WARQADDII RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII ROOMA
Cutubka 1
Salaan
1Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah addoonkii Ciise Masiix, oo loogu yeedhay inuu rasuul ahaado, oo gooni looga dhigay injiilka Ilaah. 2Injiilkaas ayuu Ilaah markii hore nebiyadii ku ballan qaaday xagga Qorniinka qoduuska ah, 3oo wuxuu ku saabsan yahay Wiilkiisa, kii ka dhashay farcankii Daa'uud xagga jidhka. 4oo sarakiciddii uu ka sal-a kacay kuwii dhintay ay ku caddaysay inuu xagga ruuxa qoduusnimada yahay Wiilka Ilaah oo xoog leh oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, 5kan aannu ku heh1ay nimco iyo rasuulnimo, inaannu addeecidda rumaysadka magiciisa daraaddiis ugu geeyno quruumaha oo dhan. 6Idinkuna kuwaas dhexdooda aad ku jirtaan oo ah kuwii loo yeedhay oo Ciise Masiix. 7Waxaan warqaddan u qorayaa kuwa Rooma jooga oo dhan oo uu Ilaah jeclaaday, oo loogu yeedhay qoduusiin. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
Bawlos wuxuu ku talo jiray inuu Rooma tago
8Marka hore waxaan Ilaahay xagga Ciise Masiix ugu mahad naqayaa kulligiin, maxaa yeelay, rumaysadkiinna waxaa lagaga warramaa dunida oo dhan. 9Waayo, Ilaah, kan aan ruuxayga ugu adeego xagga injiilka Wiilkiisa, ayaa markhaati iiga ah sidaan maalin walbaba joogsi la'aan baryadayda idiinku xusuusto, 10anigoo weydiisanaya inaan imminka ugu dambaysta si kastaba ku lib helo inaan Ilaah idankiisa idiinku imaado. 11Waayo, aad baan u doonayaa inaan idin arko oo idin siiyo hadiyad Ruuxa ka timaada inaad ku xoogaystaan; 12taasuna waa inaan idinkula dhiiranaado rumaysadka, kiinna iyo kaygaba. 13Walaalayaalow, dooni maayo inaad garan weydaan inaan marar badan damcay inaan idiin imaado inaan idinkana midho idinku dhex lahaado sida aan quruumaha kale ugu dhex leeyahay, laakiin waa layga hor joogsaday ilaa haatan. 14Waxaa waajib la iigu leeyahay inaan wacdiyo Gariigta iyo [1]Barbariyiinta, kuwa caqliga leh iyo kuwa garaadka la'ba. 15Sidaas daraaddeed anigu diyaar baan u ahay inaan injiilka ku wacdiyo kuwiinna Rooma Joogana. lnjiilku siduu yahay 16Waayo. anigu injiilka ka xishoon maayo, maxaa yeelay. waa u xoogga Ilaah xagga badbaadinta ku alla kii rumaysta. marka hore Yuhuudda dabadeedna Gariigta 17Waayo. dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada rumaysadna u socota. sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolan doonaa.
Sharka dadka aan Yuhuudda ahayn
18Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro; 19maxaa yeelay. wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga. waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga. 20Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa. iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey. xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan. 21Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin. umana ay mahad naqin laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday. 22Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen. 23Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta 24Taas aawadeed iyagoo qalbigooda wax xun ka damacsan, Ilaah wuxuu u daayay wasakhnimo in dhexdooda jidhkoodu ku maamuus jabo; 25maxaa yeelay runtii Ilaah bay been ku beddeleen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ummadda intay caabudi lahaayeen kan uumay oo weligiis ammaanta leh. Aamiin. 26Saas daraaddeed Ilaah wuxuu u daayay damacyo ceeb ah; waayo, dumarkoodu isticmaalkii loo abuuray waxay ku beddeleen mid ka gees ah kii loo abuuray. 27Sidaas oo kalena raggii intay iska daayeen isticmaalkii dumarka ayay iyagoo damacoodu gubayo isu kacsadeen: rag waxay rag kale ku sameeyeen ceeb, oo waxay dhexdooda ka heleen abaalgudkii qaladkooda waajibka ku ahaa. 28Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoon tooda. Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn. 29iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada. iyo damacnimada. iyo xumaanta oo dhammu: waxaa kaloo ay ka buuxaan xaasidnimada, iyo dilidda, iyo ilaaqda. iyo khiyaanada. iyo camalxumaanta. oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa. 30iyo kuwa wax xanta. iyo kuwa Ilaah neceb. iyo kuwa wax caaya. iyo kuwa kibirka badan. iyo kuwa faanka badan, iyo kuwa wax shar ah hindisa. iyo kuwa waalidkood caasiga ku ah. 31iyo kuwa garaadka la'. iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn. 32Iyagoo garanaya qaynuunka Ilaah in kuwa waxyaalahaas sameeyaa ay dhimasho istaahilaan, ayaanay samayn waxyaalahaas oo keliya ee weliba waxay u bogaan kuwa sameeya.
Cutubka 2
Yuhuuddu waa gar daran lahay
1Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii. 2Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah. 3Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto? 4Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggiisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda? 5Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah, 6kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa, 7kuwa dulqaada shada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah 8laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil, 9iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigta. 10Laakiin ammaan iyo ciso iyo nabad baa u ahaan doona ku kasta oo wanaag sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigta; 11maxaa yeelay, Ilaah dadka uma kala eexdo. 12In alla intii sharcila'aan dembaabtay, sharcila'aan bay halligmi doonaan, oo in alla intii sharciga hoostiisa ku dembaabtayna, sharcigaa lagu xukumi doonaa; 13waayo, kuwa sharciga maqlaa ma aha kuwa xaqa Ilaah hortiis, laakiinse kuwa sharciga yeela xaq baa laga dhigi doonaa. 14Markii dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan sharciga lahaynu, ay dabiicadda ka sameeyaan waxyaalaha sharciga, kuwan aan sharciga lahaynu waa isu sharci. 15Waxay muujiyaan shuqulka sharciga oo qalbiyadooda ku qoran, iyagoo garashadoodu u markhaati furayso, oo fikirradoodu midba midka kale ashtakaynayo ama marmarsiinyo samaysanayo, 16maalinta Ilaah waxyaalaha qarsoon ee dadka ku xukumi doono Ciise Masiix sida injiilkaygu leeyahay. 17Laakiin adigu haddaad isku sheegtid Yuhuudi, oo sharciga isku hallaysid, oo Ilaah ku faantid, 18oo doonistiisa taqaanid, oo aad u bogtid waxyaalaha aad u fiican, adigoo sharciga wax lagugu baray, 19oo aad aaminsan tahay inaad tahay kan haga kuwa indhaha la', iyo kan nuurka u ah kuwa gudcurka ku jira, 20iyo kan doqonnada qummaatiya, iyo macallinka carruurta, adigoo sharciga ku haysta muuqashadii aqoonta iyo runta; 21haddaba kaaga kan kale wax baraa, sow wax isbari maysid? Kaaga dadka ku wacdiya, Waxba ha xadina; adigu miyaad wax xaddaa? 22Kaaga yidhaahda, Yaan la sinaysan, miyaad adigu sinaysataa? Kaaga sanamyada nebcaada, miyaad macbudyo dhacdaa? 23Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis? 24Waayo, magaca Ilaaha waa lagaga caytamaa quruumaha dhexdooda idinka daraaddiin, sida qoran. 25Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo. 26Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin? 27Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta? 28Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha; 29laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.
Cutubka 3
Murammadii laga jawaabay
1Haddaba maxay Yuhuuddu dadka kale dhaantaa? Ama gudniinta waxtarkeedu waa maxay? 2Si walba wuu u badan yahay; marka hore waxaa Yuhuudda lagu ammaaneeyey hadallada Ilaah. 3Haddaba, maxaa jira, haddii qaar aanay rumaysad lahayn? Rumaysaddarradoodu miyey Ilaah aaminnimadiisa burin doontaa? 4Ma suurtowdo! Ilaah runlow ha ahaado in kastoo nin waluba beenlow yahay, sida qoran, In xaq lagaaga dhigo hadalladaada, Oo aad liibaantid markii lagu xukumo. 5Laakiin haddii xaqnimo la'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daran yahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.) 6Ma suurtowdo! Hadduu xaq daran yahay, sidee baa Ilaah dunida u xukumi doonaa? 7Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh? 8Maxaannu u odhan weynaa, Shar aan samayno in wanaag yimaado? sida lanoo hafro oo ay qaar naga sheegaan sidii annagoo nidhaahna. Xukunka ay kuwaasu helaan waa xaq.
Dadku way wada dembaabeen
9Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan. 10Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba; 11Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro; 12Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, waxay wada noqdeen wax aan wax tar lahayn; Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba; 13Hungurigoodu waa xabaal furan; Carrabbadooda wax bay ku khiyaaneeyeen; Bushimahooda waxaa ku hoos jira sun jilbis; 14Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh; 15Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan; 16Jidadkooda waxaa yaal hoog iyo ba'; 17Jidka nabaddana ma yaqaaniin; 18Cabsida Ilaahna indhahooda ma hor taal. 19Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, UU ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato. 20Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.
Xaqnimada waxaa lagu helaa rumaysadka xagga Ciise Masiix
21Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii, 22waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh. 23Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah; 24iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay, 25kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaarogud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah; 26waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan. 27Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka. 28Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga. 29Ama Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena, 30hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka. 31De miyaannu haddaba sharciga ku burinnaa rumaysadka? Yaanay noqon! Laakiin sharciga waannu taagnaa.
Cutubka 4
Ibraahim waa masaal
1Haddaba maxaynu nidhaahnaa inuu helay Ibraahim oo awowgeennii hore ahaa xagga jidhka? 2Waayo, haddii Ibraahim shuqullo xaq ku noqday, wax uu ku faano buu leeyahay ee Ilaah hortiisa ma aha. 3Maxaa Qorniinku leeyahay? Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo. 4Haddee kii shaqeeya abaalgudkiisa looguma tiriyo sida nimco laakiinse sida qaan oo kale. 5Laakiin kii aan shaqayn illowse rumaysta kan xaq ka dhiga kuwa aan cibaadada lahayn, rumaysadkiisa waxaa lagu tiriyaa xaqnimo. 6Sida Daa'uudna uga sheegayo barakadii ninkii Ilaah xaq u tiriyo shuqullo la'aantood, 7isagoo leh, Waxaa barakadaysan kuwa xadgudubyadooda la cafiyey. Oo dembiyadooda la daboolay. 8Waxaa barakadaysan ninkii Rabbigu uusan dembi u tirinayn. 9Haddaba barakadan miyaa lagaga hadlay kuwa gudan oo keliya, mise kuwa buuryoqabka ahna waa lagaga hadlay? Waayo. waxaannu nidhaahnaa. Ibraahim rumaysadkiisii waxaa loogu tiriyey xaqnimo. 10Sidee baa haddaba loogu tiriyey? Ma markuu gudnaa, mise markuu buuryoqabka ahaa? Ma aha markuu gudnaa, laakiinse waa markuu buuryoqabka ahaa; 11oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga, 12iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.
Ballankii waxaa lagu helay rumaysadka
13Waayo, ballankii lagula ballamay Ibraahim ama farcankiisii inuu ku noqdo kii dunida dhaxli lahaa, uguma iman sharciga. Laakiinse wuxuu ugu yimid xaqnimada rumaysadka. 14Waayo, haddii kuwa sharciga leh ay noqdaan kuwa dhaxalka leh, de markaas rumaysadkii waxaa laga dhigay wax aan waxtar lahayn, ballankiina waa la buriyey, 15maxaa yeelay, sharcigu wuxuu keenaa cadho, laakiinse meeshii aan sharci jirin xadgudubna ma jiro. 16Taas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya. Laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim. kan aabbaha inoo ah kulligeen, 17(sida qoran, Quruumo badan baan aabbe kaaga dhigay) Ilaaha uu rumaystay hortiisa, kan nooleeya kuwii dhintay oo u yeedha waxyaalaha aan jirin sida iyagoo jira. 18Ibraahim rajuu wax ku rumaystay iyadoo aan rajo jirin inuu aabbe u noqdo quruumo badan, sida waxyaalihii lagula hadlay leeyihiin, Farcankaagu sidaasuu noqon doonaa. 19Isagoo aan rumaysadkii ku tabar yaraan wuxuu ka fikiray jidhkiisii sida meyd oo kale ahaa (isagoo boqol jir ku dhow) iyo meydnimadii maxalkii Saarah. 20Ballankii Ilaah rumaysaddarro kagama uu shakiyin, laakiinse rumaysad buu ku xoogaystay, isagoo Ilaah ammaanaya 21oo aad u huba in wixii uu u ballan qaaday uu samayn karo. 22Sidaas daraaddeedna waxaa loogu tiriyey xaqnimo. 23Wixii loo tiriyey looma qorin isaga aawadiis oo keliya, 24laakiin waxaa loo qoray innaga aawadeenna. Waa loo tirin doonaa kuweenna rumaysan kii kuwii dhintay ka soo sara kiciyey Rabbigeenna Ciise, 25kii loo bixiyey xadgudubkeenna aawadis oo loo sara kiciyey inuu xaq inaga dhigo.
Cutubka 5
Waxa rumaysadka laga helo
1Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix; 2kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah. 3Oo taas oo keliya ma aha, laakiinse waxaynu ku faraxnaa dhibaatooyinkeenna, innagoo og in dhibaatadu dulqaadasho keento; 4dulqaadashaduna aqoon dheer, aqoonta dheeruna rajo; 5rajaduna inama ceebayso, maxaa yeelay, jacaylka Ilaah baa qalbiyadeenna ku dhex shubmay, oo waxaa ku shubay Ruuxa Qoduuska ah oo layna siiyey.
Jacaylka Ilaah waxaa lagu gartaa Ciise dhimashadiisa
6Waayo, innagoo weli itaal daran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn. 7Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin wanaagsan u dhinto. 8Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembiilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey. 9Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah. 10Waayo, haddii, intaynu col la ahayn, Ilaah inagula heshiiyey dhimashadii Wiilkiisa, de si ka badanna, innagoo la heshiis ah, ayaynu ku badbaadi doonnaa noloshiisa, 11oo taas oo keliyana ma ahaane, weliba waxaynu ku faraxnaa Ilaah xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, kan aynu haatan heshiiska ku helnay. Dhimashada waa laga helay Aadan, noloshana Ciise Masiix 12Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid. sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay; 13waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin. 14Habase ahaatee waagii Aadan ilaa Muuse dhimashadu waxay u talisay xataa kuwii aan u dembaabin sidii xadgudubkii Aadan kan ah masaalka kan iman lahaa. 15Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembigiis kuwa badanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, kan ah Ciise Masiix. 16Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan. 17Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix. 18Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun. sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan. 19Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembiilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa. 20Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad; 21in. sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.
Cutubka 6
Masiix la-midnimadiisu ma raaci karto dembiga
1Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato? 2Yaanay noqon! Innagoo dembiga kala dhimannay, sidee baynu mar dambe ugu dhex noolaannaa? 3Mise ma waydaan ogayn in kulli inteenna lagu baabtiisay Ciise Masiix dhexdiisa, lagu dhex baabtiisay dimashadiisa? 4Haddaba waxaynu isaga kula aasannay baabtiiska dhimashada dhexdeeda, in, sidii Masiixa kuwii dhintay loogaga sara kiciyey ammaanta Aabbaha, aan innaguna sidaas oo kale cusaybka nolosha ku dhex soconno. 5Haddaynu isaga kula midownay dhimasho tiisa u eg. de sidaas oo kalena sarakicid tiisa u eg waynu kula midoobi doonnaa. 6Waynu og nahay in dabiicaddeennii hore iskutallaabta lagula qodbay isaga, in jidhka dembigu baabba’o, si aynaan mar dambe addoommo ugu ahaan dembiga. 7Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay. 8Laakiinse haddaynu Masiixa la dhimannay, waxaynu rumaysan nahay inaynu haddana isaga la noolaan doonno. 9Waynu og nahay in Masiixa oo kuwii dhintay ka sara kacay uusan mar dambe dhimanayn; dhimashadu mar dambe u talin mayso. 10Waayo, dhimashaduu dhintay mar keliya ayuu xagga dembiga ka dhintay, laakiin noloshuu ku nool yahay, Ilaah buu u nool yahay. 11Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix. 12Sidaas daraaddeed dembigu yuusan jidhkiinna dhimanaya u talin inaad damacyadiisa xunxun addeecdaan. 13Xubnihiinnana dembiga ha u siinina sida qalabka xaqdarrada, laakiin Ilaah isa siiya sida idinkoo ah kuwo ka soo noolaaday kuwii dhintay, xubnihiinnana Ilaah u siiya sida qalabka xaqnimada. 14Waayo, dembigu idiinma talin doono, maxaa yeelay, sharciga kuma hoos jirtaan, laakiinse waxaad ku hoos jirtaan nimcada.
Masaalka ku saabsan addoonnimada
15Waa sidee haddaba? Sharciga kuma hoos jirno, oo waxaynu ku hoos jirnaa nimcada, sidaas daraaddeed miyaan dembaabnaa? Yaanay noqon! 16Ma waydaan ogayn inaad addoommo u tihiin kii aad isu siisaan sida addoommo addeeca, oo aad addoommadiisa tihiin kii aad addeecdaan, ama ha noqoto dembiga idiin kaxeeya xagga dhimashada ama addeecidda idiin kaxaysa xagga xaqnimada? 17Laakiinse mahad Ilaah baa leh waayo, waxaad ahaan jirteen addoommadii dembiga, haatanse qalbigiinaad ka addeecdeen caynaddii waxbariddii laydin siiyey; 18oo idinkoo dembiga laydinka xoreeyey, xaqnimada ayaad addoommo u noqoteen. 19Sida dadkaan u hadlayaa jidhkiinna itaaldarradiisa aawadeed. Waayo, sidii aad xubnihiinna uga dhigi jirteen addoommadii wasakhnimada iyo dembiga inaad dembi fashaan, sidaas oo kalena haatan xubnihiinna ka dhiga addoommadii xaqnimada qoduusnaanta aawadeed. 20Waayo, markaad addoommadii dembiga ahaan jirteen, xagga xaqnimada waxaad ahaydeen xor. 21Haddaba wakhtigaas maxaad midho ku haysateen waxyaalaha aad haatan ka xishoonaysaan? Waayo, waxyaalahaas ugu dambaystoodu waa dhimashada. 22Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoommadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan qoduusnaanta oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah. 23Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix.
Cutubka 7
Masaalka ku saabsan guurka
1Mise ma waydaan ogayn, walaalayaalow, in sharcigu nin u taliyo intuu nool yahay oo keliya? (Waxaan la hadlayaa dadka sharciga yaqaan.) 2Naagtii nin luhu sharcigay ugu xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiinse mar haddii ninku dhinto, way ka furan tahay sharcigii ninka. 3Sidaas daraaddeed inta ninkeedu nool yahay, hadday nin kale naag u noqoto, waxaa loogu yeedhi doonaa dhillo, laakiinse ninkeedu hadduu dhinto, sharciga way ka furan tahay, oo sidaas daraaddeed dhillo ma aha in kastoo ay nin kale naag u noqoto. 4Sidaas daraaddeed, walaalahayow, jidhkii Masiixa baa meyd idinka dhigay xagga sharciga, in mid kale idin lahaado, oo ah kii kuwii dhintay laga sara kiciyey inaynu Ilaah midho u soo bixinno. 5Waayo, markii aynu jidhka ku dhex jirnay, damacyadii dembiyada ee sharciga ka yimid waxay ka dhex shaqaynayeen xubnaheenna inay midho u soo bixiyaan dhimasho. 6Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo kala dhimannay wixii aynu ka hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka.
Sharciga iyo dembiga
7Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin. 8Dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayo, sharciga la'aantiis dembigu waa meyd. 9Waa baan noolaa sharciga la'aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay. 10Amarkii nolosha ii geeyn lahaa, waxaan gartay inuu dhimasho ii geeynayo. 11Waayo, dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka igu khiyaaneeyey, wuuna igu dilay. 12Haddabase sharcigu waa qoduus, amarkuna waa qoduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay. 13Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.
Dadka labadiisa dabci
14Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa. 15Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necbahay. 16Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas heshiis baan kula ahay sharciga inuu wanaagsan yahay. 17Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. 18Waayo. waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo. 19Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa. 20Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. 21Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo. 22Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah. 23Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira. 24Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh? 25Waxaan Ilaah ugu mahad naqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.
Cutubka 8
Nolosha ku jirta Ruuxa
1Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha. 2Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada. 3Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaal darnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray, 4in qaynuunka sharcigu inagu buuxsamo kuweenna aan sida jidhka u socon, laakiinse u socda sida Ruuxa. 5Waayo kuwa sida jidhka u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha jidhka, laakiinse kuwa sida Ruuxa u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaa laha Ruuxa. 6Jidhka kafikiriddiisu waa dhimashada. Laakiinse Ruuxa kafikiriddiisu waa nolosha iyo nabadda, 7maxaa yeelay, jidhka kafikiriddiisu waa la col Ilaah, waayo, ma hoos gasho sharciga Ilaah, mana hoos geli karto. 8Kuwa jidhka ku dhex jiraana kama farxin karaan Ilaah. 9Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha. 10Oo haddii Masiixu idinku dhex jiro, jidhku waa meyd dembiga aawadiis; laakiinse ruuxu waa nolosha xaqnimada aawadeed. 11Laakiin haddii Ruuxii kii Ciise kuwii dhintay ka soo sara kiciyey idinku dhex jiro, kii Ciise Masiix kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, jidhkiinna dhimanayana wuxuu ku noolayn doonaa Ruuxiisa idinku dhex jira. 12Sidaas daraaddeed. walaalayaalow, wax baa inagu waajib ah, laakiin waajib inooguma aha jidhka, inaynu u noolaanno sida jidhka, 13waayo, haddaad sida jidhka u noolaataan, hubaal waad dhiman doontaan, laakiin haddaad falimaha jidhka Ruuxa ku dishaan, waad noolaan doontaan.
Carruurta Ilaah
14In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah. 15Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow. 16Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah. 17Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.
Ammaanta ahaan doonta
18Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono. 19Uunku wuxuu filasho aad u weyn ku sugaa muujinta carruurta Ilaah. 20Uunkii waxaa la hoos geliyey wax aan waxtar lahayn, ikhtiyaarkiisna uma uu hoos gelin, laakiin waa kii hoos geliyey aawadiis, 21taasoo la rajaynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah. 22Waayo, waxaynu og nahay in uunka oo dhammu wada taahayo oo wada foolanayo ilaa haatan. 23Iyagoo keliya ma aha, laakiin innagana waa sidaas oo kale, kuweenna haysta midhihii ugu horreeyey ee Ruuxa, xataa innaga qudheennu dhexdeenna ayaynu ka taahnaa, innagoo sugayna carruurnoqoshadeenna, taasu waxaa weeyaan samatobixinta jidhkeenna. 24Waayo, waxaynu ku badbaadnay rajo, laakiin rajadii la arko rajo ma aha, maxaa yeelay, waa ayo kan rajeeyaa wuxuu arko? 25Laakiin haddaynu rajayno wax aynaan arkin, de haddaba dulqaadasho ayaynu ku sugnaa. 26Sidaasoo kalena Ruuxu wuxuu inaga caawimaa itaaldarradeenna, waayo, garan mayno wax inoo eg oo aynu ku tukanno, laakiin Ruuxa qudhiisu waa inoo duceeyaa isagoo ku taahaya taah aan sanqadhayn. 27Oo kii qalbiyada baadhaa waa yaqaan fikirka Ruuxa, maxaa yeelay, wuxuu qoduusiinta ugu duceeyaa sida Ilaah doonayo. 28Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay. 29Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood. 30Oo kuwuu hore u doortayna, haddana wuu u yeedhay, kuwuu u yeedhayna, haddana xaq buu ka dhigay, kuwuu xaq ka dhigayna, haddana wuu ammaanay.
Ilaah jacaylkiisa
31Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah? 32Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga? 33Yaa ashtakayn doona kuwa Ilaah doortay? Waa Ilaah kan wax xaq ka dhigaa. 34Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga. 35Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef? 36Sida qoran, Adiga daraaddaa ayaa lanoo laayaa maalinta oo dhan, Waxaa lanoo tiriyey sida ido la qalayo. 37Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa. 38Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa'igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh, 39ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix. Bawlos waa u tiraanyooday reer bini Israa'iil rumaysaddarradooda
Cutubka 9
1Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Qoduuskaa 2in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga. 3Waayo, waxaan jeclaan lahaa inaan aniga qudhaydu ka inkaarnaado Masiixa walaalahay aawadood oo ah xigaalkayga aannu isku jidhka nahay, 4kuwa ah reer bini Israa'iil, oo leh carruur-ka-dhigidda, iyo ammaanta, iyo axdiyada, iyo sharciga siintiisa, iyo u-adeegidda Ilaah, iyo ballamada, 5kuwa awowayaasha leh, oo xagga jidhka Masiixu ka yimid iyaga, kan wax walba ka sarreeya oo ah Ilaah ammaanta leh weligiis. Aamiin.
Ilaah ballamadiisii ma uu beenayn
6Laakin mana aha sidii iyadoo hadalkii Ilaah dhacay. Waayo, kuwa Israa'iil ka dhashay kulligood reer bini Israa'iil ma wada aha. 7Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 8Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballan qaaday ayaa farcan lagu tiriyaa. 9Waayo, kanu waa hadal ballan ah, Wakhtigan oo kale ayaan kuu iman doonaa, oo Saarah waxay dhali doontaa wiil. 10Oo taas oo keliyana ma ahee, laakiin Rebeqahna mid bay u uuraysatay, kaas oo ahaa aabbeheen Isxaaq. 11Waayo, carruurta oo aan weli dhalan oo aan weli samayn wanaag iyo xumaan midna, in qasdiga Ilaah doorashada ku istaago. oo uusan ahaan xagga shuqullada. Laakiin xagga kii dadka u yeedha, 12waxaa iyada lagu yidhi, Kan weynu wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar. 13Sida qoran, Yacquub waan jeclaaday, Ceesawse waan necbaaday.
Ilaah xaqdarro ma leh
14Maxaan nidhaahnaa haddaba? Ma xaqdarro baa Ilaah la jirta? Ma suurtowdo! 15Waayo, wuxuu Muuse ku yidhi, Waan u naxariisan doonaa kii aan u naxariisto. waanan u nixi doonaa, kii aan u naxo. 16Sidaas daraaddeed xagga kan doonaya ma aha, xagga kan ordana ma aha, laakiinse waa xagga Ilaaha naxariista leh. 17Waayo, Qorniinku wuxuu Fircoon ku leeyahay, Tan daraaddeed baan kuu sara kiciyey inaan xooggayga adiga kaa dhex muujiyo iyo in magacayga dhulka oo dhan lagu faafiyo. 18Haddaba kuu doonayo wuu u naxariistaa, kuu doonayona qalbigiisuu engejiyaa.
Ilaah baa xukunka leh
19Waxaad igu odhan doontaa, Muxuu weli ii eedaynayaa? Waayo, yaa doonistiisa ka gees noqda? 20Laakiinse, nin yahow, kumaad tahay kaaga Ilaah u jawaabayow? Wixii la sameeyey miyey kii sameeyey ku odhan doonaan, Maxaad sidan noogu samaysay? 21Dheryasameeyuhu miyuusan lahayn amar uu ugu taliyo dhoobada inuu fud keliya in ka sameeyo weel cisa leh, inta kalena mid an cisa lahayn? 22Bal maxay la tahay Ilaah haddii, isagoo doonaya inuu cadhadiisa muujiyo oo xooggiisa dadka ogeysiiyo, uu samir badan ugu dulqaatay weelasha cadhada oo loo diyaariyey baabbi’idda, 23iyo inuu hodantinimadii ammaantiisa ogeysiiyo weelasha naxariista oo uu hore ugu diyaariyey ammaanta, 24xataa kuweenna uu u yeedhay oo uusan uga yeedhin Yuhuudda oo keliya laakiinse uu uga yeedhay quruumaha kalena? 25Siduu Hooseeca ka dhex yidhi, Kuwo aan dadkaygii ahayn ayaan u bixin doonaa, Dadkayga, Tu aan ahayn gacalisadaydiina waxaan u bixin doonaa, Gacaliso. 26Oo waxay noqon doontaa, meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ihidin, Meeshaas waxaa looga bixin doonaa, Carruurtii Ilaaha nool. 27Oo Isayos wuxuu ku qayliyey wax Israa'iil ku saabsan isagoo leh. In kastoo tirada reer bini Israa'iil noqoto sida cammuudda badda, intii hadhay waa badbaadi doontaa, 28waayo, Rabbigu hadalkiisa dhulkuu ku samayn doonaa, isagoo dhammaystiraya oo soo gaabinaya, 29oo sidii Isayos hore u yidhi, Haddaan Rabbigii Saba'oot farcan inoo reebin. Sidii Sodom baan noqon lahayn, oo sidii Gomora baa laynaga dhigi lahaa.
Waxa reer bini Israa'iil u xumaadeen
30Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo; 31laakiin reer binu Israa'iil iyagoo raaca sharciga xaqnimada, sharcigaas ma ay gaadhin. 32Tan sababteedu waa maxay? Maxaa yeelay, rumaysad kuma ay doondoonin, shuqullada samayntooda mooyaane. Waxay ku turunturoodeen dhagaxii turunturada; 33sida qoran, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax lagu turunturoodo oo ah sallax lagu xumaado; Oo kii rumaysta isaga ma ceeboobi doono.
Cutubka 10
1Walaalayaalow, waxaan qalbigayga ka doonayaa oo Ilaah ka baryaa inay iyagu badbaadaan. 2Waayo, waxaan markhaati u furayaa inay iyagu Ilaah qiiro weyn u qabaan, laakiinse xagga aqoonta ma aha. 3Waayo, iyagoo aan ogayn xaqnimada Ilaah oo doonaya inay taagaan tooda, ayayan hoos gelin Ilaah xaqnimadiisa. 4Waayo, Masiixu wuxuu mid kasta oo rumaysta u yahay sharciga dhammaadkiisii xagga xaqnimada.
Jidka cusub oo xaqnimada cid kasta buu u furan yahay
5Waayo, Muuse wuxuu qoray in ninkii yeelaa xaqnimada sharciga uu ku noolaan doono iyada. 6Laakiin xaqnimada rumaysadku sidanay tidhaahdaa, Qalbigaaga ha iska odhan, Yaa samada kori doona (inuu Masiix soo dejiyo)? 7Ama, Yaa yaamayska hoos u geli doona (inuu Masiix kuwa dhintay ka soo sara kiciyo)? 8Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno. 9Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa, 10waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta. 11Waayo, Qorniinku wuxuu leeyahay, Ku alla kii rumaysta isaga, ceeboobi maayo. 12Waayo, Yuhuudda iyo Gariigtu waxba kuma kala duwana, waayo, isku Rabbi baa Rabbi u wada ah, waana u taajir in alla intii barida isaga. 13Waayo, ku alla kii magaca Rabbiga ku baryaa, waa badbaadi doonaa. 14Haddaba sidee bay ugu baryi doonaan kan aanay rumaysnayn? oo sidee bay u rumaysan doonaan kan aanay maqlin? oo sidee bay u maqli doonaan haddii aan la wacdiyin? 15oo sidee bay u wacdiyi doonaan haddaan la dirin? sida qoran, Qurux badanaa cagaha kuwa wax ku wacdiya waxyaalaha wanaagsan. 16Laakiin kulligood ma ay wada dhegaysan injiilka. Waayo, Isayos wuxuu leeyahay, Rabbow, yaa rumaystay warkayagii? 17Haddaba rumaysadku wuxuu ka yimaadaa maqlidda, maqlidduna waxay ku timaadaa hadalka Masiixa. 18Laakiin waxaan leeyahay, Miyaanay maqlin? Haah, runtii. Codkoodii wuxuu gaadhay dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu shishaysa. 19Laakiin waxaan leeyahay, Miyaan reer bini Israa'iil ogayn? Ugu horraystii Muuse wuxuu yidhi, Waxaan idinkaga hinaasin doonaa kuwo aan quruun ahayn; Quruun aan wax garanayn waan idinkaga cadhaysiin doonaa. 20Isayosna waa dhiirranaa oo wuxuu yidhi, Waxaa i helay kuwo aan i doonayn, Waxaan u muuqday kuwo aan wax i weydiinayn. 21Laakiin reer bini Israa'iil wuxuu ku yidhi, Maalintii oo dhan waxaan gacmahayga u kala bixinayay dad caasi ah oo muran miidhan ah.
Cutubka 11
Diidniinta Ilaah Israa'iil diiday ma dhamma
1De waxaan leeyahay, Ilaah miyuu xooray dadkiisii? Ma suurtowdo. Waayo, anba waxaan ahay mid reer bini Israa'iil ah. oo farcankii Ibraahim ah, oo qabiilkii Benyaamiin ah. 2Ilaah dadkiisii uu hore u yiqiin ma xoorin. Mise ma waydaan aqoon waxa Qorniinku ka sheegayo Eliyaas? siduu Ilaah ugu cawday isagoo reer bini Israa'iil ka cabanaya oo leh, 3Rabbow, nebiyadaadii way dileen, meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo keligay baa hadhay, oo naftayday doondoonayaan. 4Laakiinse jawaabtii Ilaah oo u timid isaga maxay leedahay? Waxaan nafahaantayda ula hadhay toddoba kun oo nin oo aan Bacal u jilba joogsan. 5Sidaas oo kale wakhtigan la joogona waxaa jira kuwo hadhay oo nimco lagu doortay. 6Laakiinse haddii nimco lagu doortay, de haddaba ma aha mar dambe xagga shuqullada, haddii kalese nimcadu mar dambe nimco ma aha. 7Waa maxay haddaba? Wixii reer bini Israa'iil doondoonayeen ma ay helin, laakiinse kuwii la doortay waa heleen, intii kalena waa la engejiyey, 8sida qoran, Ilaah wuxuu iyaga siiyey maskax hurudda, iyo indho aanay waxba ku arkin, iyo dhego aanay waxba ku maqlin, ilaa maalintatan. 9Daa'uudna wuxuu yidhi, Miiskoodu ha u noqdo dabin iyo wax qabsada iyaga, Iyo wax ay ku turunturoodaan, iyo wax ka aarguta iyaga; 10Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Dharbarkoodana foorari weligiis. 11Haddaba waxaan leeyahay, Miyey turunturoodeen inay dhacaan? Maya, ma suurtowdo! Laakiin dhicitinkoodii aawadiis ayaa badbaadinu ugu timid quruumaha kale inay ka hinaasaan 12Haddaba haddii dhicitinkoodii yahay taajirnimadii dunida, liidnaantoodiina tahay taajirnimadii quruumaha kale, de buuxnaantooduna intee bay sii badin doontaa taajirnimadii? Badbaadada dadka aan Yuhuudda ahayn; masaalka ku saabsan laamo la tallaalay 13Laakiin waxaan la hadlayaa kuwiinan oo ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn. Haddaba anigoo ah rasuulkii dadka aan Yuhuudda ahayn, hawshayda waan derejeeyaa, 14Si aan uga hinaasiyo kuwa aan isku jidhka nahay oo aan qaarkood badbaadiyo. 15Waayo, haddii xooriddoodii tahay heshiiskii dunida, aqbaliddoodii maxay noqon doontaa, soo noolaadka kuwii dhintay mooyaane? 16Inta ugu horraysa oo cajiinku hadday qoduus tahay, de cajiinkuna wuu yahay, haddii xididku qoduus yahayna, de laamahuna way yihiin. 17Laakiinse haddii laamihii qaarkood laga jebiyey, oo adigoo saytuun dibadeed ah lagugu tallaalo meeshoodii, oo aad ka qayb gasho wanaagga xididka geedka saytuunka ah, 18ha ka faanin laamaha, laakiinse haddii aad faantid, bal ogow inaadan ahayn kan xididka sida, laakiinse xididkaa adiga ku sida. 19Haddaba waxaad odhan doontaa, Laamihii waxaa loo jebiyey in aniga laygu tallaalo meeshoodii. 20Waa tahay. Rumaysaddarradoodii baa loo jebiyey, adna waxaad ku taagan tahay rumaysadkaaga. Ha iskibrin, laakiinse cabso; 21waayo, haddaan Ilaah u tudhin laamihii asliga ahaa, de adna kuu tudhi maayo. 22Bal hadda fiiri roonaanta iyo adkaanta Ilaah; kuwii dhacay xaggooda adkaantiisaa la jirta, laakiinse xaggaaga waxaa la jirta roonaanta Ilaah, haddaad roonaantiisa ku sii socotid, haddii kaleeto adna waa lagu gooyn doonaa. 23Iyagana haddayan rumaysaddarradoodii ku sii socon, waa lagu tallaali doonaa meeshoodii, waayo, Ilaah waa awoodaa inuu iyaga mar kale ku tallaalo meeshoodii. 24Waayo, haddii adiga lagaa soo gooyay saytuun dibadeed oo si aburiddiisa ka gees ah laguugu tallaalay geed saytuun wanaagsan ah, intee baa in ka sii badan kuwan oo ah laamihii asliga ahaa loogu tallaali doonaa geedkoodii saytuunka ahaa?
Ilaah qasdigiisu wuxuu yahay inuu dhammaan u naxariisto
25Walaalayaalow, anigu dooni maayo, inaad jaahil ka ahaataan qarsoodigan, waabase intaas ood iskibrisaan. Adkaan aan dhammayn baa ku dhacday reer bini lsraa'iil ilaa tirada buuxda oo quruumuhu soo gasho; 26oo sidaasay reer bini Israa'iil oo dhammu u wada badbaadi doonaan, sida qoran, Waxaa Siyoon ka soo bixi doona Bixiyaha. Wuxuu Yacquub ka sii jeedin doonaa cibaadola'aanta. 27Oo kanu waa axdigayga aan la dhigan doono iyaga, Markaan dembigooda ka qaadi doono. 28Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood. 29Waayo, hadiyadaha iyo yeedhidda Ilaah ka-soo-noqosho ma leh. 30Waayo, idinkuba mar baad Ilaah caasi ku ahaydeen, laakiinse haatan waxaa laydiinku naxariistay kuwaas caasinimadooda, 31sidaas oo kalay iyaguna haatan caasi u noqdeeen, in naxariistii laydin tusay, iyagana haatan loogu naxariisto. 32Waayo, Ilaah kulli wuxuu ku wada xidhay caasinimo inuu u wada naxariisto kulli. 33Mool dheeraa hodantinimada iyo xigmadda iyo aqoonta Ilaah! Xukummadiisa lama baadhi karo, jidadkiisana lama raadin karo! 34Waayo, bal yaa soo ogaaday maanka Rabbiga? bal yaase lataliyihiisii noqday? 35Yaase awil wax siiyey oo loo abaalgudi doonaa? 36Waayo, wax waluba isagay ka yimaadeen oo ku yimaadeen oo u yimaadeen aawadiis. Ammaanta isagaa leh weligiis. Aamiin.
Cutubka 12
Nolosha cusub
1Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo qoduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh. 2Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah.
Sida hagaagsan oo loogu shaqeeyo hadiyadaha Ruuxa
3Waayo, nimcadii lay siiyey ayaan ku hadlayaa, waxaan ku leeyahay, Mid kasta oo idinka mid ah, yuusan isderejayn intuu isderejayn lahaa in ka badan, laakiinse miyirqab ha ku fikiro, sida Ilaah mid kasta u siiyey qayb rumaysad ah. 4Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn, 5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii. 6Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna. 7Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro; 8kii wax waaniyaana, si fiican wax ha u waaniyo; kii wax bixiyaana, deeqsinimo wax ha u bixiyo; kii wax u taliyaana. dadaal wax ha ugu taliyo: kii wax u naxariistaana, farxad wax ha ugu naxariisto. wixii Masiixiyiinta lagu amray 9Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada. 10Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo. 11Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega. 12Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta, 13oo ku caawiya waxa qoduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha marti geliya. 14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina. 15La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya. 16Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina. 17Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa. 18Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan. 19Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay. 20Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii: hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa dhuxulo dab ah. 21Sharku yuusan kaa adkaan. Laakiinse sharka wanaag kaga adkow.
Cutubka 13
Waa in kuwa amarka leh laga dambeeyo
1Naf waluba ha ka dambayso kuwa amarka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh. 2Sidaas daraaddeed kii diida kan amarka leh wuxuu hor joogsadaa amarka Ilaah, kuwa hor joogsadaana waxay nafahaantooda u heli doonaan xukun. 3Madaxdu cabsi ma geliyaan kuwa shuqul wanaagsan sameeya. kuwa xumaan sameeya mooyaane. Ma waxaad doonaysaa inaadan ka cabsan kan amarka leh? Wax wanaagsan samee, oo ammaan baad ka helaysaa isla isaga. 4Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sabab la'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya. 5Sidaas daraaddeed waa in laga dambeeyo kan amarka leh, mana aha cadhada aawadeed oo keliya, laakiinse waa niyadda aawadeedna. 6Waayo, sababtaas aawadeed waxaad u bixisaan cashuur, maxaa yeelay, iyagu waa midiidinnadii Ilaah oo had iyo goor ka shaqeeya isla waxaas. 7Mid waluba wuxuu idinku leeyahay siiya, kii baad idinku leh, baad siiya, kii cashuur idinku leh, cashuur siiya, kii laga cabsadana, ka cabsada, kii ciso lehna, ciseeya.
Jacaylka walaalnimada
8Ninna yuusan wax idinku lahaan in midkiinba midka kale jeclaado mooyaane. Waayo, kii deriskiisa jeclaadaa sharciguu oofiyey. 9Waayo, amarradan la yidhi. Waa inaanad sinaysan. Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin. Waa inaanad wax damcin. oo haddii amar kale jirana. waxaa lagu soo koobay hadalkan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. 10Jacaylku xumaan kuma sameeyo deriskiisa: jacaylku haddaba waa oofinta sharciga.
Maalintii Masiixu waa soo dhowaanaysaa
11Oo weliba waad garanaysaan wakhtiga inay haatan tahay saacaddii aad hurdada ka toosi lahaydeen, waayo, haatan ay badbaadintu inooga dhow dahay markii horoo aan rumaysannay. 12Habeenkii hore buu u batay. maalintii waa soo dhowaatay, sidaas daraaddeed aan iska dhigno shuqullada gudcurka oo aan qaadanno hubka iftiinka. 13Sida iyadoo maalin ah aynu si qumman u soconno, yaannaan ku socon rabsho iyo sakhraannimo, yaannaan ku socon wasmo iyo dhillannimo, yaannaan ku socon ilaaq iyo xaasidnimo. 14Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.
Cutubka 14
Waa in loo dulqaataa kuwa wax ka shakiya
1Kii rumaysadka ku itaal yar soo dhoweeya, mana aha inaad ra'ayiyadiisa la murantaan. 2Mid baa rumaysan inuu wax walba cuno, kii itaal yarse wuxuu cunaa khudaarta. 3Kii cunaa yuusan quudhsanin kii aan cunin, kii aan cuninna yuusan xukumin kii cuna, waayo, Ilaah baa aqbalay isaga. 4Yaad tahay kaaga xukuma midiidinka mid kaletow? Waayo. sayidkiisuu u taagan yahay ama u dhacaa. Waana la taagi doonaa. waayo, Rabbigu waa awoodaa inuu taago. 5Nin bay la tahay in maalinu maalinta kale ka fiican tahay, mid kalena waxay la tahay in maalmaha oo dhammu isku mid yihiin. Mid kastaaba maankiisa aad ha ugu hubsado. 6Kii maalinta ka fikiraa, Rabbiguu uga fikiraa, kii wax cunaa, Rabbiguu u cunaa, waayo. Ilaah buu ku mahad naqaa; kii aan wax cuninuna. Rabbiga ayuusan u cunin. oo Ilaah buu ku mahad naqaa. 7Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto. 8Waayo. haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh. 9Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay. una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba. 10Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo. kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah. 11Waayo. waxaa qoran, Anigu waa noolahay. ayaa Rabbigu leeyahay. oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, Carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa. 12Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa. 13Sidaas daraaddeed mar dambe yaynaan isxukumin. Laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada. 14Waan ogahay, waanan ku hubaa Rabbi Ciise, inaan waxba nafahaantiisa iska xaaraan ahayn. Laakiinse kii ku tiriya inay xaaraan tahay, kaas waa ka xaaraan. 15Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabi'in kii Masiixu u dhintay. 16Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin. 17Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Qoduuskaa. 18Kii waxaas Masiixa ugu adeega, Ilaah buu ka farxiyaa. xagga dadkana waa mid loo bogay. 19Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo. 20Shuqulka Ilaah ha u dumin cunto aawadeed. Hubaal wax waluba waa nadiif, laakiin waa u xun tahay kii cuna isagoo mid kale xumaynayo. 21Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleeto oo walaalkaa ku turunturoodo. 22Rumaysadka aad leedahay. Ilaah hortiis u hayso. Waxaa faraxsan kii aan isku xukumin wixii la qumman isaga. 23Laakiinse kii shakiya, hadduu cuno, waa xukuman yahay, maxaa yeelay. rumaysad wax kuma cuno, oo wax kastoo aan rumaysadka ka imaninu waa dembi.
Cutubka 15
1Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin. 2Midkeen kastaaba deriskiisa ha ka farxiyo inuu ku wanaagsanaado oo ku dhismo. 3Waayo, Masiixiiba naftiisii kama uu farxin, laakiinse sida qoran, Caydii kuwii adiga ku caayay ayaa igu kor dhacday. 4Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno. 5Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix, 6inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.
Injiilka loo keenay dadka aan Yuhuudda ahayn
7Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano. 8Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey, 9iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa. sida qoran, Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga waan u gabyi doonaa. 10Oo haddana wuxuu leeyahay. Quruumahow, la rayrreeya dadkiisa. 11Oo haddana, Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow, Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga. 12Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay, Waxaa jiri doona xididkii Yesay, Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha. Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan. 13Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Qoduuskaa.
Bawlos si dhiiranaan ah ayuu wax ku qoray
14Oo aniga qudhayduna waxaan idiin hubaa, walaalahayow, inuu wanaag idinka buuxo, oo laydinka buuxiyey aqoon oo dhan, oo aad kartaan inaad iswaanisaan. 15Laakiinse siyaalaha qaarkood dhiiranaan badan baan idiinku soo qoray inaan idin xusuusiyo, nimcadii xagga Ilaah layga siiyey aawadeed, 16inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u noqdo midiidinkii Ciise Masiix, anigoo shuqulka wadaadnimada u qabanaya injiilka Ilaah, in sadaqada dadka aan Yuhuudda ahayn la aqbalo, iyadoo qoduus lagaga dhigay Ruuxa Qoduuskaa. 17Haddaba xagga Ciise Masiix waxaan leeyahay wax aan ku faano, waana wax ku saabsan Ilaah. 18Waayo, kuma dhici doono inaan waxba ka hadlo wixii Masiixii iga dhex shaqeeyey mooyaane, dadka aan Yuhuudda ahayn addeeciddooda aawadeed, oo uu igaga dhex shaqeeyey hadal iyo camal, 19oo uu ku sameeyey xoogga calaamooyinka iyo yaababka, iyo xoogga Ruuxa Qoduuskaa, oo sidaasaan injiilka Masiixa ugu wada wacdiyey Yeruusaalem iyo hareeraheeda iyo ilaa Illurikon. 20Sidaasaan u hawaystay inaan injiilka ku wacdiyo meel aan Masiixa awil lagu magacaabin, si aanan ugu dul dhisin aasaaska nin kale dhigay. 21Laakiinse, sida qoran, Waxaa arki doona kuwo aan warkiisu u iman, Kuwii aan maqlinuna waa garan doonaan.
Wixii Bawlos ku talo jiray
22Sidaas daraaddeed marar badan baa layga hor joogsaday imaatinkii aan idiin iman lahaa; 23laakiinse haatan anigoo aan meelahakan meel dambe ku lahayn, oo idin boholyoobayay sannaddo badan inaan idiin imaado, 24markaan Isbaanya tago waxaan rajaynayaa inaan sodcaalkayga idinku arko oo idinna aad halkaas iga ambabixisaan, markaan cabbaar idinku raaxaysto dabadeed, 25laakiinse haatan waxaan aadayaa Yeruusaalem inaan u adeego qoduusiinta. 26Waayo, dadka Makedoniya iyo Akhaya waxay aad u jeclaysteen inay wax u ururiyaan masaakiinta ka midka ah qoduusiinta Yeruusaalem joogta. 27Way jeclaysteen, waana ku waajib inay sameeyaan. Waayo, dadka aan Yuhuudda ahayn hadday noqdeen kuwo ka qayb galay waxyaalahooda ruuxa, de markaas waxaa ku waajib ah iyaga inay ugu adeegaan waxyaalaha jidhka. 28Sidaas daraaddeed markaan tan dhammeeyo oo aan iyaga midhahan ku hubsado, idinkaan idin soo mari doonaa, anoo Isbaanya u socda. 29Oo waxaan ogahay markaan idiin imaado inaan ku iman doono buuxnaanta barakada Masiixa. 30Walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Rabbigeenna Ciise Masiix iyo jacaylka Ruuxa, inaad igula dadaashaan tukashooyinkiinna markaad Ilaah ii baridaan. 31in layga samata bixiyo kuwa caasiyiinta ah oo Yahuudiya jooga, iyo in hawshayda aan Yeruusaalem u qabanayo ay noqoto mid ay qoduusiintu aqbalaan: 32inaan farxad idiinku imaado haddii Ilaah doonayo. oo aan idinla nasto. 33Ilaaha nabaddu ha idinla jiro kulligiin. Aamiin.
Cutubka 16
Salaan
1Waxaan idin barayaa walaasheen Foybi oo ah mid u adeegta kiniisadda ku taal Kenekhreya, 2inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida qoduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda. 3Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix, 4oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahad naqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahad naqayaan. 5Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa. 6Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay. 7Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray. 8Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama. 9Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama. 10Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama. 11Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira. 12Turufayna iyo Turufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama. 13Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah. 14Igu salaama Asunkaritos. iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga. 15Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us. iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo qoduusiinta iyaga la jooga oo dhan. 16Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho qoduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan. 17Haddaba walaalayaalow,. waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatoyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga. 18Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan. Laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta. 19Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay. Laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah. 20Oo Ilaaha nabaddu Shaydaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto. 21Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos. iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga. 22Anigoo Tertiyos ah oo warqaddan qoray. Rabbigaan idinku salaamayaa. 23Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan. 24Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.
Ammaan
25Haddaba ammaanu ha u ahaato kan kara inuu idinku xoogeeyo injiilkayga iyo wacdiga ku saabsan Ciise Masiix iyo muujinta qarsoodiga oo qarsoonaa tan iyo weligiis, 26laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka. 27Ilaaha keligiis ah oo xigmadda leh. Ciise Masiix ammaanu ha ugu ahaato weligiis. Aamiin
[1] 1:14 Barbariyiin = dad aan af Gariig ku hadlin.

Previous:
FALIMAHA RASUULLADA
