Personal tools

WARQADDII KOWAAD EE RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII KORINTOS

Cutubka 1

Salaan iyo mahadnaqid

1Bawlos oo loogu yeedhay inuu doonistii Ilaah ku ahaado rasuulkii Ciise Masiix. iyo walaalkeen Soostenees. 2wax aannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah ee Korintos ku taal. kuwa qoduus lagaga dhigay Ciise Masiix ee loogu yeedhay qoduusiin iyo kuwa meel kasta jooga oo ku barya magaca Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Rabbigooda iyo keennaba. 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix. 4Mar kasta Ilaahay ayaan idiinku mahad naqaa, nimcadii Ilaah ee Ciise Masiix laydinku siiyey aawadeed. 5Maxaa yeelay. wax walba hodan buu idinkaga dhigay, ha ahaato hadal walba iyo aqoon walbaba, 6sida laydiinku adkeeyey maraggii Masiixa loo fura!; 7si aan hadiyadiinna idiinka dhinmin intaad sugaysaan muujinta Rabbigeenna Ciise Masiix; 8kan haddana idinku adkayn doona ilaa dhammaadka. inaad eedla'aataan maalinta Rabbigeenna Ciise Masiix. 9Ilaah waa aamin, kan xaggiisa laydiinku yeedhay xidhiidhka Wiilkiisa Ciise Masiix ee Rabbigeenna ah.

Dadka kiniisaddu way kala qaybsameen

10Walaalayaalow. waxaan magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinkaga baryayaa inaad dhammaantiin isku wax ku wada hadashaan, iyo inaydnaan kala qaybsamin, laakiin inaad ku dhammaataan isku maan iyo isku talo. 11Walaalahayow, dadkii Khalo’ee ayaa iiga kiin warramay in ilaaqi idin dhex taal. 12Tan waxaan ula jeedaa midkiin inuu leeyahay, Waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos: mid kalena, Kuwa Abolloos: mid kalena. Kuwa Keeyfas; mid kalena. Kuwa Masiix. 13Masiixu miyuu qaybsamaa? Bawlos miyaa iskutallaabta laydiinku qodbay? Ama ma waxaa laydinku baabtiisay magaca Bawlos? 14Waxaan Ilaah ugu mahad naqayaa inaanan midkiinna baabtiisin. Kirisbos iyo Gayus maahee 15inaanu ninna odhan, Waxaa laydinku baabtiisay Bawlos magiciisa. 16Waxaan kaloo baabtiisay kuwii guriga Istefanaas joogay. Weliba garan maayo inaan qaar kale baabtiisay iyo in kale. 17Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso. Laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo. ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka. waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraa e.

Xoogga iskutallaabta

18Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya. 19Maxaa yeelay, waxaa qoran Xigmadda kuwa xigmadda leh waan baabi'in doonaa. Oo garashada kuwa garashada leh ayaan diidi doonaa. 20Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida? 21Dunidu Ilaah kuma ay garanaynin xigmaddeeda, laakiin Ilaah xigmaddiisa aawadeed ayuu ku farxay inuu kuwa rumaysta ku badbaadiyo nacasnimadii wacdiga. 22In kastoo ay Yuhuuddu calaamooyin doonaan oo Gariigtuna ay xigmad doonaan. 23annaguse waxaannu dadka ku wacdinna Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay. oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo. 24Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Griigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah. 25Waayo, nacasnimada Ilaah waa ka xigmad badan tahay xigmadda dadka, oo itaaldarrada Ilaahna waa ka itaal badan tahay itaalka dadka. 26U fiirsada waxa laydiinku yeedhay, walaalayaalow, sidaan loogu yeedhin qaar badan oo xigmad leh xagga jidhka, ama qaar badan oo xoog leh, ama qaar badan oo gob ah, 27laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh. oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh. 28Waxyaalaha hoose iyo waxyaalaha la fududaystana Ilaah baa doortay. xataa waxyaalaha aan jirin, inuu waxyaalaha jira wax aan wax tarin ka dhigo, 29si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa. 30Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah. iyo xaqnimada. iyo qoduusnaanta. iyo madaxfurashada. 31in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.

Cutubka 2

Xigmadda dadka iyo muujinta Ilaah

1Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah. 2waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee. 3Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan 4Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga, 5inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado. 6Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabi'in doono: 7laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, 8tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garaaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, 9laakiin sida qoran. Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin. Oo aan qalbiga dadka gelin, Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel. 10Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah. 11Waayo, dadka dhexdood yaa garanaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane. 12Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey. 13Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka. Laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah. 14Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo. nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa. 15Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa. Laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo. 16Waayo, yaa gartay maanka Rabbiga inuu wax baro isaga? Laakiin annagu waxaannu leennahay maanka Ciise.

Cutubka 3

Iskala qaybinta waa laga digay

1Anna, walaalayaalow, idiinlama aan hadli karin sida idinkoo ruuxa raaca, laakiin idinkoo jidhka raaca sida kuwo ilmo yaryar ah oo ku jira Masiix. 2Waxaan idin siiyey caano ee idinma aan siin cunto, waayo. weli ma aydaan cuni karin, haatanna weli ma aad kartaan. 3Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn? 4Waayo, markii mid yidhaahdo, Anigu waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos, mid kalena, Anna Abolloos, miyaanaydin dad ahayn? 5Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga. 6Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey. 7Taa aawadeed waxba ma aha kan beeraa, ama kan waraabiyaa. laakiin waa Ilaah kan koriyaa. 8Kan beeraa iyo kan waraabiyaa waa isku mid, laakiin mid kastaa wuxuu heli doonaa abaalkiis siday hawshiisu ahayd. 9Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.

Macallimmada mas'uuliyaddooda

10Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo. 11Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix. 12Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab. ama lacag. ama dhagaxyo qaali ah. ama qoryo. ama caws. ama bal, 13nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo. maalintu way caddayn doontaa. maxaa yeelay. dab baa lagu muujiyaa. waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona. 14Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho. abaal buu heli doonaa. 15Nin uun haddii shuqulkiisu gubto, wuu khasaari doonaa. isaga qudhiisuse wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa. 16Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro? 17Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo. isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa qoduus. kaad idinku tihiin. 18Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho. 19Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa. 20oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin. 21Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax alba idinkaa leh, 22ha ahaadeen arna Bawlos, ama Abolloos. ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh. 23Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.

Cutubka 4

Rasuullada mas'uuliiyaddooda xagga Ilaah

1Ha lanagu tiriyo inaannu nahay midiidinyada Masiixa iyo wakiillada waxyaalaha qarsoon ee Ilaah. 2Haddaba waxaa laga doonayaa wakiillada in aamin laga helo. 3Laakiin waa ila yar tahay inaad idinku i xukuntaan ama in dad kale i xukumo; xataa aniga qudhaydu isma xukumo. 4Waayo, waxba iskuma ogi. laakiinse ma aha taas aawadeed in xaq layga dhigay, waayo. waa Rabbiga kan i xukumaa. 5Taa aawadeed wakhtiga hortiisa waxba ha xukumina ilaa Rabbigu imanayo, kan waxyaalaha qarsoon ee gudcurka iftiimin doona oo muujin doona tashiyada qalbiga, oo markaas nin kastaaba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Ilaah. 6Haddaba, walaalayaalow, waxyaalahan ayaan aawadiin u soo qaaday qudhayda iyo Abolloosba, inaad xaggayaga ka barataan inaydnaan ka gudbin waxyaalaha qoran oo aan midkiinna midka kale u faanin. 7Waayo, yaa kaa soocay'? Maxaad haysataa oo aanad helin? Laakiin haddaad heshay, bal maxaad u faanaysaa sidii adigoo aan helin? 8Horaad u dheregteen, horaad hodan u noqoteen, la'aantayo sida boqorro ayaad wax u xukunteen. Waan jeclaan lahaa inaad wax xukun taan, inaannu annaguna wax idinla xukunno. 9Waayo. waxaan u malaynayaa in Ilaah na soo saaray. annagoo ah rasuulladii ugu dambeeyey. sida kuwa dhimashada lagu xukumay oo kale, maxaa yeelay, wax la daawado ayaa lanooga dhigay dunida, iyo malaa'igaha, iyo dadkaba. 10Annagu waxaannu nahay Masiixa aawadiis doqonno, idinkuse caqli baad ku leedihiin xagga Masiixa. Annagu waa xoog daran nahay, idinkuse waad xoog badan tihiin? idinku ammaan baad leedihiin, annaguse waa maamuus la' nahay. 11Tan iyo saacaddan waan gaajaysan nahay, waanan harraadsan nahay, waanan arradan nahay, waa nala garaacay, oo meel aan ku hoyannona ma lihin. 12Waana hawshoonnaa annagoo gacmahayaga ku shaqayna: markii lana caayona waan ducaynaa; markii lana silciyona waan dulqaadannaa. 13Markii lana xantona, si qabow ayaannu u hadallaa, waxaannu noqonnay uskagga dunida iyo waxa ugu wasakhsan wax kasta tan iyo haatan.

Sidii aabbe oo kale ayaa loo waaniyey oo loogu digay

14Anigu waxyaalahaas u qori maayo inaan idin ceebeeyo laakiin inaan idin waaniyo sida carruurtayda aan jeclahay oo kale. 15In kastoo aad leedihiin toban kun oo Masiix idinku rabbeeyey, aabbayaal badan ma lihidin, waayo, Ciise Masiix ayaan idinku dhalay xagga injiilka. 16Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad igu dayataan 17Taas aawadeed waxaan idiin soo diray Timoteyos oo xagga Rabbiga ah wiilkayga aan jeclahay oo aaminka ah. Wuu idin xusuusin doonaa socodkayga ee ah xagga Masiixa, sidaan meel kasta wax ugu baro kiniisad kasta. 18Qaar baa kibray sidii anigoo aan idiin imanaynin. 19Laakiin dhowaan baan idiin iman doonaa, haddii Rabbigu yidhaahdo, oo markaasaan garan doonaa kuwa kibray xooggooda, ee ma aha hadalkooda. 20Waayo, boqortooyada Ilaah hadal ma aha, ee waa xoog. 21Maxaad doonaysaan? Ma inaan ul idiinla imaado, mise jacayl iyo ruux qabow?

Cutubka 5

Sino aad u xun

1Meel walba waxaa laga maqlay in dhexdiinna ay sino ku jirto. sinada caynkaas ahna xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ma qabaan, taasoo ah inuu midkiin naagtii aabbihii haysto. 2Weliba waad kibirsan tihiin. kamana aydnaan caloolxumaan, si kii waxaas sameeyey dhexdiinna looga saaro. 3Waayo, runtii, in kastoo jidhkaygu idinka maqan yahay, ruuxaygu waa idinla joogaa. oo sidii aniga oo jooga ayaan kii waxaas sameeyey ku xukumay 4magaca Rabbigeenna Ciise. Markaad idinka iyo ruuxayguba isugu timaadaan xoogga Rabbigeenna Ciise, 5waa inaad kaasoo kale Shayddaanka u dhiibtaan in jidhku baabba’o. ruuxuse badbaado maalinta Rabbiga. 6Faankiinnu ma wanaag sana. Miyeydnaan garanaynin in in yar oo khamiir ah ay cajiinka oo dhan khamiiriso? 7Khamiirkii hore iska safeeya inaad noqotaan cajiin cusub sidii idinkoo aan khamiirsanayn. Waayo, Masiixa ah Kormariddeenna waa la sadaqeeyey. 8Haddaba yaynaan ku iidin khamiirkii hore ama khamiirka xumaanta iyo sharka, laakiin aan ku iidno kibista khamiirka la' ee daacadda iyo runta ah. 9Waxaan warqaddaydii idiinku soo qoray inaydnaan kuwa sinaysta raacin. 10Ulama jeedo kuwa sinaysta ee dunidan, iyo kuwa damaca badan iyo kuwa wax dulma. iyo kuwa sanamka caabuda, waayo, hadday sidaas tahay waxay noqon lahayd inaad dunida ka baxdaan. 11Laakiin hadda waxaan idiin soo qoray, Ha raacina qof walaal la yidhaahdo hadduu sinaysto, ama wax badan damco, ama sanam caabudo, ama wax caayo, ama sakhraamo, ama wax dulmo. Waa inaydnaan kaasoo kale xataa wax la cunin. 12Waayo, maxaa iigu jira inaan xukumo kuwa dibadda ah? Idinku miyeydnaan xukumin kuwa gudaha ku jira? 13Kuwa dibadda ah Ilaah baa xukuma. Idinkuse kan sharka leh dhexdiinna ka saara.

Cutubka 6

Dacwado ay Masiixiyiintu isdacweeyaan

1Midkiin haddii uu xaal ku haysto kan kale, miyuu ku dhacaa inuu ku dacweeyo kuwa aan xaqa ahayn hortooda, oo aanu ku dacwayn qoduusiinta hortooda? 2Mise waydnaan garanaynin in qoduusiintu ay dunida xukumi doonaan? Oo haddaad dunida xukuntaan, ma waxaad tihiin kuwa aan istaahilin inay waxyaalaha yaryar xukumaan'? 3Miyeydnaan ogayn inaynu malaa'igaha xukumi doonno? Intee ka badan baa waxyaalaha noloshan ku saabsan aynu xukumaynaa? 4Haddaba haddii aad leedihiin axwaal ku saabsan waxyaalaha noloshan, kuwa aan waxba ka ahayn kiniisadda miyaad ka dhigaysaan inay xukumaan? 5Waxaan taas u leeyahay inaan idin ceebeeyo. Ma sidaas baa inaan dhexdiinna laga helaynin mid xigmad leh oo karaya inuu u gar qaybiyo walaalihiis, 6laakiin in walaal walaalkii dacweeyo oo uu weliba ku dacweeyo kuwa aan rumaysnayn hortooda? 7Haddaba waa idiin wada daran tahay h midkiinba midka kale dacweeyo. Maad iska daysaan, ha laydin xumeeyee? Maad iska daysaan. ha laydin dulmee? 8Laakiin idinka qudhiinnu wax baad xumaysaan oo dulantaan. oo xataa walaalihiin. 9Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha. ama kuwa sanamka caabuda. ama kuwa sinaysta, ama khaniisiinta. 10ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca. ama kuwa sakhraama. ama kuwa wax caaya. ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah. 11Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay. qoduus baa laydinka dhigay. xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.

Daahirla'aanta iyo nolosha Masiixigu ma wada socdaan

12Wax waliba waa ii xalaal. Laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan. 13Cuntada waxaa loo sameeyey caloosha, calooshana cuntada, laakiin Ilaah baa baabi in doona tan iyo taaba. Jidhka looma samayn sinada ee waxaa loo sameeyey Rabbiga. Rabbiguna jidhkuu xanaaneeyaa. 14Ilaah waa sara kiciyey Rabbiga, innagana xooggiisa ayuu inagu sara kicin doonaa. 15Miyaanaydin garanaynin jidhadhkiinnu inay yihiin xubnaha Masiixa? Haddaba miyaan qaadaa xubnaha Masiixa oo dhillo xubnaheed ka dhigaa? Yaanay noqon. 16Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay. waayo. Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh. 17Laakiin kii Rabbiga raacaa waa la ruux. 18Ka carara sinada. Dembi kaloo kasta oo nin falo, jidhka waa ka dibadda, laakiin kii dhillanimada falaa jidhkiisuu ku dembaabaa. 19Ama miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Qoduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? oo idinku isma lihidin, 20waayo. qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.

Cutubka 7

Arrimaha ku saabsan guurka iyo guurla'aanta iyo furidda

1Waxyaalahaad ii soo qorteen xaggooda. Waxaa nin u wanaagsan inuusan qof dumar ah taaban. 2Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto. naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato. 3Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso. 4Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya. sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo. Laakiin afadaa u talisa. 5Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane. oo aad haddana isu timaadaan. si aan Shayddaanku idiin duufin iscelin-la'aantiinna aawadeed. 6Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo. 7De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa. midkan sidan, kaasna sidaas. 8Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan, 9laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen. 10Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa. kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin. 11Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la’aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin. 12Kuwa kale anigu waxaan ku leeyahay ee ma aha Rabbiga, Hadduu mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la joogto, yaanu ka tegin. 13Oo afadii nin aan rumaysanayni qabo oo isna raalli ka yahay inuu la joogo, yaanay ninkeeda ka tegin. 14Waayo, ninka aan rumaysanayni wuxuu qoduus ku noqdaa xagga naagta, oo naagta aan rumaysanaynina waxay qoduus ku noqotaa xagga ninka rumaysan, haddii kale carruurtiinna wasakh bay ahaan lahaayeen. Laakiin haatan waa qoduus. 15Laakiin haddii kan aan rumaysanayni tago, ha iska tago. Waxaas oo kale walaalka ama walaashu uma xidhxidhna. Ilaah wuxuu inoogu yeedhay nabad. 16Waayo, sidee baad ku garanaysaa, naag yahay, inaad ninkaaga badbaadin doonto iyo in kale? Ama sidee baad ku garanaysaa, nin yahow, inaad naagtaada badbaadin doonto iyo in kale? 17Hase ahaatee, mid kastaa ha u socdo sidii Rabbigu ugu qaybshay iyo sidii Ilaah mid kasta ugu yeedhay. Oo sidaasaan kiniisadaha oo dhan ku amraa. 18Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin. 19Gudniintu waxba ma aha; gudniinla'aantuna waxba ma aha, laakiin waxaa waajib ah in la xajiyo qaynuunnada Ilaah. 20Nin kastaa sidii loogu yeedhay, ha sii ahaado. 21Ma laguu yeedhay adigoo addoon ah? Dan ha u gelin. Laakiin haddaad karayso inaad xorowdid, waa inaad aqbashid. 22Waayo, kii xagga Rabbiga loogu yeedhay isagoo addoon ah, wuxuu yahay ninka xorta ah ee Rabbiga, sidaas oo kalena kii isagoo xor ah loo yeedhay, wuxuu yahay addoonka Masiix. 23Qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday; addoommada dadka ha noqonina. 24Walaalayaalow, nin kastaa sidii loogu yeedhay ha sii ahaado. isagoo Ilaah la jira. 25Amar bikradaha ku saabsan kama haysto xagga Rabbiga. Laakiin waxaan kula talinayaa sida mid Rabbiga naxariis ka helay inuu aamin ahaado. 26Sidaa daraaddeed waxay ila tahay dhibta haatan joogta aawadeed ina! u roon tahay nin inuu sii ahaado siduu yahay. 27Miyaad naag ku xidhan tahay? Ha doonin inaad ka furnaato. Miyaad naag ka furan tahay? Ha doonin naag. 28Laakiin haddaad guursatid ma aad dembaabin. bikraduna hadday guursato ma ay dembaabin. Laakiin kuwaas oo kale xagga jidhka dhib bay ka heli doonaan. Laakiin dhibtaasaan idinka celin lahaa. 29Laakiin waxaan leeyahay, walaalayaalow, wakhtiga waa la soo gaabiyey. hadda kaddib kuwa naagaha qabaa ha ahaa deen sidii iyagoo aan qabin: 30oo kuwa ooyaana sidii iyagoo aan ooyin, kuwa farxaana sidii iyagoo aan farxin, kuwa wax iibsadaana sidii iyagoo aan waxba lahayn: 31kuwa dunidan ku isticmaalaana sidii iyagoo aan aad ugu isticmaalin. waayo. xaalka dunidan waa idlaanayaa. 32Waxaan jeclaan lahaa inaad welwel la'aataan. Kii aan guursanin wuxuu u welwelaa waxyaalaha Rabbiga. siduu Rabbiga uga farxin lahaa. 33Laakiin kii guursaday wuxuu u welwelaa waxyaalaha dunida siduu afadiisa uga farxin lahaa. 34Afada iyo bikraddu waa kala duwan yihiin. Tii aan la qabinu waxay u welweshaa waxyaalaha Rabbiga si ay qoduus uga ahaato xagga jidhka iyo xagga ruuxa. Tii guursatay waxay u welweshaa waxyaalaha dunida si ay ninkeeda uga farxiso. 35Tan waxaan idinku leeyahay waxtarkiinna aawadii ee ma aha inaan qool idin geliyo. Laakiin in waxa roon la arko iyo inaad Rabbiga u adeegtaan kala-jeedsad- la'aan. 36Nin uun hadduu u maleeyo inuu wax aan toosnayn ku falayo xagga bikraddiisa, hadday wakhtigii dhallinyaronimadeedii dhaafto oo sidaas loo baahnaado. ha sameeyo wuxuu dooni lahaa. Dembaabi maayo ee ha guursadeen. 37Kii qalbigiisa ka adkaysta. isagoo aan la qasbin. Laakiin nafsaddiisa u taliya. uuna qalbigiisa ka goostay inuu bikraddiisa iska sii hayo. si wanaagsan buu falaa. 38Sidaasna kii bikraddiisa u guuriyaa si wanaagsan ayuu falaa. iyo kii bikraddiisa aan u guurinin si ka wanaagsan ayuu falaa. 39Naag waxay ku xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay. Laakiin haddii ninku dhinto. waa xor inay guursato kay doonto laakiin xagga Rabbiga oo keliya. 40Laakiin way ka sii faraxsanaan lahayd hadday iska joogto, siday aniga ila tahay. oo anigu waxaan u malaynayaa inaan Ruuxa Ilaah leeyahay.

Cutubka 8

Waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo

1Xagga waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo, waxaynu garanaynaa inaynu dhammaan aqoon u wada leennahay. Aqoontu way kibrisaa. jacaylkuse wax buu dhisaa. 2Qof uuni hadduu u malaynayo inuu wax garanayo. weli garan maayo siduu u garan lahaa. 3Laakiin qof uuni hadduu Ilaah jecel yahay. Ilaah baa garanaya isaga. 4Haddaba xagga cunidda waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo. waxaynu garanaynaa inuusan sanam waxba dunida ka ahayn oo aan Ilaah jirin mid mooyaane. 5Waayo. in kastoo ay samada iyo dhulkaba jiraan wax ilaahyo lagu sheego, sidii iyadoo ilaahyo badan iyo sayidyo badni jiraan, 6laakiin innagu waxaynu leennahay Ilaah keliya oo Aabbaha ah. kan wax waluba ka yimaadaan oo innagana isagaa ina leh; iyo Sayid keliya oo Ciise Masiix ah, kan wax waluba ku ahaadeen oo innaguna isagaynu ku ahaannay.

Walaalka itaalka daran

7Laakiin dad oo dhammu aqoontaas ma wada laha. Laakiin qaar sanamka tan iyo hadda u bartay, waxay u qabaan waxay cunaan sidii wax sanam loo sadqeeyo, qalbigooda itaalka daranina wuu nijaasoobay. 8Cuntadu ina hor joojin mayso Ilaah. Haddaynaan cunin waxba inagama dhacaan, haddaynu cunnona waxba inooma kordhaan. 9Laakiin iska dhawra si aan ikhtiyaarkiinnu wax lagu turunturoodo ugu noqon kuwa itaalka daran. 10Haddii qof ku arko adigoo aqoonta leh oo cunto ugu fadhiya meeshii sanamyada, hadduu qalbiga ka itaal daran yahay. qalbigiisu miyaanu ku adkaanaynin inuu cuno waxa sanamyada loo sadqeeyo? 11Waayo, waxaa aqoontaada aawadeed lumaya ka itaalka daran oo ah walaalkaagii uu Masiixu aawadiis u dhintay. 12Markaad walaalaha sidaas ugu dembaabtaan oo aad qalbigooda itaalka daran u xumaysaan, waxaad ku dembaabtaan Masiix. 13Taa aawadeed haddii cunto walaalkay xumayso, hilib weligay ma cuni doono si aanan walaalkay u xumayn.

Cutubka 9

Wixii rasuulkii xaqiisu ahaa ayuu sii daayay

1Miyaanan xor ahayn? Miyaanan rasuul ahayn? Miyaanan arkin Rabbigeenna Ciise? Miyeydnaan ahayn shuqulkayga xagga Rabbiga'? 2Xataa haddaanan kuwa kale rasuul u ahayn. idinka waa idiin ahay. waayo, waxaad tihiin shaabadda rasuulnimodayda xagga Rabbiga. 3Daafacaaddayda aan kuwa i imtixaama iskaga daafaco waa tan. 4Miyaannaan annagu jid u lahayn inaannu wax cunno oo wax cabno? 5Miyaannaan jid u lahayn inaannu haweenay walaal ah kaxaysanno sida rasuullada kale iyo walaalaha Rabbiga iyo Keeyfas ay sameeyaan? 6Mise aniga iyo Barnabas oo keliyaan jid u lahayn inaannaan shaqayn? 7Askarigee baa qarashkiisa weligiis iska bixiya? Yaa beer canab ah beera oo aan midhaheeda cunin? Ama yaa adhi daajiya oo aan caanaha adhiga dhamin? 8Waxyaalahaas ma sida dad baan u leeyahay? oo sharcigu miyuusan waxyaalahaas oo kale lahayn? 9Waayo. waxaa ku qoran sharciga Muuse, Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo. Ma Ilaah baa dibiyada oo keliya dhawra, 10mise innagoo dhan buu inoola jeeda? Hubaal, aawadeen baa loo qoray, waayo, kan beerta qodaa waa inuu rajo ku qodo, kan tumaana waa inuu tumo isagoo rajaynaya inuu wax qayb u helo. 11Haddaannu idinku beernay waxyaa laha ruuxa, ma wax weyn baa haddaannu waxyaalaha jidhka. idinka urursaano? 12Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannaan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannaan sina u joojin injiilka Masiix. 13Miyeydnaan ogayn kuwa waxyaalaha qoduuska ah ka shaqeeyaa inay macbudka wax ka cunaan, kuwa meesha allabariga ka adeegaana inay meesha allabariga qayb ku leeyihiin? 14Sidaas oo kale Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka injiilka ku wacdiyaa ay injiilka ku noolaadaam 15Laakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin. 16Waayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin. 17Waayo, haddaan waxaas ku sameeyo doonistayda aawadeed, abaalgud baan helayaa, laakiin haddaanan doonistayda ku samayn. weli wakiil nimo baa laygu aaminay. 18Haddaba abaalgudkaygu waa maxay? Waa in markaan injiilka dadka ku wacdiyo aan injiilka ka dhigo iib la aan, si aanan ugu wada isticmaalin waxa ii jidka ah xagga injiilka. Aad buu ugu dadaalay inuu dad u jiido Masii. 19Waayo, in kastoo aan xor ka ahaa dad oo dhan, dhammaan ayaan addoon isaga dhigay, si aan qaar kaloo badan u soo kordhiyo. 20Yuhuudda waxaan u noqday sida Yuhuudi oo kale, si aan Yuhuud kale u soo kordhiyo. Kuwa sharciga ka hooseeyana, sida mid sharciga ka hooseeya ayaan u noqday, aniga oo aan sharciga ka hoosayn, si aan kuwa sharciga ka hooseeya u soo kordhiyo. 21Xagga kuwa aan sharciga lahayn. sida mid aan sharci lahayn ayaan u noqday anigoo aan ahayn mid sharci la xagga Ilaah, laakiin sharci leh xagga Masiix, si aan u soo kordhiyo kuwa aan sharciga lahayn. 22Xagga kuwa itaalka daran waxaan u noqday mid itaal daran. si aan kuwa itaalka daran u soo kordhiyo. Dadka oo dhan ayaan wax kasta u noqday inaan si kastaba qaar ku badbaadiyo. 23Wax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis. si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga. 24Miyaanad ogayn in kuwa tartan ku ordaa ay wada ordaan laakiin mid uun baa dheefta hela? Sidaas u orda inaad heshaan. 25Kii cayaarta aad ugu dadaalaa, wax w alba ayuu iska dhawraa. Kuwaasu haddaba waxay sidaas u yeelaan inay taaj dham maanaya helaan, innaguse waxaynu helaynaa mid aan dham maanaynin. 26Haddaba anigu uma ordo qasdi la'aan, uma feedhtamo sida mid dabaysha ku dhufanaya. 27Laakiin jidhkaygaan dhibaa oo addoon ka dhigaa si markaan qaar kale injiilka ku wacdiyo aan qudhayda lay diidin.

Cutubka 10

1Walaalayaalow, anigu dooni maayo inaad garan weydaan siday awowayaasheen oo dhammu daruurta uga wada hooseeyeen, oo ay dhammaantood badda u wada dhex mareen, 2iyo sidii dhammaantood xaggii Muuse loogu baabtiisay daruurta iyo baddaba, 3iyo siday dhammaantood u wada cuneen isku cunto ruuxa ah, 4oo dhammaantoodna ay u wada cabbeen isku cabbid ruuxa ah, waayo, waxay ka cabbeen dhagaxa ruuxa ah oo ka daba imanayay iyaga, dhagaxuna wuxuu ahaa Masiixa. 5Laakiin Ilaah kuma farxin badidood, oo waxaa iyaga lagu rogay cidlada. 6Waxyaalahaasi waxay inoo noqdeen masaallo si aynaan waxyaalaha sharka ah u damcin siday iyagu u damceen. 7Oo kuwa sanamka caabuda ha ahaanina siday qaarkood u ahaayeen. Sida qoran, Dadku waxay u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo waxay u kaceen inay cayaaraan. 8Oo yaynaan sinaysanin siday qaarkood u sinaysteen oo saddex iyo labaatan kun ay maalin keliya u dhinteen. 9Oo yaynaan jirrabin Rabbiga siday qaarkood u jirrabeen oo ay masasku u baabi'iyeen. 10Oo ha gunuunacina siday qaarkood u gunuunaceen oo uu baabbi’iyuhu u baabi'iyey. 11Waxyaalahaasi waxay iyaga ugu dhaceen masaal ahaan, oo waxaa loo qoray in laynagu waaniyo innagoo wakhtiyada dhammaatinkoodii ina soo gaadhay. 12Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin. 13Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan. 14Sidaa daraaddeed, gacaliyayaalow, sanamcaabudidda ka carara. 15Waxaan idiinla hadlayaa sida dad caqli leh loola hadlo oo kale. Idinku qiyaasa waxaan leeyahay. 16Koobka barakada leh ee aynu u ducayno miyaanu ahayn isla-wadaagidda dhiigga Masiix? Kibistaynu jebinnaa, miyaanay ahayn isla-wadaagidda jidhka Masiix? 17Innagu in kastoo aynu badan nahay, waxaynu nahay jidh qudha, maxaa yeelay, waxaa jira kibis qudha, waayo, dhammaanteen waxaynu wada qaybsannaa kibista qudha. 18Eega reer bini Israa'iil xagga jidhka; kuwa allabaryada cunaa miyaanay la wadaagin meesha allabariga? 19Haddaba maxaan leeyahay? Wax sanam loo sadqeeyo waa wax? Ama, sanam baa wax ah? 20Laakiin waxyaalaha ay dadka aan Yuhuudda ahayn sadaqeeyaan, waxay u sadaqeeyaan jinniyo, ee Ilaah uma sadaqeeyaan. Dooni maayo inaad jinniyada wax la wadaagtaan. 21Iskuma wada cabbi kartaan koobka Rabbiga iyo koobka jinniyada. Kama wada qayb geli kartaan miiska Rabbiga iyo miiska jinniyada. 22Miyaynu Rabbiga ka hinaasinnaa? Miyaynu isaga ka xoog badan nahay? 23Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan. 24Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon. 25Wax kasta oo suuqa lagu iibiyo cuna, idinkoo aan waxba weydiinaynin niyada aawadeed. 26Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba. 27Mid ka mid ah kuwa aan rumaysnayn hadduu diyaafad idiinku yeedho oo aad doonaysaan inaad tagtaan, wax kasto oo laydin hol- dhigoba cuna, idinkoo aan waxba weydiinaynin niyada aawadeed. 28Laakiin haddii laydinku yidhaahdo, Tanu waa wax sanam loo sadaqeeyey, ha cunina, kan idiin sheegay aawadiis iyo niyada aawadeed. 29Waxaan leeyahay, niyada kan kale, ee ma aha taada. Waayo, xoriyaddayda maxaa loogu xukumaa mid kale niyadiis? 30Haddaan mahad kaga qayb galo. maxaa la iigu caayaa wixii aan ku mahad naqo? 31Haddaba haddaad wax cuntaan. ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa. 32Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Griigta ama kiniisadda Ilaah, 33sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon. Laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.

Cutubka 11

1Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo. 2Waxaan idinku ammaanayaa inaad wax walba igu xusuusataan oo aad u xagsataan cilmiga sidaan idiinku sheegay. 3Laa kiin waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan inuu Masiixu yahay madaxa nin kasta, ninkuna inuu yahay madaxa naagta, Ilaahna inuu yahay madaxa Masiixa. 4Nin kasta oo tukada ama wax sii sheega isagoo madaxa wax u saaran yihiin, madaxiisuu ceebeeyaa. 5Oo naag kasta oo tukata ama wax sii sheegta iya doo aan gambaysnayn, madaxeeday ceebaysaa. Waayo, waxay la mid tahay sidii iyadoo madax xiiran. 6Naag haddaanay gambaysnayn, timaha ha loo jaro. Laakiin hadday ceeb ku tahay naag in loo jaro ama in loo xiiro, ha gambaysato. 7Nin waa inuusan madaxa dedan, waayo, ninku wuxuu yahay u-ekaanta iyo ammaanta Ilaah; naagtuna waxay tahay ammaanta ninka. 8Waayo, ninku xagga naagta kama uu iman, laakiin naagtuse xagga ninka aay ka timid. 9Maxaa yeelay, ninka looma abuurin naagta aawadeed. Laakiin naagtase ninka aawadiis ayaa loo abuuray. 10Taas aawadeed naagtu waxay leedahay inay madaxeeda ku lahaato astaanta amarka, malaa'igaha aawadood. 11Hase ahaatee, xagga Rabbiga naagtu waxba ma aha ninka la'aantiis, ninkuna waxba ma aha naagta la'aanteed. 12Waayo, sida naagtu ninka uga timid ayaa ninkuna naagta uga dhashay, wax kastana xagga Ilaah bay ka yimaadeen. 13Idinkuba ka fiirsada. Ma u eg tahay naagta inay Ilaah barido iyadoo aan gambays nayn? 14Dabiicadda qudheedu miyaanay idin barin in ninku hadduu timo dheer leeyahay ay maamuusdarro u yihiin isaga, 15laakiin naagtu hadday timo dheer leedahay, waa u sharaf iyada. Waayo, timaha waxaa iyada loo siiyey hagoog. 16Laakiin haddii nin u eg yahay mid ilaaq jecel, caadadaas oo kale annagu ma lihin. kiniisadaha Ilaahna ma laha.

Maamuusjebinta cashada Rabbiga

17Anigoo tan idin faraya, idin ammaani maayo, waayo, isuguma timaadaan waxa roon, ee waxaad isugu timaadaan waxa daran. 18Horta haddaba waxaan maqlay inaad iskala qaybisaan markaad kiniisadda isugu timaadaan, badhna waan rumaysanahay. 19Waayo, dhexdiinna waa inay jiraan waxyaalo idinkala sooco in kuwa loo bogay ay idinka dhex muuqdaan. 20Sidaa daraaddeed markaad isu timaadaan, isuguma timaadaan inaad cashada Rabbiga cuntaan. 21Waayo, mid kasta cashadiisuu kan kale ka hor cunaa, mid waa gaajaysan yahay, midna waa sakhraansan yahay. 22Sow ma lihidin guryo aad wax ku cuntaan oo wax ku cabtaan? Mise kiniisadda Ilaah baad fududaysanaysaan, oo aad kuwa aan waxba haysan ceebaynaysaan? Maxaan idinku idhaahdaa? Ma waxaanan idinku ammaanaa? Idinku ammaani maayo!

(Mt. 26:26-29; Mk. 14:22-25; Lk. 22:14-20)

23Waayo, Rabbigaan ka helay wixii aan idiin dhiibay, taasoo ah, in Rabbi Ciise habeenkii la gacan geliyey uu kibis qaaday, 24oo markuu ku mahad naqay ayuu jejebiyey oo yidhi, Tanu waa jidhkaygii laydiin jejebiyey, tan u sameeya inaad igu xusuusataan. 25Sidaas oo kalena cashada dabadeed ayuu qaaday koobkii, isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub ee dhiiggayga. Tan u sameeya inaad igu xusuusataan mar alla markaad cabtaan. 26Waayo, mar alla markaad kibistan cuntaan oo aad koobkan cabtaan, waxaad muujinaysaan dhimashada Rabbiga ilaa uu yimaado.

Waa inaan cashada si aan istaahilin loo qaadan

27Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan. 28Nin kastaa ha is-imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabbo. 29Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin. 30Sababtaas aawadeed ayay badidiinnu u itaal daran yihiin, oo u bukaan, oo qaar aan yaraynu u dhinteen. 31Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen. 32Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida. 33Taa aawadeed, walaalahayow, markaad isugu timaadaan inaad wax cuntaan. isa suga. 34Nin uun hadduu gaajoodo, gurigiisa wax ha ka soo cuno, inaydnan xukun isugu iman. Intii kale waxaan hagaajin doonaa markaan imaado.

Cutubka 12

Hadiyadaha Ruuxa oo kala duduwan oo isku Ruux ah

1Walaalayaalow, dooni maayo inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan hadiyadaha Ruuxa ka yimaada. 2Waad og tihiin in, markaad dad aan Ilaah aaminin ahaan jirteen, laydin geeyn jiray sanamyada aan hadli karin, si laydinku geeyn jirayba. 3Sidaa daraaddeed waxaan idin ogeysiinayaa inaan nin Ruuxa Ilaah ku hadlaa odhanaynin, Ciise waa inkaaran yahay, oo aan ninna odhan karin, Ciise waa Rabbi, inuu Ruuxa Qoduuska ah ku hadlo mooyaane. 4Waxaa jira hadiyado kala cayn ah, laakiin waa isku Ruux. 5Waxaana jira adeegid kala cayn ah, waana isku Rabbi. 6Waxaana jira shuqullo kala cayn ah, laakiin waa isku Ilaah, kan dhammaan wax walba kaga dhex shaqeeya. 7Laakiin mid kasta waxaa muujinta Ruuxa loo siiyaa waxtar. 8Mid waxaa laga siiyaa xagga Ruuxa hadal xigmad ah, mid kalena hadal aqoon ah siduu isku Ruuxu doonayo. 9Mid kale Ruuxu rumaysad buu siiyaa, mid kalena hadiyado wax lagu bogsiiyo ayuu isku Ruuxu siiya. 10Mid kalena shuqullo cajaa ib leh, mid kalena wax-sisheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda. 11Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan. isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya. Masaalka ku saabsan jidhka 12Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale. 13Waayo, Ruux qudha ayaa dhammaanteen jidh qudha inagu baabtiisay, haddaynu nahay Yuhuud ama Gariig, ama addoommo ama kuwa xor ah. oo waxaa laynaga waraabiyey Ruux qudha. 14Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan. 15Hadday cagtu tidhaahdo, Anigu gacan ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn. 16Hadday dhegtu tidhaahdo, Anigu isha ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn. 17Haddii jidhka oo dhammu il wada ahaan lahaa, meeye dhegihii wax lagu maqli lahaana? Hadduu dhammaan dhego wada ahaan lahaa, meeh sankii wax lagu urin lahaana? 18Haatanse Ilaah baa siduu doonayay xubnaha middood kastaba jidhka ugu hagaajiyey. 19Hadday dhammaan ahaan lahaayeen xubin qudha, meeh jidhkii? 20Haatanse waa xubno badan laakiin waa jidh qudha. 21Ishu gacanta kuma odhan karto, Kuuma baahni; madaxuna cagaha kuma odhan karo, Idiinma baahni. 22Xataa xubnaha jidhka oo loo maleeyo inay u itaal yar yihiin, iyaga qudhooda waa loo baahan yahay, 23oo kuwa jidhka oo aynu u malayno inay u maamuus yar yihiin, kuwaas ayaynu ka sii maamuusnaa kuwa kale, oo xubnaheellna cawrada ah baa ka xurmo badan kuwa kale. 24Xubnaheenna aan cawrada ahaynse waxba uma baahna. Laakiin Ilaah baa jidhka isku hagaajiyey isagoo tan ugu daran maamuus badan siinaya, 25inaan jidhku qaybsanaall, laakiin in xubiniba xubinta kale u welwesllo. 26Haddii xubh qudha xanuunsato, xubnaha oo dhammu way la xanuunsadaam Haddii xubin la maamuuso, xubnaha oo dhammu way la farxaan 27Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah. 28Ilaah markii hore kiniisadda qaar wuxuu uga dhigay rasuullo, markii labaadna qaar kale nebiyo, markii saddexaadna qaar kale macallimmo, dabadeedna qaar cajaa ibyo sameeya. qaarna kuwo leh hadiyado wax lagu bogsiiyo, qaarna kaalmeeyayaal, qaarna taliyayaal, iyo qaar afaf kala cayn ah ku hadla. 29Dhammaan ma wada rasuullo baa? Dhammaan ma wada nebiyo baa? Dhammaan ma wada macallimmo baa? Dhammaan ma wada cajaaibyo sameeyayaal baa? 30Dhammaan ma wada leeyihiin hadiyado wax lagu bogsiiyo? Dhammaan ma ku hadlaan afaf kala cayn ah? Dhammaan wax ma fasiraan? 31Laakiin aad u doona hadiyadaha u waaweyn. Oo weliba waxaan idin tusayaa jid kan ka sii wanaagsan.

Cutubka 13

Jacaylku waa hadiyadda u weyn

1Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale. 2Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax-sii-sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoollla oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuralla ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi. 3Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ii tari maayo. 4Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro, 5wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro, 6xaqdarrada kuma farxo, laakiin wuxuu ku farxaa runta. 7Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa. 8Jacaylku weligii ma idlaado. Hadday waxsheegidi jirto way baabi'i doontaa, hadday afaf jiraan way dhammaan doonaan, hadday aqooni jirto way baabi'i doontaa. 9Waayo, waxaynu naqaan waa qabyo, oo si qabyo ahaan ah ayaynu wax u sii sheegnaa. 10Laakiin markii waxa dhammi ay yimaadaan, waxa qabyada ahi way idlaan doonaan. 11Markaan ilmo yar ahaan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u hadli jiray, sidii ilmo oo kale ayaan wax u garan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u fikiri jiray, laakiinse haatan waxaan noqday nin weyn, oo waxyaalihii carruurnimada waan iska fogeeyey. 12Haatan si aan caddaan ahayn ayaynu muraayad wax ugu aragnaa, laakiin markaas ka fool ka fool ayaynu wax u arki doonnaa. Hadda si qabyo ahaan ah ayaan wax u garanayaa, laakiin markaas waxaan u garan doonaa sidii la ii gartay. 13Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.

Cutubka 14

Hadiyadaha wax-sii-sheegidda iyo kuhadlidda afafka kale

1Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan. 2Waayo, kii af uusan aqoon ku hadlaa, lama hadlo dadka, wuxuuse la hadlaa Ilaah, waayo, ninna ma garto; laakiin Ruuxa ayaa waxyaalaha qarsoon kaga dhex hadliya. 3Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh. 4Kii af uusan aqoon ku hadlaa wuu isdhisaa, laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dhisaa kiniisadda. 5Waxaan jeclaan lahaa inaad dhammaantiin afaf ku wada hadashaan, laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Kii afaf ku hadlaa hadduusan fasirin, waxaa ka sii weyn kii wax sii sheega, si ay kiniisaddu u hesho wax ay ku dhisanto. 6Laakiin hadda, walaalayaalow, haddaan idiin imaado, anigoo afaf ku hadlaya, maxaan idiin tari doonaa, haddaanan idinkula hadlin muujin ama aqoon ama wax-siisheegid ama waxbarid? 7Xataa waxyaalo aan naf lahayni markay dhawaaqaan, ha ahaadeen ama biibiile ama kataarad, haddaanay dhawaaqa kala soocin. sidee baa loo kala garanayaa waxa la yeedhiyo ama waxa kataaradda laga dhawaajiyo? 8Hadduu buunku ku dhawaaqo cod aan la kala garan, yaa dagaal isu diyaargarayn doona? 9Sidaasoo kalena idinku markaad af ku hadashaan haddaydnaan ku hadlin hadal la garto. sidee baa loo garanayaa waxa lagu hadlayo. waayo. dabayshaad la hadlaysaan. 10Mindhaa waxaa dunida jira codad badan oo kala cayn ah, oo mid aan micne lahayni ma jiro. 11Haddaba haddaanan garanaynin micnaha codka, waxaan kii hadlaya u ahaan doonaa nin qalaad, kan hadlayaana nin qalaad ayuu ii ahaan doonaa. 12Sidaasoo kale idinkuna. idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda. 13Sidaa daraaddeed kii af ku hadlaa, Ilaah ha ka baryo si uu u fasiro. 14Waayo, haddaan Ilaah af aanan oqoon ku baryo, ruuxayga ayaa barya. Laakiin garashadaydu faa iido ma leh. 15Maxaa jira haddaba? Ruuxa ayaan Ilaah ku baryi doonaa. Laakiin waxaan kaloo isaga ku baryi doonaa garashada. Ruuxa ayaan ku heesi doonaa. oo garashadana waan ku heesi doonaa. 16Haddii kale haddaad ruuxa ku ducaysid, kii meesha jooga oo aan garanaynin, sidee buu u odhan doonaa, Aamiin. markaad mahad naqaysid, hadduusan garanaynin waxaad leedahay? 17Si wanaagsan baad u mahad naqdaa, laakiin kan kale ma dhisna. 18Waxaan Ilaah ugu mahad naqayaa inaan afaf ku hadlo intaad dhammaantiin ku hadashaan in ka badan. 19laakiin kiniisadda dhexdeeda, meeshii aan toban kun oo eray af kaga hadli lahaa, waxaan ka jeclaan lahaa inaan shan eray garashadayda ku hadlo inaan kuwa kalena wax baro. 20Walaalayaalow, carruur ha ka noqonina xagga maanka, xagga xumaantase dhallaan ka ahaada, laakiin xagga maanka dad waaweyn ka ahaada. 21Waxaa sharciga ku qoran, Waxaan dadkan kula hadli doonaa afaf qalaad iyo bushimo dad kale, oo xataa sidaa daraaddeed ima maqli doonaan, ayuu Rabbigu leeyahay. 22Haddaba afafku calaamo uma aha kuwa rumaysta ee waxay calaamo u yihiin kuwa aan rumaysan, waxsii-sheegidduse calaamo uma aha kuwa aan rumaysan. Laakiin waxay calaamo u tahay kuwa rumaysta. 23Haddaba haddii kiniisadda oo dhammu isu timaado, oo ay ku wada hadlaan afaf; oo haddii dad aan garanaynin ama aan rumaysanayni soo galaan, miyaanay odhanaynin. Waad waalan tihiin? 24Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa. 25Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa. 26Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin. 27Haddii nin uun af ku hadlo, ha ahaadeen laba, ama hadday u bataan, saddex, oo midba markiisa ha hadlo. midna ha fasiro, 28laakiin haddaan mid fasiraa jirin, kiniisadda ha ka aammusnaado, oo isagu ha la hadlo qudhiisa iyo Ilaah. 29Nebiyadana laba ama saddex ha hadleen, kuwa kalena ha kala xukumeen waxay leeyihiin. 30Laakiin haddii wax loo muujiyo mid ag fadhiya, kii hore ha aamuso. 31Waayo, dhammaantiin mid mid baad wax u sii wada sheegi kartaan, si ay dhammaan wax u bartaan oo dhammaan loogu wada gargaaro. 32Oo ruuxyada nebiyadu waa ka dambeeyaan nebiyada. 33Waayo, Ilaah ma aha [laaha isku qasnaanta. Laakiin waa kan nabadda. Kiniisadaha qoduusiinta oo dhan dhexdoodana waa sidaas oo kale. 34Dumarku markay kiniisadaha joogaan ha aammuseen, waayo, looma fasixin inay hadlaan; laakih1 ha dambeeyeen, sida uu sharcigu leeyahay. 35Hadday doonayaan inay wax bartaan. nimankooda ha ku weydiiyeen guriga, maxaa yeelay, waa ku ceeb naag inay kiniisadda dhexdeeda ku hadasho. 36Maxaa jira! Ma idinkay ahaayeen kuwii uu hadalka Ilaah ka soo baxay, mise keligiin buu idiin yimid? 37Nin uun hadduu isu maleeyo inuu nebi yahay, ama mid Ruuxa raaca, ha garto waxyaalahaan idiin soo qorayo inay yihiin qaynuunka Rabbiga. 38Nin uuni hadduusan ogayn tan. isagana lama yaqaan. 39Taa aawadeed, walaalahayow, ku dadaala inaad wax sii sheegtaan, hana diidina in afaf lagu hadlo, 40laakiin wax walba ha loo sameeyo si habboon oo hagaagsan.

Cutubka 15

1Walaalayaalow, waxaan idin ogeysiinayaa injiilka aan idinku wacdiyey, oo aad idinkuna aqbasheen, oo aad ku taagan tihiin, 2oo aadna ku badbaaddeen, haddaad xajisaan hadalkii aan idinku wacdiyey, haddaydnaan micne la aan u rumaysan. 3Waayo, markii ugu horraysay waxaan idiin dhiibay waxaan aniguba helay, oo waxa ù eeye, Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna sida Qorniinku leeyahay, 4waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida Qorniinku leeyahay. 5Markaasuu Keeyfas u muuqday, markii dambena laba iyo tobankii. 6Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah. kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay. 7Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan. 8Markii ugu dambaysayna aniga oo dhicis oo kale ah, ayuu ii muuqday. 9Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilh1 in loogu yeedho rasuul. waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray. 10Laakiin Ilaah nimcadiisa ayaan ku ahay waxaat1 ahayba, oo nimcadiisii lay siiyeyna wax aan waxtar lahayn ma ay noqon, laakiin anigu waxaan u hawshooday si ka badan dhamn1aantood, anigase ma aha laakiin waa nimcada Ilaah ee ila jirtay. 11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen. 12Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto? 13Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin. 14Oo haddaan Masiixa la sara kicin, markaas wacdigayagu waa khasaare, rumaysadkiinnuna waa khasaare. 15Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin. 16Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin? Masiixana lama sara kicin. 17Oo haddii aan Masiixa la sara kicin? rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan 18Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen. 19Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn? waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan. 20Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey? isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay. 21Dhimashadu nin bay ku timid, saas aawadeed sarakicidda kuwii dhintayna nin bay ku timid. 22Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa, 23laakiin mid kasta markiisa, Masiixa midhaha ugu horreeya, markaas kuwa Masiixana wakhtiga imaath1kiisa. 24Markaasaa dhammaadku iman doonaa. markuu isagu boqortooyada u dhiibi doono Ilaaha Aabbaha ah, markuu baabbi'iyo madax walba iyo amar walba iyo xoog walba daba deed. 25Waayo. waa inuu wax xukumo ilaa uu cadaawayaashiisa oo dhan cagihiisa hoostooda geliyo. 26Oo cadaawaha ugu dambeeya ee la baabbi'in doonaa waa dhimasho. 27Waayo, Wax walba cagihiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo? Wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan wax walba hoostiisa geliyey. 28Markii wax walba la hoos geliyo isaga, markaas ayaa Wiilka qudhiisana la hoos gelin doonaa kan wax walba hoos geliyey isaga, inuu Ilaah wax walba u ahaado dhammaan. 29Haddii kale maxay samayn doonaan kuwa loo baabtiisay kuwii dhintay? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicinba, maxaa haddana loogu baabtiisaa iyaga? 30Maxaynu saacad walba haalis ugu jirnaa? 31Faanka aan idiin qabo xagga Rabbigeenna Ciise Masiix ayaan ku caddaynayaa, walaalayaalow, inaan maalin walba dhinto. 32Haddii aan sida dadka dugaag ugu la dagaallamay Efesos, maxay ii taraysaa? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonnaa e. 33Yaan laydin khiyaanayn, kuwa xun lasocodkoodu waa halleeya asluubta wanaagsan. 34Si qumman u toosa oo hana dembaabina, waayo, qaar baan Ilaahba aqoonin. Waxaan taas u leeyahay inaan idinka xishoodsiiyo. 35Laakiin mid baa odhan doona, Sidee baa kuwii dhintay loo sara kiciyaa? Oo jidh caynkee ah bay ku yimaadaan? 36Doqon yahow, waxaad adigu beertid ma noolaado haddaanu dhiman. 37Oo waxaad beertidba ma beertid jidhka noqonaya, laakiin iniintoo qudha, ha ahaato iniin sarreen ah, ama iniin cayn kale ah. 38Laakiin Ilaah wuxuu iyada siiyaa jidh siduu u doonayay, iniin kas­tana jidhkeeda. 39Hilib oo dhammu isku hilib ma aha, laakiin waxaa jira hilibka dadka iyo hilibka kaloo dugaagga, iyo hilibka kaloo shimbirraha, iyo hilibka kaloo kalluunka. 40Oo waxaa jira jidhadhka samada iyo jidhadhka dhulka, laakiin ammaanta kuwa samadu waa mid, oo tan kuwa dhulkuna waa mid kale. 41Waxaa jirta ammaanta qorraxda iyo ammaanta kaloo dayaxa iyo ammaanta kaloo xiddigaha, waayo, xiddiguba xiddigta kale way ka ammaan duwan tahay. 42Sarakicidda kuwii dhintayna waa sidaas oo kale. Waxaa la beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla'aan. 43Waxaa lagu beeraa maamuusla'aan, waxaana lagu sara kiciyaa ammaan, waxaa lagu beeraa itaaldarro, waxaa lagu sara kiciyaan xoog. 44Waxaa la beeraa jidh naf leh, waxaana la sara kiciyaa jidh ruux leh. Hadduu jiro jidh naf leh, jidh ruux lihina waa jiraa. 45Haddaba waxaa qoran, Aadan oo ahaa ninkii ugu horreeyey wuxuu noqday naf nool, Aadankii ugu dambeeyeyse wuxuu noqday ruux wax nooleeya. 46Hase ahaatee, kan ruuxa lihi ma aha kii ugu horreeyey laakiin kan nafta leh, markaasna kan ruuxa leh. 47Ninkii ugu horreeyey waa kan dhulka oo cammuud ah, ninkii labaadna waa kan jannada. 48Sida kan cammuudda ah kuwa cammuud ahina waa sidaas oo kale, oo sida kan jannada, kuwa jannaduna waa sidaas oo kale. 49Oo sidaynu ugu eg nahay kan cammuudda ah, sidaas oo kale ayaynu ugu ekaan doonnaa kan jannada. 50Waxaan leeyahay, walaalayaalow, Jidhka iyo dhiiggu ma dhaxli karaan boqortooyada Ilaah. Qudhunkuna ma dhaxli karo qudhunla'aanta. 51Eega, waxaan idiin sheegayaa wax qarsoon. Dhammaanteen ma wada dhiman doonno, laakiin dhammaanteen waa layna beddeli doonaa, 52dhaqsiba, intaan il laysku qaban, markii buunka ugu dambeeya la yeedhiyo; waayo, buunku waa dhawaaqi doonaa oo kuwii dhintayna qudhunla’aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa. 53Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla’aanta, oo kan dhimana­yaana waa inuu gashado dhimashola’aan. 54Markii kan qudhmayaa uu gashado qudhunla’aanta, oo kan dhimanayaana uu gashado dhimashola'aanta, markaas hadalka qorani wuu noqon doonaa ee ah, Dhimashadii waxaa liqday libtii. 55Dhimashoy, meeday libtaadii? Dhimashoy, meeday mici­daadii? 56Micida dhimashadu waa dembiga, oo xoogga dembiguna waa sharciga. 57Laakiin Ilaah baa mahad leh kan libta inagu siiya Rabbigeenna Ciise Masiix. 58Sidaa daraaddeed, walaalahaygii aan jecelahayow, noqda kuwa adag, oo aan dhaqaaqayn, oo had iyo goorba shuqulka Rabbiga si aad ah u sameeya, idinkoo og hawshiinnu inayan khasaare ahayn xagga Rabbiga.

Cutubka 16

Wax-u‑ururinta masaakiinta Yeruusaalem

1Haddaba sidaan u amray kiniisadihii Galatiya, inay wax u ururshaan qoduusiinta, idinkuna sidaas oo kale yeela. 2Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin. 3Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan. 4Oo hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan.

Bawlos arrimihiisii iyo nabadgelyaynta

5Markaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin iman doonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa. 6Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabixisaan meel alla meeshaan tegi doono. 7Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo. 8Laakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste. 9Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan. 10Timoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale. 11Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco. 12Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo. 13Soo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba. 14Wax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya. 15Walaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanaas jooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay qoduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa 16inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda. 17Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanaas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray. 18Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale. 19Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba. 20Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho qoduus ah. 21Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa. 22Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaar-­ naado. Rabbigeennu waa imanayaa. 23Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto. 24Dhammaantiin jacaylkayga ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.

Document Actions