah lagu rido, waayo, waa dhiig iibkiis. 7Markaasay ka wada hadleen oo waxay ku iibsadeen dhulka dheriyasameeyaha in shisheeyaha lagu aaso. 8Sidaa darteed ilaa maanta dhulkaas waxaa loogu yeedhaa dhulkii dhiigga. 9Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga hadlay markuu yidhi, Waxay qaateen soddonkii gogo' oo lacagta ahaa oo ah iibkii lagu qiimeeyey isaga, kii bini Israa'iil ku qiimeeyeen. 10Waxayna ka bixiyeen dhulka dheriyasameeyaha sida Rabbigu iigu amray.

Ciise oo Bilaatos hor taagan (Mk. 15:2-15; Lk. 23:3-5, 13-25; Yoox. 18:33-19:16)

11Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weydiiyey oo ku yidhi. Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi. 12Goortii wadaaddadii sare iyo waayeelladii ay ashtakeeyeen, waxba uma uu jawaabin. 13Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan? 14Laakiin uguma uu jawaabin xataa eray keliya, sidaa darteed taliyihii ayaa aad ula yaabay. 15Taliyihii waxaa caadadiisu ahayd inuu iidda dadka u sii daayo maxbuuskay doonayaan. 16Markaasay waxay lahaayeen maxbuus caan ah oo la odhan jiray Baraabbas. 17Haddaba goortay isu urureen. Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? 18Waayo wuxuu ogaa inay xaasidnimo ugu soo dhiibeen. 19Kolkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u so dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday. 20Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weydiistaan, Ciisena la dilo. 21Laakiin taliyihii ayaa u jawaabay oo ku yidhi Labadooda kee baad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Waxay yidhaahdeen, Baraabbas. 22Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo. 23Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay'? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo. 24Bilaatos goortuu arkay inuusan waxba ka tari karin in rabsho kacdo maahee, ayuu biyo qaatay oo dadka hortooda ku gacmo dhaqday oo wuxuu yidhi, Anigu waan ka eedla'ahay ninkan xaqa ah dhiiggiisa. Idinku yeelkiinna. 25Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado. 26Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

Ciise waa lagu qodbay iskutallaabta (Mk. 15:16-32; Lk. 23:26-43; Yoox. 19:17-27)

27Markaasaa taliyaha askartiisii waxay Ciise geeyeen guriga taliyaha oo waxay isaga ku soo ururiyeen askartii oo dhan. 28Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduu dan. 29Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow. 30Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen. 31Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo. 32Goortay soo baxeen, waxay arkeen nin reer Kuranaya ah oo Simoon la odhan jiray, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado. 33Oo goortay yimaadeen meel Golgota la odhan jiray, tan la yidhaahdo meeshii dhakada, 34waxay siiyeen inuu cabbo khamri xameeti lagu daray, goortuu dhadhamiyeyse wuu diiday inuu cabbo. 35Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen. 36Meeshaasna ayay fadhiisteen oo dhawreen. 37Waxay meel madaxiisa ka korraysa ku qoreen ashtakadii lagu ashtakeeyey oo leh, KANU WAA CIISE BOQORKA YUHUUDDA. 38Markaasaa waxaa iskutallaabo lagu la qodbay laba tuug, mid midigta, midna bidixda. 39Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, 40waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, isbadbaadi, haddii aad tahay Wiilka Ilaah, oo iskutallaabta ka soo deg. 41Sidaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen, 42Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. Waa Boqorka Israa'iil; haddeer iskutallaabta ha ka soo dego, annaguna waannu rumaysan doonnaaye. 43Ilaah buu isku halleeyey, haddeer ha bixiyo hadduu isaga ku faraxsan yahay, waayo, wuxuu yidhi, Waxaan ahay Wiilka Ilaah. 44Tuugaggii iskutallaabaha lagu la qodbayna sidaas oo kale ayay u caayeen.

Ciise waa dhintay (Mk. 15:33-41; Lk. 23:44-49; Yoox. 19:28-30)

45Hadda saacaddii lixaad ilaa saacaddii sagaalaad dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa. 46Abbaaraha saacaddii sagaa laad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay co yidhi, Eli, Eli, lama sabakhtani, waxaa weeye, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? 47Kuwa halkaas taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen, yidhi, Kanu wuxuu u yeedhayaa Eliyaas. 48Kolkiiba midkood baa orday oo qaaday geed isbonji la yidhaahdo, oo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo. 49Kuwa kale ayaa yidhi, Daaya aynu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo badbaadiyo. 50Markaasaa Ciise goortuu mar kale cod weyn ku dhawaaqay, ruuxii bixiyey. 51Oo bal eeg, daahi macbudka ayaa kor ilaa hoos laba u kala dillaacay, dhulkiina waa gariiray. dhagaxyadiina waa kala dildillaaceen. 52Xabaalihiina waa furmeen, oo qoduusiin badan oo hurdayna meydadkoodii waa la kiciyey. 53Sarakiciddiisa dabadeed ayay xabaalaha ka soo baxeen, oo waxay galeen magaalada qoduuska ah, oo waxay u muuqdeen dad badan. 54Boqol-utaliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay. aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah. 55Waxaana halkaas joogay dumar badan oo meel fog ka eegayay, kuwii Ciise ka soo raacay Galili oo u adeegi jiray isaga, 56oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yaquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.

Ciise waa la aasay (Mk 15:42-47; Lk. 23:50-56; Yoox. 19:38-42)

57Goortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xeertiisa ahaa. 58Kaasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo. 59Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay, 60oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkcedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey. 61Oo halkaas waxaa joogay Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale, oo waxay fadhiyeen meel xabaashii ka soo hor jeedda. 62Maalintii dambe oo ku xigtay Maalintii Diyaargarayska, wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay u wada yimaadeen Bilaatos, 63oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa. 64Haddaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadhl oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore. 65Bilaatos wuxuu ku yidhi, Waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya ill alla intaad adkayn taqaanniin. 66Markaasay tageen. iyaga iyo waardiyayashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagaxiina way shaabadeeyeen.

Cutubka 28

Ciise waa ka soo sara kacay kuwii dhintay (Mk. 16:1-18; Lk. 24:1-12;Yoox. 20:1-10)

1Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan. 2Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay. 3Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad. 4Oo cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad. 5Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutallaabta lagu qodbay. 6Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay. 7Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye. 8Dhaqsoba waxay xabaashii kala tageen baqdin iyo farxad weyn, oo waxay u ordeen inay xertiisa u warramaan. 9Kolkaasaa Ciise ka hor yimid oo ku yidhi. Nabad. Markaasay u dhowaadeen oo intay cagihiisa qabteen ayay caabudeen. 10Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ha baqina. Taga oo walaalahay u sheega inay Galili tagaan, oo halkaasay igu arki doonaan. 11Intay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan. 12Iyaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen, 13oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay. 14oo haddii taliyihii waxan maqlo, waannu rumaysiinaynaa oo waannu idiin welwel tiraynaa. 15Markaasay lacagtii qaateen oo yeeleen sidii lagu yidhi. Hadalkanu maalintaas ilaa maanta waa ku dhex firdhisanaa Yuhuudda.

Ciise wuxuu Galili ugu muuqday koob-iyo tobankii xertiisa ahayd

16Markaasaa koob-iyo-tobankii xerta ahaa Galili tageen ilaa buurtii Ciise kula ballamay. 17Oo goortay arkeen isagii, way caabudeen, laakiin qaar baa shakiyey. 18Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey. 19Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Qoduuskaa, 20OO bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.


[1] 4:23 sunagog = guri lagu tukado.

[2] 10:4 Simoon reer Kaana = Simoon Qiiroleh.

[3] 11:23 Haadees = meeshii kuwii dhintay.

[4] 11:29 harqood = qoriga lagu xidho laba dibi inay wax ku jiidaan.

[5] 12:4 kibistii tusniinta = kibis gooni ah oo loo bixiyey Ilaah.

[6] 17:24 laba darakmo = lacag lagu bixin jiray cashuurtii macbudka.

[7] 17:27 istater = afar "darakmo".

[8] 18:24 talanti = lacag miisaan badan.

[9] 21:9 Hoosanna = hadal ammaan ah.

[10] 26:7 alabastar = dhagax cad.

Document Actions