INJIILKA SIDA LUUKOS U QORAY
Cutubka 1
Bilaabashadii kitaabkan
1Dad badan waxay ku dadaaleen inay soo hagaajiyaan sheeko ku saabsan wixii dhexdayada lagu sameeyey oo la hubsaday, 2siday noo ogeysiiyeen kuwii tan iyo bilowgii arkay oo hadalkii u shaqeeyey. 3Sidaa darteed anigana waxaa ila wanaagsanayd inaan, anigoo tan iyo bilowgii wax walba oo dhacay aad u gartay, si hagaagsan kuugu qoro, Te'ofilosow sharaf weyn lahow, 4inaad garatid hubniintii hadalkii lagu baray.
Dhalashada Yooxanaa Baabtiisaha waa la sii sheegay
5Wakhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed. 6Labadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla'aan ku socon jireen. 7Ilmo ma ay lahayn, waayo, Elisabed madhalays bay ahayd, oo labadooduba way da weynaayeen. 8Waxaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa, 9sida caadadii wadaadnimadu u ahayd, in shuqulkiisu ahaa inuu foox shido goortuu macbudka Rabbiga galay. 10Saacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen. 11Markaasaa waxaa isaga u soo muuqatay malaa igtii Rabbiga oo taagnayd meeshii fooxa lagu shido midigteeda. 12Goortuu Sakariyas arkay ayuu naxay, wuuna cabsaday. 13Laakiin malaa igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa. 14Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan, 15waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Qoduuskaa. 16Reer bini Israa'iil badidoodana ayuu Rabbiga Ilaahooda ah ku soo jeedin doonaa. 17Isaguna wuxuu ku hor mari doonaa ruuxii iyo xooggii Eliyaas inuu aabbayaasha qalbiyadooda ku soo jeediyo carruurta, iyo inuu caasiyiinta ku soo celiyo xigmadda kuwa xaqa ah. inuu Rabbiga u diyaargareeyo dad hagaagsan. 18Sakariyas wuxuu malaa'igtii ku yidhi, Sidee baan waxan u garan doonaa? Waayo, anigu oday baan ahay, afadayduna waa da'weynaatay. 19Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno. 20Bal eeg. waad aamusnaan doontaa. mana hadli kari doonto, ilaa maalinta waxyaalahan dhici doonaan. waayo, waad rumaysan weyday hadalladayda wakhti gooda la oofin doono. 21Dadkuna waxay sugayeen Sakariyas. oo waxay la yaabeen siduu macbudka ugu raagay.; 22Markuu soo baxay ayuu la hadli kari waayay. markaasay-garteen inuu macbudka wax ku arkay. Kolkaasuu gacanta ugu sii tilmaamayey Iyaga, isagoo sii carrab la'. 23Kolkii maalmihii shuqulkiisii wadaadnimadu dhammaadeen ayuu wuxuu tegey gurigiisii. 24Maalmahaas dabadeed afadiisa Elisabed ayaa uuraysatay. oo shan bilood ayay isqarisay iyadoo leh. 25Sidaasaa Rabbigu iigu sameeyey maalmihii uu i eegay inuu ceebtayda dadka dhexdooda iiga qaado.
Dhalashada Ciise Masiix waa la sii sheegay
26Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasaret la odhan jiray 27ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa: gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan. 28Malaa'igtii baa u soo gashay. oo waxay ku tidhi. Nabad. adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira. 29Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan. 30Malaa'igtii baa ku tidhi. Ha baqin. Maryamay. waayo. nimco ayaad Ilaah ka heshay. 31Bal eeg. waad uuraysan doontaa oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise. 32Nin weyn buu ahaan doonaa. waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya. Rabbiga llaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud. 33Weligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub. boqornimadiisuna ma idlaan doonto. 34Kolkaasaa Maryan Waxay malaa'igtii ku tidhi. Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo. 35Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi. Ruux. Qoduuska ah ayaa kugu soo degi doona. oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona. sidaa darteed kan qoduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah. 36Bal eeg. inadeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad. 37Waayo. wax aan Ilaah kari doonin ma jiro. 38Maryan ayaa tidhi. Waa i kan. waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto. Markaasaa malaa igtii ka tagtay. Maryan waxay booqatay Elisabed; gabaygii Maryan ee ammaanta ahaa 39Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah, 40oo waxay gashay gurigii Sakariyas, oo salaantay Elisabed. 41oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Qoduuska ah. 42Markaasay cod dheer ku qaylisay oo tidhi, Dumarka dhexdooda waad ku barakadaysan tahay? oo midhka uurkaaga waa barakadaysan yahay. 43Xaggee waxanu iiga yimaadeen in Sayidkayga hooyadiis iigu timaado? 44Bal eeg, markii codkii salaantaadu dhegahayga ku dhacay, ilmaha uurkayga ku jira ayaa farxad la boodbooday. 45Waxaa barakadaysan tii rumaysatay; waayo. waxyaalihii xagga Rabbiga looga sheegay ayay dhici doonaan. 46Maryanna waxay tidhi, Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa, 47Ruuxayguna wuxuu ku rayrreeyey llaaha Badbaadiyahayga ah. 48Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa, Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakadaysan 49Waayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey; Magiciisuna waa Qoduus, 50Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa Kuwa isaga ka cabsada. 51Wuxuu xoog ku sameeyey gacantiisa. Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey. 52Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey Oo kuwii holcayey ayuu sarraysiiyey. 53Kuwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey, Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray. 54Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey Inuu xusuusto inuu u naxariisto 55Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay). 56Maryan waxay iyada la joogtay abbaaraha saddex bilood. markaasay gurigeeda ku noqotay. Dhalashadii Yooxanaa Baabtiisaha; aabbihiis gabaygiisii ammaanta ahaa 57Hadda Elisabet wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay. oo wiil bay dhashay. 58Derisyadeedii iyo xigaalkeedii ayay maqleen siduu Rabbigu naxariistiisii ugu weyneeyey iyada, wayna la farxeen. 59Waxaa dhacay inay maalintii siddeedaad u yimaadeen inay wiilkii gudaan, oo waxayna u bixiyeen magicii aabbihiis Sakariyas. 60Kolkaasaa hooyadiis u jawaabtay oo ku tidhi, Sidaas ma aha; waxaase loogu yeedhi doonaa Yooxanaa. 61Waxay ku yidhaahdeen, Xigaalkaaga kuma jiro qof magacaas loo bixiyey. 62Waxay aabbihiis gacan ugu tilmaameen oo weydiiyeen wuxuu doonayay in loogu yeedho. 63Markaasuu wuxuu weydiistay loox oo ku qoray, isagoo leh, Magiciisu waa Yooxanaa. Wayna wada yaabeen. 64Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay. 65Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan. 66Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga. 67Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Qoduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh, 68Ha ammaanmo Rabbiga ah llaaha Israa'iil, Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay. 69Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey Gurigii midiidinkiisa Daa'uud 70(Siduu afkii nebiyadiisii qoduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray), 71Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan, 72Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen, Iyo inuu axdigiisii qoduuska ahaa xusuusto, 73Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay, 74Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno 75Qoduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan. 76Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya, Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid; 77Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada Ee dembidhaafkooda ah, 78Ee laga hela naxariista weyn ee llaaheenna, Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta, 79Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada, Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso, 80Wiilkuna waa koray oo ruuxuu ka xoogoobay, wuxuuna joogay cidlada ilaa maalintii uu Israa'iil istusi lahaa.
Dhalashadii Ciise Masiix
Dhalashadii Ciise Masiix
Cutubka 2
(Mt: 1:18-25)
1Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro. 2Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya. 3Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii. 4Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasaret ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud, 5in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd. 6Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen, 7waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen. 8Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya. 9Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen. 10Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan. 11Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah. 12Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal. 13Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen, 14Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda. 15Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey. 16Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa. 17Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga. 18Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen. 19Maryanse hadalkaas oo dhan ayay haysatay oo qalbigeeda kaga fikirtay. 20Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weyneynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay. 21Goortii siddeed maalmood dhammaatay oo wiilkii la gudi lahaa, magiciisii waxaa loo baxshay Ciise, sida malaa'igtii ugu bixisay intaan uurka lagu uuraysan.
Ciisaa Rabbiga loogu dhiibay macbudka dhexdiisa
22Kolkii maalmihii nadiifiskeeda u dhammaadeen sidii sharciga Muuse lahaa, waxay geeyeen Yeruusaalem inay Rabbiga u dhiibaan 23(siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Curad walba oo lab ah waxaa loogu yeedhi doonaa qoduus xagga Rabbiga), 24iyo inay allabari u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar.
Simecoon iyo gabaygiisii ammaanta ahaa
25Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Qoduuska ahaana waa dul joogay. 26Waxaana Ruuxii Qoduuska ahaa u muujiyey inaanu dhimasho arag intaanu Rabbiga Masiixiisa arkin. 27Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan, 28markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi, 29Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa, 30Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada, 31Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay, 32Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil. 33Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga. 34Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo, 35si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta.
Anna
36Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aseer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed. 37Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay. 38Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahad naqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay.
Ciise carruurnimadiisii
39Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasaret. 40Wiilkii ayaa koray oo itaal weynaaday, waxaana ka buuxsantay xigmad; Ilaah nimcadiisuna way dul joogtay. 41Sannad walba waalidkiisii waxay Yeruusaalem u tegi jireen Iiddii Kormaridda. 42Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd. 43Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn. 44laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen. 45Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen. 46Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimmada dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weydiinaya. 47Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii. 48Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay. 49Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo. 50Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay. 51Kolkaasuu raacay oo Naasaret tegey. wuuna ka dambeeyey iyaga; laakiinse hooyadiis hadalkaas oo dhan qalbigeeda ayay ku haysatay. 52Ciisena wuxuu ku koray xigmad iyo dherer iyo nimco, Ilaah iyo dadka hortooda.
Cutubka 3
Yooxanaa Baabtiisaha iyo farriintii uu waday (Mt 3:1-12; Mk. 1:1-8)
1Waxay ahayd sannaddii shan iyo tobnaad oo Tiberiyas Kaysar boqranaa. markii Bontiyos Bilaatos xukumi jiray Yahuudiya, oo Herodos taliye u ahaa Galili, walaalkiis Filibosna taliye u ahaa Ituraya iyo dalkii Tarakhoonitis, oo Lusaniyas taliye u ahaa Abilene, 2oo Annas iyo Kayafas wadaaddadii sare ahaan jireen, markaasaa hadalkii Ilaah cidlada ugu yimid Yooxanaa ina Sakariyas. 3Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis. 4siday ugu qoran tahay kitaabkii hadallada Nebi Isayos, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya. Waddooyinkiisa toosiya. 5Dooxo walba waa la buuxin doonaa, Qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, Wixii qalloocanna waa la toosin doonaa, Jidadka xunxunna waa la simi doonaa, 6Uunka oo dhammuna badbaadinta Ilaah ayay arki doonaan. 7Haddaba wuxuu ku yidhi dadkii badnaa oo u soo baxay inuu baabtiiso iyaga, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa? 8Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, hana bilaabina inaad isku tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim. 9Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa. 10Markaasaa dadkii badnaa weydiiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba maxaannu samaynaa? 11Kolkaasuu u jawaabay oo iyagii ku yidhi, Kii laba khamiis qabaa, ha siiyo kii aan waxba qabin; kii cunto qabaana, sidaas oo kale ha yeelo. 12Markaasaa waxaa u yimid cashuurqaadayaal in la baabtiiso, waxayna ku yidhaahdeen, Macallimow, annaguna maxaannu samaynaa? 13Isaguna wuxuu ku yidhi, Waxaa laydiin amray wax ka badan ha qaadanina. 14Markaasaa askarna weydiisay oo ku tidhi, Annaguna maxaannu samaynaa? Wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna ha dulmina, oo ninna ha masabbidina; mushahaaradiinnana raalli ku ahaada. 15Intii dadku filanayeen oo kulligoodna qalbiyadooda kaga fikirayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixii iyo in kale, 16ayaa Yooxanaa kulligood u jawaabay oo ku yidhi. Anigu waxaan idinku baabtiisaa biyo, laakiin waxaa imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan yeelmihii kabihiisa furo. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Qoduuska ah iyo dab. 17Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa inuu goobtiisa wax lagu tumo aad u safeeyo oo sarreenkana maqsinkiisa ku soo ururiyo, laakiin buunshaha ayuu dab aan demeyn ku gubi doonaa. 18Digniin badan oo kale ayuu dadka ku wacdiyey. 19Laakiin kolkuu taliye Herodos u canaantay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, iyo waxyaalaha xunxun oo Herodos sameeyey oo dhan aawadood, 20ayaa Herodos waxan oo dhan weliba ku daray inuu Yooxanaa ku xidho xabsigii.
Ciise waa la baabtiisay (Mt. 3:13-17; Mk. 1:9-11)
21Markii dadkii oo dhan la baabtiisay, waxaa dhacay in Ciisena la baabtiisay, oo intuu tukanayay ayaa samadu furantay, 22oo Ruuxa Qoduuska ah ayaa dushiisa ku soo degay isagoo muuqasho jidh leh oo qoolley u eg, waxaana samada ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay; ee waan kugu faraxsanahay.
Abtirsiinta Ciise (Mt. 1:1-17)
23Oo Ciise markuu bilaabay inuu wax baro, wuxuu ahaa qiyaas soddon jir, isagoo ahaa (sida loo moodayay) ina Yuusuf, kan ahaa ina Heli, 24kan ahaa ina Matad. kan ahaa ina Laawi, kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Yanna, 25kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Caamoos, kan ahaa ina Na'uum, kan ahaa ina Esli, kan ahaa ina Naggay, 26kan ahaa ina Ma'ad, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Semey, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yuuda, 27kan ahaa ina Yo'anna, kan ahaa ina Reesa, kan ahaa ina Serubaabel, kan ahaa ina Salaatii'eel, kan ahaa ina Neeri, 28kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Addi, kan ahaa ina Koosam, kan ahaa ina Elmoodam, kan ahaa ina Ceer, 29kan ahaa ina Yooses, kan ahaa ina Eliiceser, kan ahaa ina Yoorim, kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi. 30kan ahaa ina Simecoon. kan ahaa ina Yuuda, kan ahaa ina Yuusuf. kan ahaa ina Yoonam, kan ahaa ina Eliyaqiim, 31kan ahaa ina Mele'as. kan ahaa ina Menna, kan ahaa ina Matata, kan ahaa ina Naataan, kan ahaa ina Daa'uud, 32kan ahaa ina Yesay, kan ahaa ina Coobeed, kan ahaa ina Bo'as, kan ahaa ina Salmoon, kan ahaa ina Naasoon, 33kan ahaa ina Caminadaab. kan ahaa ina Araam, kan ahaa ina Esroom, kan ahaa ina Feres, kan ahaa ina Yahuudah, 34kan ahaa ina Yacquub, kan ahaa ina Isxaaq, kan ahaa ina Ibraahim, kan ahaa ina Tara, kan ahaa ina Naakoor, 35kan ahaa ina Seruukh, kan ahaa ina Ragaw. kan ahaa ina Faleg, kan ahaa ina Xeber, kan ahaa ina Salah. 36kan ahaa ina Qaynaan, kan ahaa ina Arfaksad. kan ahaa ina Sheem, kan ahaa ina Nuux, kan ahaa ina Lamek, 37kan ahaa ina Matusala, kan ahaa ina Enook, kan ahaa ina Yaared. kan ahaa ina Mahalaleel, kan ahaa ina Qaynaan, 38kan ahaa ina Enoos, kan ahaa ina Seet, kan ahaa ina Aadan, kan ahaa ina Ilaah.
Cutubka 4
Shaydaan baa isku deyey inuu Ciise duufsado (Mt. 4:1-11; Mk. 1:12-13)
1Ciise waxaa ka buuxsamay Ruuxa Qoduuska ah, oo Webi Urdun ayuu ka noqday, oo Ruuxii baa cidlada u kaxeeyey. 2Afartan maalmood ayaa Ibliisku jirrabayay. Maalmahaasna waxba ma cunin. Goortay maalmihii dhammaadeen ayuu gaajooday. 3Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah ku dheh dhagaxan. Kibis noqo. 4Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan. 5Oo markuu kor u kaxeeyey wuxuu wakhti yar ku tusay quruumaha dunida oo dhan. 6Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Amarkan oo dhan waan ku siinayaa iyo ammaantoodaba, waayo, waa lay siiyey; oo kii aan doonayo ayaan siiyaa. 7Haddaba haddaad hortayda i caabuddid, kulli adaa lahaan doona. 8Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay. Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isagoo keliya u adeegto. 9Markaasuu Yeruusaalem geeyey, wuxuuna saa1 ay munaaraddii macbudka oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, halkan hoos iskaga tuur; 10waayo. waa qoran tahay, Malaa'igihiisa ayuu ku amri doonaa inay ku ilaaliyaan, 11iyo, Inay gacmahooda sare kuugu qabtaan inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin. 12Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa la yidhi. Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin. 13Ibliiskiina markuu jirrabaad walba dhammeeyey ayuu ka tegey intii wakhti ah.
Bilowgii wacdiga Ciise (Mt. 4:12-17; Mk. 1:14-15)
14Markaasaa Ciise wuxuu xooggii Ruuxa kula noqday Galili, warkiisuna wuxuu gaadhay dhulka ku wareegsan oo dhan. 15Sunagogyadoodana ayuu wax ku baray, dhammaanna waa la wada ammaanay isaga.
Ciise waa laga celiyey Naasaret (Mt. 13:53-58; Mk. 6:1-6)
16Markaasuu wuxuu yimid Naasaret oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo. 17Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray. 18Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro, 19Iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga. 20Intuu kitaabkii duudduubay ayuu midiidinka u dhiibay oo fadhiistay; oo dadkii sunagoggii ku jiray oo dhan ayaa indhaha ku taagay. 21Markaasuu bilaabay inuu ku yidhaahdo, Maanta Qorniinkan dhegihiinnu maqlay waa rumoobay. 22Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf? 23Kolkaasuu ku yidhi, Shaki la'aan waxaad masaalkan igu odhan doontaan, Dhakhtarow, isbogsii. Wax kastoo aannu maqalnay oo Kafa1-na'um lagu sameeyey, halkan dhulkaagana ku samee. 24Markaasuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebina dalkiisa laguma aqbalo. 25Laakiin runtii waxaan idinku leeyahay, Wakhtigii Eliyaas waxaa Israa'iil ku jiray carmallo badan oo nimankoodii ka dhinteen markii cirku saddex sannadood iyo lix bilood xidhmay oo abaar weyni dhulka oo dhan ka dhacday. 26Laakiin middoodna Eliyaas looma dirin, naag carmal ah oo magaalada Sarefta oo dalka Siidoon ku jirtay maahee. 27Wakhtigii Nebi Eliishaana waxaa Israa'iil ku jiray dad badan oo baras leh, midkoodna lama daahirin Nacamaan reer Suuriya maahee. 28Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen. 29Markaasay kaceen oo magaaladii ka saareen, waxayna u kaxeeyeen buurtii magaaladoodii ka dhisnayd qarkeedii inay ka tuuraan 30Laakih1 isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.
Jinnoolihii la bogsiiyey (Mk. 1:21-28)
31Wuxuuna u degay Kafarna'um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay. 32Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa. 33Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi, 34Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaretow? Ma waxaad u timid inaad na baabi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Qoduuska ah ee Ilaah. 35Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin. 36Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan 37Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.
Ciise wuxuu bogsiiyey Simoon soddohdiis iyo qaar kale oo badan (Mt. 8:14-17; Mk. 1:79-39)
38Markaasuu sunagoggii ka soo kacay, oo wuxuu galay gurigii Simoon. Simoon soddohdiisna qandho weyn ayay qabtay, markaasay isaga u baryeen aawadeed, 39oo intuu isa soo dul taagay ayuu qandhadii canaantay, wayna daysay. Kolkiiba way kacday oo u adeegtay iyagii. 40Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey. 41Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen. iyagoo qaylinaya oo leh, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. Isaguse waa canaantay oo uma oggolaanin inay hadlaan, waayo. waxay garanayeen inuu Masiixa Yahay. 42Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin. 43Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Waa inaan magaalooyinka kalena injiilka boqortooyada Ilaah ku wacdiyo, waayo, sidaa darteeda waa la ii soo diray. Sunagogyada Galilina ayuu dadka ka dhex wacdiyi jiray.
Cutubka 5
Wuxuu u yeedhay xertiisii u horraysay (Mt. 4:18-22; Mk. 1:16-20)
1Intii dadkii oo dhan isku soo cidhiidhiyeen inay hadalkii Ilaah maqlaan, ayuu is-ag taagay badda Gennesaret; 2oo wuxuu arkay laba doonniyood oo badda ag taal; laakiin kalluumaystayaashii waa ka degeen. oo shabagyadoodii ayay maydhayeen. 3Markaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii 4Goortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan. 5Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, xalay oo dhan ayaannu hawshoonnay, waxbana ma aannu qaban, laakiin hadalkaaga dartii shabagyada waan dejinayaa. 6Goortay waxaas yeeleen waxay ku qabteen kalluun tiro badan. shabagyadooduna way kala dillaaci gaadheen. 7Markaasay u gacan haadiyeen wehelladoodii doonnida kale ku jiray inay yimaadaan oo caawiyaan. Wayna yimaadeen, oo waxay buuxiyeen labadii doonniyood. sidaa darteed ayay u dhowaadeen inay degaan. 8Laakiin Simoon Butros goortuu waxaas arkay. ayuu Ciise jilbihiisa isku tuuray, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaan ahay nin dembi leh, ee Iga tag. 9Maxaa yeelay. isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen. 10Sidoo kalena waxaa la yaabay Yacquub iyo Yooxanaa oo wiilashii Sebedi ahaa, kuwii wehello Simoon la ahaa. Ciisena wuxuu Simoon ku yidhi, Ha baqin, hadda iyo hadhowba dad baad jillaabi doontaa. 11Markay doonniyahoodii dhulkii geeyeen, ayay wax walba ka tageen, markaasay raaceen isaga.
Baraslihii la bogsiiyey (Mt. 8:1-4; Mk. 1:40-45)
12Goortuu magaalooyinka middood ku jiray, waxaa la arkay nin baras miidhan ah. Isaguna markuu Ciise arkay, wejigiisuu dhulka dhigay oo ka baryay isagoo leh, Sayidow, haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa. 13Oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Oo kolkiiba baraskii waa ka baxay. 14Markaasuu ku amray, Ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga mar oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee. 15Laakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo. 16Markaasuu, intuu ku noqday meelo cidla ah, ku tukaday.
Curyaankii la bogsiiyey (Mt. 9:1-8.Mk. 2:1-12)
17Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimmadii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka. 18Markaasaa niman waxay sariir ku soo qaadeen nin curyaan ah, waxayna doonayeen inay gudaha geliyaan oo hortiisa dhigaan. 19Markay heli waayeen meel ay ka geliyaan dadkii badnaa aawadiis, ayay guriga dushiisa fuuleen, oo saqafka ayay ka dusiyeen isaga iyo sariirtiisii, oo ay dhex dhigeen Ciise hortiisa. 20Goortuu rumaysadkoodii arkay ayuu ku yidhi, Nin yahow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin. 21Markaasaa culimadii iyo Farrisiintii waxay bilaabeen inay fikiraan iyagoo leh, Ayuu yahay kan caytamayaa? Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee? 22Laakiin Ciise goortuu fikirradoodii gartay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad qalbiyadiinna uga fikiraysaan? 23Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco? 24Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi), Waxaan kugu leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag. 25Kolkiiba hortood ayuu kacay, oo qaatay wixii uu ku jiifay, oo gurigiisa tegey, isagoo Ilaah ammaanaya. 26Markaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh.
U-yeedhidda Laawi (Mt. 9:9-13.Mk. 2:13-17)
27Waxyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. 28Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay. 29Laawi wuxuu gurigiisa ugu sameeyey diyaafad weyn. Waxaana joogay qaar badan oo cashuurqaadayaal ah iyo qaar kale oo cunto ula fadhiya iyaga. 30Markaasaa Farrisiintii iyo culimadoodii. intay xertiisii ka gunuunaceen, waxay ku yidhaahdeen, Maxaad cashuurqaadayaasha iyo dembiilayaasha wax ula cuntaan oo ula cabtaan? 31Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna. Laakiin kuwa buka ayaa u baahan. 32Anigu uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembiilayaashase toobadda ugu yeedho ayaan u imid.
Wax soonka ku saabsan (Mt. 9:14-17; Mk. 2:18-22)
33Waxay ku yidhaahdeen, Xerta Yooxanaa marar badan bay soomaan oo tukadaan. kuwa Farrisiintuna sidaas oo kale ayay yeelaan, laakiin kuwaagu wax bay cunaan oo cabbaan. 34Ciise wuxuu ku yidhi, Ma ku dirqi karaysaan saaxiibbadii arooska inay soomaan kolkuu aroosku la joogo? 35Laakiin maalmaha ayaa iman doona; oo kolkii arooska laga qaadi doono, kolkaasay maalmahaas soomi doonaan. 36Weliba wuxuu kula hadlay masaal isagoo leh, Ninna karriin kama jeexo dhar cusub inuu dhar duug ah ku tolo. haddii kale tan cusub ayuu jeexayaa, oo karriintii laga soo gooyay dharkii cusbaa la heshiin mayso kan duugga ah. 37Ninna khamri cusub kuma shubo qarbeddo duug ah haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, oo waa daadanayaa: qarbeddaduna waa hallaabayaan. 38Laakiin khamri cusub waa in lagu shubaa qarbeddo cuscusub. 39Ma jiro nin. hadduu khamri duug ah cabbay. doonaya kan cusub. waayo, wuxuu leeyahay, Kan duugga ah ayaa wanaagsan.
Cutubka 6
Wax sabti dhawridda ku saabsan (Mt. 12:1-14; Mk. 2:23-: 6)
1Maalin sabti ah waxaa dhacay inuu beeraha dhex marayay. xertiisuna waxay jarteen sabuulladii, oo intay gacmahooda ku xoqeen ayay cuneen. 2Laakiin Farrisiintii qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u samaynaysaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo? 3Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi Miyaydnaan akhriyin wixii Daa uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray. 4siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u qaaday [1]kibistii tusniinta oo u cunay oo u siiyey kuwii la jiray, tan aan xalaal u ahayn in la cuno wadaaddada maahee? 5Markaasuu iyagii ku yidhi, Wiilka Aadanahu waa sayidka sabtida. 6Waxaa sabti kale dhacay inuu sunagogga galay oo wax ku baray; halkaasna waxaa joogay nin gacantiisa midigeed engegnayd. 7Culimadii iyo Farrisiintii ayaa fiirinayay inuu sabtida wax bogsiinayo iyo in kale, si ay ugu helaan wax ay ku ashtakeeyaan. 8Isaguse wuxuu gartay fikirradoodii; goortaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Kac oo dhexda isa soo taag. Wuuna kacay oo istaagay. 9Ciise wuxuu ku yidhi, Wax baan idin weydiinayaa, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar, in naf la badbaadiyo ama in la dilo? 10Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay. 11Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen.
Ciise wuxuu doortay laba iyo tobankii rasuul (Mt 10:1-4; Mk. 3:13-19)
12Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado. 13Oo goortay maalin noqotay ayuu xertiisii u yeedhay. Markaasuu laba iyo toban ka soo saaray, wuxuuna u bixiyey rasuullo; 1400 waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo 15Matayos iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon oo la odhan jiray Qiirooleh, 16iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyot, kii gacan geliyey. 17Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo. 18Oo kuwo jinniyo wasakh leh derdereenna waa la bogsiiyey. 19Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.
Kuwa barakadaysan iyo kuwa hoogga leh (Mt S: 1-12)
20Markaasuu kor u fiiriyey oo xertiisii eegay oo ku yidhi, Waxaa barakadaysan kuwiinna masaakiinta ah, waayo, boqortooyadii Ilaah idinkaa leh. 21Waxaana barakadaysan kuwiinna haddeer gaajaysan, waayo, waad dhergi doontaan. Waxaana barakadaysan kuwiinna haddeer ooyaya, waayo, waad qosli doontaan. 22Waad barakadaysan tihiin goortii dadku idin necbaado, oo goortay dhexdooda idinka saaraan, oo idin caayaan, oo magacyadiinna sida wax shar leh u tuuraan Wiilkii Aadanaha aawadiis. 23Maalintaas rayrreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen. 24Hoog waxaa leh kuwiinna hodanka ah, waayo, gargaarkiinna waad hesheen. 25Hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer dheregsan, waayo, waad gaajoon doontaan; hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer qoslaya, waayo, waad barooran doontaan oo ooyi doontaan. 26Waa idiin hoog markii dadka oo dhammu wanaag idinka sheego, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii beenta ahaa ku samayn jireen.
Cadowyadiinna jeclaada (Mt. 5:38-18)
27Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya. 28Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya. 29Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin. 30Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin. 31Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga. 32Haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembiilayaashuba way jecel yihiin kuwa jecel iyaga. 33Haddaad wanaag u fashaan kuwa wanaag idiin fala, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembiilayaashuba sidaasay yeelaan. 34Haddaad wax amaahisaan kuwa aad ka rajaynaysaan inaad ka heshaan, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembiilayaashuba way amaahiyaan dembiilayaasha inay ka helaan intii oo kale. 35Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahad naqin iyo kuwa sharka leh. 36Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay.
Dad kale ha xukumina (Mt 7:1-5)
37Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa. 38Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buux dhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa. 39Markaasuu masaal kula hadlay. Indhoole indhoole ma hagi karaa? Labadoodu miyaanay god ku dhici doonin? 40Qof xer ah macallinkiisa kama sarreeyo, laakiin mid walba markuu wanaag u dhan yahay wuxuu noqon doonaa sida macallinkiisa oo kale. 41Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa? 42Sidee baad walaalkaa ugu odhan kartaa, Walaalow i daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree, adiga oo aan arkaynin dogobka ishaada ku jira? Labawejile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto. 43Waayo, ma jiro geed wanaagsan oo midho xun dhalaa, welibana ma jiro geed xun oo midho wanaagsan dhalaa. 44Maxaa yeelay, geed kasta waxaa laga garanayaa midhihiisa. Waayo, berde lagama guro qudhac, canabkana lagama guro geed qodxan leh. 45Ninka wanaagsan wuxuu maalka wanaagsan oo qalbiga ku jira ka soo saaraa wax wanaagsan; kan sharka lehna wuxuu sharka ka soo saaraa wax shar ah; waayo. afkiisu wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.
Labada aasaas (Mt. 7:24-27)
46Maxaad iigu yeedhaan, Rabbow, Rabbow, oo aad u yeeli weydaan wixii aan leeyahay? 47Kii kasta oo ii yimaada, oo hadalladayda maqla, oo yeela, waxaan idin tusayaa kuu u eg yahay. 48Isagu wuxuu u eg yahay nin guri dhisay, oo qoday oo hoos u dheereeyey; aasaaskiina ayuu dhagax weyn ka dul dhisay. Goortii daadku yimid ayaa webigu ku soo jabay gurigaas, xoog uu ku gilgilose ma lahayn, waayo, si wanaagsan ayaa loo dhisay. 49Laakiin kii maqla oo aan yeelin, wuxuu u eg yahay nin dhulka ka dhisay guri aan aasaas lahayn. Kan webigu ku soo jabay, oo kolkiiba ayuu dumay, oo dumiddii gurigaasu waa weynayd.
Cutubka 7
Addoonkii boqol-u-taliyaha waa la bogsiiyey (Mt 8:5-13)
1Goortuu hadalladiisa ku dhammeeyey dadka dhegaysadkooda ayuu Kaferna'um galay. 2Boqol-u-taliye addoonkiisii uu jeclaa ayaa bukay oo dhimashuu u dhowaa. 3Goortuu maqlay wax Ciise ku saabsan, ayuu waayeelladii Yuhuudda u diray isaga, oo ka baryay inuu yimaado oo addoonkiisa bogsiiyo. 4Goortay Ciise u yimaadeen, aad bay u baryeen oo ku yidhaahdeen, Isagu waa istaahilaa inaad waxaas u yeeshid, 5waayo, quruunteenna ayuu jecel yahay, oo sunagog ayuu noo dhisay. 6Markaasaa Ciise raacay, oo isagoo aan guriga ka fogayn, ayaa boqol-u-taliyihii saaxiibbo u soo diray oo ku yidhi, Sayidow, ha isdhibin, waayo, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid. 7Saas aawadeed uma aan malaynaynin inaan istaahilo inaan kuu imaado; laakiin hadal dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa. 8Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo, oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa. 9Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, oo intuu dadkii la socday ku jeestay ayuu ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidaas u weyn oo kale reer bini Israa'iil kama dhex helin. 10Kuwii la soo dirayna kolkay gurigii ku noqdeen, waxay heleen addoonkii oo ladan.
Carmalkii Na'in joogtay wiilkeedii waa la soo nooleeyey
11Markii dambe waxaa noqotay inuu galay magaalada Na'in la odhan jiray; waxaana raacay xertiisii, iyo dad badanba. 12Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada. 13Rabbigu goortuu arkay iyada, ayuu u naxariistay oo ku yidhi, Ha ooyin. 14Oo intuu ku soo dhowaaday, ayuu taabtay rabrabtii. Kuwii sidayna way joogsadeen. Markaasuu yidhi, Dhallinyarow, waxaan kugu leeyahay, Kac. 15Kolkaasaa kii dhintay sara fadhiistay oo bilaabay inuu hadlo, oo markaasaa Ciise isagii u dhiibay hooyadiis. 16Kulligood baqdin baa ku wada dhacday, oo Ilaah bay ammaaneen iyagoo leh, Nebi weyn ayaa dhexdeenna ka kacay. Ilaahna waa soo booqday dadkiisa. 17Warkaas isaga ku saabsan ayaa gaadhay Yahuudiya oo dhan iyo dhulka ku wareegsan oo dhan.
Yooxanaa Baabtiisaha (Mt. 11:2-19)
18Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay. 19Markaasaa Yooxanaa wuxuu u yeedhay laba xertiisii ah oo Ciise u soo diray, oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa? 20Nimankii goortay u yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen. Yooxanaa Baabtiisaha ayaa noo soo kaa diray isagoo leh. Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa? 21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan. 22Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugaha la'aana way socdaan. kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegaha la aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa. 23oo waxaana barakadaysan kan aan iga xumaanin. 24Kuwii Yooxanaa diray goortay tageen, wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa. Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso? 25Laakiin maxaad u baxdeen'' Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka wanaagsan qaba oo hodan ku nool waxay joogaan guryaha boqorrada. 26Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, Mid nebi ka sarreeya. 27Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga ku sii diyaargarayn doona hortaada. 28Waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa ka weyn ma jiro, laakiin kan boqortooyada Ilaah ugu yar ayaa ka weyn. 29Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa. 30Laakiin Farrisiintii iyo kuwii sharciga yiqiin ayaa waanadii Ilaah naftooda darteed u diiday iyagoo aan Yooxanaa baabtiisin. 31Haddaba maxaan nimanka qarnigan u ekaysiiyaa? Maxay u eg yihiin? 32Waxay u eg yihiin carruur suuqa fadhida oo isu yeedhyeedhaysa iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu barooramlay oo waad ooyi weydeen. 33Waayo. Yooxanaa Baabtiisaha waa yimid isagoo aan kibis cunaynin oo aan khamri cabbaynin; waxaadna tidhaahdaan, Jinni buu qabaa. 34Wiilka Aadanahu waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya. waxaadna tidhaahdaan. Eeg. waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembiilayaal. 35Xigmaddu inay xaq tahay waa laga caddeeyey xaggii carruurteeda oo dhan. Cagasubkintii Ciise; iyo masaalka ku saabsan labadii nin oo daynka qabtay 36Farrisiinta midkood ayaa weydiistay inuu wax la cuno. wuuna galay gurigii Farrisiga oo cunto u fadhiistay. 37Bal eeg. naag magaalada joogtay oo dembi lahayd goortay ogaatay inuu gurigii Farrisiga cunto u fadhiyo. waxay soo qaadatay weel[2]alabastar ah oo cadar ku jiro. 38Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay iimada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay. 39Farrisigii u yeedhay isaga. goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembiiley. 40Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi. Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, macallimow. 41Waxaa jiray amaahiye laba nin amaah ku lahaa, mid wuxuu ku lahaa shan boqol oo dinaar, midka kalena konton. 42Goortii ay waayeen waxay bixiyaan, ayuu labadoodiiba u dhaafay. Haddaba iyamaa ahaan doona kan jacayl badan? 43Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan u malaynayaa, kan uu wax badan u dhaafay. Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan baad u qiyaastay. 44Kolkaasuu naagtii u jeestay. oo wuxuu Simoon ku yidhi, Naagtan ma araytaa? Anigu gurigaagaan galay: biyo cagahayga iima aad siin, laakiin iyadu cagahayga ayay ilmadeeda ku qoysay oo ay timaheeda ku tirtirtay. 45Dhunkasho ima aad dhunkan, iyaduse tan iyo wakhtigaan soo galay kama dayn inay cagahayga dhunkato. 46Madaxaygana saliid ma aad marin, iyaduse cagahayga ayay cadar marisay. 47Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel. 48Wuxuu iyada ku yidhi, Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin. 49Kuwii cunto ula fadhiyey waxay bilaabeen inay isku yidhaahdaan, Yuu yahay kan dembiyo cafiya haddana? 50Wuxuu naagtii ku yidhi, Rumaysadkaaga ayaa ku badbaadiyey ee nabad ku tag.
Cutubka 8
Dumarkii Ciise u adeegay
1Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyotobankii, 2iyo naago laga bogsiiyey jinniyo shar leh iyo cudurro. Waxay ahaayeen Maryantii la odhan jiray tii reer Magdala, ee toddoba jinni ka baxeen, 3iyo Yo'anna afadii Khusas ee wakiilkii Herodos ahaa, iyo Susanna, iyo qaar badan oo kale oo waxooda ugu adeegi jiray.
Masaalka ku saabsan beerrayga (Mt. 13:1-9; Mk. 4:1-9)
4Goortii dad badan isu soo urureen, iyo kuwa magaalo walba uga yimid, wuxuu ku hadlay masaal. 5Beerray baa baxay inuu abuurkiisa beero. oo intuu beerayay, qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, oo waa lagu tuntay, oo shimbirihii cirka ayaa cunay. 6Qaar kalena waxay ku dhaceen dhagax; kol alla kolkii ay soo baxeen way engegeen, waayo, qoyaan ma lahayn. 7Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa la soo baxday oo ceejisay. 8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi. ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
Micnayntii masaalka (Mt 13:10-23; Mk. 4:10-20)
9Markaasaa xertiisii weydiisay oo ku tidhi, Muxuu yahay masaalkan? 10Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan. 11Masaalku waa kan: Abuurku waa hadalkii Ilaah. 12Kuwii jidka yiil waa kuwa maqla, markaasaa Ibliisku yimaadaa, oo hadalka ayuu qalbigooda ka qaadaa, si aanay u rumaysan oo aanay u badbaadin. 13Kuwii dhagaxa yiilna waa kuwa goortay maqlaan. hadalka farxad ku qaata, kuwanna xidid ma leh; laakiin wakhti yar ayay rumaystaan, wakhtiga duufsashadana way iska noqdaan. 14Kuwii qodxanta ku dhex dhacayna waa kuwan maqla oo intay socdaan waxaa ceejiya welwelidda iyo hodantinimada iyo farxadda ifkan, midho bisilna ma dhalaan. 15Kuwa dhulka wanaagsanna waxay yihiin kuwa, intay maqlaan, qalbi wanaagsan oo fiican hadalka ku haysta. oo dulqaadasho ayay midho ku dhalaan.
Waxa ilayska laga barto (Mk. 4:21-25)
16Ma jiro nin, goortuu ilays shido, weel ku daboola, ama sariir hoos geliya, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan. 17Waayo, wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax daboolanna ma jiro oo aan la garan doonin oo aan bannaan soo bixi doonin. 18Sidaa darteed u fiirsada sidaad u maqlaysaan, waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, ku alla kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wixii loo maleeyo inuu haysto.
Walaalnimada runta ah (Mt. 12:46-50; Mk. 3:31-35)
19Markaasaa waxaa isaga u yimid hooyadiis iyo walaalihiis, wayna soo gaadhi kari waayeen dadkii badnaa aawadood. 20Oo waxaa lagu yidhi, Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay ku arkaan. 21Laakiin wuxuu ugu jawaabay, Hooyaday iyo walaalahay waa kuwan hadalka Ilaah maqla oo yeela.
Ciisaa duufaankii dejiyey (Mt. 8:23-27; Mk. 4:35-41)
22Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen. 23Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen. 24Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday. 25Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?
Jinnoolihii reer Gadareni oo la bogsiiyey (Mt 8:28-34; Mk. 5:1-20)
26Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili. 27Goortuu dhulka u degay waxaa la kulmay nin magaalada ka yimid oo jinniyo qaba. Wakhti dheer dhar ma sidan jirin, gurina ma joogi jirin, laakih1 xabaalaha ayuu dhex joogi jiray. 28Goortuu arkay Ciise. ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka llaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin. 29Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo. maxaa yeelay. marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago. oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray. 30Markaasaa Ciise weydiiyey oo ku yidhi, Magacaa? Oo wuxuu ku yidhi, Lijoon; waayo, jinniyo badan ayaa galay. 31Markaasay ka baryeen inaanu amrin inay yaamayska tagaan. 32Halkaa waxaa joogay daaqsin doofaarro badan ah oo buurta daaqaysa. Waxayna ka baryeen inuu u fasaxo inay kuwaas galaan. Kolkaasuu u fasaxay. 33Markaasay jinniyadii ninkii ka baxeen oo doofaarradii galeen Daqsintiina jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda. wayna ku bakhtiyeen. 34Kuwii daajin jiray markay arkeen waxa dhacay, ayay carareen oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. 35Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen ninkii jinniyadu ka baxeen, isagoo ag fadhiya Ciise cagihiisa oo dhar sita oo miyir qaba; wayna baqeen. 36Kolkaasaa kuwii arkay waxay iyaga u sheegeen sida jinnoolihii loo bogsiiyey. 37Dadkii oo dhan oo dalka Gadareni ku wareegsanaa ayaa baryay inuu ka noqdo iyaga, waayo, baqdin weyn ayay baqeen Markaasuu doonni fuulay, waana noqday. 38Laakiin ninkii jinniyadii ka baxeen ayaa ka baryay isaga inuu raaco, laakiin wuu diray isagoo ku leh, 39Gurigaaga ku noqo oo dadka ogeysii waxa weyn oo Ilaah kuu sameeyey. Markaasuu tegey oo wuxuu magaalada oo dhan ku naadiyey waxa weyn oo Ciise u sameeyey.
Yayros gabadhiis; il o naagtii dhiigbixidda qabta (Mt. 9:18-26; Mk. 5:21-43)
40Markii Ciise noqday ayaa dadkii badnaa farxad ku qaatay, waayo, way wada sugayeen. 41Oo bal eeg. waxaa yimid nin Yayros la odhan jiray, oo laliyaha sunagogga ahaan jiray. Wuxuuna isku riday Ciise cagihiisa oo ka baryay inuu gurigiisa galo. 42Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban samladood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey. 43Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa, 44ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay. 45Markaasaa Ciise yidhi, Yuu yahay kan i taabtay? Markay wada dafireen, Butros iyo kuwa la jiray waxay ku yidhaahdeen. Macallimow, dadkii badnaa ayaa ku jiidhaya oo ku cidhiidhinaya. 46Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay. 47Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay. 48Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhoy. rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey ee nabad ku tag. 49Intuu weli hadlayay. waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin. 50Laakiin Ciise goortuu maqlay, wuxuu ugu jawaabay, Ha baqin ee iska rumayso, wayna bogsan doontaa. 51Markuu guriga yimid, ninna uma oggolaanin inuu la galo, Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, iyo gabadha aabbeheed. iyo hooyadeed maahee. 52Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada. Laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman. waase huruddaa. 53Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay. 54Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray. oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac. 55Ruuxeedii ayaa ku soo noqday. oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada. 56Waalidkeedii waa yaabeen, wuxuuse amray inaanay ninna u sheegin waxa dhacay.
Cutubka 9
Laba iyo-tobankii rasuul iyo shuqulladoodii (Mt. 10:5-15; Mk. 6:7-13)
1Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan. 2Wuuna diray inay boqortooyadii Ilaah ku wacdiyaan dadka oo ay bogsiiyaan kuwa buka. 3Wuxuuna ku yidhi, Waxba safarka ha u qaadanina, ama ul. ama qandi. ama kibis, ama lacag. Laba khamiisna ha qaadanina. 4Guri alla gurigaad gashaan jooga, meeshaasna ka baxa. 5Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn. markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato. 6Markaasay baxeen. oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.
Herodos waa welwelay (Mt. 14:1-12; Mk. 6:14-16)
7Markaasaa taliye Herodos maqlay waxa dhacay oo dhan, wuuna shakiyey, waayo, qaar baa yidhi. Yooxanaa ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay. 8qaarna waxay yidhaahdeen, Eliyaas ayaa soo muuqday, qaar kalena waxay yidhaahdeen. Nebi nebiyadii hore ah ayaa soo sara kacay. 9Markaasaa Herodos wuxuu yidhi, Yooxanaa madaxaan ka gooyay, Yuu yahay kan aan waxan ka maqlayo? Oo wuxuu doonayay inuu arko.
Waxaa cunto la siiyey shan kun oo nin (Mt. 14:13-21;Mk. 6:30-44; Yoox. 6:1-13)
10Rasuulladii markay soo noqdeen ayay isaga u sheegeen wixii ay sameeyeen. Wuuna waday oo keli ahaan u kaxeeyey magaalada Beytsayda la odhan jiray. 11Laakiin dadkii badnaa, goortay ogaadeen, way soo raaceen. Markaasuuna iyaga soo dhoweeyey, oo wuxuu kala hadlay wax ku saabsan boqortooyadii. Ilaah, oo kuwii u baahnaa in la bogsiiyona wuu bogsiiyey. 12Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa. 13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee. 14Waayo, waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin. Wuxuu xertiisii ku yidhi, U fadhiisiiya kooxkoox konton konton ah. 15Sidaasay yeeleen oo wada fadhiisiiyeen. 16Markaasuu wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay, ayuu barakadeeyey, oo kala jejebiyey, oo xertiisii siiyey, inay dadkii badnaa hortooda dhigaan. 17Markaasay cuneen oo ka wada dhergeen; waxaana la guray jajabkii ka hadhay oo laba-iyo-toban dembiilood ah
Butros wuxuu qiray inuu Ciise yahay Masiixa (Mt. 16:13-19; Mk. 8:27-29)
18Intuu keli ahaan u tukanayay, ayaa xertiisii la joogtay, markaasuu weydiiyey isagoo leh, Dadkii badnaa yay igu sheegaan? 19Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Eliyaas, qaarna waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah oo soo sara kacay. 20Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Masiixii Ilaah.
Ciise wuxuu sii sheegay dhimashadiisa iyo sarakiciddiisa (Mt. 16:21-23; Mk. 8:30-31)
21Laakiin wuu waaniyey oo wuxuu ku amray inaanay ninna waxaas u sheegin, 22isagoo leh, Waxay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimadu diidaan, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo.
Waa in nafta la diido (Mt. 16:24-28; Mk. 8:34-9:1)
23Markaasuu wuxuu kulligood ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha is-inkiro, iskutallaabtiisana maalin walba ha soo qaato oo ha i soo raaco. 24Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadin doona. 25Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu islumiyo oo khasaaro? 26Maxaa yeelay, ku alla kii ka xishooda aniga iyo hadalkaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga, goortuu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabbihiis iyo tan malaa'igaha qoduuska ah. 27Laakiin run baan idiin sheegayaa, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah.
Ciise muuqiisu waa isbeddelay (Mt. 17:1-8; Mk. 9:2-8)
28Abbaaraha siddeed maalmood hadalladan dabadood waxaa dhacay inuu waday Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, oo buurtuu fuulay inuu ku tukado, 29oo intuu tukanayay, araggii wejigiisa ayaa si kale noqday, dharkiisuna caddaan ayuu la dhalaalayay. 30Oo bal eeg, laba nin ayaa la hadlayay isaga, waxayna ahaayeen Muuse iyo Eliyaas, 31Oo ammaan ku soo muuqday, oo waxay kala hadlayeen dhimashadiisa uu Yeruusaalem dhowaan ku dhammayn lahaa. 32Laakiin Butros iyo kuwii la jiray ayaa hurdo la cuslaaday; oo goortay tooseen ayay arkeen ammaantiisa iyo labadii nin oo la taagan. 33Kolkay ka tegayeen waxaa dhacay in Butros ku yidhi Ciise. Macallirmow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno, haddaba saddex waab aannu ka dhisno. mid adaan ku dhisaynaa. midna Muuse, midna Eliyaas, waayo, ma uu garanaynin wuxuu leeyahay. 34Intuu waxaas lahaa, waxaa timid daruur oo iyagay hadhaysay, wayna baqeen kolkay daruurtii galeen. 35Daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga an jeclahay ee maqla isaga. 36Goortii codkii ahaaday Ciise keliya ayaa la arkay; markaasay iska aamuseen, oo maalmahaas ninna uma ay sheegin wixii ay arkeen.
Wiilkii jinniga qabay waa la bogsiiyey (Mt. 17:14-18; Mk. 9:14-27)
37Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga. 38Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh. Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga, 39oo bal eeg, jinni baa qabsada, oo dhaqsiba wiilkaa qayliya, jinniguna waa gilgilaa, oo wiilku afkuu ka xumbeeyaa; dhib ayaa jinnigu kaga baxaa, isagoo aad u burburinaya. 40Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen. 41Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa. oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen. 42Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay. wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey. 43Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa. Laakiin intay kulligood la wada yaabsanaayeen wixii uu sameeyey oo dhan, wuxuu xertiisii ku yidhi,
Ciise baa mar labaad dhimashadiisa sii sheegay (Mt. 17:22-32; Mk. 9:30-32)
44Hadalladanu ha galeen dhegihiinna, waayo, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacan gelin doonaa. 45Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen. waana laga qariyey si ayna u garan. wayna ka cabsadeen inay hadalkaas wax ka weydiiyaan.
Is-hoosaysiinta (Mt. 18:1-5; Mk. 9:33-37)
46Waxaa ka dhex kacday dood ay islahaayeen, Kee baa ahaan doonaa kan inoo weyn. 47Laakiin Ciise markuu gartay fikirrada qalbigooda ayuu ilmo qaaday oo is-ag joojiyey, 48markaasuu ku yidhi iyaga. Ku alla kii magacayga ku aqbala ilmahan. wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, wuxuu aqbalaa kii i soo diray, waayo, kii idiinku wada yar, kaas ayaa u weyn.
Midba midka kale ha u dulqaato (Mk. 9:38-40)
49Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi. Macallimow. waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya, oo waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco. 50Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Ha u diidina, waayo, kan aan idinka gees ahayn waa idinla gees. Ciise wuxuu u kacay Yeruusaalem; dadka reer Samaariya sooma ay dhowayn 51Goortii wakhtigii isaga kor loo qaadi lahaa uu dhowaaday. wuxuu wejigiisa u jeediyey inuu Yeruusaalem tago. 52Markaasuu hortiisa cid u diray, oo intay tageen ayay galeen tuulo reer Samaariya ah inay wax u diyaariyaan isaga. 53Iyaguse ma ay dhowayn. waayo, wejigiisa ayaa u jeeday xagga Yeruusaalem. 54Markaasaa xertiisii Yacquub iyo Yooxanaa goortay arkeen. waxay ku Yidhaahdeen. Sayidow. ma doonaysaa inaannu dab amarno inuu cirka ka soo dego oo baabi'iyo? 55Isaguse waa ku jeestay oo canaantay iyaga, oo ku yidhi, Garan maysaan caynkii ruuxa aad ka tihiin. 56Markaasay waxay aadeen tuulo kale.
Sida loo imtixaamo kuwa doonaya inay xer noqdaan (Mt. 8:19-22)
57Oo intay jidka ku socdeen nin baa ku yidhi isaga, Waan ku raacayaa meel alla meeshaad tagtidba. 58Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbiraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh. 59Mid kalena ayuu ku yidhi, I soo raac. Laakiin isagu wuxuu ku yidhi. Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso. 60Laakiin wuxuu ku yidhi, Iska daa, meydadku ha aaseen meydadkooda, laakiin adigu bax oo boqortooyadii Ilaah ku naadi. 61Mid kale ayaa yidhi, Sayidow, waan ku raacayaa, laakiin horta ii oggolow inaan kuwa gurigayga jooga ku soo idhaahdo, Nabad gelyo. 62Ciise ayaa ku yidhi, Ma jiro nin gacantiisa mixaraadka saara oo dib u eega, oo u qalma boqortooyada Ilaah.
Cutubka 10
Toddobaatankii xerta ahaa shuqulladoodii
1Waxaa dabadeed Rabbigu wuxuu soo bixiyey toddobaatan kale, oo laba laba ayuu hortiisa u diray ilaa magaalo walba iyo meel walba oo uu tegi lahaa. 2Wuxuuna ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro. 3Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira. 4Ha qaadanina kiish, ama qandi, ama kabo, ninnaba jidka ha ku nabdaadinina. 5Guri alla gurigaad gashaan, horta waxaad ku tidhaahdaan, Gurigan nabad ha u ahaato. 6Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa. 7Gurigaas qudhiisa jooga, idinkoo cunaya oo cabbaya waxay haystaan, waayo, shaqaaluhu waa istaahilaa abaalgudkiisa. Guriba guri ha u dhaafina. 8Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna. 9Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay. 10Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha, 11Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay. 12Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas.
Waxaa hoog leh dadka aan Ilaah rumaysnayn magaalooyinkooda (Mt. 11:20-24)
13Waa kuu hoog, Khorasinay. Waa kuu hoog, Beytsayday, waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobad keeni lahaayeen, iyagoo dhar jooniyad ah gashan oo dambas ku fadhiya. 14Laakiin maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan. 15Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa[3]Haadees. 16Kan idin maqlaa waa i maqlaa, kan idin diidaana, waa i diidaa, kan i diidaana, wuxuu diidaa kii i soo diray.
Toddobaatankii ayaa soo noqday
17Toddobaatankii farxad ayay la soo noqdeen, iyagoo leh, Sayidow, xataa jinniyadu magacaaga ayay nooga dambeeyaan. 18Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan arkay Shaydaankoo sida hillaac samada uga soo dhacaya. 19Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono. 20Laakiin tan ha ku farxina in jinniyadu ay idinka dambeeyaan, laakiin ku farxa in magacyadiinnu ay jannada ku qoran yihiin.
Ciise waa mahad naqay (Mt. 11:25-27:13: 16-17)
21Saacaddaas qudheeda ayuu Ruuxa Qoduuska ah ku rayrreeyey oo yidhi, Waan kugu mahad naqayaa, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow. waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilmo yaryar. Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay. 22Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo cid uu yahay Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo cid uu yahay, Wiilka maahee, iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo. 23Wuxuuna u jeestay xertiisa oo keli ahaan ugu yidhi, Waxaa barakadaysan indhaha arka waxaad aragtaan; 24waayo, waxaan idinku leeyahay, Nebiyo iyo boqorro badan ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maqlaan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.
Sida loo helo nolosha weligeed ah (Mt. 22:34-40; Mk. 12:28-31)
25Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah? 26Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa? 27Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada. 28Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.
Masaalka ku saabsan ninkii wanaagsanaa oo reer Samaariya
29Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah? 30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah. 31Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray. 32Sidaas oo kalena nin reer Laawi ah goortuu meeshaas yimid oo arkay, ayuu dhinaca kale maray. 33Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay. 34Wuuna u dhowaaday. oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay. 35Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa. 36Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay? 37Wuxuu ku yidhi. Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.
Maarta iyo Maryan
38Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay. 39Waxayna lahayd walaal Maryan la odhan jiray, oo iyaduna waxay ag fadhiisatay cagihii Sayidka oo hadalkiisa maqashay. 40Laakiin Maarta waxaa jiidanaysay hawl badan, oo intay u timid ayay ku tidhi, Sayidow, miyaanay waxba kula ahayn in walaashay i daysay inaan keligay adeego? Haddaba la hadal inay ila qabato. 41Laakiin Sayidku waa u jawaabay oo ku yidhi, Maarta, Maartay, wax badan ayaad ka welwelaysaa oo isku dhibaysaa. 42Laakiin mid baa loo baahan yahay, Maryanna waxay dooratay intii roonayd oo aan laga qaadi doonin.
Cutubka 11
Tukashaduu Ciise xertiisa baray (Mt. 6:9-13)
1Meel buu ku tukanayay, oo goortuu dhammeeyey, mid xertiisa ka mid ah ayaa ku yidhi, Sayidow, na bar si loo tukado, sida Yooxanaa xertiisa u baray. 2Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu qoduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado. 3Maalinba maalin kibistayada nagu filan na sii. 4Oo naga cafi dembiyadayada, waayo, annaguba waa u cafinnaa mid walba oo aannu qaan ku leennahay, oo jirrabaaddana ha noo kaxayn.
Tukasho joojin la'aan ah; iyo masaalka ku saabsan saaxiibkii saqda-dhexe yimid (Mt. 7:7-11)
5Wuxuuna ku yidhi. Kiinnee baa saaxiib leh oo saqda-dhexe u tegaya oo ku odhanaya, Saaxiibow. saddex kibsood, i amaahi, 6waayo, saaxiibkay ayaa safar iiga yimid, oo waxaan hor dhigo ma hayo. 7Kaasaana gudaha ka jawaabaya oo odhanaya, Ha i dhibin. Albaabka waa la xidhay; carruurtayduna sariirtay ila jiiftaa; umana kici karo inaan wax ku siiyo. 8Waxaan idinku leeyahay, In kastoo aanu kici doonin oo aanu siin doonin saaxiibnimadiisa aawadeed, weliba baryo badnaantiisa aawadeed ayuu u kici doonaa oo u siin doonaa in alla intuu u baahan yahay. 9Waxaan idinku leeyahay, Weydiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa. 10Waayo, mid kasta oo weydiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa. 11Midkiinnee baa oo aabbe ah haddii wiilkiisu kibis weydiisto, dhagax siinaya? Ama hadduu kalluun weydiisto, kalluunka meeshiis abeeso siinaya? 12Ama hadduu ukun weydiisto, dabaqallooc siinaya? 13Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa Ruuxa Qoduuska ah uu siin doonaa kuwa isaga weydiista? Ciise jawaabtiisii markii lagu ashtakeeyey inuu caawimaadda Shayddaanka ku shaqeeyey
(Mt. 12:22-30; Mk. 1:22-27)
14Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen. 15Laakiin qaarkood ayaa yidhi, wuxuu jinniyada ku saaraa Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada. 16Markaasaa kuwa kale oo jirrabaya waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso. 17Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cidla' bay noqotaa, guri guri ka qaybsamaana waa dumaa. 18Shayddaankuna hadduu kala qaybsamo, boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? Waayo, waxaad tidhaahdaan, Waxaad jinniyo ku saartaa Be'elsebul. 19Anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinna yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna. 20Laakiin haddaan jinniyada ku saaro farta Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah. 21Nin xoog leh oo hubaysan markuu ilaalinayo barxaddiisa. alaabtiisu waa nabad gelaysaa. 22Laakiin mid ka xoog badan goortuu ku soo baxo oo ka adkaado, wuxuu ka qaadaa hubkiisii uu isku halleeyey, oo wuu qaybiyaa wuxuu ka dhacay. 23Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.
Jinnigu waa ku noqday meeshuu ka baxay (Mt. 12:43-45)
24Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn. isagoo nasasho doonaya, oo markuu heli waayo, wuxuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay. 25Oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo xaaqan oo 26Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore. 27Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi. in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi. Waxaa barakadaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay. 28Laakiin wuxuu ku Yidhi. Runtaa, laakiin waxaa barakadaysan kuwa hadalka Ilaah maqla oo xajiya.
Ciise waa ka digay in calaamooyin la doono (Mt. 12:38-42; Mk. 8:12)
29Goortii dadkii badnaa isugu soo ururayeen, wuxuu bilaabay inuu yidhaahdo. Qarniganu waa qarni shareed; calaamo bay doonayaan, lamana siin doono, calaamada Yoonis maahee. 30Waayo, sida Yoonis calaamo ugu noqday reer Nineweh, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahu calaamo ugu ahaan doonaa qarnigan. 31Boqoradda koonfureed waxay xisaabta la kici doontaa dadka qarnigan, wayna xukumi doontaa, waayo, waxay ka timid meesha dhulka ugu shishaysa inay xigmadda Sulaymaan maqasho, oo bal eeg, mid Sulaymaan ka weyn ayaa halkan jooga. 32Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan. wayna xukumi doonaan. waayo, waxay ku toobad keeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.
Waxa ilayska laga barto
33Ma jiro nin, goortuu ilays shido. dhiga meel qarsoon ama weel hoostiisa, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan. 34Ilayska jidhkaagu waa ishaada, ishaaduna markay hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammu waa iftiimaa, laakiin goortay xun tahay, jidhkaaguna waa gudcur. 35Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan. 36Haddaba haddii jidhkaaga oo dhammu iftiimo, aanuna lahayn meel gudcur ah. waa wada iftiimaa. sida goortii ilayska dhalaalayaa uu kuu iftiimiyo.
Ciise wuxuu canaantay Farrisiintii iyo kuwii sharciga yiqiin (Mt. 23:1-36; Mk. 12:38-40; Lk. 20:45-47)
37Goortuu hadlayay, nin Farrisi ah ayaa weydiistay inuu wax la cuno; wuuna galay gurigiisa, oo cunto u fadhiistay. 38Farrisigii markuu arkay waa yaabay, waayo, cuntada horteed ma uu faraxalan. 39Sayidka ayaa ku yidhi, Haddeer idinkoo Farrisiin ah waxaad dusha ka nadiifisaan koobka iyo xeedhada, laakiin xaggiinna hoose waxaa ka buuxa dulun iyo shar. 40Doqonno yahow, kii dusha sameeyey miyaanu gudahana samaynin? 41Laakiin waxa gudaha ah sadaqad u bixiya, oo bal eeg, wax walba waa idiin nadiifsan yihiin. 42Laakiin waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo khudaarta oo dhan toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaaftaan xukunka iyo jeclaanta Ilaah. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin. 43Waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, waxaad jeceshihiin kursiyada hore oo sunagogyada, iyo salaanta suuqa. 44Waa idiin hoog, waayo, waxaad tihiin sida xabaalo aan muuqanaynin; nimanka dul marayaana aanay garanaynin. 45Kuwa sharciga yaqaan midkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, markaad waxaas leedahay, annagana waad na caayaysaa. 46Markaasuu ku yidhi, Idinkana waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, waxaad nimanka ku rartaan wax culus oo qaadiddoodu dhib leedahay; idinkuse farihiinna middood kuma taabataan culaabta. 47Waa idiin hoog, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, awowayaashiinse way dileen. 48Haddaba waxaad tihiin markhaatiyaal oo aad oggoshihiin shuqulkii awowayaashiin, waayo, iyagaa dilay, idinkuna waad dhistaan xabaalahooda. 49Sidaa darteed xigmadda Ilaah ayaa tidhi, Waxaan u diri doonaa nebiyo iyo rasuullo; qaarkood waa la dili doonaa oo la silcin doonaa, 50in qarnigan la weydiiyo dhiiggii nebiyada oo dhan oo daatay tan iyo aasaaskii dunida, 51oo laga bilaabo dhiiggii Haabiil ilaa dhiiggii Sakariyas kii ku dhintay meeshii allabariga iyo meesha qoduuska ah dhexdooda. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Qarnigan ayaa la weydiin doonaa. 52Waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, furihii garashada ayaad qaaddeen. Idinka qudhiinnu ma gelin, oo kuwii gelayayna ayaad ka hor joogsateen. 53Oo kolkuu meeshaas ka baxay, culimada iyo Farrisiintu waxay bilaabeen inay aad ugu dhirfaan iyo inay wax badan kaga hadlisiiyaan, 54iyagoo gaadaya inay ku qabtaan wixii afkiisa ka soo baxa. Ciise wuxuu xertiisii uga digay laba-wejiilenimada
Cutubka 12
1Markii dadkii badnaa oo tiro la'aanta ahaa isa soo tubeen. ilaa ay qaarba qaar ku joogjoogsadeen. wuxuu bilaabay inuu kolkii hore xertiisa ku yidhaahdo. Iska jira khamiirka Farrisiinta kan ah laba-wejiilenimada. 2Ma jiro wax daboolan oo aan soo muuqan doonin ama wax qarsoon oo aan la garan doonin. 3Sidaa darteed wax kasta oo aad gudcurka ku dhex tidhaahdeen, iftiinka ayaa laga maqli doonaa, oo wixii aad dhegta iskagala hadasheen qolal qarsoon ayaa guryaha dushooda lagaga dhawaaqi doonaa.
Kuwii laga baqi lahaa (Mt. 10:28-33)
4Waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbadayow, Ha ka baqina kuwa jidhka dila, oo aan dabadeed wax kale samayn karin. 5Laakiin waxaan idinkaga digayaa kaad ka baqi lahaydeen. Ka baqa kan kolkuu dilo dabadeed amar u leh inuu jahannamada ku tuuro. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Kaas ka baqa. 6Shan shimbirrood miyaan laba beesadood lagu iibin? Oo midna lagama illaawin Ilaah hortiisa. 7Laakiin timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin. Ha baqina; waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan. 8Weliba waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo igu qirta dadka hortiisa, ayaa Wiilka Aadanahu ku qiran doonaa malaa'igaha Ilaah hortooda 9Laakiin kii igu dafira dadka hortiisa, malaa'igaha Ilaah hortooda ayaa lagu dafiri doonaa, 10oo mid walba oo ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah, waa loo cafiyi doonaa, laakiin kii caaya Ruuxa Qoduuska ah looma cafiyi doono. 11Goortay idin hor keenayaan sunagogyada iyo taliyayaasha, iyo kuwa amarka leh, ha ka welwelina sidii iyo wixii aad ku jawaabi doontaan ama waxaad odhan doontaan. 12waayo, Ruuxa Qoduuska ah ayaa saacaddaas idin bari doonaa wixii aad leedihiin inaad tidhaahdaan. Damac badnaanta; iyo masaalka ku saabsan taajirkii nacaska ahaa 13Oo mid dadka ka mid ah ayaa ku yidhi, Macallimow, walaalkay u sheeg inuu dhaxalka ila qaybsado. 14Laakiin wuxuu ku yidhi, Ninkow, yaa iiga kiin dhigay xukume ama qaybiye? 15Wuxuu iyaga ku yidhi, Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof goortuu maal badnaado. noloshiisu kama timaado maalkuu leeyahay. 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey. 17Kolkaasuu isla tashaday isagoo leh, Maxaan sameeyaa, waayo, ma haysto meel aan ku ururiyo wixii ii baxay? 18Markaasuu yidhi. Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan. 19Oo waxaan naftayda ku odhan doonaa, Nafay, waxaad leedahay alaab badan oo sannado badan loo dhigay. Naso oo wax cun oo cab oo farax. 20Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weydiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa'? 21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.
Welwelka, iyo aaminaadda Ilaah la aamino (Mk. 6:25-34)
22Markaasuu xertiisii ku yidhi, Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, jidhkiinnana waxaad huwin doontaan. 23Waayo, naftu waa ka roon tahay cuntada. jidhkuna waa ka roon yahay dharka. 24Tukayaasha fiiriya, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, mana haystaan maqsin ama meel ay wax ku urursadaan, oo Ilaah baa cunto siiya. Intee baad ka roon tihiin shimbirraha! 25Midkiinnee intuu welwelo, dhererkiisa dhudhun ku dari kara? 26Haddaba haddii aanad samayn karin xataa waxa u yar, maxaad ugu welweshaan intii kale? 27Fiiriya ubaxyada, siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan. ma ayna miiqdaan. Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtiga ammaantiisii oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood. 28Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysad yarayaalow? 29Ha doondoonina waxaad cuntaan iyo waxaad cabtaan, oo ha shakiyina, 30waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin. 31Laakiin doondoona boqortooyadiisa. oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa. 32Ha baqina, ido yahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin si iyo. 33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabi'in. 34Waayo, meesha maalkiinnu ku jiro, meeshaasaa qalbigiinnuna ku jiri doonaa.
Soojeedid baa loo baahan y ahay; masaalka ku saabsan addoommadii aaminka ahaa iyo kuwii aan aaminka ahayn (Mt. 24:45-51)
35Dhexdiinnu ha xidhnaato, laambadihiinnuna ha baxaan. 36Idinkuna ahaada sida niman sayidkooda sugaya, goortuu arooska ka soo noqdo, inay markiiba ka furaan markuu yimaado oo garaaco. 37Waxaa barakadaysan addoommadaas, kuwa sayidku goortuu yimaado, uu helo iyagoo soo jeeda. Runtii waxaan idinku leeyahay, Isagu waa guntan doonaa, oo cunto ayuu u fadhiisan doonaa. oo intuu iyaga u dhowaado ayuu u adeegi doonaa. 38Hadduu yimaado wakhtigii gaadhka labaad ama kan saddexaad oo uu helo iyagoo sidaas ah. kuwaas ayaa barakadaysan. 39Laakiin tall ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa saacadda tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo uma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo. 40Idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa. 41Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, ma annaga ayaad masaalkan nagula hadlaysaa ama dadka oo dhan? 42Sayidkuna wuxuu yidhi, Haddaba yuu yahay wakiilka aaminka ah oo caqliga leh. kan uu sayidkiisu u sarraysiin doona dadka gurigiisa, inuu qaybtooda oo cuntada ah siiyo wakhtigeeda? 43Waxaa barakadaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya. 44Runtii waxaan idinku leeyahay Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarraysiin doonaa isaga. 45Laakiin haddii addoonkaas qalbigiisa ka yidhaahdo. Sayidkayga imaatinkiisii waa raagay, oo uu bilaabo inuu garaaco midiidinyada ragga iyo dumarka ahaa. iyo inuu wax cuno oo wax cabbo oo sakhraamo, 46addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn. 47Addoonkaas ogaa doonista sayidkiisa, oo aan diyaargarayn, oo aan yeelin sidii doonistiisu ahayd, wax badan waa la garaaci doonaa 48Laakiin kii aan ogayn oo yeelayse wixii garaacid istaahila, wax yar baa la garaaci doonaa. Mid kasta oo wax badan la siiyey, wax badan ayaa laga dooni doonaa, oo kan wax badan loo sii dhiibtay. wax ka badan ayaa la weydiisan doonaa.
Calaamooyinkii wakhtiyada (Mt 10:34-36; 16:1-4; Mk. 8:11-13; Mt5:25-26)
49Waxaan u imid inaan dab dhulka ku tuuro, oo maxaan doonayaa hadduu durba shidan yahay? 50Anigu waxaan leeyahay baabtiis in laygu baabtiisayo oo sidee lay cidhiidhiyey ilaa uu dhammaado! 51Miyaad u malaynaysaan inaan u imid inaan nabad dhulka siiyo? Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiinse kalasoocid. 52Waayo, intii haddeer ka dambaysa waxaa guri ku jiri doona shan kala soocan. saddex laba ka gees ah iyo laba saddex ka gees ah. 53Waa kala soocmayaan. aabbe wiil ka gees ah iyo wiil aabbe ka gees ah, hooyo gabadh ka gees ah iyo gabadh hooyadeed ka gees ah, soddoh afadii wiilkeeda ka gees ah iyo afadii wiilkii soddohdeed ka gees ah. 54Weliba wuxuu dadkii badnaa ku yidhi. Goortaad aragtaan daruur gabbaldhac ka soo baxaysa, kolkiiba waxaad tidhaahdaan. Roob baa soo socda. oo sidaasuu noqdaa. 55Oo goortaad aragtaan dabayl koonfureed oo dhacaysa waxaad tidhaahdaan. Kulaylku waa iman doonaa. waana noqda. 56Laba-wejilayaal yahow, waxaad kala garanaysaan muuqashada dhulka iyo cirka. Laakiin wakhtigan sidee baad u kala garan weydaan? 57Maxaad qudhiinnu waxa xaqa ah u xukumi weydaan'? 58Goortaad cadowgaaga u raacdo xaakinka, intaad jidka maraysaan ku dadaal si aad uga baxsato, inaanu xaakinka kuu jiidin, xaakinkuna askariga kuu dhiibin, askariguna xabsiga kugu tuurin. 59Waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid lacagta u yar oo ugu dambaysa.
Cutubka 13
Toobadkeen baa lagu waaniyey
1Wakhtigaas qudhiisa waxaa joogay qaar wax uga sheegay dadka reer Galili oo Bilaatos dhiiggooda ku daray allabarigooda. 2Kolkaasaa Ciise u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Ma waxay idinla tahay in kuwii reer Galili ahaa ay ka dembi badnaayeen kuwii kale oo reer Galili oo dhan waxyaalahaas ay ku silceen aawadood? 3Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaanad toobad keenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan 4Ama siddeed iyo tobankii oo munaaradda Siloo'am ay ku soo dhacday oo ay dishay, ma waxay idinla tahay, inay ka gef badnaayeen dadka Yeruusaalem joogay oo dhan. 5Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaydaan toobad keenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.
Masaalka ku saabsan geedkii berdaha ahaa oo aan waxba dhalin
6Markaasuu masaalkan ku hadlay, Nin baa wuxuu lahaa geed berde ah oo beertiisii canabka ahayd lagu beeray. Waa u yimid isagoo midho ka doonaya, waxbana kama uu helin. 7Wuxuu beer-ka-shaqeeyihii ku yidhi, Bal eeg, saddex sannadood ayaan imanayay oo berdahan midho ka doonayay, kamana helin. Jar, muxuu dhulka u khasaarinayaa? 8Markaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, sannaddanna daa ilaa aan hareerihiisa qodqodo oo aan digeeyo. 9Dabadeed hadduu midhaysto, wanaag; haddii kalese waad jari doontaa.
Maalin sabti ah naag baa la bogsiiyey
10Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay. 11Oo bal eeg, waxaa joogtay naag siddeed iyo toban sannadood cudur qabtay. wayna isku soo jabnayd. mana ay kari karin inay istoosiso. 12Ciise goortuu arkay, ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haweentoy, cudurkaaga waad ka furan tahay. 13Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay. 14Kii sunagogga u sarreeyey ayaa cadho ku jawaabay, waayo, Ciise maalintii sabtida ahayd ayuu wax bogsiiyey, wuxuuna dadkii badnaa ku yidhi, Waxaa jira lix maalmood oo dadkii leeyihiin inay shaqeeyaan. Maalmahaas haddaba kaalaya, ha laydin bogsiiye. ee ha imanina maalinta sabtida ah. 15Laakiin Sayidka ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Laba-wejilayaal yahow, mid kasta oo idinka mid ah miyaanu sabtida dibigiisa ama dameerkiisa ka soo furin golaha oo u wadin inuu soo waraabiyo? 16Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay. miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas? 17Goortuu waxaas yidhi cadaawayaashiisii oo dhan way wada ceeboobeen, dadkii oo dhanna ayaa ku rayrreeyey wax walba oo ammaanta lahaa oo uu falay. 18Haddaba wuxuu yidhi. Boqortooyada Ilaah maxay u eg tahay oo maxaan u ekaysiiyaa?
Masaalka ku saabsan iniin khardal ah iyo masaalka ku saabsan khamiir (Mt 13:31-33; Mk. 4:30-32)
19Waxay u eg tahay iniin khardal ah, oo nin qaaday oo beertiisii ku riday, oo ay baxday oo geed dheer noqotay, shimbiraha cirkuna laamaheeday ku degeen. 20Haddana wuxuu yidhi, Maxaan boqortooyada Ilaah u ekaysiiyaa? 21Waxay u eg tahay khamiir naag intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.
Iridda cidhiidhiga ah ee nolosha laga galo (Mt. 7:13-14, 21-23)
22Oo wuxuu dhex marayay magaalooyin iyo tuulooyin isagoo wax baraya, Yeruusaalemna ayuu ku socday. 23Mid baa wuxuu ku yidhi, Sayidow. ma yar yihiin kuwa badbaadayaa? 24Wuxuuna ku yidhi, Aad u dadaala inaad iridda cidhiidhsan ka gashaan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa dooni doona inay galaan, mana kari doonaan. 25Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen. 26Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay. 27Markaasuu odhan doonaa Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen, iga taga kulligiin oo xaq darrada ka shaqeeya. 28Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray. 29Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah. 30Ogaada. kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.
Herodos cadownimadiisii
31Markaas qudhiisa ayaa waxaa yimid qaar Farrisiin ah iyagoo ku leh, Bax oo ka tag meeshan, waayo, Herodos ayaa doonaya inuu ku dilo. 32Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinku u taga oo dawacaas u sheega, Bal eeg, maanta iyo berriba ayaan jinniyo saarayaa oo dad bogsiinayaa, maalinta saddexaadna ayaan kaamilmayaa. 33Laakiin waa inaan socdo maanta iyo berri iyo maalinta ku xigtaba, waayo, ma noqon karto nebi inuu ku dhinto Yeruusaalem dibaddeeda.
Ciise waa u ooya! Yeruusaalem (Mt. 23:37-39)
34Yeruusaalemay, Yeruusaalemay. tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 35Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakadaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
Cutubka 14
Ninkii uurweynaadka qabay ayaa sabti la bogsiiyey
1Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen. 2Oo bal eeg, waxaa hortiisa joogay nin uurweynaad qaba. 3Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya? 4Laakiin way aamuseen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay. 5Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin? 6Wayna uga jawaabi kari waayeen waxyaalahaas.
Is-hoosaysiinta iyo marti-soo-dhowaynta
7Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi. 8Markii nin kuugu yeedho aroos, kursiga hore ha fadhiisan, waaba intaasoo isagu nin kaa murwad weyn ugu yeedho, 9oo kii isaga iyo adiga idiin yeedhay uu yimaado oo kugu yidhaahdo, Kan meel sii, oo markaasaad bilaabaysaa inaad meesha dambe ceeb ku fadhiisato. 10Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda. 11Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysin doonaa. 12Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa. 13Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha, 14oo aad barakadaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaahludaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.
Masaalka ku saabsan iidda weyn
15Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakadaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah. 16Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay, 17oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar. 18Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 19Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan intixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 20Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo. 21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada. 22Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay. oo weli meel baa bannaan. 23Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax. oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo. 24Waayo. waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.
Xernimada micneheeda
25Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi. 26Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo. 27Ku alla kii aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan iga daba iman, xer iima ahaan karo. 28Waayo, midkinnee doonaya inuu noobiyad dhiso oo aan kolkii hore fadhiisan inuu xisaabo intay ku kacayso, inuu ogaado inuu haysto wax uu ku dhammeeyo iyo in kale? 29Waaba intaasoo markuu aasaaska dhigo oo uu dhammayn kari waayo, kuwa eegaya oo dhammu ay bilaabaan inay ku qoslaan, 30iyagoo leh, Ninkanu wuxuu bilaabay inuu wax dhiso, waana dhammayn kari waayay. 31Ama boqorkee u tegaya inuu boqor kale dagaal u baxo, isagoo aan kolkii hore fadhiisan oo tashan inuu toban kun kala hor tegi karo kan labaatan kun ula imanaya? 32Ama haddii kale intuu kan kale weli fog yahay, ayuu ergo soo diraa oo uu weydiistaa wax lagu heshiiyo. 33Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo. 34Haddaba cusbadu waa wanaagsan tahay. Laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? 35Uma ay wanaagsana dhulka ama meeshii digada, waase la tuuraa. Kan dhego wax lagu maqlo lahu. ha maqlo.
Cutubka 15
Laxdii hallowday (Mk. 18:12-14)
1Waxaa Ciise u soo dhowaanayay cashuurqaadayaasha iyo dembiilayaasha oo dhan inay maqlaan. 2Kolkaasay Farrisiintii iyo culimadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembiilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa. 3Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi, 4Ninkiinnee baa tiro ido ah leh, oo middood ka hallowday, aan sagaal iyo sagaashanka cidlada kaga tegin, oo aan tii hallowday ka daba tegin, ilaa uu soo helo? 5Oo goortuu soo helo, aan garbihiisa saarin, isagoo faraxsan. 6Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday? 7Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembiile toobad keena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn.
Lacagtii luntay
8Ama naagtee baa toban [4]daraakmo oo lacag ah leh, oo hadday daraakmo lumiso, aan laambad shidin, oo aan guriga xaaqin, oo aan dadaal ku doonin ilaa ay hesho? 9Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay. 10Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobad keenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.
Wiilkii wixiisii khasaariyey
11Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa. 12Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow. waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa. 13Maalmo aan badnayn dabadeed wiilkii yaraa waa wada urursaday wax walbaba, oo dhul fog ayuu u safray, halkaas ayuuna wixiisii ku khasaariyey, isagoo iska tumaya. 14Goortuu wada bixiyey dabadeed ayaa abaar daran dhulkaas ka dhacday, wuuna bilaabay inuu baahdo. 15Goortaasuu tegey oo isku daray nin dadka dhulkaas ah, kan u diray beerihiisa inuu doofaarro daajiyo. 16Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin. 17Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa. 18Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba. 19Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale. 20Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday. 21Markaasaa wiilkii ku yidhi, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba; kol dambe ma istaahilo hl laygu yeedho wiilkaaga. 22Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya. 23Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno, 24waayo, wiilkaygan wuu dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay. waana la helay. Markaasay bilaabeen inay farxaan. 25Laakiin wiilkiisii weynaa beerta buu ku jiray, oo intuu soo socday oo guriga u soo dhowaanayay. wuxuu maqlay muusika iyo cayaar. 26Markaasuu midiidinyada midkood u yeedhay oo weydiiyey, Waa maxay waxaas? 27Markaasuu ku yidhi. Walaalkaa ayaa yimid, aabbahaana dibigii yaraa ee la shishleeyey ayuu u gow racay, waayo, ladnaan buu ku helay. 28Laakiin wuu cadhooday, oo inuu galo ma doonayn, markaasaa aabbihiis soo baxay oo baryay. 29Laakiin wuu u jawaabay, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Bal eeg, intaas oo sannadood ayaan kuu shaqaynayay, oo weligay amarkaaga kama aan xadgudbin. oo weligaa waxar iima aad siin inaan saaxiibbadayda la farxo. 30Laakiin goortii uu yimid wiilkaagani waxaagii aad ku noolayd dhillooyin la cunay, waxaad u gowracday dibigii yaraa ee la shishleeyey. 31Markaasuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, weligaa waad ila joogtaa, oo waxayga oo dhan adigaa leh, 32laakiin waxaa inoo wanaagsanayd inaynu rayrrayno oo faraxno, waayo, waalaalkaagani waa dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay.
Cutubka 16
Wakiilkii aan aaminka ahayn
1Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay. 2Markaasuu u yeedhay oo ku yidhi, Waa maxay waxan kugu saabsan ee aan maqlayo? I sii xisaabtii wakiilnimadaada, waayo, hadda ka dib wakiil sii ahaan kari maysid. 3Markaasaa wakiilkii isku yidhi, Maxaan sameeyaa, waayo, sayidkayga ayaa wakiilnimadii iga qaadaya? Itaal aan wax ku qodo ma lihi. inaan dawarsadona waan ka xishoonayaa. 4Waan garanayaa waxaan samaynayo, in goortii wakiilnimada layga saaro ay dadku guryahooda iigu dhowayn doonaan. 5Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay? 6Wuxuu yidhi. Boqol qiyaasood oo saliid ah. Markaasuu ku yidhi, Wixii laguu qoray soo qaad, oo dhaqso u fadhiiso oo qor, Konton. 7Markaasuu wuxuu mid kale ku yidhi, Immisuu kugu leeyahay? Isaguna wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo sarreen ah. Markaasuu ku yidhi. Wixii laguu qoray soo qaad, oo qor, Siddeetan. 8Sayidkiisii ayaa wakiilkii xaqa darnaa faaniyey. waayo, si caqli leh ayuu u sameeyey, waayo, wiilashii wakhtigan waxay wiilasha iftiinka kaga caqli badan yihiin waxa qarnigooda ku saabsan.
Sida qumman oo maalka loo isticmaalo
9Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah. 10Kan waxa u yar aamin ku ah, ayaa weliba wax badan aamin ku ah. Kan waxa u yar ku xaq daran. ayaa waxa badanna ku xaq daran. 11Haddii aydnaan maalka xaq daran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya? 12Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna? 13Midiidinna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.
Farrisiintii waa la canaantay
14Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen. 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin. Laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo. 16Sharciga iyo nebiyadu waxay jireen ilaa Yooxanaa; tan iyo wakhtigaas injiilka boqortooyada Ilaah waa lagu wacdiyey. oo mid walbaba xoog buu ku galaa. 17Laakiin in sharciga dhibic keliya ka dhacdo waxaa ka hawl yar in cirka iyo dhulku ay idlaadaan. 18Mid walba oo naagtiisa fura oo mid kale guursadaa wuu sinaystaa, oo kii guursadaa mid nin laga furay wuu sinaystaa.
Ninkii hodanka ahaa ivo miskiinkii Laasaros la odhan jiray
19Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo dhar gududan oo jilicsan sidan jiray, maalin walbana barwaaqo aad buu ugu farxi jiray. 20Oo waxaa albaabkiisa la dhigi jiray miskiin Laasaros la odhan jiray, isagoo boogo miidhan leh, 21oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen. 22Waxaa dhacay inuu miskiinkii dhintay, oo malaa'igahu waxay u qaadeen laabtii Ibraahim. Ninkii hodanka ahaana waa dhintay, waana la aasay. 23Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan. 24Markaasuu qayliyey oo yidhi, Aabbe Ibraahimow, ii naxariiso, oo Laasaros ii soo dir inuu fartiisa caaradeeda biyo ku tiinbiyo oo carrabkayga ku qabowjiyo, waayo, anigu ololkan ayaan ku silcayaa. 25Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi. Wiil yahow, xusuuso inaad waxaagii wanaagsanaa heshay intii aad noolayd, si la mid ah ayuu Laasaros waxa xun helay, laakiin haddeer isaga halkan ayaa lagu raaxaysiiyey, adiguse waad silcaysaa. 26Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin. 27Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aabbow, waxaan kaa baryayaa haddaba inaad guriga aabbahay isaga u dirtid, 28waayo, shan walaalo ah baan leeyahay, si uu ugu warramo inaanay iyaguna meeshan silaca leh iman. 29Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Waxay leeyihiin Muuse iyo nebiyada ee ha maqleen. 30Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maya, Aabbe Ibraahimow, laakiin haddii qof kuwii dhintay uga tago. way toobad keeni doonaan. 31Wuxuuse ku yidhi. Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.
Cutubka 17
Wuxoogaa hadalkii Ciise ah (Mt. 18:6-7. 21-22; Mk. 9:42)
1Wuxuu xertiisii ku yidhi, Ma suurtowdo inaan xumaantu iman, laakiin waa u hoog kan ay xumaantu ka timaado. 2In qof yaryarkan midkood xumeeyo, waxaa uga roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro. 3Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobad keeno, cafi. 4Hadduu toddoba goor maalintii kugu dembaabo, oo toddoba goor kuu soo jeesto, isagoo leh, Waa toobad keenay, waa inaad cafido. 5Markaasay rasuulladii waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Rumaysad noo kordhi. 6Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad ku odhan lahaydeen geedkan sukamin, Ruq, oo badda ku beeran, wuuna idin addeeci lahaa. 7Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso? 8Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi? 9Miyuu addoonkii u mahad naqayaa, waayo, wuxuu sameeyey wixii la amray? 10Sidaas oo kale idinkuna goortaad samaysaan wixii laydinku amray oo dhan, waxaad tidhaahdaan, Addoommo aan waxtar lahayn baannu nahay; wixii aannu lahayn inaannu samayno ayaannu samaynay
Ciise wuxuu bogsiiyey toban nin oo baras qaba
11Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay. 12Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay. 13Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso. 14Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen. 15Midkood goortuu arkay inuu bogsaday, ayuu soo jeestay oo cod weyn Ilaah ku ammaanay. 16Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahad naqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya. 17Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Tobankii miyaanay daahirsamin? Laakiin meeye sagaalkii? 18Miyaan la arag kuwa u soo noqday inay Ilaah ammaanaan, shisheeyahan maahee'? 19Markaasuu ku yidhi. Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.
Imaatinka boqortooyada
20Farrisiintii goortay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Goormay boqortooyada Ilaah imanaysaa? wuxuu ugu jawaabay, Boqortooyada Ilaah dhawrid ku iman mayso. 21Lamana odhan doono, Waa tan! ama, Waa taas! waayo, bal eega, boqortooyada Ilaah waa idinku dhex jirtaa. 22Markaasuu xertii ku yidhi. Maalmuhu waa iman doonaan goortaad dooni doontaan inaad aragtaan maalmaha Wiilka Aadanaha middood, mana arki doontaan. 23Waxaana laydinku odhan doonaa, Waa taas! Waa tan! Ha bixina, hana raacina. 24Waayo. sida hillaacu markuu dhinaca hoose oo cirka ka hillaaco oo ilaa dhinaca kale oo hoose oo cirka u ifiyo, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahuna ahaan doonaa maalintiisa. 25Laakiin kolka hore waxay waajib ugu tahay inuu wax badan ku xanuunsado oo uu qarniganu diido isaga. 26Oo sidii wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayay noqon doontaa maalmaha Wiilka Aadanaha. 27Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wayna guursan jireen oo guur baa la siin jiray, ilaa maalintii Nuux uu doonnida galay, oo daadkii yimid oo wada baabi'iyey. 28Sidaas oo kale ayay weliba ahayd maalmihii Luut. Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wax bayna iibsan jireen oo iibin jireen, oo beeran jireen, oo dhisan jireen. 29Laakiin maalintii Luut ka baxay Sodom ayay dab iyo baaruud cirka kaga soo daateen oo wada baabi'iyeen. 30Si la mid ah ayay noqon doontaa maalinta Wiilka Aadanahu soo muuqdo. 31Maalintaas kii guriga fuushanu, oo alaabtiisu guriga ku jirto, yaanu u soo degin inuu soo qaato; kii beerta joogaana sidaas oo kale yaanu dib u noqon. 32Naagtii Luut xusuusta. 33Kan doona inuu naftiisa badbaadiyo waa lumin doonaa, laakiin kan lumiya ayaa badbaadin doona. 34Waxaan idinku leeyahay, Habeenkaas laba nin ayaa sariir wada joogi doona; mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa. 35Waxaana jiri doona laba naagood oo wax isla shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, tan kalena waa laga tegi doonaa. 36Waxaana beerta ku jiri doona laba nin, mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa. 37Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Xaggee, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Meeshii bakhtigu yaal. halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.
Cutubka 18
Masaalka ku saabsan carmalka iyo xaakinka
1Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh, 2Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin. 3Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii. 4Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn, 5weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin. 6Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi. 7Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya: oo miyaanu u dulqaadan doonin? 8Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?
Farrisigii iyo cashuurqaadihii
9Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday. 10Laba nin ayaa tegey inay macbudka ku tukadaan; mid Farrisi buu ahaa, kan kalena cashuurqaade. 11Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahad naqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha ama xataa sida cashuurqaadahan. 12Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa. 13Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh. 14Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
Ciise wuxuu u duceeyey carruuryaryar (Mt 19:13-15; Mk. 10:13-16)
15Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, laakiin goortii xertii aragtay, ayay canaanteen. 16Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene. hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah. 17Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.
Nolosha weligeed ah; iyo ninkii maalka jeclaa (Mt. 19:16-30; Mk. 10:17-31)
18Taliye ayaa weydiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo? 19Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah. 20Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus. 21Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray. 22Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac. 23Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa. 24Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan, 25waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso. 26Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 27Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan. 28Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay. 29Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur, 30Oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
Mar saddexaad ayaa Ciise sii sheegay dhimashadiisa (Mk. 20:17-19; Mk. 10:32-34)
31Laba-iyo-tobankii ayuu watay oo ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem, oo wax walba oo nebiyadu qoreen ayaa Wiilka Aadanaha u noqon doona. 32Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa, 33wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa. 34Laakiin waxyaalahaas waxba kama ay garan, hadalkaasna waa ka qarsoonaa, mana ay garan wixii la y idhi.
Ciise wuxuu bogsiiyey nin indha la' (Mt. 20:29-34; Mk. 10:46- 52)
35Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay, 36oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weydiiyey waxaas waxay ahaayeen. 37Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasaret ag marayo. 38Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso. 39Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso 40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weydiiyey, oo ku yidhi, 41Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko. 42Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. 43Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.
Cutubka 19
Sakhayos
1Ciise wuxuu galay oo dhex marayay Yerixoo. 2Oo bal eeg waxaa jiray nin Sakhayos la odhan jiray; kan ahaa madaxda cashuurqaadayaasha, oo hodan buuna ahaa. 3Wuxuuna doonayay inuu Ciise arko cid uu yahay, wuuna kari waayay dadkii badnaa aawadood, waayo, wuu gaabnaa. 4Hore buu u orday, oo wuxuu fuulay geed sukomoor inuu isaga arko, waayo, goor dhow jidkaas ayuu soo mari lahaa. 5Ciise goortuu meeshii yimid, ayuu kor u eegay, oo wuxuu ku yidhi, Sakhayosow. dhaqso u soo deg, waayo, maanta waa inaan gurigaaga joogo. 6Dhaqso ayuu u soo degay, oo farxad ayuu ku soo dhoweeyey. 7Dadkii goortay arkeen, kulligood way wada gunuunaceen, iyagoo leh, Nin dembi leh ayuu u marti galay. 8Sakhayos waa istaagay oo Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, Sayidow, maalkayga badhkiisa ayaan masaakiinta siinayaa, oo haddii aan nin wax ka dulmay, waxaan u celinayaa afar laab. 9Ciise wuxuu ku yidhi, Maanta badbaadinta ayaa gurigan timid, waayo, isaguna waa ina Ibraahim. 10Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu kii hallaabay doondoono oo badbaadiyo.
Masaalka ku saabsan lacagta la yidhaahdo mina (Mk. 25:14-30)
11Goortay waxaas maqleen, masaal buu ku daray oo ku hadlay, waayo, wuxuu ku dhowaa Yeruusaalem, waxayna u maleeyeen boqortooyada Ilaah inay markiiba soo muuqan doonto. 12Sidaa darteed wuxuu yidhi, Nin sharaf leh ayaa dal fog tegey inuu boqortooyo soo helo oo soo noqdo. 13Wuxuu u yeedhay tobankiisa addoon, oo wuxuu u dhiibay toban [5]mina, oo ku yidhi, Ku baayacmushtara ilaa aan soo noqdo. 14Laakiin dadkii magaaladiisa ayaa nacay, oo waxay ka daba direen ergo iyagoo leh, Dooni mayno ninkaas inuu boqor noo ahaado. 15Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii. 16Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday. 17Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree. 18Markaasaa kii labaad yimid isagoo leh, Sayidow, minahaagii waxaa laga faa iiday shan mina. 19Kaasna wuxuu ku yidhi, Adna shan magaalo u sarree. 20Kii kalena waa yimid isagoo leh, Sayidow, waa kaa minahaagii aan maro yar ku guntay oo meel dhigay. 21Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran. 22Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran. 23Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba? 24Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya. 25Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, toban mina ayuu hayaa. 26Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto. 27Laakiin cadowyadaydan oo aan doonin inaan boqor u ahaado halkan keena oo hortayda ku laaya.
Ciise guul buu ku galay Yeruusaalem (Mt. 21:1-11; Mk. 11:1-11; Yoox. 12:12-19)
28Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey. 29Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray. 30isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin: soo fura oo keena. 31Haddii laydin weydiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan. 32Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi. 33Kolkay qaylka furayeen ayaa kuwii lahaa ku yidhaahdeen, Maxaad qaylka u furaysaan? 34Waxay ku yidhaahdeen. Sayidkaa u baahan. 35Markaasay Ciise u keeneen. oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen. 36Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen. 37Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego. dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood, 38iyagoo leh, Waxaa barakadaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto. ammaantuna meelaha ugu sarreeya. 39Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano. 40Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi. Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aammusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona.
Ciise waa u ooyay Yeruusaalem
41Oo markuu ku soo dhowaaday. ayuu magaalada arkay oo u ooyay, 42isagoo leh, Adigu haddii aad maalintan garan lahayd waxa nabad ah! Laakiin hadda waa laga qariyey indhahaaga. 43Waayo. maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan. 44Way ku dumin doonaan, adiga iyo carruurtaada kugu jirta, oo kuguma dayn doonaan dhagax dhagax dul saaran, waayo, waad garan weyday wakhtigii booqashadaada.
Ciise macbudkuu nadiifiyey (Mt. 21:12-17; Mk. 11:15-14)
45Wuxuu galay macbudka oo bilaabay inuu ka eryo kuwii wax ku iibinayay, 46isagoo ku leh. Waa qoran tahay, Gurigaygu wuxuu ahaan doonaa guriga tukashada, laakiin idinku waxaad ka dhigteen god tuugo. 47Maalin walba ayuu macbudka ku jiri jiray isagoo wax baraya: laakiin wadaaddada sare iyo culimada iyo madaxda dadku waxay dooneen inay dilaan, 48oo ay waayeen waxay ku sameeyaan, waayo, dadka oo dhan ayaa aad u dhegaysanayay.
Cutubka 20
Ciise amarkiisii waa la weydiiyey (Mt. 21:23-27; Mk. 11:27-33)
1Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimada ula yimaadeen waayeellada 2oo la hadleen oo ku yidhaahdeen. Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey? 3Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi. Aniguna hal baan idin weydiinayaa, iina sheega. 4Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka? 5Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen? 6Laakiin haddii aynu nidhaahno. Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa. 7Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid. 8Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
Masaalka ku saabsan beerta canabka ah (Mt. 21:33-46; Mk. 12:1-12)
9Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerray ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa. 10Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerraydii inay isaga siiyaan midhaha beerta. laakiin beerraydii ayaa garaacday oo wax la'aan ku dirtay. 11Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo wax la'aan ku direen. 12Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen 13Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay. malaha way maamuusi doonaan. 14Laakiin beerraydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno. 15Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa? 16Wuu iman doonaa oo beerraydaas dili doonaa, oo dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen. Yaanay noqon. 17Laakiin wuu eegay oo ku yidhi. Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen. Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka? 18Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa. laakiin kan uu ku dhoco. wuu burburin doonaa. 19Saacaddaas qudheeda ayaa culimadii iyo wadaaddadii sare dooneen inay isagii qabtaan; laakiin dadkay ka baqeen; waayo. waxay garteen inuu masaalkan iyaga kaga hadlay.
Wax ku saabsan cashuurta Kaysar la siinayo (Mt. 22:15 -22; Mk. 12:13-17)
20Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah. si ay hadalkiisa ugu qabtaan. oo ay ugu gacan geliyaan talada iyo amarka taliyaha. 21Markaasay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaamlu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid. 22Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin? 23Laakiin khiyaanadooda wuu gartay, oo wuxuu ku yidhi, 24Dinaar i tusa. Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan ku yaal? Waxay yidhaahdeen, Kaysar baa leh. 25Markaasuu ku yidhi. Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay. 26Hadalkiisa way ku qaban kari waayeen dadka hortiisa, wayna ka yaabeen jawaabtiisa, oo way aamuseen.
Sarakicidda kuwii dhintay (Mt. 22:23-33; Mk. 12:18-27)
27Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. 28Oo waxay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto isagoo naag leh oo aan carruur lahayn. walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo. 29Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay. wuuna dhintay carruur la'aan. 30Kii labaadna wuu guursaday. 31oo kii saddexaadna waa dumaalay. Sidaasay toddobadii u wada guursadeen. carruurna kama ay tegin. wayna dhinteen. 32Kulligood dabadeed naagtiina waa dhimatay. 33Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay. iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo. toddobadu way wada guursadeen. 34Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa. 35laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo, 36waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa'igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda. 37Laakiin in kuwii dhintay la sara kiciyo Muuse ayaa tilmaamay xaggii geedka markuu Rabbiga ugu yeedhay llaaha Ibraahim iyo llaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub. 38Laakiin isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay. laakiin waa llaaha kuwa nool, waayo, dhammaan isagay u nool yihiin. 39Culimada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi. Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay. 40Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weydiiyaan.
Wax Masiixa ku saabsan (Mt. 22:41-46; Mk 12:35-37)
41Wuxuuna ku yidhi. Sidee bay u yidhaahdaan. Masiixu waa ina Daa'uud? 42Daa'uud qudhiisa ayaa kitaabkii Sabuurrada ku leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi. Midigtayda fadhiiso, 43Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda gel iyo. 44Haddaba Daa'uud ayaa ugu yeedhay Sayid, ee sidee buu wiilkiisa u yahay?
Waano Culimada ka gees ah (Mt. 23:1-36; Mk. 12:38-40; Lk.ll:37-54)
45Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi, 46Iska jira culimada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha, 47kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.
Cutubka 21
Sadaqada carmalku macbudka ku bixisay (Mk. 12:41-44)
1Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya. 2Wuxuuna arkay carmal miskiin ah oo meeshaas laba lacag ah oo yaryar ku ridaysa. 3Markaasuu yidhi. Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen. 4Waayo, kuwaas oo dhan waxoodii badnaa ayay wax kaga rideen hadiyadaha, iyaduse miskiinnimadeeda waxay kaga ridday wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.
Ciise wuxuu sii sheegay dumidda macbudka (Mt. 74:1-2; Mk. 13:1-2)
5Oo qaar kolkay macbudka ka hadlayeen in dhagaxyo wanaagsan iyo hadiyado lagu qurxiyey, wuxuu yidhi, 6Waxaa imanaya maalmo goortii kuwaas aad arkaysaan aan dhagax dhagax kale dushiisa lagu dul dayn doonin oo aan la dumin doon in.
Belaayooyinka imanaya (Mt. 24:3-25; Mk. 13:3-23)
7Markaasay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamadu maxay ahaan doontaa goortii waxyaalahanu ay dhowaan doonaan? 8Markaasuu yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn, waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga; iyo, Wakhtigu waa soo dhowaaday. Ha raacina. 9Oo markaad dagaallo iyo rabshooyin maqashaan ha baqanina, waayo. kolka hore waxyaalahanu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku kolkiiba ma aha. 10Markaasuu ku yidhi. Quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo. 11Waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro iyo cudurro, samadana waxaa laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamooyin waaweyn. 12Waxyaalahan oo dhan hortood gacmahooday idin saari doonaan oo idin silcin doonaan oo idiin dhiibi doonaan sunagogyada iyo xabsiyada, oo waxaa magacayga aawadiis laydiin hor geeyn doonaa boqorro iyo taliyayaal. 13Waxayna idinku noqon doontaa marag. 14Sidaa darteed qalbiyadiinna geliya inaydnaan hore ugu fikirin waxaad ku jawaabi doontaan. 15Waayo, waxaan idin siin doonaa af iyo xigmad aanay cadaawayaashiinna oo dhammu ka adkaan karin oo aanay ka gees hadli karin. 16Laakiin idinka waxaa idin gacan gelin doona waalidkiinna, iyo walaalahiinna, iyo xigaalkiinna, iyo saaxiibbadiinna, qaarkiinnana waa la dili doonaa. 17Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona. 18Tinna madaxiinna kama lumi doono. 19Waa inaad naftiinna ku haysataan dulqaadashadiinna. 20Laakiin goortaad aragtaan Yeruusaalem oo colal ku wareegsan yihiin, markaas ogaada in hallaynteedu dhow dahay. 21Markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen, kuwa gudaheeda ku jiraana ha ka baxeen, kuwa beeraha joogaana yaanay gelin. 22Waayo, kuwanu waa maalmo aargudasho in wixii la qoray oo dhammu ay noqdaan. 23Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya, waayo, dhulka dhib weyn ayaa ka dhici doonta, dadkanna cadho. 24Waxayna ku dhici doonaan seef afkeeda, oo waa la qabsan doonaa, oo quruumaha oo dhan la geeyn doonaa; quruumuhuna Yeruusaalem ayay ku tuman doonaan ilaa wakhtiga quruumuhu ka dhammaado.
Wakhtiga dhammaadkiisa (Mt. 24:29-31; Mk. 13:24-27)
25Calaamooyin ayaa laga arki doonaa qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha; dhulkana waxaa ku jiri doona dhib quruumahu ka welwelaan guuxa badda iyo hirarka aawadood. 26Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa. 27Markaasay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imanaya, isagoo leh xoog iyo ammaan weyn. 28Laakiin goortii ay waxaasu bilaabaan inay dhacaan, kor eega, madaxyadiinnana kor u qaada, waayo, madax-furashadiinnu waa dhow dahay.
Soo jeedid baa loo baahan yahay (Mt. 24:32-35; Mk. 13:28-31)
29Markaasuu masaal kula hadlay, Bal eega berdaha iyo dhirta oo dhan; 30goortay caleemo bixiyaan waad arkaysaan oo garanaysaan inuu roobku haddaba dhow yahay. 31Sidaas oo kale idinkuna goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta in boqortooyadii Ilaah dhow dahay. 32Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay wax walba dhicin. 33Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan. 34Laakiin iska jira, yaan qalbiyadiinnu la cuslaan dhereg badan iyo sakhraannimo iyo ka welwelidda ifkan, oo yaan maalintaasu idiin soo kedin sida dabin oo kale. 35Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga. 36Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan. 37Maalin walba ayuu macbudka wax ku bari jiray, habeen walbana dibadda ayuu u bixi jiray, oo wuxuu baryi jiray buurta la odhan jiray Buur Saytuun. 38Dadka oo dhammuna aroortii ayay macbudka ugu iman jireen inay dhegaystaan.
Cutubka 22
Yuudas khiyaanadiisa (Mt. 26; I-S. 14-16;Mk. 14:1-2,10-11)
1Waxaa soo dhowaatay Iiddii Kibistii-aan-khamiirkalahayn oo la yidhaahdo Kormaridda. 2Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen. 3Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyot la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka. 4Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacan geliyo. 5Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan, 6wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacan geliyo intii dadka maqnaayeen.
Diyaargarayskii cashadii ugu dambaysay (Mt. 26:17-19; Mk. 14:12-16)
7Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn. tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco. 8Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunne. 9Waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu ku diyaargarayno? 10Wuxuu ku yidhi, Bal eega, goortaad magaalada gashaan waxaa idinla kulmi doona nin aashuun biyah sita. Isaga raaca oo ka daba gala guriguu galo. 11Waxaad ninka guriga leh ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu kugu leeyahay, Meeday qooladdii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda? 12Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya. 13Markaasay tageen, oo waxay heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda way diyaargareeyeen.
Cashadii ugu dambaysay (Mt. 26:20-30; Mk. 14:22-26;1 Kor. 11:23-25)
14Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba. 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baan u doonayay inaan cashadan Iidda Kormaridda idinla cuno intaanan xanuunsan. 16Waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar dambe tan ma cuni doono ilaa ay ku dhammays tiranto boqortooyada Ilaah dhexdeeda. 17Markaasuu koob qaaday, oo goortuu mahad naqay ayuu yidhi, Kan qaata oo qaybsada, 18waayo, waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa ay boqortooyada Ilaah timaado. 19Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahad naqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh, Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya. 20Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay, 21laakiin eega, gacanta kan i gacan gelinaya miiskay ila saaran tahay, 22waayo, Wiilka Aadanahu waa baxayaa sidii loo gooyay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas gacan gelinaya. 23Markaasay waxay bilaabeen inay dhexdooda isweydiiyaan midkood waxan yeeli doona.
Weynaanta runta ah
24Dhexdoodana waxaa ku jirtay dood ku saabsanayd midkood lagu tirinaya inuu ugu weyn yahay. 25Markaasuu ku yidhi, Quruumaha boqorradoodu ay u taliyaan iyaga, kuwa xukun ku lehna waxaa la yidhaahdaa, Wanaagfalayaal. 26Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega. 27Waayo, kee baa weyn, ma kan cuntada u fadhiya baa mise waa kan adeega? Miyaanu ahayn kan cuntada u fadhiya? Aniguse sida kan adeega ayaan idiin dhex joogaa. 28Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay. 29Waxaan idiin yeelayaa boqortooyo sida aabbahay iigu yeelay, 30si aad wax uga cuntaan oo uga cabtaan miiskayga oo boqortooyadayda ku jira, oo waxaad ku fadhiisan doontaan carshiyo idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.
Butros dafiriddiisii horaa loo sii sheegay (Mt. 26:31-35; Mk. 14:27-31; Yoox. 13:36-38)
31Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen, 32laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee. 33Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba. 34Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan. 35Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishad la aan iyo qandi la'aan iyo kabo la'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba. 36Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado. 37Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin. 38Markaasay waxay yidhaahdeen, Sayidow, bal eeg, laba seefood ayaa halkan yaal e. Wuxuu ku yidhi. Waa ku filan tahay.
Ciise wuxuu ku tukaday Beer Getsemane (Mt. 26:36-46; Mk. 14:32-42)
39Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday. 40Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. 41Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday, 42isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto. 43Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa. 44Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya. 45Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda. 46Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.
Ciise waa la qabtay (Mt. 26:47-56; Mk. 14:43-50; Yoox. 18:2-11)
47Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado. 48Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacan gelinaysaa dhunkasho? 49Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa? 50Markaasaa midkood wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay. 51Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey. 52Kuwa u yimid, waxa weeye, wadaaddadii sare, iyo madaxdii askarta oo macbudka, iyo waayeelladii, waxaa Ciise ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo sidaan tuug ahay? 53Goortaan maalin walba macbudka idinkula jiri jiray, gacmo iguma aydaan soo taagi jirin, laakiin tanu waa saacaddiinna iyo xoogga gudcurka.
Butros waa dafiray Ciise (Mt 26:57-58, 69-75; Mk. 14:57-54. 66-72; Yoox. 18:12-18, 25-27)
54Markaasay isagii qabteen oo kaxeeyeen, oo wadaadkii sare gurigiisa ayay geliyeen. Laakiin Butros baa meel fog ka daba socday, 55oo goortay barxadda dhexdeeda dab ka shideen, oo ay wada fadhiisteen, ayaa Butros dhexdooda fadhiistay. 56Laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi. Kanuna waa la jiray isagii. 57Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii. 58Wuxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi. 59Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili. 60Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey. 61Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay hadalkii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin. saddex kol ayaad i dafiri doontaa. 62Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.
Ciise waa lagu kajamay oo garaacay (Mt. 226:67-68; Mk. 14:65)
63Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen. 64Oo intay indhaha ka xidheen ayay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, yuu yahay kan kugu dhuftay? 65Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya.
Ciise oo wadaaddadii sare hor taagan (Mt. 26:59-66; Mk. 14:55-64; Yoox. 18:19-24)
66Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh, 67Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan. 68Haddaan idin weydiiyona, iima jawaabi doontaan. 69Laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah. 70Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay. 71Markaasay yidhaahdeen, Maxaannu markhaati weli ugu baahan nahay. waayo, qudheenna ayaa afkiisa ka maqalnay.
Cutubka 23
Ciise oo hor taagan Bilaatos oo ahaa taliyaha reer Rooma (Mt. 27:1-2. 11-14; Mk. 15:1-5; Yoox. 18:28-38)
1Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay. oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos. 2Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh. Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah. 3Bilaatos ayaa weydiiyey, isagoo leh, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi. 4Dabadeed Bilaatos wuxuu wadaaddadii sare iyo dadkii ku yidhi. Anigu ninkan eed kuma aan helin. 5Laakiin way ku sii adkeeyeen iyagoo leh, Dadkuu kiciyaa, oo dalka Yahuudiya oo dhan ayuu wax baraa; dalka Galili ayuu ka soo bilaabay ilaa halkan.
Ciise oo Herodos hor taagan
6Bilaatoos goortuu maqlay, wuxuu weydiiyey inuu ninku reer Galili yahay. 7Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas. 8Herodos goortuu Ciise arkay, aad buu u farxay, maxaa yeelay, ilaa wakhti dheer ayuu doonayay inuu arko, waayo, wax buu ka maqlay, oo wuxuu rajaynayay inuu calaamo ka arko. 9Markaasuu su'aalo badan weydiiyey, laakiin waxba uma uu jawaabin. 10Wadaaddadii sare iyo culimadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen. 11Herodos ayaa fududaystay oo ku majaajilooday, isaga iyo askartiisiiba, oo intuu dhar dhalaalaya u geliyey ayuu Bilaatos u celiyey. 12Maalintaas qudheeda Herodos iyo Bilaatos saaxiibbo bay noqdeen, intii ka horraysayse cadaawe bay isu ahaayeen.
Bilaatos, iyo Baraabbas, iyo Ciise (Mt 27:15-26; Mk. 15:6-15,Yoox. 18:39-19:16)
13Bilaatos ayaa isugu yeedhay wadaaddadii sare iyo taliyayaashii iyo dadkii. 14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weydiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan. 15Herodosna kuma uu helin, wuuna noo soo celiyey. oo ma jiro wax dhimasho istaahila oo uu sameeyey. 16Taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa. 17Waayo, waajib bay ahayd inuu iidda mid u sii daayo iyaga. 18Markaasay wada qayliyeen, iyagoo leh, Wad kan, Baraabbas noo sii daa, 19kan xabsiga loogu riday fallaagaduu magaalada ka riday iyo dilid aawadeed. 20Mar kale Bilaatos ayaa iyaga la hadlay isagoo doonaya inuu Ciise sii daayo. 21Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. 22Markaasuu wuxuu kolkii saddexaad ku yidhi, Waayo? Waa maxay sharka kanu sameeyey? Kuma aan helin sabab lagu dilo. taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa. 23Laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weydiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo. oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare. 24Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weydiisteen. 25Wuuna sii daayay kii fallaagada iyo dilidda xabsiga loogu riday oo ay weydiisteen, laakiin Ciise buu u dhiibay iyaga siday doonayeen.
Ciise waa lagu qodbay iskutallaabta (Mt. 27:32-44; Mk. 15:21-32;Yoox. 19:17-27)
26Kolkay wadeen, waxay qabteen Simoon reer Kuranaya ah isagoo beeraha ka soo socda, waxayna saareen iskutallaabtii inuu Ciise ka daba qaado. 27Waxaana la socday dad badan iyo dumar laabta garaacaya oo barooranaya. 28Laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku yidhi, Gabdhaha Yeruusaalemow. ha ii ooyina, laakiin u ooya qudhiinna iyo carruurtiinna, 29waayo, bal eega, wakhtigu waa imanayaa goortay odhan doonaan, Waxaa barakadaysan madhashada iyo uurarka aan weligood dhalin iyo naasaha aan weligood la nuugin. 30Markaasay bilaabi doonaan inay buuraha ku yidhaahdaan, Nagu soo dhaca, oo ay gumburahana ku yidhaahdaan, Na qariya. 31Waayo, hadday geedka qoyan waxaas ku sameeyaan. maxaa ku dhici doona kan engegan? 32Waxaana lala waday laba kale oo xumaanfalayaal ah in lala dilo. 33Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda. 34Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen. 35Dadkuna way taagnaayeen iyagoo daawanaya. Taliyayaashuna way ku qosleen iyagoo leh, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, kanu ha isbadbaadiyo, hadduu yahay Masiixa Ilaah, kan uu doortay. 36Askartiina waa ku majaajiloodeen, oo intay u yimaadeen, ayay khal siiyeen, 37OO waxay ku yidhaahdeen, Haddii aad tahay boqorka Yuhuudda, isbadbaadi. 38Meel ka korraysay isagana waxaa ku qorraa qorniin leh, KANU WAA BOQORKA YUHUUDDA. 39Xumaanfalayaashii deldelnaa midkood ayaa caayay isagoo leh, Miyaanad ahayn Masiixa? Annaga iyo qudhaadaba badbaadi. 40Laakiin kii kale ayaa jawaabay oo canaantay isagoo leh, Miyaanad xataa Ilaah ka baqin, waayo, isku xukun baad tihiin? 41Waayo, innaga waa inoo xaq, maxaa yeelay, waxaynu helnay abaalkii wixii aynu falnay, ninkanuse wax aan jid ahayn ma uu falin. 42Markaasuu ku yidhi, Ciisow, i xusuuso goortaad boqortooyadaada ku timaado. 43WUXUU ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maanta Firdooska ayaad igula jiri doontaa.
Ciise waa dhintay (Mt. 27:45-56; Mk. 15:33-41; Yoox. 19:28-30)
44Haddaba waxay ahayd abbaaraha saacaddii lixaad, dhulka oo dhammuna gudcur buu noqday ilaa saacaddii sagaalaad. 45Qorraxdu way madoobaatay, daahii macbudkuna dhexda ayuu ka kala dillaacay. 46Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Aabbow, gacmahaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortuu waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey. 47Boqol-u-taliyihii goortuu arkay wixii dhacay, ayuu Ilaah ammaanay oo yidhi, Hubaal ninkanu xaq buu ahaa 48Dadkii oo dhan oo daawasho isugu yimid, goortay arkeen wixii dhacay, ayay noqdeen iyagoo laabta garaacaya. 49Waxaa meel fogna ka taagnaayeen kuwii Ciise yiqiin oo dhan iyo dumarkii Galili ka soo raacay. iyagoo waxaas dayaya.
Ciise waa la aasay (Mt. 27:57-61; Mk. 15:42-47; Yoox. 19:38-12)
50Oo bal eeg, waxaa jiray nin Yuusuf la odhan jiray oo taliye ahaa, wuxuuna ahaa nin wanaagsan oo xaq ah, 51(isaguna raalli kama ahayn waanidoodii iyo falniinkoodii), wuxuuna ahaa reer Arimataya oo ahayd magaalo Yuhuudda, kan boqortooyada Ilaah sugayay. 52Kanu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. 53Markaasuu soo dejiyey oo kafan ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, meel aan weligeed ninna la dhigin. 54Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, Sabtidiina waa soo dhowaanaysay. 55Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay. 56Markaasay noqdeen, oo dhir udgoon iyo cadar soo diyaargareeyeen. Sabtidiina way nasteen sida qaynuunka u ahaa.
Cutubka 24
Ciise waa ka soo sara kacay kuwii dhintay (Mt 28:1-10; Mk. 16:1-8; Yoox. 20:1-10)
1Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen. 2Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey. 3Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise. 4Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen. 5Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay? 6Isagu halkan ma joogo, laakiinse waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay, 7isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacan geliyo dembiilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco. 8Markaasay hadalladiisii xusuusteen. 9Wayna ka soo noqdeen xabaashii, oo waxaas oo dhan ayay u sheegeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii kale oo dhan. 10Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay. 11Hadalladaas waxay la noqdeen wax aan micne lahayn, wayna rumaysan waayeen. 12Laakiin Butros ayaa kacay oo xabaashii u orday, markaasuu foororsaday oo wuxuu arkay maryihii keligood oo meel yaal; markaasuu ka tegey oo gurigiis ku noqday isagoo ka wixii dhacay.
Ciise wuxuu u muuqday xertii Emma'us ku socotay (Mk. 16:12-13)
13Laba ka mid ah iyaga waxay maalintaas qudheeda ku socdeen tuulo la odhan jiray Emma'us, tan Yeruusaalem u jirtay lixdan[6]istaadiyon. 14Waxay ka wada hadlayeen wixii dhacay oo dhan, 15OO waxay noqotay intay wada hadlayeen oo wax isweyweydiinayeen, in Ciise qudhiisa u soo dhowaaday oo la socday. 16Laakiin waa la indha saabay si aanay u garanayn. 17Markaasuu ku yidhi, Maxay yihiin hadalladan aad isku haysaan intaad socotaan? Wayna istaageen iyagoo fool qulubsan. 18Midkood oo Kale'obas la odhan jiray, ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma adigoo keliya oo Yeruusaalem deggan oo aan ogayn wixii ayaamahan meeshaas ka dhacay? 19Wuxuu ku yidhi, Wax maxay ah? Waxay ku yidhaahdeen, Wixii ku saabsanaa Ciisihii Reer Naasaret, kii ahaa nin nebi ah oo xoog u lahaa wax falniin iyo hadal ah Ilaah iyo dadka oo dhan hortooda, 20iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen. 21Laakiin waxaannu rajaynaynay inuu yahay kan Israa'iil soo furan lahaa, laakiin waxaas oo dhan weliba maanta waa u maalintii saddexaad markii ay waxaas oo dhammi dhaceen. 22Weliba dumar annaga naga mid ah ayaa naga yaabsiiyey, kuwii aroortii hore xabaashii tegey. 23Goortii ay meydkiisii waayeen ayay yimaadeen iyagoo leh, Waxaannu weliba aragnay muuqad malaa'igo kuwa yidhi, Wuu nool yahay. 24Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin. 25Markaasuu ku yidhi, Nacasyo yahow oo qalbigoodu ka raagay inuu rumaysto wixii nebiyada oo dhammi ay ka hadleen. 26Masiixa miyaanay waajib ku ahayn inuu waxaas oo dhan ku silco oo uu ammaantiisa galo? 27Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa. 28Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya, 29laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo. 30Waxaa dhacay kolkuu cunto ula fadhiistay inuu kibista qaaday, oo barakadeeyey, oo intuu kala jejebiyey ayuu siiyey. 31Markaasaa indhahoodu furmeen, oo isagay garteen, wuuna ka libdhay. 32Markaasay isku yidhaahdeen, Miyaan qalbigeennu gubanin intuu jidka inagula hadlayay iyo intuu Qorniinkii inoo furayay? 33Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay, 34iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon. 35Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista.
Ciise wuxuu u muuqday rasuulladii (Mt. 28:16-20; Mk. 16:14-18; Yoox. 20:19-23)
36Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 37Laakiin way argagexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen. 38Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan? 39Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay. 40Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa. 41Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan? 42Kolkaasay waxay siiyeen in kalluun duban ah. 43Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay. 44Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa. 45Markaasuu garashadooda u furay si ay u gartaan Qorniinka. 46Wuxuuna ku yidhi, Sidaasay u qoran tahay, Waa inuu Masiixu silco, oo uu maalinta saddexaad kuwa dhintay ka soo sara kaco, 47iyo in toobaddii iyo dembidhaafka magiciisa lagu wacdiyo quruumaha oo dhan oo laga bilaabo Yeruusaalem. 48Idinkuna waxyaalahaas ayaad markhaati ka tihiin. 49Oo bal eega. waxaan idiin soo dirayaa ballankii Aabbahay, laakiin magaalada jooga ilaa xoog laydinka huwiyo xagga sare.
Ciise kor buu u baxay (Mk. 16:19-70)
50Markaasuu iyaga kaxeeyey ilaa meel ku dhow Beytaniya, oo intuu gacmihii kor u qaaday ayuu barakadeeyey. 51Waxaa dhacay intuu barakadaynayay inuu ka tegey, oo waxaa kor loogu qaaday samada. 52Markaasay isaga caabudeen, oo waxay Yeruusaalem kula noqdeen farxad weyn; 53oo goor walbaba macbudka ayay ku jireen iyagoo Ilaah ammaanaya.
[1] 6:4 kibistii tusniinta = kibis gooni ah oo loo bixiyey Ilaah.
[2] 7:37 alabastar = dhagax cad.
[3] 10:15 Haadees = Meeshii kuwii dhintay.
[4] 15:8 daraakmo = lacag.
[5] 19:13 mina = boqol daraakmo oo lacag ah.
[6] 24:13 istaadiyon = mayl toban meelood oo meel.

Previous:
INJIILKA SIDA MARKOS U QORAY
