Personal tools
You are here: Home Somali language Injeel INJIILKA SIDA MARKOS U QORAY

INJIILKA SIDA MARKOS U QORAY

Cutubka 1

Yooxanaa Baabtiisaha iyo farriintii uu waday (Mt 3:1-12; Lk. 3:1-17)

1Bilowgii injiilkii Ciise Masiix. oo ah Wiilka Ilaah. 2Sidii Nebi Isayos u qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga diyaarga1 ayn doona; 3Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya. 4Waxaa yimid Yooxanaa kan cidlada dadka ku baabtiisayay oo ku wacdiyeyey baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis 5Markaasaa waxaa u soo baxay dadkii Yahuudiya oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan. oo kulligoodna Webi Urdun ayuu ku baabtiisay. iyagoo dembiyadooda qiranaya. 6Yooxanaa wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa. oo wuxuu cunay ayax iyo malab dibadeed. 7Oo wax buu wacdiyey oo yidhi, Waxaa iga daba imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan foororsado oo aan yeelmihii kabihiisa furo. 8Anigu waxaan idinku baabtisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Qoduuska ah.

Ciise waa la baabtiisay (Mt. 3:13-17; Lk. 3:21-22)

9Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasaret tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii. 10Markiiba intuu biyihii ka soo baxay wuxuu arkay samooyinkii oo kala dillaacay iyo Ruuxii oo sidii qoolley oo kale dushiisa ugu soo degaya. 11Waxaa samooyinka ka yimid cod leh7 Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.

Shaydaan baa isku deyay inuu Ciise duufsado (Mt 4:1-11; Lk. 4:1-13)

12Oo markiiba Ruuxii baa xaggii cidlada u eryay. 13Afartan maalmood buu cidlada joogay, Shaydaan baana jirrabay oo wuxuu la jiray dugaagga, malaa'igahuna waa u adeegeen.

Bilowgii wacdiga Ciise (Mt. 4:17; Lk. 4:14-15)

14Kolkii Yooxanaa la qabtay dabadeed, Ciise wuxuu yimid Galili, oo wuxuu dadka ku wacdiyey injiilka Ilaah, 15wuxuuna yidhi, Wakhtigii waa buuxsamay, oo boqortooyadii Ilaah waa soo dhowaatay; toobad keena oo injiilka rumaysta.

Ciise wuxuu u yeedhay xertiisii u horraysay (Mt. 4:18-22; Lk. 5:1-11)

16Markuu badda Galili ag marayay, wuxuu arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kuwa kalluun jillaabta. 17Ciise wuxuu ku yidhi, I soo raaca. Waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta. 18Markiiba shabagyadoodii way ka tageen, wayna raaceen. 19Markuu cabbaar socday, wuxuu arkay Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo doonnida dhexdeeda shabagyadoodii ku hagaajinaya. 20Markiiba wuu u yeedhay. Kolkaasay aabbahood Sebedi iyo shaqaalayaasha kaga soo tageen doonnida, oo isagay raaceen.

Ciise wuxuu Kafarna'um ku bogsiiyey jinnooleh (Lk. 4:31-37)

21Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba Sabtida wuxuu galay [1]sunagogga oo dadka wax baray. 22Waxayna la yaabeen wax bariddiisa, waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh, oo uma uu baraynin sida culimada. 23Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi, 24Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaretow? Ma waxaad u timid inaad na baabi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay Kan Qoduuska ah ee Ilaah. 25Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. 26Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay. 27Kulligoodba ayay la wada yaabeen, sidaa aawadeed iyaga dhexdooda way isweydiiyeen oo yidhaahdeen, Waa maxay waxani? Ma wax barid cusub baa? Xataa jinniyadii wasakhda lahayd amar buu ku amraa, wayna yeelaan. 28Markiiba warkiisii waa gaadhay dhulkii Galili ku wareegsanaa oo dhan.

Ciise wuxuu bogsiiyey Butros soddohdiis iyo dad kale oo badan

Ciise wuxuu bogsiiyey Butros soddohdiis iyo dad kale oo badan

(Mt. 8:14-17; Lk. 4:38-41)

29Oo markiiba kolkay sunagoggii ka soo baxeen, waxay galeen guriga Simoon iyo Andaros, iyaga iyo Yacquub iyo Yooxanaaba. 30Simoon soddohdiis baa qandho la jiiftay, oo kolkiiba waxay isaga u sheegeen wax iyada ku saabsan. 31Markaasuu u soo dhowaaday oo gacanteeda qabtay oo uu kiciyey. Kolkiiba qandhadii waa ka baxday oo ay u adeegtay iyaga. 32Makhribkii goortay qorraxdii dhacday, waxay u keeneen kuwa buka oo dhan iyo kuwa jinniyo qaba. 33Markaasaa dadkii magaalada oo dhan albaabka ku soo ururay. 34Oo wuxuu bogsiiyey dad badan oo cudurro kala cayncayn ah qabay, dadkana jinniyo badan buu ka saaray, oo uma oggolaanin jinniyadu inay hadlaan, waayo, isagay garanayeen.

Ciise gooni ahaan buu u tukaday (Lk. 4:42-44)

35Aroortii hore intaan weli waagii beryin ayuu kacay oo wuxuu tegey meel cidla ah, halkaasuuna ku soo tukanayay. 36Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen. 37Goortay heleen waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhan baa ku doondoonaya. 38Wuxuu ku yidhi, Aan tagno magaalooyinka inoo dhow, inaan halkaasna wax ku wacdiyo; waayo, taas aawadeed ayaan u imid. 39Wuxuu galay sunagogyadoodii Galili ku yiil oo dhan; dadkana ayuu ka wacdiyey, jinniyadiina ayuu dadka ka saaray.

Baraslihii la bogsiiyey (Mt. 8:1-4; Lk. S: 12-16)

40Markaasaa waxaa u yimid nin baras leh, wuuna jilba joogsaday oo baryay, oo ku yidhi, Haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa. 41Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow. 42Kolkiiba baraskii waa ka baxay, oo wuu daahirsanaaday. 43Ciisena aad buu u xukumay, oo markiiba ayuu iska diray, 44Oo ku yidhi, Ninna waxba ha kala hadlin, laakiin tag oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii uu Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee. 45Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.

Cutubka 2

Curyaankii la bogsiiyey (Mt. 9:1-8; Lk. 5- 17-26)

1Dhawr maalmood dabadeed goortuu haddana Kafarna'um galay, waxaa la maqlay inuu guriga joogo. 2Markaasaa waxaa is-urursaday dad badan, sidaa daraaddeed meel ay joogsadaan ayay ka waayeen xataa albaabka hortiisii, oo iyaga ayuu hadalkii kula hadlay. 3Kolkaasay u yimaadeen oo nin curyaan ah u keeneen, waxaana siday afar qof. 4Goortay u soo dhowaan kari w aayeen dadkii badnaa daraaddiis ayay saqafka dusha ka fureen meeshuu joogay. Goortii ay jebsheen. waxay ka soo dejiyeen sariirtii ninkii curyaanka ahaa ku jiifay. 5Ciise kolkuu rumaysadkoodii arkay ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi. Wiilkow. dembiyadaadu waa cafiyan yihiin. 6Laakiin halkaa waxaa joogay qaar culimada ah oo iska fadhiyey oo qalbiyadooda ka fikirayay, oo waxay isku yidhaahdeen, 7Ninkanu muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caytamayaa. Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee? 8Kolkiiba Ciise ruuxiisuu ka ogaaday inay sidaas qalbiyadooda ka fikirayaan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan qalbiyadiinna ugaga fikiraysaan? 9Iyamaa hawl yar. in curyaanka lagu yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in lagu yidhaahdo, Kac oo sariirtaada qaado oo soco? 10Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi), 11Waxaan ku leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag. 12Kolkiiba wuu kacay oo sariirtiisii qaatay; wuuna baxay dadkii oo dhan hortooda, sidaa darteed ayay la wada yaabeen. wayna ammaaneen Ilaah. oo waxay yidhaahdeen. Weligayo sidan oo kale ma aannu arag.

U-yeedhidda Laawi (Mt. 9:9-13; Lk. S: 27-32)

13Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray. 14Goortuu ag marayay. wuxuu arkay Laawi ina Alfayos, isagoo fadhiya meesha cashuurta lagu qaado, oo uu ku yidhi isaga, I soo raac. Wuuna kacay oo raacay. 15Waxaa dhacay markii Ciise gurigiisa cunto u fadhiistay in kuwa badan oo cashuurqaadayaal iyo dembiilayaal ah Ciise iyo xertiisii la fadhiistay; waayo, way badnaayeen, wayna raaceen. 16Culimadii iyo Farrisiintii markay arkeen isagoo dembiilayaal iyo cashuurqaadayaal wax la cunaya, waxay xertiisii ku yidhaahdeen. Waa sidee? Wuxuu wax la cunaa oo la cabbaa cashuurqaadayaal iyo dembiilayaal. 17Ciise goortuu maqlay ayuu ku yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan. Uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembiilayaasha u yeedho ayaan u imid.

Wax soonka ku saabsan (Mt. 9:14-17; Lk. 5:33-39)

18Xertii Yooxanaa iyo Farrisiintii ayaa soomi jiray. lsagay u yimaadeen oo waxay hu yidhaahdeen, Xertii Yooxanaa iyo xertii Farrisiintu mahay u soomaan oo ay xertaadu u soomi weydaa? 19Markaasaa Ciise ku yidhi. Dadka aroosku miyay soomi karaan intuu aroosku la joogo? In alla intii aroosku la joogo ma ay soomi karaan. 20Laakiin waxaa iman doona maalmaha arooska laga qaadi doono, markaasay soomi doonaan maalintaas. 21Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah. haddii kale tan cusub ee lagu buuxin lahaa ayaa ka goda kan duug ah. oo jeexdintu waa ka sii xumaataa. 22Khamri cusubna qarbeddo duug ah laguma shubo, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, khamriguna waa daadanayaa. qarbeddaduna waa hallaabayaan. Laakiin khamriga cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

Wax Sabti dhawridda ku saabsan (Mt. 12:1-8; Lk. 6:1-5)

23Waxaa dhacay inuu Sabtidii beeraha dhex marayay, oo xertiisii intay soconayeen ayay bilaabeen inay sabuullada jartaan. 24Markaasaa Farrisiintii waxay isaga ku yidhaahdeen. Bal eeg, maxay Sabtida u samaynayaan wixii aan xalaal ahayn? 25Wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan weligiin akhriyin wixii Daa'uud sameeyey markuu wax u baahnaa oo uu gaajaysnaa, isaga iyo kuwii la jiray? 26Siduu guriga Ilaah u galay waagii wadaadkii sare ee Aabyaataar. oo uu u cunay [2]kibistii tusniinta oo aan xalaal uu ahayn dad kale wadaaddada maahee, oo uu siiyey kuwii la jirayna. 27Markaasaa wuxuu ku yidhi iyaga, Sabtida waxaa loo sameeyey dadka aawadiis ee dadka looma samayn Sabtida aawadeed. 28Sidaa darteed Wiilka Aadanahu waa sayidka Sabtida.

Cutubka 3

Ninkii gacanta engegnaa waa la bogsiiyey (Mt. 12:9-14; Lk. 6:6-11)

1Kol dambe wuxuu galay sunagogga; halkaasna waxaa joogay nin gacan engegan. 2Markaasay fiirinayeen inuu Sabtida bogsiinayo iyo in kale, si ay u ashtakeeyaan. 3Kolkaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi. Dhexda isa soo taag. 4Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen. 5Goortuu iyaga isha mariyey isagoo cadhaysan oo qalbigiisii ka tiiraanyooday qalbi engegnaantooda aawadeed, wuxuu ninkii ku yidhi, Gacanta soo taag. Kolkaasuu soo taagay. oo gacantiisu way bogsatay. 6Markaasaa Farrisiintu baxeen. oo markiiba waxay kala tashadeen Herodosiintii si ay u dilaan isaga.

Dad kaloo la bogsiiyey

7Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya, 8iyo Yeruusaalem, iyo Idumiya, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo kuwa ag joogay Turos iyo Siidoon; dad tiro badan goortii ay maqleen waxa weyn ee u samaynayay ayay u yimaadeen. 9Xertiisii wuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Doonni yar ha i sugto dadkii badnaa aawadiis si ayan ii cidhiidhiyin. 10Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga. 11Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. 12Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.

Ciise laba iyo tobankiisii rasuul (Mt. 10:1-4; Lk. 6:12-16)

13Goortaasuu buurta fuulay; wuu u yeedhayna kuwii uu doonayay; wayna u yimaadeen. 14Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan, 15iyo inay u leeyihiin amar ay cudurro ku bogsiiyaan oo ay jinniyo ku saaraan. 16Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, 17iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka, 18iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo [3]Simoon reer Kaana, 19iyo Yuudas Iskariyot, kii gacan geliyey.

Ciise iyo Be'elsebul (Mt. 12:22-37; Lk. 11:14-23; 12:10)

20Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan. 21Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay. 22Culimadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa. 23Kolkaasuu iyagii u yeedhay oo masaallo kugu yidhi, Sidee baa Shaydaan Shaydaan u saari karaa? 24Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto. 25Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono. 26Haddii Shaydaanna isku kaco oo qaybsamo, ma taagnaan karo. Laakiin wuxuu leeyahay dhammaansho. 27Ninna nin xoog leh gurigiisa ma geli karo inuu alaabtiisa dhaco hadduusan kolkii hore ninka xoogga leh xidhin, goortaasuu gurigiisa dhici doonaa. 28Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan; 29laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Qoduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah; 30waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.

Walaalnimada runta ah (Mt. 12:46-50;Lk. 8:19-21)

31Markaasaa waxaa yimid walaalihiis iyo hooyadiis, oo dibadday istaageen, waxayna u direen cid ugu yeedha. 32Dad badan baa agtiisa fadhiyey oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa dibadday joogaan oo waa ku doonayaan. 33Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yaa ah hooyaday iyo walaalahay? 34Kolkaasuu isha mariyey kuwii agtiisa fadhiyey oo ku yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay! 35Ku alla kii yeela doonistii Ilaah kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday.

Cutubka 4

Masaalka ku saabsan beerrayga (Mt. 13:1-9; Lk. 8:4-8)

1Haddana wuxuu bilaabay inuu badda agteeda wax ku baro, oo waxaa u soo ururay dad badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay, wuxuuna fadhiistay badda, dadkii badnaana waxay joogeen badda xeebteeda. 2Markaasuu wax badan masaallo ku baray, oo intuu wax barayay ayuu iyaga ku yidhi, 3Dhegaysta, waxaa baxay beerray inuu wax beero. 4Intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, kolkaasaa shimbiro yimaadeen oo cuneen. 5Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo an carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn, 6laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn. 7Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay, oo midho ma ay dhalin. 8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen, oo intay baxeen ayay koreen oo midho dhaleen. Mid wuxuu dhalay soddon, midna lixdan, midna boqol. 9Oo wuxuu ku yidhi. Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

Sida loo isticmaalo masaallada (Mt. 13:10-17; Lk. 8:9-10)

10Goortuu keligiis ahaa kuwii la joogay iyo laba-iyotobankii wax bay masaalladii ka weydiiyeen. 11Kolkaasuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada Ilaah garataan, laakiin kuwa dibadda jooga wax walba waxaa loogu sheegaa masaallo, 12si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan, si ayan u soo noqon oo aan loo cafiyin.

Micnaynta masaalka beerrayga (Mt. 13:18-23; Lk. 8:11-15)

13Wuxuuna iyaga ku yidhi, Miyaydnaan masaalkan garanaynin? Sidee baad masaalladii oo dhan u garan doontaan? 14Beerraygu wuxuu beeraa hadalka. 15Waa kuwan kuwii jidka yiil meeshii hadalka lagu beeray, oo goortay maqlaan, Shaydaan baa kolkiiba yirnaada oo ka qaada hadalkii lagu beeray iyaga. 16Si la mid ahna kuwan waa kuwii dhul dhagax ah lagu beeray, kuwii goortay hadalkii maqlaanba kolkiiba farxad bay ku qaataan; 17xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar bay sii jiraan, markii dambe goortii dhib ama silec u dhoco hadalka aawadii-,, markiiba way ka xumaadaan. 18Kuwanna waa kuwii qodxanta lagu dhex beeray, kuwa hadalka maqla, 19laakiin kawelwelidda dunidan. iyo sasabidda maalka, iyo damacyada wax kale ayaa gala oo hadalkii ceejiya, oo wuxuu noqdaa midho la aan. 20Kuwanna waa kuwii dhulka wanaagsan lagu beeray, kuwa hadalka maqla, oo aqbala, oo midho soo dhala. mid soddon, midna lixdan, midna boqol.

Waxa laga barto laambadda iyo abuurka (Mt. 13:31-35; Lk. 8:16-18:13: 18-19)

21Wuxuuna iyaga ku yidhi. Ilays ma waxaa loo keenaa in la hoos geliyo weel ama sariir? Sow lama saaro meeshii ilayska? 22Wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, oo wax daboolanna ma jiro oo aan bannaan soo bixi doonin. 23Haddii nin leeyahay dhego uu wax ku maqlo ha maqlo. 24Kolkaasuu ku yidhi, U fiirsada waxaad maqlaysaan; qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa oo ayaa laydiin kordhin doonaa. 25Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto. 26Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha. 27Isagu waa hurdaa, waana kacaa maalin iyo habeenba, oo abuurku waa baxaa oo weynaadaa, laakiin si ay tahay isagu garan maayo. 28Dhulka keligiis ayaa midhaha bixiya, horta jirridda. dabadeed sabuulka, dabadeedna sabuulka midho ka buuxsama. 29Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa. waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid. 30Wuxuuna yidhi. Maxaynu boqortooyadii Ilaah la masaysiinnaa, oo masaalkee baynu u ekaysiinnaa? 31Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale; tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan. 32Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan. oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbiraha cirku hooskeeda ugu degaan. 33Masaallo badan oo tan oo kale ah ayuu hadalka kula hadlay intii ay maqli karayeen. 34Laakiin masaalla'aan kulama uu hadlin, oo markay keligood ahaayeen ayuu wax walba xertiisii u fasiray.

Ciisa duufaankii dejiyey (Mt. 8:23-27; Lk. 8:22-25)

35Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee. 36Goortay dadkii badnaa direen. isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen. 37Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay. 38Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno? 39Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday. 40Goortaa suu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn? 41Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

Cutubka 5

Jinnoolihii reer Gadareni oo la bogsiiyey (Mt 8:28-34; Lk. 8:26-39)

1Waxay yimaadeen dhanka kale oo badda ilaa dalkii Gadareni. 2Goortuu doonnidii ka degay, kolkiiba waxaa la kulmay nin xabaalaha ka so baxay oo jinni wasakh leh qaba. 3Isagu xabaalaha ayuu dhex fadhiyi jiray, oo ninna xataa silsilad kuma xidhi kari jirin. 4Maxaa yeelay, marar badan bir cagaha iyo silsilado waa lagu xidhi jiray, silsiladihiina ayuu iska gooyn jiray, bir cagahana wuu kala jejebin jiray. Ninna ka adkaan kari waayay. 5Weligiiba, habeen iyo maalin, ayuu buuraha iyo xabaalaha joogi jiray isagoo qaylinaya oo dhagaxyona isku jarjaraya. 6Laakiin goortuu Ciise meel fog ka arkay, ayuu ku soo orday oo u sujuuday. 7Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka llaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin. 8Waayo, wuxuu ku yidhi, Ka soo bax ninka, jinni wasakh lahow. 9Markaasuu weydiiyey, Magacaa? Wuxuu ugu jawaabay, Waxaa lay yidhaahdaa, Liijon, waayo, annagu waa badan nahay. 10Aad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin. 11Buurta sin teedana waxaa joogay daaqsin weyn oo doofaarro ah oo daaqaysa. 12Jinniyadii oo dhan baa baryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Noo dir doofaarrada inaannu galno. 13Kolkiiba Ciise baa u fasaxay. Markaasaa jinniyadii wasakhda lahayd baxeen. oo waxay galeen doofaarrada, daaqsintiina jarka hoos bay uga yacday ilaa badda, baddayna ku bakhtiyeen, waxayna ahaayeen abbaaraha laba kun. 14Markaasaa kuwii daajin jiray carareen, oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. 15Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen jinnoolihii isagoo fadhiya oo dhar sita oo miyir qaba, wayna baqeen. 16Kolkaasaa kuwii arkay waxay u sheegeen sidii ay u dhacday jinnoolihii iyo warkii doofaarrada. 17Markaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo. 18Intuu doonnida fuulayay, kii jinniyada qabi jiray ayaa baryay inuu raaco. 19Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay. 20Kolkaasuu tegey oo bilaabay inuu Dekabolis ku naadiyo waxa weyn oo Ciise u sameeyey, oo dhammaan bay la wada yaabeen.

Yayros gabadhiisii; iyo naagtii dhiigbixidda qabtay (Mt. 9:18-26; Lk. 8:40-56)

21Markii Ciise haddana dhanka kale doonnida ugu gudbay ayaa dad faro badan u soo ururay, isaguna badda agteeda ayuu joogay. 22Waxaa u yimid taliyayaasha sunagogga midkood ee Yayros la odhan jiray, oo markuu arkay, cagihiisa ayuu isku riday, 23Oo aad buu u baryay oo ku yidhi, Gabadhaydii yarayd waa sakaraad. Waan ku baryayaa, kaalay oo gacmahaaga saar inay bogsato oo noolaato. 24Markaasaa Ciise raacay, dad faro badanna waa la socday, wayna cidhiidhyeen. 25Waxaa jirtay naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay. 26Silec badanna ayay dhakhtarro badan ka heshay, oo wixii ay lahayd oo dhanna ayay ku bixisay, mana roonaanin laakiinse way ka sii dartay. 27Markay Ciise warkiisa maqashay ayay dadkii soo dhex martay oo dhabarkiisa timid, markaasay maradiisa taabatay. 28Waayo, waxay tidhi, Haddaan dharkiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa. 29Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay oo waxay jidhkeedii ka garatay inay cudurkii ka bogsatay. 30Ciise kolkiiba wuxuu iska gartay in xoog ka baxay isagii, oo intuu cidhiidhiga ku soo jeestay ayuu yidhi, Yaa dharkayga taabtay? 31Xertiisii ayaa ku tidhi, Adigu waad aragtaa dadka badan oo ku cidhiidhinaya. Ma waxaad na leedahay, Yaa i taabtay? 32Kolkaasuu hareerihiisii ka fiirfiiriyey inuu arko tan waxan samaysay. 33Naagtiise waa baqday oo gariirtay iyadoo garanaysa wixii loogu sameeyey. Markaasay timid oo hortiisa ku dhacday oo runtii oo dhan u sheegtay. 34Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhay, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Nabad ku tag, cudurkaagiina ka bogso. 35Goortuu weli hadlayay waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid kuwii yidhi, Gabadhaadii waa dhimatay. Maxaad Macallinka u sii dhibaysaa? 36Mar alla markuu Ciise maqlay hadalka lagu hadlay, wuxuu taliyaha sunagogga ku yidhi, Ha baqin ee iska rumayso. 37Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee. 38Kolkaasuu yimid gurigii taliyaha sunagogga, oo wuxuu arkay buuqa iyo kuwa ooyaya oo aad u barooranaya. 39Goortuu galay wuxuu ku yidhi, Maxaad sidaas ugu buuqaysaan oo u ooyaysaan? Gabadhu ma dhiman, waase huruddaa. 40Iyaguse aad bay ugu qosleen, laakiin goortuu kulligood dibadda u saaray, wuxuu waday gabadhii aabbeheed iyo hooyadeed iyo kuwii isaga la jiray, wuxuuna galay meeshii gabadhu jiiftay. 41Kolkaasuu gabadhii gacanteeda qabtay oo ku yidhi, Talita qumi, taasoo micneheedu yahay, Gabadhay, waxaan ku leeyahay, Kac. 42Kolkiiba gabadhii waa kacday oo socotay; waxay jirtay laba iyo toban sannadood. Dadkuna aad bay ula wada yaabeen. 43Aad buu ugu adkeeyey inaan ninna ogaan, wuxuuna u sheegay in cunto la siiyo iyada.

Cutubka 6

Ciise waa laga celiyey Naasaret (Mt. 13:53-58; Lk. 4:16-30)

1Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen. 2Goortii Sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan la siiyeyna maxay tahay in xataa shuqulladan oo xoogga leh gacmihiisu sameeyaan? 3Kanu miyaanu ahayn nijaarkii, ina Maryan, kii walaal u yahay Yacquub, iyo Yoosee, iyo Yuudas, iyo Simoon; gabdhihii walaali hiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Wayna ka xumaadeen. 4Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa, iyo dadkiisa, iyo gurigiisa dhexdooda maahee. 5Meeshaas shuqul xoog leh kuma samayn karin inuu dhawr buka gacmihiisii saaro oo bogsiiyo mooyaane. 6Wuuna ka yaabay rumaysad la'aantooda aawadeed. Kolkaasuu tuulooyinka ku wareegay isagoo wax baraya.

Rasuulladii shuqulkoodii (Mt. 10:5-15; Lk. 9:1-6)

7Kolkaasuu laba-iyo-tobankii u yeedhay, wuxuuna bilaabay inuu laba laba u diro. Wuuna siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan. 8Wuxuuna ku amray, Waxba safarka ha u qaada nina ul maahee. Kibis iyo qandi iyo lacag kiishad ku jirta ha qaadanina. 9Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina. 10Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan. 11Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato. 12Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii ha toobad keeneen e. 13Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen. wayna bogsiiyeen.

Dhimashadii Yooxanaa Baabtiisaha (Mt. 14:1-12; Lk. 9:7-9)

14Boqor Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, waayo, magi ciisa ayaa meel walba laga wada ogaaday. Kolkaasuu yidhi, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay, sidaa daneeda shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan. 15Laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Waa Eliyaas; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Waa nebi, nebiyada kale la mid ah. 16Laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay. 17Waayo, Herodos qudhiisa ayaa cid diray oo Yooxanaa qabtay oo u xabbisay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, waayo, wuu guursaday, 18Oo Yooxanaa wuxuu Herodos ku yidhi, Xalaal kuu ma aha inaad naagtii walaalkaa haysatid. 19Sidaa darteed ayaa Herodiya ka dhiriftay oo doonaysay inay disho, mase karin, 20waayo, Herodos baa Yooxanaa ka baqay. Wuxuu ogaa inuu yahay nin qumman oo qoduus ah, wuuna ilaaliyey. Oo goortuu maqlay waa wareeray, tarxadna wuu ku maqlay. 21Goortii maalin wanaagsan timid. markii la xusuustay dhalashadii Herodos, ayuu diyaafad ugu yeedhay raggiisii waaweynaa iyo saraakiishiisii iyo cuqaashii Galili. 22Kolkaasaa gabadhii Herodiya qudheedu soo gashay oo cayaartay, oo waxay ka farxisay Herodos iyo kuwii la fadhiyey, kolkaasaa boqorkii baa wuxuu gabadhii ku yidhi, Wax alla wixii aad doonaysidba i weydiiso, waanan ku siinayaa. 23Kolkaasuu wuxuu ugu dhaartay, Wax alla wixii aad i weydiisatidba, waan ku siinayaa ilaa boqortooyadayda badhkeed. 24Markaasay baxday oo hooyadeed ku tidhi, Maxaan weydiistaa? Oo waxay tidhi, Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. 25Kolkiiba boqorkii ayay dhaqso ugu timid oo weydiisatay iyadoo leh, Waxaan doonayaa haddaba madaxii Yooxanaa Baabtiisaha inaad xeedho igu siiso. 26Markaasaa boqorkii aad u calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuusan doonaynin inuu diido. 27Kolkiiba boqorkii wuxuu diray askari oo ku amray inuu madaxiisa soo qaado. Markaasuu tegay oo xabsiga madaxa kaga gooyay. 28Madaxiisiina ayuu xeedho ku soo qaaday oo gabadhii siiyey, gabadhiina waxay siisay hooyadeed. 29Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.

Soo noqodkii rasuullada (Mt 14:13-14; Lk. 9:10)

30Rasuulladii ayaa Ciise u soo ururay. oo waxay u sheegeen wixii ay sameeyeen oo dhan iyo wixii ay bareenba. 31Mar kaasuu iyaga ku yidhi, Keligiin kaalaya cidlada, wuxoogaana ku nasta. Waayo, kuwii imanayay iyo kuwii tegayay way bad naayeen, nefis ay wax ku cunaanna ma lahayn. 32Kolkaasay keli ahaantooda doonni raaceen oo meel cidla ah tageen. 33Dadkii baase arkay iyagoo tegaya, qaar badanna way garteen. oo magaalooyinka oo dhan ayay ka so ordeen, wayna ka dheereeyeen. 34Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay wuuna u naxariistay. maxaa yeelay. waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn w uxuuna bilaahay inuu wax badan haro.

Waxaa cunto la siiyey shan kun oo nin (Mt. 14:15-21; Lk. 9:11-17; Yoox. 6:1-13)

35Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo. haddana maalintii horay u badatay. 36Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan. 37Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan? 38Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun. 39Kolkaasuu ku amray inay cawska kooxkoox ugu fa dhiisiiyaan. 40Waxay u fadhiisteen safaf boqol boqol iyo konton konton ah. 41Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakadeeyey kibistiina ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan, labadii kalluunna wuu u qaybiyey gidiyood 42Dhammaantood way wada cuneen, oo ka dhergeen. 43Oo waxay soo gureen laba iyo toban dembiilood oo ka buuxa jajabkii iyo kalluunka. 44Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.

Ciise baa badda ku dul socday (Mt. 14:22-27; Yoox. 6:16-21)

45Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale oo Beytsayda intuu dadkii badnaa dirayo. 46Goortuu kala diray, ayuu buurta tegey inuu ku tukado. 47Goortii makhribkii la gaadhay. doonnidii waxay joog tay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay. 48wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya. waayo dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa. 49Laakiin goortay arkeen isagoo badda ku dul socda. waxay moodeen inuu muuqasho yahay, markaasay qayliyeen. 50Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina. 51Markaasuu doonnidii iyaga ugu tegey, dabayshuna waa joogsatay. Aad iyo aad bay u nexeen oo ula yaabeen. 52Waayo, iyaga kibistii waxba kama ay garanin, maxaa yeelay, qalbigoodu waa engegnaa.

Bogsiintii dadka Gennesaret joogay (Mt. 14:34-36)

53Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesaret, oo doonnidiina xeebtay ku xidheen. 54Goortay doonnida ka soo degeen, kolkiiba dadku way garteen isaga. 55Oo waxay orod ku wareegeen dalka u dhow oo dhan oo bilaabeen inay kuwa buka sariiro ugu soo qaadaan meeshii ay ku maqleen inuu joogo. 56Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.

Cutubka 7

Ciisaa ka jawaabay eedayntii ku saabsanayd xeerka (Mt. 15:1-20)

1Kolkaasaa waxaa u soo urureen Farrisiintii iyo qaar culimo ah oo Yeruusaalem ka yimid. 2Goortaasay arkeen xertiisii qaarkooda oo kibis ku cunaya gacmo nijaasaysan, waxa weeye gacmo aan dhaqnayn. 3Waayo, Farrisiinta iyo Yuhuudda oo dhammu waxba ma cunaan haddayan gacmahooda aad u dhaqin, si ay u xajiyaan xeerkii waayeellada. 4Oo goortay suuqa ka yimaadaan waxba ma cunaan, inay maydhaan maahee. Waxyaalo badan oo kale ayaa jira oo ay heleen inay xajiyaan sida dhaqidda koobab, iyo dheriyo, iyo weelal naxaas ah, iyo miisas. 5Markaasaa Farrisiintii iyo culimadii weydiiyeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertaadii maxay ugu socon waayeen xeerkii waayeellada, waxayse wax ku cunaan gacmo nijaasaysan? 6Markaasuu wuxuu ku yidhi, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay, labawejilayaalow, siday u qoran tahay, Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay. 7Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka. 8Idinku qaynuunkii Ilaah waad ka tagtaan, oo waxaad xajisaan xeerka dadka, sida dhaqidda dheriyada iyo koobabka, oo wax kale oo badan oo kuwaas la mid ah ayaad samaysaan. 9Markaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan. 10Waayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa. dhimasho ha ku dhammaado. 11Laakiin waxaad leedihiin, Haddii nin aabbihii iyo hooyadii ku yidhaahdo, Wixii aan idiin tari lahaa oo dhan waa Qurbaan. waxa weeye, Waa sadaqad aan Ilaah siiyey; 12idinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo. 13Hadalkii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen. oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan. 14Markaasuu dadkii badnaa haddana u yeedhay oo ku yidhi, I maqla kulligiin oo garta. 15Ma jiraan wax dibadda jooga oo intay ninka galaan nijaasayn karaa, laakiin waxa isaga ka soo baxa kuwaasaa waxa ninka nijaaseeya. 16Haddii nin dhego wax lagu maqlo leeyahay ha maqlo. 17Markuu dadka ka tegey oo guri galay ayaa xertiisii masaal ladii wax ka weydiisay. 18wuxuu iyaga ku yidhi, Idinkuna ma sidaasaad garasho la'aan u tihiin? Miyaydnaan garanaynin in waxa dibadda joogaa oo dadka galaa ayan nijaasayn karin? 19Waayo. qalbigiisa ma galaan. Laakiin calooshiisay galaan. oo waxay ku dhacaan meesha lagu xaaro. Sidaasuu cuntada oo dhan ku nadiifiyey. 20Wuxuuna ku yidhi. Waxa ninka ka soo baxa. kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa. 21Waayo, waxan weeye waxa qalbiga dadka gudihiisa ka soo baxa fikirrada shar leh, iyo wasmada xaaraanta ah, iyo tuuganimada. iyo dilidda, 22iyo damacnimada, iyo sharka, iyo khiyaanada, iyo camal xumaanta. iyo il xun, iyo cayda, iyo kibirka, iyo nacasnimada. 23Wax yaalahan shar leh oo dhammu gudahay ka soo baxaan oo ninka nijaaseeyaan.

Bogsiintii gabadha aan Yuhuudda ahayn (Mt. 15:21-28)

24Meeshaas ayuu ka kacay oo wuxuu tegey soohdimaha Turos iyo Siidoon. Markaasuu guri galay. Ma uu doonaynin in la ogaado. Laakiin wuu qarsoomi kari waayay. 25Kolkaasaa naag gaba dheedu jinni wasakh leh qabtay ayaa warkiisa maqashay. oo intay timid ayay lugihiisa isku tuurtay. 26Naagtii waxay ahayd Gariig, qolo ahaanna Surofoynike. Oo waxay ka bariday inuu jinniga gabadheeda ka saaro. 27Kolkaasuu ku yidhi, Kolkii hore carruurtu ha dheergaan, waayo ma wanaagsana in carruurta kibis tooda la qaado oo eeyaha loo tuuro. 28Laakiin way u jawaabtay oo ku tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyaha miiska hoostiisa ku jiraa waxay cunaan jajabka carruurta ka dhaca. 29Kolkaasuu iyada ku yidhi. Hadalkaas aawadiis tag: jinnigii ayaa gabadhaada ka baxay. 30Goortay gurigeeda timid waxay aragtay gabadhii oo sariirta jiifta oo jinnigii ka baxay.

Nin dhego iyo carrab la' oo la bogsiiyey (Mt. 15:29-31)

31Mar kale ayuu soohdimaha Turos ka soo tegey oo Siidoon maray oo badda Galili yimid soohdimaha Dekabolisna ayuu soo dhex maray. 32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la. waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro. 33Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tutay oo carrabkiisa taabtay. 34Markaasuu cirka kor u eegay, wuuna taahay oo ku yidhi, Efata, waxa weeye. Furan. 35Markiiba dhegihiisa waa furmeen oo carrabkiisii xidhnaa waa debcay, oo si bayaan ah ayuu u hadlay. 36Wuuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen. 37Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la' wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la na wax buu ka hadliyaa.

Cutubka 8

Waxaa cunto la siiyey afar kun oo nin (Mt 15:32-39)

1Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi. 2Dadka badan ayaan u naxariisanayaa. waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen. oo waxay cunaanna ma haystaan. 3Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog. 4Kolkaasaa xertiisii u jawaabtay. oo waxay ku yidhaah deen, Meeshan cidlada ah xaggee looga heli karaa kibis dadkanu ka dhergaan? 5Goortaasuu weydiiyey, Immisa kibsood baad haysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba. 6Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka ladhiistaan. Markaasuu toddobadii kibsood soo qaaday, oo goortuu ku mahad naqay ayuu kala jejebi yey oo xcrtiisii siiyey inay hortooda dhigaan. Markaasay dadkii badnaa hor dhigeen. 7Waxay haysteen in yar oo kalluun yaryar ah. Oo intuu barakadeeyey. wuxuu ku amray inay kuwaasna hor tooda dhigaan. 8Markaasay cuneen oo dhergeen: kolkaasay soo ururiyeen toddoba dembiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay. 9Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen afar kun, markaasuu diray. 10Kolkiiba xertiisii ayuu doonni la fuulay, oo wuxuu yimid dhinacyada Dalmanuuta.

Ciise baa diiday markii calaamo la weydiistay (Mt. 16:1-4; Lk. 12:54-56)

11Markaasaa Farrisiintu u soo baxday, oo waxay bilaabeen inay wax weydiiyaan, oo waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso, si ay u jirrabaan. 12Intuu ruuxiisa ka taahay ayuu yidhi, Qarnigan muxuu calaamo u doondoonayaa? Runtii waxaan idinku leeyahay. Qarnigan calaamo lama siin doono. 13Markaasuu ka tegey oo haddana doonniduu fuulay oo dhanka kale u kacay.

Ciise baa xertii ku canaantal indho la'aantoodii (Mt. 16:5-12)

14Xertii waxay illoobeen inay kibis soo (laataan, oo doonnida kibis kuma ay haysan mid keliya maahaane. 15Markaasuu wuxuu ku amray. oo ku yidhi, Iska cega oo iska jira khamiirka Farrisiinta iyo khamiirka Herodos. 16Markaasay isla wada hadleen. oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii annaan haysan aawadeed. 17Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isu la hadlaysaan? Ma kibistii aydnaan haysan aawadeed ba'? Miyaydnaan weli arkin oo aydnaan garanaynin? Qalbigiinnu weli ma engegan yahay? 18Indho baad leedihiin. miyaydnaan waxba arkaynin? Dhegona baad leedihiin, miyaydnaan waxba maqlaynin oo aydnaan xusuusnayn? 19Goortii aan shantii kibsood shantii kun u kala jejebiyey. immisa dembiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen. Laba iyo toban. 20Oo goortii aan toddobadii kibsood afartii kun u kala jejebiyey. immisa dembiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba. 21Wuxuuna ku yidhi, Miyaydnaan weli garanaynin?

Ciise wuxuu bogsiiyey nin indha la o Beytsayda joogay

22Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indhala' oo ay ka baryeen inuu taabto. 23Markaasuu ninkii indhahala'aa gacanta qabtay. oo tuulada dibadda uga saaray. oo goortuu indhaha kaga tufay oo gacmihiisii saaray, wuxuu weydiiyey, Wax ma arkaysaa'? 24Kor buu u eegay oo yidhi, Waxaan arkayaa niman. oo waxay ii le eg yihiin sida geedo socda. 25Kolkaasuu mar kale gacmihiisii indhaha ka saaray. Markaasuu aad iyo aad wax u eegay wuuna bogsaday. oo wax walba bayaan buu u arkay. 26Kolkaasuu gurigiisii u diray, oo wuxuu ku yidhi, Tuulada ha galin.

Butros wuxuu qiray inuu Ciise yahay Masiixa (Mt 16:13-20; Lk. 19-21)

27Markaasaa Ciise iyo xertiisii waxay tageen oo galeen tuulooyinka Kaysariya Filibos. Xertiisii ayuu jidka ku weydiiyey, oo wuxuu ku yidhi. Dadku yay igu sheegaan? 28Waxay yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha. qaarna. Eliyaas, qaar kalena. Nebiyada midkood. 29Markaasuu weydiiyey. oo wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa. 30Markaasuu ku amray inayan ninna isaga u sheegin.

Ciise wuxuu sii sheegay dhimashadiisa iyo sara kiciddiisa (Mt. 16:21-23; Lk. 9:22- 27)

31Kolkaasuu bilaabay inuu baro inay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimadu diidaan, oo la dilo, oo saddex maalmood dabadeed uu soo sara kaco. 32Hadalkaas bayaan buu ugu hadlay. Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto. 33Laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.

Waa in nafta la diido (Mt. 16:24-28; Lk. 9:23-27)

34Goortaasuu dadkii badnaa u yeedhay iyo xertiisiiba oo wuxuu ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha is-inkiro, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco. 35Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona. 36Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? 37Nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda? 38Haddaba ku alla kii qarnigan dembiga iyo sinada leh kaga xishooda aniga iyo hadalkaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga markuu ammaantii Aabbihiis kula yimaado malaa'igaha qoduuska ah.

Cutubka 9

1Wuxuu iyaga ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah oo xoog ku imanaysa.

Ciise muuqiisu waa isbeddelay (Mt. 17:1-13; Lk. 9:28-36)

2Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa; oo wuxuu keligood geeyey buur dheer, hortoodana ayuu ku beddelmay. 3Dharkiisu aad buu caddaan ula dhalaalay sidii midka dhulka wax ku caddeeya aanu u caddayn karin. 4Markaasaa waxaa iyaga u muuqday Eliyaas iyo Muuseba, waxayna la hadlayeen Ciise. 5Markaasaa Butros la hadlay oo Ciise ku yidhi, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan kuu dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas. 6Waayo, ma uu garanaynin wuxuu ku jawaabo, maxaa yeelay, aad bay u baqeen. 7Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga. 8Dhaqsiba goortii ay hareerahooda fiiriyeen, mar dambe ma ay arkin cid kale oo iyaga la joogta Ciise keliya maahee. 9Markay buurta ka soo degayeen, wuxuu ku amray inaanay ninna u sheegin waxay arkeen intaanu Wiilkii Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin. 10Dhexdoodii ayay hadalkii haysteen oo iska weydiinayeen, Waa maxay ka soo sara kiciddii kuwii dhintay? 11Markaasay waxay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Culimadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado? 12Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run in Eliyaas horta imanayo oo wax walba soo celinayo. Oo sidee uga qoran tahay xagga Wiilka Aadanaha inuu wax badan ku xanuunsan doono oo la nici doono? 13Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas waa yimid, oo wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen siday uga qoran tahay.

Wiilkii jinnigii qabay waa la bogsiiyey (Mt. 17:14-21; Lk. 9:37-43)

14Markay xertii u yimaadeen, waxay arkeen dad faro badan oo la jooga. Culimaduna wax bay weydiinayeen. 15Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen. 16Kolkaasuu weydiiyey, Maxaad isweydiinaysaan? 17Markaasaa dadkii badnaa midkood wuxuu ugu jawaabay, Macallimow, waxaan kuu keenay wiilkayga jinni carrab la' qaba. 18Meel alla meeshuu ku qabtoba, wuu ridaa; markaasuu afka ka xumbeeyaa, wuuna ilka jirriqsadaa oo qallalaa. Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen. 19Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga. 20Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo labalegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya. 21Markaasuu aabbihiis weydiiyey, Intee buu waxan qabay? Kolkaasuu yidhi, Tan iyo yaraantiisii. 22Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi. 23Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan. 24Kolkiiba wiilka aabbihiis ayaa qayliyey oo oohin ku yidhi, Sayidow, waan rumaysanahay, iga caawi rumaysad darridayda. 25Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon. 26Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay. 27Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay. 28Ciise goortuu guriga galay, xertiisii waxay gooni ahaan u weydiiyeen, Annagu maxaannu u saari kari waynay? 29wuxuu ku yidhi, Caynkanu wax kale kuma soo bixi karo tukasho iyo soon maahee.

Ciise baa mar labaad dhimashadiisa sii sheegay (Mt. 17:22-23; Lk. 9:43-45)

30Markaasay halkaas ka tageen oo Galili dhex mareen, mana uu doonaynin in la ogaado. 31Waayo, xertiisii ayuu wax barayay. oo wuxuu ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacan gelinayaa. wayna dili doonaan oo markii la dilo, saddex maalmood dahadeed, ayuu sara kici doonaa. 32Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, wayna ka cabsadeen inay weydiiyaan.

Is-hoosaysiinta (Mt. 18:1-5; Lk. 9:46-48)

33Markaasuu yimid Kafarna'um, oo intuu gurigii joogay ayuu weydiiyey, Maxaad ka wada hadlayseen intaad jidka ku soo socoteen? 34Laakiin way aammuseen, waayo, intay jidka ku socdeen waxay ka wada hadlayeen kan ugu weyn. 35Intuu fadhiistay laba iyo-tobankii ayuu u yeedhay oo ku yidhi Haddii qof doonayo inuu dadka u horreeyo, isagaa ugu wada dambayn doona, midiidin buuna u wada noqon doonaa. 36Ilmo yar ayuu qaaday oo dhexdooda joojiyey, oo goortuu gacmihiisii ku soo qaaday ayuu iyaga ku yidhi, 37Ku alla kii carruurta kan la mid ah midkood magacayga ku aqbalaa, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa. ima aqbalo, wuxuuse aqbalaa kan i soo diray.

Midba midka kale ha u dulqaato (Lk. 9:49-S0)

38Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya. Nama uu soo raaco. Waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco. 39Laakiin Ciise baa yidhi. Ha u diidina, waayo, ninna ma jiro oo yaab xoog leh magacayga ku sameeyaa oo dhaqso hadal xun iga odhan karaa. 40Waayo kan aan inaga gees ahayn waa inala gees. 41Ku alla kii koob biyah magacayga idinku siiyaa, maxaa yeelay waxaad tihiin kuwa Masiix, runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalkiisuu ka lumi maayoba.

Ciise wuxuu ka digay inaan dadka kale la xumayn (Mt. 18:6-9; Lk. 17:1-2)

42Ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro. 43Haddii gacantaadu ku xumayso, iska jar; waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan nolosha ku gashid intii aad adigoo laba gacmood leh ula tegi lahayd jahannamada ee ah dabkii aan la demin karayn 44Oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn. 45Cagtaaduna hadday ku xumayso, iska jar. Waxaa kuu wanaagsan inaad lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada 46oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn. 47Haddii ishaadu ku xumayso, iska bixi. Waxaa kuu wanaagsan inaad boqortooyada Ilaah gashid adigoo il keliya leh intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada 48oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhima nayn, dabkuna uusan ka demayll.

Wax ku saabsan cusbada (Mt. 5:13; Lk. 14:34-35)

49Waayo, mid walba dab baa lagu cusbayn doonaa. 50Cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin cusbadu hadday dhadhan beesho, maxaad wax ku cusbaynaysaan? Cusbo isku lahaada, nabadna isu ahaada.

Cutubka 10

Wax ku saabsan naagfuridda (Mt. 19:1-12; Lk. 16:18)

1Meeshaasuu ka soo kacay oo wuxuu galay soohdimaha Yahuudiya oo Webi Urdun ka shisheeya. Mar kale dadkii badnaa baa u soo ururay, oo sida caadadiisu ahaan jirtay, ayuu haddana wax baray. 2Markaasaa Farrisiintu u timid oo weydiisay, Ma xalaal baa in nin naagtiisa furo? Wayna jirrabayeen. 3Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Muuse muxuu idinku amray? 4Waxay yidhaahdeen, Muuse waa fasaxay in warqaddii furniinta la dhigo oo la furo. 5Ciisena wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qalbi engegnaantiinna aawadeed ayuu amarkaas idiinku dhigay. 6Laakiin tan iyo bilowgii abuurniinta, Ilaah wuxuu sameeyey lab iyo dhaddig. 7Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa. 8Labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. 9Haddaba wixii Ilaah isku xidhay ninna yaanu kala furin. 10Goortay guriga ku jireen, xertiisii ayaa haddana waxaas wax ka weydiiyeen. 11Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa oo mid kale guursadaa ayaa ka sinaysta. 12Naagna haddii ay ninkeeda furto oo mid kale guursato ayay sinaysataa.

Ciise wuxuu u duceeyey carruuryaryar (Mt. 19:13-15; Lk. 18:15-17)

13Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, xertuna way canaanatay. 14Laakiin Ciise goortuu arkay, wuu cadhooday, oo wuxuu ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeen e, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah. 15Runtii waxaan idinku leeyahay. Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale. meeshaas ma uu geli doono. 16Gacmihiisuu ku qaaday oo intuu calaacalihiisa saaray, ayuu barakadeeyey.

Nin dhallinyar oo hodan ah baa doonayay nolosha weligeed ah (Mt. 19:16-22; Lk. 18:18-23)

17Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weydiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaag sanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo? 18Ciise wuxuu ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa, Wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah. 19Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus. 20Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay. 21Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac. 22Hadalkaas ayuu ka qulbay, wuuna baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

Hodanka faa'iido la'aantiisa (Mt. 19:23-30; Lk. 18:24-30)

23Ciise ishuu wada mariyey oo xertiisuu ku yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan! 24Xertiisii hadalladiisii bay ka yaabeen. Laakiin Ciise mar kaluu u jawaabay oo ku yidhi, Ilma yahow, siday ugu adag tahay kuwa maalka isku halleeya inay boqortooyada Ilaah galaan! 25Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso. 26Aad bay u yaabeen, waxayna isku lahaayeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 27Markaasaa Ciise eegay oo ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, waxbase uma aha Ilaah, waayo, wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah. 28Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay. 29Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero, 30oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah. 31Laakiin kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.

Mar saddexaad ayaa Ciise sii sheegay dhimashadiisa (Mt. 20:17-19; Lk. 18:31-34)

32Waxay ku socdeen jidka xaggii Yeruusaalem, Ciisena waa hor marayay. Wayna yaabeen oo intay daba socdeen way baqeen. Kolkaasuu laba-iyo-tobankii haddana waday oo bilaabay inuu u sheego waxa isaga ku dhici doona, 33oo wuxuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanaha waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn. 34Wayna ku kajami doonaan, oo ku tufi doonaan, oo karbaashi doonaan, wayna dili doonaan, saddex maalmood dabadeedna wuu soo sara kici doonaa.

Waxaa la weydiistay derejada dunida (Mt. 20:20-23)

35Waxaa u yimid Yooxanaa iyo Yacquub oo ahaa wiilashii Sebedi, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaad noo yeeshid wixii aannu weydiisanno. 36Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo? 37Waxay ku yidhaahdeen, Na sii inaannu fadhiisanno mid midigtaada, kii kalena bidixdaada xaggii ammaantaada. 38Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weydiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhow ahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? 39Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. Markaasaa Ciise ku yidhi, Koobka aan ka cabbayo waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, 40laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu ma lihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa loo diyaargareeyey.

Weynaanta runta ah (Mt. 20:24-28; Lk. 22:24-27)

41Tobankii goortay taas maqleen waxay bilaabeen inay Yacquub iyo Yooxanaa u cadhoodaan. 42Laakiin Ciise baa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in kuwa loo malaynayo inay quruumaha madaxdooda yihiin ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin. 43Laakiin sidaasu dhexdiinna ma aha, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado, 44Oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, kulli waa inuu addoon u ahaado. 45Waayo, Wiilka Aadanahu uma iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.

Ciise wuxuu bogsiiyey nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray (Mt. 20:29-34; Lk. 18:35-43)

46Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay. 47Goortuu maqlay inuu yahay Ciisihii reer Naasaret, wuxuu bilaabay inuu aad u qayliyo oo yidhaahdo, Ciise, ina Daa'uudow ii naxariiso. 48Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow. ii naxariiso. 49Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye. 50Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid. 51Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayi dow, inaan wax arko. 52Markaasaa Ciise ku yidhi, Soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, oo jidka buu la qaaday isaga.

Cutubka 11

Ciise guul buu ku galay Yeruusaalem (Mt. 21:1-11 Lk. 19:28-40; Yoox. 12:12-19)

1Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen, halka Beytfaage iyo Beytaniya, xaggii Buur Saytuun, xertiisii ayuu laba ka diray. 2Wuxuuna ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba markaad gashaan waxaad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin. Soo fura oo keena. 3Haddii nin idinku yidhaahdo, Maxaad waxan u samaynaysaan, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu u soo diri doonaa halkan. 4Markaasay tageen oo heleen qayl ku xidhan irid agteed meel dibadda ah oo jidka dhexdiisaa, wayna soo fureen. 5Kuwa halkaa taagnaa qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad samaynaysaan oo u furaysaan qaylka? 6Kol kaasay waxay ku yidhaahdeen sida Ciise u amray, markaasay oggolaadeen. 7Waxay qaylkii u keeneen Ciise, dharkoodana ayay dusha ka saareen wuuna ku fadhiistay. 8Dad badan baa dharkoodii jidka ku goglay kuwa kalena laamo ayay beeraha ka soo jareen oo jidka ku gogleen. 9Kuwii hor socday iyo kuwii daba socdayba way qayliyeen oo yidhaahdeen, [4]Hoosanna, waxaa barakadaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanayo. 10Waxaa barakadaysan boqortooyada imanaysa oo aabbeheen Daa uud. Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya. 11Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba iyo-tobankii ula baxay.

Geedka berdaha ah oo aan waxba dhalin (Mt. 21:18-19)

12Maalintii dambe, markay Beytaniya ka yimaadeen, wuu gaajaysnaa. 13Meel fog wuxuu ka arkay geed berde ah oo caleen leh. Wuu u yimid inuu haddana wax ka helo. Goortuu u yimid waxba kama uu helin caleemo keliya maahee, waayo, wakhtigii berdaha ma ahayn. 14Ciise baa u jawaabay oo geedkii ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa ninna yuu midho kaa cunin Xertiisiina waa maqashay.

Ciise macbudkuu nadiifiyey (Mt. 21:12-17;Lk. 19:45 -48;Yoox. 2:13-22)

15Waxay yimaadeen Yeruusaalem. Ciisella macbudka ayuu galay oo bilaabay inuu ka eryo kuwii macbudkii wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay. Wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay. 16Umana oggolayn in ninna alaab macbudka la soo dhex maro. 17Markaasuu wax baray oo ku yidhi Miyaanay qornayn, Guri gayga waxaa quruumaha oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada? Idinkuse waxaad ka dhigteen god tuugo. 18Markii wadaaddadii sare iyo culimadii maqleen. waxay doonayeen si ay u dilaan, waayo. way ka baqeen, maxaa yeelay, dadka oo dhan waxay ka yaabeen waxbariddiisa. 19Mar alla markii qorraxdu dhacday ayay magaalada ka baxeen.

Xoogga rumaysadka (Mt. 21:20-22)

20Subaxdii goortay ag marayeen, waxay arkeen geedkii berdaha ahaa oo xididdada ka engegay. 21Markaasaa Butros soo xusuustay, oo wuxuu ku yidhi, Macallinkaygiiyow, eeg, geed kii berdaha ahaa oo aad habaartay waa engegay. 22Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ilaah rumaysta. 23Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii buurtan ku yidhaahda, Ruq, baddana isku tuur, oo aan qalbigiisana ka shakiyin laakiin rumaysta in wuxuu yidhi ay noqonayso, waa u ahaan doontaa. 24Sidaa darteed, waxaan idinku leeyahay, wax kasta oo aad tukasho ku baridaan, rumaysta inaad hesheen oo way idiin ahaan doontaa. 25Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo. 26Haddii aanad cafiyin, Aabbihiinna jannada ku jira xumaantiinna Idiin cafiyi maayo.

Ciise amarkiisii baa wax laga weydiiyey (Mt. 21:23-27; Lk. 20:1-8)

27Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu mac budkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimadii iyo waayeelladii. 28Markaasay waxay ku yidhaahdeen7 Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso? 29Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weydiinayaa, ii jawaaba, waanan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 30Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba. 31Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Maxaynu nidhaahnaa? Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 32Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka ayuu ka yimid, dadkay ka baqeen. Waayo, kulli waxay u haysteen Yooxanaa inuu nebi yahay. 33Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

Cutubka 12

Masaalka ku saabsan beerta canabka ah (Mt. 21:33-46; Lk. 20:9-19)

1Markaasuu wuxuu bilaabay inuu masaallo kula hadlo iyaga. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo ood ku heraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerray ah u kiraystay, oo dal kale tegey. 2Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerraydii inuu beerraydii midhihii beerta ka soo qaado. 3Markaasay qabteen oo garaaceen oo wax la'aan ku direen. 4Haddana addoon kale ayuu u soo diray. Kaasay dakhreen oo ceebeeyeen. 5Haddana mid kale ayuu u soo diray, wayna dileen; oo qaar kale oo badan ayuu diray. Qaar waa la garaacay; qaarna waa la dilay. 6Weliba wuxuu lahaa wiil keliya oo uu jeclaa. Kolkii ugu dambaysay ayuu u soo diray isagii, oo wuxuu yidhi, Wiilkayga way maamuusi doonaan. 7Laakiin beerraydii waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee, dhaxalkiina innagaa lahaan doonna. 8Way qabteen, wayna dileen, oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen. 9Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu samayn doonaa? Wuu iman doonaa oo beerrayda dili doonaa, dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. 10Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin Dhagixii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka. 11Tanu xagga Rabbiga bay ka timid; Oo waa ku yaab indhahayaga? 12Markaasay waxay dooneen inay qabtaan, laakiin dadkay ka baqeen; waayo, way garteen inuu masaalka iyaga kaga hadlay, markaasay iska daayeen oo ka tageen.

Wax ku saabsan cashuurta Kaysar la siinayo (Mt. 22:15-22; Lk. 20:20-26)

13Waxay u soo direen Farrisiinta iyo Herodosiinta qaarkood si ay hadalkiisa ugu qabtaan. 14Goortay yimaadeen waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid, jidka Ilaahse aad run ku bartid. Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin? 15Ma siinna mise ma siinno? Isaguse labawejilenimadooda ayuu gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan? Dinaar ii keena aan arko e. 16Wayna u keeneen, oo wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan? Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh. 17Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay. Wayna ka yaabeen.

Sarakicidda kuwii dhintay (Mt. 22:23-33; Lk. 20:27-40)

18Markaasaa waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, 19Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto oo naag ka tago isagoo aan ilmo lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo. 20Waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay, dhalna kama tegin. 21Kii labaad baa dumaalay, wuuna dhintay, isaguna dhal kama tegin, oo sidaas oo kalaa ku dhacday kii saddexaad. 22Toddobadii way wada guursadeen, dhalna kama tegin. Kulligood dabadood naagtiina waa dhimatay. 23Wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay iyaga kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen. 24Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Sidaa darteed miyaydnaan qaldamin, waayo, Qorniinka iyo xoogga Ilaah midna garan maysaan. 25Waayo, goortay kuwii dhintay ka soo sara kacaan layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha jannada ku jira. 26Oo xagga kuwii dhintay in la sara kiciyo miyaydnaan kitaabkii Muuse ka akhriyin sidii Ilaah geedkii ugala soo hadlay oo yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? 27Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool. Idinku aad baad u qaldan tihiin.

Qaynuunka ugu weyn (Mt. 22:34-40)

28Kolkaasaa culimada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weydiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan? 29Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Kan ugu horreeyaa waxaa weeye, Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya. 30Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan. 31Ku labaad waa kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. Qaynuun kale oo kuwan ka weyn ma jiro. 32Waxaa culimada mid ka mid ahu ku yidhi. Sida runta ah, Macallimow, si wanaagsan baad u hadashay markaad tidhi, Isagu waa mid keliya, oo mid kalena ma jiro isaga ma ahaane. 33In laga jeclaado qalbiga oo dhan, iyo caqliga oo dhan. iyo nafta oo dhan, iyo xoogga oo dhan, ivo in deriska loo jeclaado sida nafta, taasaa ka sii wanaagsan allabaryo la wada gubo iyo allabaryo kale oo dhanba. 34Markii Ciise arkay inuu miyir ku jawaabay, wuxuu ku yidhi, Boqortooyada Ilaah kama aad fogid. Markaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu wax weydiiyo.

Wax Masiixa ku saabsan (Mt. 22:41-46; Lk. 20:41-44)

35Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, intuu macbudka wax ku barayay? Culimadu sidee bay u yidhaahdaan, Masiixu waa ina Daahlud? 36Daa uud qudhiisuna, isagoo Ruuxa Qoduuskaa ku hadlaya, ayuu wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadlliiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo. 37Daa'uud qudhiisa ayaa ugu yeedhay Sayid, sidee buu wiil kiisa u yahay? Dadkii badnaana farxad bay ku maqleen.

Ciise wuxuu ka digay culimadii (Mt. 23:1-36; Lk. 11:37-54:20:45-47)

38Markuu wax barayay wuxuu ku yidhi. Iska jira culimada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, 39iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha. 40Waxay yihiin kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayay istusid u tukadaan. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

Sadaqadii carmalka (Lk. 21:1-4)

41Ciise wuxuu fadhiistay meel ka hor jeedda khasnaddii, oo wuxuu eegayay sida dadku lacagta ugu ridayo khasnaddii. Qaar badan oo hodon ah ayaa wax badan ku riday. 42Markaasaa waxaa yimid carmal miskiin ah Iyadu waxay ku ridday laba lacag ah oo yaryar oo qiimadood beesad tahay. 43Markaasuu xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku ridayaan khasnaddii. 44Waayo, kulligood waxay kaga rideen waxoodii badnaa, iyaduse miskiinnimadeeday kaga ridday wixii ay lahayd oo dhan, xataa wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.

Cutubka 13

Ciise wuxuu sii sheegay dumidda macbudka (Mt. 24:1-2; Lk. 21:5-6)

1Goortuu macbudka ka baxay. xertiisa midkood ayaa ku yidhi, Eeg, Macallimow. dhagaxyada iyo dhismaha siday u weyn yihiin! 2Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

Belaayooyinka imanaya (Mt. 24:3-25; Lk. 21:7-24)

3Oo intuu Buur saytuun fadhiistay, meel macbudka ku toosan. Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa iyo Andaros waxay keli ahaan u weydiiyeen, oo ku yidhaahdeen, 4Noo sheeg, Goormay wax yaalahanu ahaan doonaan? Calaamadu maxay ahaan doontaa, goortii waxyaalahan oo dhan dhammaan u dhowaan doonaan? 5Ciise baa u jawaabay oo bilaabay inuu ku yidhaahdo. Iska eega yaan laydin khiyaanayn. 6Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. 7Goorlaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqal-ina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye. 8Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqoltooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga. 9Laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doo-naa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan. 10Horta injiilka waa in lagu wacdiyo quruumaha oo dhan. 11Oo goortii laydin wado oo laydin gacan geliyo, horta ha ka welwelina wixii aad ku hadli doonlaan; laakiin wixii saacaddaas laydin siiyo, waxaas ku hadla, waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Qoduuska ah. 12Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiis, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan, oo dhimasho ay gaadhsiin doonaan. 13Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona. 14Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen. 15Kii guri fuushanuna yaanu guriga u soo degin oo gelin inuu wax ka soo qaato. 16Kiibeer joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato. 17Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya. 18Barya inaan waxaasu noqon wakhtiga qabowga. 19Waayo, maalmahaas waxay ahaan doonaan dhib sida mid aan jirin tan iyo bilowgii abuurniinta oo Ilaah abuuray, mana jiri doonto weligeed. 20Oo haddaan Rabbigu wakhtigaas gaabin, ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwuu doortay aawadood ayuu wakhtigaas u gaabshay. 21Markaas haddii nin idinku yidhaahdo, Waa kan Masiixii, ama, Waa kaas, ha rumaysanina. 22Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin iyo yaabab si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo. 23Laakiin idinku iska jira, wax walbaba horaan idiinku sheegaye.

Imaatinka Wiilka Aadanaha (Mt. 24:29-31; Lk. 21:25-28)

24Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono, 25xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirka ku jirana waa la gariirin doonaa. 26Markaasay waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku imanaya isagoo leh xoog badan iyo ammaan. 27Markaasuu wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa, oo kuwuu doortay ayuu ka soo ururin doonaa afarta jaahood ee meesha dhulka ugu fog ilaa meesha cirka ugu fog.

Soojeedid baa loo baahan yahay (Mt. 24:32-36, 42; Lk. 21:29-33)

28Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay. 29Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo. 30Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin. 31Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan. 32Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee. 33Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay. 34Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo. 35Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba, 36waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda. 37Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

Cutubka 14

Sirqoolkii Ciise loo dhigay (Mt. 26:1-5; Lk. 22:1-2)

1Laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay uu dilaan. 2Waayo, waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabsho dadka uga dhex kicin.

Ciise oo Beytaniya lagu subkay (Mt. 26:6-13; Yoox. 12:1-18)

3Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, intuu cuntada u fadhiyey, waxaa u timid naag haysa weel [5]alabastar ah oo cadar naaradiin oo qaali ah ku jiro. Weelkii bay jebisay, oo cadarkii madaxiisay ku shubtay. 4Waxaa joogay kuwa qalbiga ka cadhooday, oo waxay isku yidhaahdeen, Cadarkii maxaa sidan loogu khasaariyey? 5Waayo, cadarkan waxaa lagu iibin kari lahaa wax saddex boqol oo dinaar ka badan oo masaakiinta la siin lahaa, wayna ku gunuunaceen iyadii. 6Laakiin Ciise baa ku yidhi, Daaya. Maxaad iyada u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye. 7Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan. Markaad doonaysaan wax wanaagsan waad u samayn kartaan. Aniguse mar walba idinlama joogo. 8Way samaysay waxay kartay. Waxay hore ugu soo baxday inay jidhkayga udgoonayso aasniintayda aawadeed. 9Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxy waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doona.

Yuudas khiyaanadiisa (Mt. 26:14-16; Lk. 22:3-6)

10Yuudas Iskariyot oo ahaa mid laba-iyo-tobanka ka mid ah ayaa u tegey wadaaddada sare inuu u gacan geliyo. 11iyagu markay maqleen ayay farxeen oo waxay ka ballan qaadeen inay lacag siiyaan. Markaasuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacan geliyo.

Cashadii ugu dambaysay (Mt. 26:17-30; Lk. 22:7-23; Yoox. 13:21-30; Kor. laad 11:23-25)

12Maalinta ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn, goortii neefka Kormaridda la gowraco ayaa xertiisii ku tidhi, Xaggee baad doonaysaa inaannu tagno oo ku diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda? 13Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxa idinla kulmi doona nin aashuun biyah sita; isaga raaca. 14Meeshu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qalcaddaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda? 15Wuxuu idin tusayaa qollad weyn oo sare oo goglan oo diyaar ah; halka inoogu diyaargareeya. 16Xertiisii ayaa baxday oo magaalada gashay, wayna heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda ayay diyaargareeyeen. 17Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid. 18Oo intay fadhiisteen oo wax cunayeen, Ciise baa yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin oo wax ila cunaya ayaa I gacan gelin doona. 19Markaasay calool xumaadeen, oo mid baa mid ku yidhi, Ma aniga baa? 20Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waa mid ka mid ah laba-iyo-tobankii oo saxanka gacanta ila gesha 21Wiilka Aadanahu waa baxayaa siday u qorantahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacan gelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan. 22Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakadeeyey, wuuna jejebiyey oo iyaga siiyey oo yidhi, Qaata, tanu waa jidhkaygiiye. 23Kolkaasu koobkii qaaday oo mahad naqay oo siiyey iyaga, oo kulli way ka wada cabbeen. 24Wuxuu ku yidhi, Kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay. 25Runtii waxaan idinku leeyahay, Mar dambe midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ila maalinta aan boqortooyada Ilaah ka cabbi doono kan cusub. 26Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur saytuun.

Ciise wuxuu sii sheegay xertiisa ka tegiddooda (Mt. 26:31-35; Lk. 22:31-34; Yoox. 13:36-38)

27Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kulligiin waad iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa, idahuna waa kala firdhi doonaan. 28Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa. 29Laakiin Butros ayaa ku yidhi, In kastoo kulligood kaa xumaadaan, aniguse kaa xumaan maayo. 30Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maalintan, xataa caawa, intaan diiqu laba goor ciyin, saddex kol ayaad I dafiri doontaa. 31Laakiin aad buu ugu celceliyey, Haddaan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Kulligoodba sidaas oo kale ayay yidhaahdeen.

Ciise oo Beer Getsemane ku jiray (Mt. 26:36-46; Lk. 22:39-46)

32Markaasay yimaadeen meel Getsemane la odhan jiray, wuxuuna xertiisii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan soo tukanayo. 33Oo wuxuu watay Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiranyoodo. 34Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo soo jeeda. 35Wuxooga ayuu hore u socday oo dhulkuu ku dhacay, wuxuuna tukaday in hadday suurtowdo saacaddu ay dhaafto. 36wuxuuna yidhi, Aabbow, Aabbe, wax walbaba waad karaysaa. Koobkan iga qaad, laakiin yaanay noqon waxaan doonayo, ee waxaad doonaysid ha noqoto. 37Markaasuu yimid oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Simoonow, ma huruddaa? Miyaad kari waayday inaad saad keliya soo jeedo? 38Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daran yahay. 39Mar kale ayuu tegey oo tukaday isagoo hadalkii oo kale ku hadlaya. 40Mar kale ayuu yimid oo arkay iyagoo hurda, waayo, indhahoodu lulmay la cuslaayeen, ma ayna garan waxay ugu jawaabaan. 41Kolkii saddexaad ayuu yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta, waa ku filan tahay. Saacaddii waa timid. Bal eega, Wiilka Aadanaha ayaa dembiilayaal loo gacan gelinayaa. 42Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacan gelin lahaa waa soo dhow yahay.

Ciise waa la qabtay (Mt. 26:47-56; Lk. 22:47-53; Yoox. 18:2-11)

43Kolkiiba intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo culimada iyo waayeellada. 44Kii gacan geliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, mid alla midkaan dhunkado waa isagii. Qabta oo kaxeeya oo dhawra. 45Kolkuu yimidba, kolkiiba ayuu u tegey oo ku yidhi, Macallimow, wuuna dhunkaday. 46Markaasay gacmaha saareen, wayna qabteen. 47Midkooda oo ag taagnaa ayaa seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadkii sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay. 48Ciise ba u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad I qabataan sidaan tuug ahay? 49Maalin walbaba macbudka ayaan idinkula jiri jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan, laakiin Qorniinku waa inuu rumoobo. 50Markaasay xertii ka wada tageen oo carareen.

Ninkii dhallinyarada ahaa oo cararay

51Waxaa daba socday nin dhallinyaro ah oo qaawanaantiisa maro jilicsan ka huwaday; wayna qabteen. 52Laakiin maradii jilicsanayd ayuu ka tegey oo ka cararay isagoo qaawan.

Ciise waxaa lagu xukumay wadaadka sare hortiisii (Mt. 26:57-68; Lk. 22:54-55, 63-71; Yoox. 18:12-14,19-24)

53Ciisena waxay u geeyeen wadaadkii sare, waxaana u soo ururay wadaaddadii sare iyo culimadii. 54Butros baa meel fog ka soo daba socday, oo wuxuu galay barxadda wadaadkii sare oo la fadhiistay askartii, dabkana ayuu kulaalay. 55Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati Ciise ka gees ah si ay u dilaan, waase heli waayeen. 56Waayo, qaar badan baa marag been ah ku fureen, laakiin maraggoodii isku mid ma ahayn. 57Markaasaa waxaa kacay qaar marag been ah ku furay oo yidhaahdeen, 58Waxaannu maqalnay isagoo leh, Macbudkan gacmo lagu sameeyey ayaan dudumin doona saddex maalmood dabadeed waxaan dhisi doonaa mid kale oo aan gacmo lagu samayn. 59Laakiin sidaasuuna maraggoodii isku mid ma ahayn. 60Markaasaa wadaadkii sare dhexda istaagay oo Ciise weydiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay? 61Isaguse waa iska aamusay oo waxba uma jawaabin. Mar kale wadaadkii sare ayaa weydiiyey oo ku yidhi, Miyaad tahay Masiixa oo ah Wiilka kan la ammaano? 62Ciise ba yidhi, Waan ahay, oo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah, oo ku imanaya daruuraha cirka. 63Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeex-jeexay oo yidhi, Maxaannu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? 64Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo. 65Qaar waxay bilaabeen inay candhuuf ku tufaan oo wejigiisa daboolaan oo garaacaan, waxayna ku yidhaahdeen, wax sheeg. Askartiina way dharbaaxeen.

Butros baa dafiray Ciise (Mt. 26:69-75; Lk. 22:56-62; Yoox. 18:15-18, 25-27)

66Butros intuu hoosta joogay xaggii barxadda, waxaa u timid mid ka mid ah hablihii wadaadkii sare u shaqaynayey, 67oo markay aragtay Butros oo dabka kulaalaya, ayay dayday oo tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Naasaret. 68Laakiin wuu dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu ma aqaan garanba maayo waxaad leedahay. Markaasuu albaabka agtiisa tegey, diiqiina waa ciyey. 69Gabadhii baa aragtay oo bilowday haddana inay kuwii ag taagnaa ku tidhaahdo, Kanu waa midkood. 70Laakiin mar kale dafiray. Wuxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa mar kale Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, waxaad tahay reer Galili, afkaaguna waa la mid afkooda. 71Laakiin wuxuu bilaabay inuu habaaro oo dhaarto isagoo leh, Anigu garan maayo ninkaas aad ka hadlaysaan. 72Kolkii labaad ayaa diiqii ciyey; oo Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu laba goor ciyin, saddex kol ayaad I dafiri doontaa, oo intuu ka fikirayay ayuu ooyay.

Cutubka 15

Ciise oo hor taagan Bilaatos oo ahaa taliyaha reer Rooma (Mt. 27:1-2, 11-26; Lk. 23:1-5, 13-25; Yoox. 18:26-19:16)

1Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos. 2Bilaatos wuxuu weydiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi. 3Markaasaa wadaaddadii sare wax badan ku ashtakeeyeen. 4Bilaatos bal kol dambe wax weydiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan. 5Laakiin Ciise weli waxba ugama jawaabin, sidaa darteed Bilaatos waa la yaabay. 6Iiddaas wuxuu iyaga u si dayn jiray maxbuuskay doonayeen 7Markaasaa waxaa jiray nin Baraabbas la odhan jiray oo ahaa mid lala xidhay kuwii kula kacay oo wax dilay markii fidmaddu dhacday. 8Dadkii badnaa ayaa Bilaatos u kacay oo bilaabay inay doonaan inuu u sameeyo siduu u samayn jiray. 9Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin siyo Boqorka Yuhuudda? 10Waayo, wuxuu ogaa wadaaddadii sare inay xaasidnimo ugu soo dhiibeen. 11Laakiin wadaaddadii sare ayaa dadka kiciyey, oo waxay yidhaahdeen inay u roon tahay inuu Baraabbas u sii daayo iyaga. 12Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda? 13Iyaguna mar kale ayay ku qayliyeen, Iskutallaabta ku qodob. 14Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob. 15Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sida darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

Askartii baa Ciise ku majaajilootay (Mt. 27:27-31; Yoox. 19:2-3)

16Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray [6]Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan. 17Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen. 18Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow. 19Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen. 20Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.

Ciise waa lagu qodbay iskutallaabta (Mt. 27:32-44; Lk. 23:26-43; Yoox. 19:17-27)

21Waxaa ag marayay nin beeraha ka yimid, oo reer Kuranaya ah, oo Simoon la odhan jiray, oo aha aabbihii Aleksanderos iyo Rufus, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado. 22Oo waxay u soo wadeen meel Golgota la odhan jiray, taasoo micneheedu yahay meeshii dhakada. 23Waxay siiyeen inuu cabbo khamri xameeti lagu daray, laakiin ma uu qaadan. 24Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami ku riteen mid kasta wuxuu qaadan lahaa. 25Waxayna ahayd saacaddii saddexaad oo iskutallaabta ay ku qodbeen. 26Waxaa lagu qoray meel ka korraysa isaga qorniinkii ashtakadiisa oo leh, BOQORKA YUHUUDDA. 27Markaasaa waxaa iskutallaabo lagula qodbay laba tuug, mid midigtiisa, midna bidixdiisa. 28Oo waxaa rumoobay Qorniinkii yidhi, waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. 29Oo kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, 30isbadbaadi oo iskutallaabta ka soo deg. 31Sidaas oo kalena ayaa wadaaddada sare dhexdooda ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimadaba, oo waxay yidhaahdeen, kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. 32Masiixa oo ah Boqorka Israa’iil haddeer iskutallaabta ha ka soo dego si aannu u aragno oo u rumaysano. Kuwii iskutallaabta lagula qodbayna ayaa caayay.

Ciise waa dhintay (Mt. 27:45-56; Lk. 23:44-49; Yoox. 19:28-30)

33Goortii saacaddii lixaad la gaadhay, dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa ila saacaddii sagaalaad. 34Saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani? taasoo micneheedu yahay, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? 35Kuwa ag tagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen yidhi, Eeg, wuxuu uu yeedhayaa Eliyaas. 36Mid baa orday, oo geed isbonji la yidhaahdo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo, wuxuuna yidhi, Daaya aannu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo soo dejiyo. 37Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey. 38Markaasaa daahii macbudka kor ila hoos laba uu kala dillaacay. 39Kolkaasaa boqol- u taliyihii oo meel ku toosan taagnaa markuu arkay inuu sidaas ruuxiisii u baxshay, wuxuu yidhi, Runtii, ninkanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah. 40Waxaana joogay dumar meel fog ka eegayay, oo waxaa ku dhex jirtay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub Yare iyo Yoosee hooyadood, iyo Saloome, 41oo ah kuwa xataa intuu Galili joogay raaci jiray oo u adeegi jiray, iyo gaar kale oo badan oo Yeruusaalem u sii raacay.

Ciise wa la aasay (Mt. 27:57-61; Lk. 23:50-56; Yoox. 19:38-42)

42Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, taas oo ah maalinta sabtida ka horraysa, oo markii makhribkii la gaadhay, 43waxaa yimid Yuusuf kii reer Arimataya oo ahaa taliye murwad leh, oo isna boqortooyadii Ilaah ayuu sugayay. Isagu wuxuu dhiiranaan ugu galay Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. 44Bilaatos waa yaabay inuu hadda dhintay. Markaasuu wuxuu u yeedhay boqol u-taliyihii oo weydiiyey, Durba miyuu dhintay? 45Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey. 46Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn. 47Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

Cutubka 16

Ciise waa ka soo sara kacay kuwii dhinta (Mt. 28:1-10; Lk. 24:1-12; Yoox. 20:1-10)

1Goortii Sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga. 2Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday. 3Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya? 4Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa. 5Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen. 6Wuxuu ku yidhi, Ha nixina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasaret, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay. 7Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi. 8Markaasay dhaqso u soo baxeen oo xabaasha ka soo carareen, waayo, way gariireen oo yaabeen. Ninnana waxba kuma ay odhan, maxaa yeelay, way baqeen.

Ciise baa dad kale u muuqday (Yoox. 20:11-18; Lk. 24:13-35; Mt. 28:16-20; Lk. 24:36- 49; Yoox. 20:19-23)

9Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka ayaa Ciise sara kacay, oo markii hore wuxuu u muuqday Maryan tii reer Magdala, tii uu toddoba jinni ka saaray. 10Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya. 11Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen. 12Waxan dabadeed isagoo suurad kale ah ayuu u muuqday laba iyaga ah iyagoo sii socda oo beeraha tegaya. 13Markaasay baxeen oo kuwii kale u sheegeen, kuwaasina ma ay rumaysan. 14Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysad darridooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed. 15Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Dunida oo dhan taga, oo uunka oo dhan injiilka ku wacdiya. 16Kii rumaysta oo la baabtiisa waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa. 17Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan, 18abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan.

Ciise kor buu u baxay (Lk. 24:50-53)

19Haddaba Rabbi Ciise goortuu la hadlay dabadeed ayaa samada loo qaaday, wuxuuna fadhiistay Ilaah midigtiisa. 20Iyaguna way baxeen oo meel kasta oo ay tageen dadkii bay wacdiyeen, Rabbiguna waa la shaqaynayey iyaga, isagoo hadalka ku xaqiijinaya calaamooyinkii la socday. Aamiin.


[1] 1:21 sunagog = guri lagu tukado.

[2] 2:26 kibistii tusniinta = kibis gooni ah oo loo bixiyey Ilaah.

[3] 3:18 Simoon reer Kaana = Simoon Qiiroleh.

[4] 11:9 Hoosanna = hadal ammaan ah.

[5] 14:3 alabastar = dhagax cad

[6] 15:16 Baraytoriyon = guriga taliyaha

Document Actions