Personal tools

WARQADDII LABAAD EE RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII KORINTOS

Cutubka 1

Salaan iyo mahadnaqid

1Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli qoduusiinta Akhaya oo dhan jooga. 2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada laaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix. 3Waxaa barako leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oo dhan, 4kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gar­gaaray. 5Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay. 6Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna, aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuun­sanno. 7Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh. 8Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay. 9Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhima­shada, inaannaan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay. 10Isagaa naga samato bixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samato bixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samato bixin doono; 11idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahad naqaan aawadayo. Bawlos daacadnimadiisii 12Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay qoduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna. 13Wax kale idiin soo qori mayno waxaad akhridaan oo aad garanaysaan mooyaane, oo waanan rajaynayaa inaad sii garan doontaan ilaa dham­maadka. 14Sidaad si ahaan noogu garateen inaannu faankiinna nahay, sidaas oo kale idinkuna kayagaad tihiin maalinta Rabbigeenna Ciise. Bawlos imaatinkiisuu dib u dhigay 15Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan; 16iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabixisaan. 17Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayga noqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya? 18Laakiin sida uu Ilaah aamin u yahay, hadalkayagu xaggiinna ma aha, Haah, iyo Maya. 19Waayo, Wiilka Ilaah oo ah Ciise Masiix, ee aannu aniga iyo Silwanos iyo Timoteyos dhexdiinna kaga wacdinnay, ma ahayn Haah iyo Maya, laakiin xaggiisa waa Haah. 20Waayo, in kastoo ay badan yihiin ballammadii Ilaah, waxaa isaga xaggiisa ku jira, Haahda, oo weliba xaggiisa waxaa ku jira, Aammintaa, in xaggeenna Ilaah laga ammaano. 21Laakiin kan ina wada xoogeeya xagga Masiixa oo ina subkay waa Ilaah, 22kan haddana ina shaabadeeyey oo carbuunta Ruuxa inagu siiyey qalbigeenna. 23Laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naf­tayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho. 24Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.

Cutubka 2

1Laakiin waxaan aniga qudhaydu goostay inaanan haddana caloolxumo idiinla imanin. 2Waayo, haddaan idin calool xumeeyo, waa kee kan iga farxinayaa kii aan calool xumeeyey maahee? 3Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda 4kulligiin. Waayo, dhib badan iyo silica qalbiga ayaan idinku soo qoray anigoo aad u ilmaynaya, oo ma aha inaad calool xumaataan, laakiin inaad garataan jacaylka aad u sii badan ee aan idiin qabo. Dembiilaha toobad keena waa in la aqbalo 5Laakiin mid uuni hadduu qof calool xumeeyey, aniga ima uu calool xumayn, laakiin dhammaantiin buu si ahaan idiin calool xumeeyey: dooni maayo Man idin culays iyo. 6Taq­siirtan kuwa badani ay saareen way ku filan tahay kaasoo kale. 7Laakiinse waa inaad isaga cafidaan oo u gargaartaan inaanay sina caloolxumo aad u badani liqin kaasoo kale. 8Sidaa daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaad jacaylkiinna u caddaysaan isaga. 9Waayo, taa aawadeed ayaan u qoray inaan idin imtixaamo inaad wax walba ku dhega nugushihiin iyo in kale. 10Kii aad wax ka cafidaan, aniguna waan ka cafiyaa: waxaan anigu ka cafiyeyna, haddaan wax ka cafiyey, waxaan uga cafiyey aawadiin Masiix hortiisa, 11inaan Shayddaan inaga faa'iidaysan, waayo, innagu ma nihin kuwo jaahil ka ah xeeladdiisa.

Dhibaatooyinka iyo libta xagga injiilka

12Markaan Taroo’as imid inaan injiilka Masiix kaga wacdiyo; ee uu Rabbigu irid iga furay, 13ruuxaygu ma nasan, waayo, ma aan helin walaalkay Tiitos, laakiin iyagaan nabad geliyeeyey oo Makedoniyaan u kacay. 14Ilaah baa mahad leh kan had iyo goorba libta inagu si1ya Masiix, oo meel walba udgoonka aqoontiisa gaadhsiiya, ee innaga inagu gaadhsiiya. 15Waayo, waxaynu Ilaah u nahay udgoonka Masiix xagga kuwa bad­baadaya iyo kuwa lumayaba; 16kuwa dambe udgoonka xagga dhimasho ilaa dhimasho, kuwa kalena udgoonka xagga nolol ilaa nolol. Oo yaa ku filan waxyaalahan? 17Waayo, innagu la mid ma nihin kuwa badan ee hadalka Ilaah ka baayacmushtara, laakiin sida kuwa daacadda ah iyo kuwa Ilaah ayaynu Masiix ugu hadallaa Ilaah hortiisa.

Cutubka 3

Adeegayaasha axdiga cusub

1Miyaannu bilaabaynaa inaannu haddana is‑ammaanno? Ama miyaannu u baahan nahay warqado ammaan ah in laydiin diro ama in laydiinka soo diro sida qaar kale? 2Idinku waxaad tihiin warqaddayada ee qalbigayaga ku qoran, tan ay dadka oo dhammu garanayaan oo akhriyaan, 3idinkoo muuqanaya inaad tihiin warqadda Masiixa ee ah taannu ka adeegnay, ee aan khad lagu qorin, laakiinse lagu qoray Ruuxa Ilaaha nool, oo aan lagu qorin looxyo dhagax ah dushood laakiin lagu qoray looxyo qalbiyo jiidh ah dushood. 4Hubaalkan oo kale ayaannu Masiix ku leennahay xaggii Ilaah; 5ma aha inaannu isku filan nahay inaannu wax ka tashanno xagga qudhayada, laakiin isku‑fillaantayadu waa xagga Ilaah 6kan haddana naga dhigay kuwa ku filan inaannu ka adeegno axdiga cusub, ma aha xagga qorniinka, laakiin xagga ruuxa, waayo, qorniinku wax buu dilaa, laakiin ruuxu wax buu nooleeyaa. 7Laakiin adeegidda dhimashada keentaa ee qorniin lagu xardhay dhagaxyo, hadday ammaan la ahaatay, si aan reer binu Israa’iil u karin may Muuse wejigiisa aad u eegaan ammaanta wejigiisa aawadeed ee ah tan idlaanaysa, 8sidaanay u ahayn adeegidda ruuxa inay la ahaan doonto ammaan? 9Waayo, hadday adeegidda xukunka keentaa ammaan ahayd, adeegidda xaqnimada keentaa aad bay uga ammaan badan tahay. 10Waayo, wixii ammaan lahaan jiray, ammaan kama lahayn wixii kan ku saabsan, ammaanta ka sarraysa aawadeed. 11Waayo, haddii waxa idlaanayaa ammaan lahaan jiray, intee ka badan baa waxa hadhaa ammaan leeyahay. 12Haddaba rajo caynkaas ah oo, aannu leennahay aawadeed bayaan ayaannu u hadalnaa. 13Ma nihin sida Muuse, kan indho shareertay inaan reer binu Israa'iil aad u eegin dham­maadka tan idlaanaysay. 14Laakiin fikirradoodii way adkaa­deen. Waayo, tan iyo maalintaas markii axdiga hore la akhriyo, indho shareerkaas ayaa hadha Isagoo aan laga saarin, kan xagga Masiix ka idlaaday. 15Laakiin tan iyo maalintaas mar alla markii Muuse wax laga akhriyo dabool ayaa qalbigooda saaran. 16Laakiin mar alla markii loo soo leexdo Rabbiga daboolka waa laga qaadaa. 17Rabbigu waa Ruuxa, oo meeshii Ruuxa Rabbigu joogana, waxaa jira xorriyad. 18Laakiin dhammaanteen innagoo aan indho shareernayn, ammaanta Rabbiga ayaynu arkaynaa sidii oo muraayad lagu arko, oo isu‑ekaanta ayaa laynoo rogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada.

Cutubka 4

Wacdinta aan qalbijab iyo ceeb iyo sir toona lahayn

1Sidaas daraaddeed sida lanoogu naxariistay, annagoo haysanna adeegiddan, qalbi jabi mayno; 2laakiin waxaannu diidnay waxyaalihii qarsoonaa oo ceebta ahaa, annagoo aan sirta ku soconaynin ama aan hadalka Ilaah qalloocinaynin, laakiin muujinta runta ayaannu niyada dadka oo dhan isugu bognaa Ilaah hortiisa. 3Laakiin injiilkayagu hadduu daboolan yahay, wuxuu ka daboolan yahay kuwa lumaya. 4Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u‑ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga. 5Waayo, annaga qudhayadu idinkuma wacdinno wax nagu saabsan, laakiin waxaannu idinku wacdinnaa wax ku saabsan Ciise Masiix oo Rabbiga ah, iyo annagoo ah addoommadiinna Ciise aawadiis. 6Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa. Itaaldarrada rasuulka iyo xoogga Ilaah 7Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan. 8Wax walba waa lanagu dhibay, laakiin lanama cidhiidhiyin, waannu qalbi walaacnay, laakiin ma aannu quusan, 9waa lana silciyey, laakiin lanama dayrin, hoos baa lanoo tuuray, laakiin lanama baabi'in. 10Mar walba jidh­ kaannu ku sidnaa dhimashada Ciise in haddana nolosha Ciise ay jidhkayaga ka muuqato. 11Waayo, annagoo nool waxaa weligayo lanoo bixiyaa dhimasho Ciise aawadiis, in haddana nolosha Ciise ka muuqato jidhkayaga dhimanaya. 12Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex 13shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa. Waxaannu leennahay isku ruuxa ee rumaysadka, sida qoran, waan rumaystay, taas aawadeed ayaan u hadlay; annaguna waan rumaysannaa, taas aawadeedna waannu u hadallaa. 14Waannu garanaynaa in kan sara kiciyey Rabbi Ciise uu inala sara kicin doono Ciise, oo hortiisuu ina wada keeni doonaa idinka iyo annagaba. 15Waayo, wax waliba waa aawadiin, in nimcada kuwa badan ku badanu ay mahad u badiso xagga ammaanta Ilaah. i Dhibaato wakhti ah iyo ammaan weligeed ah 16Sidaa daraaddeed qalbi jabi mayno, laakiin in kastoo nin‑ kayaga dibadda ahu uu kharribmayo, weliba kayaga gudaha ahu maalin kastuu cusboonaanayaa. 17Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu. sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah. 18Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.

Cutubka 5

1Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira. 2Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah. 3Haddii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan. 4Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya. 5Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey. 6Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay, waayo, 7waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga. 8Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno. 9Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno. 10Waayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka kii falay, ha ahaadeen wanaag ama shar e.

Jacaylka Masiixa ayaa na qasba

11Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno. 12Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad up jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin. 13Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin. 14Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen. 15Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.

Nolosha cusub

16Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno. 17Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeen e. 18Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada, 19taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada.

Wacdinta heshiisiiska

20Sidaa daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya. 21Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.

Cutubka 6

1Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryay­naa inaydnan micne la'aan u qaadan nimcadii Ilaah, 2waayo, wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay, Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey. Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta. 3Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin. 4Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo, 5iyo karbaashyo, iyo xabsiyo, iyo rabshooyin, iyo hawlo, iyo soo jeedid, iyo soomid, 6annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Qoduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn, 7iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba, 8haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runtaa ah; 9sida kuwo aan la garanay­nin laakiin la yaqaan, sida kuwo dhimanaya, laakiin bal eeg, waannu nool nahay e, sida kuwo la edbiyo, laakiin aan dhimasho la gaadhsiin, 10sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.

Qalbifurnaan iyo jacayl

11Afkayagu waa idiin furan yahay, idinka dadka Korintosow, qalbigayaguna si weyn buu idiinku furan yahay. 12Annagu idinma aannan cidhiidhiyin, laakiin waxaa idin cidhiidhiyey jacaylkiinna oo qudha. 13Haddaba idinkuna sidaas oo kale abaalgud ahaan u qalbi furnaada. Waxaan idiinla hadlayaa sida carruurtayda oo kale. Waa laga digay in lala saaxiibo kuwa aan rumaysnayn Masiix 14Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan? 15Oo sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin? 16Mac­budka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada, waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 17Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa. 18Waxaan idiin ahaan doonaa Aabbe, Oo idinkuna waxaad ii ahaan doontaan wiilal iyo gabdho, ayuu Rabbiga Qaadirka ahu leeyahay.

Cutubka 7

1Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo qoduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.

Welweliddii iyo dhiirogelintii

2Qalbiyadiinna noo fura. Ninna ma aannu xumayn, ninna ma aannu hallayn, ninna wixiisa ma aannu damcin. 3U odhan maayo inaan idin xukumo, waayo, markii hore ayaan idhi, Qalbiyadayada ayaad ku jirtaan inaynu wada dhimanno oo aynu wada noolaanno. 4Iimaan weyn ayaan idinku qabaa, oo aad baan idiinku faanaa. Dhiiranaan baa iga buuxda, oo mar kastoo aan dhibaataysan nahayna farxad ayaa aad iiga badata. 5Waayo, markaannu Makedoniya nimid jidhkayagu ma nasan, laakiin wax kasta waannu ku dhibtoonnay. Xagga dibadda waxaa pray dagaallo, xagga gudahana waxaa jirtay cabsi. 6Laakiin Ilaaha dhiiro geliya kuwa is‑hoosaysiiya ayaa nagu dhiiro geliyey imaatinka Tiitos; 7mana aha imaatinkiisa oo keliya, laakiin wuxuu nagu dhiiro geliyey dhiirogeliskii aad isaga dhiiro geliseen. Wuxuu noo sii sheegay xiisaha iyo calool­xumaanta iyo dadaalka aad ii qabtaan, si aan weliba aad ugu sii farxay. 8Waayo, in kastoo aan warqaddaydii idinku calool xumeeyey, kama qoomammeeyo, in kastoo aan markii hore ka qoomammeeyay, waayo, waxaan gartay warqaddaas inay idin calool xumaysay, saacadna ha ahaatee. 9Haddana waan ku farxayaa, mana aha inaad si kale u calool xumaateen, laakiin inaad u calool xumaateen toobadkeenidda, waayo, waad u calool xumaateen sida Ilaah doonayay, inaanad waxba xaggayaga ku khasaarin. 10Maxaa yeelay, caloolxumaanta ah sida Ilaah doonayo waxay keentaa toobadda xagga badbaadada ee aan laga qoomammayn, laakiin caloolxumaanta dunidu waxay keentaa dhimasho. 11Bal ogaada, waxakan aad ka calool xumaateen sida Ilaah doonayay wuxuu dhexdiinna ka soo saaray dadaal, iyo iscaddayn, iyo cadho, iyo cabsi, iyo xiiso, iyo qiiro, iyo ciqaabid waaweyn. Wax walba waad isku caddayseen inaad xaalka ku eed la'dihiin. 12Haddaba in kastoo aan idiin soo qoray, uma aan qorin kan wax xumeeyey aawadiis, ama kan la xumeeyey aawadiis, laakiin in dadaalka aad noo qabtaan laydinka muujiyo Ilaah hortiis. 13Sidaa aawadeed waa lana dhiiro geliyey. Dhiirogeliskii aad na dhiiro geliseenna farxad ka sii badan ayaannu ku faraxnay, farxadda Tiitos aawadeed, waayo, dhammaantiin ruuxiisaad nasiseen. 14Waayo, haddii aan xaggiisa wax uun idinku faaniyey, ma aan ceeboobin, laakiin wax walba run ahaan ayaannu idinkula hadalnay, sidaas oo kale ayaa faankayagii aan Tiitos u sheegay run u noqday. 15Jacaylkiisuna wuu ku sii badan yahay xaggiinna, maxaa yeelay, wuxuu xusuustaa dhammaantiin addeeciddiinna iyo sidaad idinkoo cabsanaya oo gariiraya u dhowayseen. 16Waan ku faraxsanahay inaan wax walba kalsooni weyn idiinku qabo.

Cutubka 8

Wax-u-ururinta masaakiinta Yeruusaalem

1Haddaba, walaalayaalow, waxaannu idin ogeysiinaynaa nimcada Ilaah oo la siiyey kiniisadaha Makedoniya, 2si, markii dhib lagu tijaabiyey, farxaddooda badan iyo miskiinnimadooda weyni ay ugu badnaadeen hodantininimada deeqsinimadooda. 3Waayo, waxaan u marag furayaa inay tabartooda ku siiyeen, oo weliba si dhaafsiisan tabartooda, siday u doonayeen, 4iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga qoduusiinta, 5oo nana ahaa sidaan rajaynay, laakiin hortii way isa siiyeen Rabbiga iyo annagaba sidii Ilaah doonayay. 6Sidaas daraaddeed Tiitos waannu ka barinnay, in siduu hortii u bilaabay, sidaas oo kale uu idiin ku dhammeeyo nimcadatan. 7Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan.

Ciise waa masaal

8U hadli maayo amar ahaan, laakiin inaan dadaalka kuwa kale ku caddeeyo lillaahinimada jacaylkiinna. 9Waad garanaysaan nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix in isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan. 10Oo sidan ayaan idinkula talinayaa, waayo, tanu way idiin dhaantaa idinkoo ah kuwii sannaddii hore ugu hor bilaabay inay sameeyaan, mana aha inaad samaysaan oo keliya, laakiin waanad doonaysaan. 11Laakiin hadda shaqadii dhammeeya, in sidaad diyaar u ahaydeen, aad haddana ugu dhammaysaan waxaad awooddaan. 12Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan. 13Waayo, tan u odhan maayo in kuwa kale la daayo oo idinka laydin dhibo, 14laakiin sida ay isku-midnimadu tahay, wax ka siiya waxa badan ee aad wakhtigan la joogo haysataan, waayo, way baahan yihiin, inay waxooda badan wax idinka siiyaan markaad baahataan, si ay isku-midnimo u dhacdo, 15sida qoran, Kii wax badan soo gurtay, waxba uma hadhin, kii wax yar soo gurtayna, waxba kama dhinmin.

Tiitos iyo kuwo kale dadaalkooda

16Laakiin Ilaah baa mahad leh kan qalbiga Tiitos geliyey dadaalka aan idiin qabno oo kale. 17Waayo, wuu aqbalay baryadayadii, laakiin isaga qudhiisu aad buu u doonayaa inuu idiin yimaado, maxaa yeelay, wuu idiin xiisoonayaa. 18Waxaannu isaga la dirnay walaalka ammaantiisa xagga injiilku kiniisadaha oo dhan wada gaadhay. 19Sidaas oo keliyana ma aha, laakiin isagu waa kii ay kiniisaduhu ka dhigeen inuu nala socdaalo hadiyaddan aawadeed tan aannu uga adeegno Rabbiga ammaantiisa aawadeed iyo in la arko diyaarnimadayada. 20Waxaannu iska jiraynaa inaan qofna nagu masabbidin deeqsinimadan aannu ka adeegno, 21waayo, waxaannu ka tashannaa waxyaalaha wanaagsan, mana aha Rabbiga hortiisa oo keliya, laakiin dadka hortiisana. 22Waxaannu iyaga la dirnay walaalkeen kan aannu marar badan caddaynay inuu waxyaalo badan ku dadaalo, haddeerna weliba wuu ka sii dadaal badan yahay hubaasha weyn ee uu xaggiinna ku qabo aawadeed. 23Tiitos waxaa weeyaan wehelkayga iyo ila-shaqeeyahayga xaggiinna; walaaleheenna waa kuwa kiniisaduhu idiin soo direen, waana yihiin ammaanta Masiix. 24Sidaa daraaddeed kiniisadaha hortooda iyaga caddaan ugu tusa jacaylkiinna iyo faanka aannu idiin qabno.

Cutubka 9

1Looma baahna inaan idiin soo qoro wax ku saabsan caawimaadda xagga qoduusiinta, 2waayo, waan garanayaa diyaarnimadiinna aan kuwa Makedoniya idinku faaniyey, in dadka Akhaya sannaddii hore ay diyaar ahaayeen, oo jacaylkiinna kulaylkiisuna badidood buu sii kiciyey. 3Laakiin waxaan u dirayaa walaalaha si aan faanka aannu idinku faaninnay micne la'aan loogaga dhigin xaalkan, inaad diyaar u ahaataan sidaan idhi, 4waaba intaasoo aannu faankan ku ceebownaaye, annagoo keliyana ma aha, laakiin idinkuna waad ku ceeboobaysaan, haddii kuwo reer Makedoniya ahi ay i soo raacaan oo ay idin arkaan idinkoo aan diyaar ahayn. 5Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballan qaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan.

Deeqsinimo iyo hadiyadda Ilaah

6Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa. 7Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya. 8Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan; 9sida qoran, Isagu wuu kala firdhiyey, masaakiintana wax buu siiyey, Xaqnimadiisuna way sii jirtaa weligeedba. 10Kii beerreyga siiya abuur uu abuuro iyo kibis uu cuno, wuu siin doonaa wuuna badin doonaa abuurkiinna aad abuuraysaan, wuuna kordhin doonaa midhaha xaqnimadiinna. 11Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahad naqo. 12Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammays tirto waxa dhiman ee ay qoduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahad naqo. 13Caddaynta adeegiddan aawadeed, waxaa Ilaah loo ammaanaa addeeciddiinna markaad qirataan injiilka Masiix, iyo deeqsinimada markaad la wadaagtaan iyaga iyo dadka kale oo dhan. 14Way idiin duceeyaan, wayna idiin xiisoodaan nimcada aad u badan ee Ilaah ee idinku jirta aawadeed. 15Ilaah baa mahad leh hadiyaddiisa aan la sheegi karin aawadeed.

Cutubka 10

Bawlos amarkiisii wuxuu ka yimid Ilaah

1Aniga qudhayda oo Bawlos ah waxaan idinku baryayaa qaboonimada iyo raxmadda Masiixa, anigoo is-hoosaysiiya markaan dhexdiinna joogo, laakiin xaggiinna geesi ku ah markaan idinka maqnahay. 2Laakiin waxaan idinka baryayaa inaanan anigu markaan joogo geesi ku ahaan hubaashaas aan u malaynayo inaan geesi ku ahaado xagga kuwa nagu tirinaya inaannu sida jidhka ku soconno. 3Maxaa yeelay, in kastoo aannu jidhka ku soconno, sida jidhka uma dagaallanno, 4waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo. 5Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco, 6annagoo u diyaar ah inaannu ka aarsanno caasinimo oo dhan markii ay addeeciddiinnu kaamil noqoto. 7Waxaad eegaysaan waxa idin hor yaal. Haddii qof uun isku hubo inuu ka mid yahay kuwa Masiix, midkaasi mar kale isaga qudhiisu ha ka fiirsado in, siduu isagu uga mid yahay kuwa Masiix, aannu annaguna uga mid nahay. 8Waayo, in kastoo aan si badan ugu faanayo amarkayaga uu Rabbigu noo siiyey inaannu idinku dhisno ee aanu noo siin inaannu idinku duminno, weliba layma ceebayn doono. 9Tan waxaan u idhi inaanan u ekaan sidii anigoo warqadahayga idinku cabsiinaya. 10Waayo, waxay yidhaahdaan, Warqadihiisu culays iyo xoog bay leeyihiin, laakiin joogidda jidhkiisu way tabar daran tahay, oo hadalkiisana waa la fududaystaa. 11Kaasoo kale ha ogaado in sidaannu xagga hadalka warqadaha ku nahay markaannu maqan nahay, aannu xagga falimaha ku nahay markaannu joogno. 12Waayo, kuma dhacno inaannu isku tirinno ama isu ekaysiinno kuwa is-ammaana. Laakiin iyaga qudhooda oo isku qiyaasaya qudhooda oo isu ekaysiinaya qudhooda waa garaadlaawayaal. 13Isu faanin mayno si qiyaastayada dhaafsiisan, laakiin sida ay tahay qiyaasta Ilaah noo qaybiyey inay qiyaas ahaato, si aannu idiin soo gaadhno. 14Waayo, annaga qudhayadu si dhaafsiisan isugu kala bixin mayno sidii annagoo aan idin soo gaadhin; waayo, xataa idinka ayaannu idiinla nimid injiilka Masiix, 15annagoo aan si dhaafsiisan uga faanayn hawlihii dadka kale, laakiin rajo u leh intuu rumaysadkiinnu korayo inaannu aad iyo aad ugu weynaan doonno dhexdiinna sida soohdintayada ah, 16si aannu injiilka ugu wacdinno meelaha idinka shisheeya oo aanan ku faanin waxa laga diyaariyey qof kale soohdintiisa. 17Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano. 18Ma aha ka qudhiisa ammaana ka loo bogaa, laakiin waa ka uu Rabbigu ammaano.

Cutubka 11

Waxyaalo uu Bawlos xaq u lahaa rasuulnimadiisii aawadeed

1Waxaan jeclaan lahaa inaad iigu dulqaadataan doqonnimadayda yar. Laakiin waad ii dulqaadataan. 2Waxaan idiinku masayrsanahay masayr xagga Ilaah ah, waayo, waxaan idiin guuriyey nin keliya, inaan idiin dhiibo Masiix idinkoo ah bikrad daahir ah. 3Laakiin waxaan ka baqayaa in maankiinna laga halleeyo lillaahinimada iyo daahirnimada xagga Masiix, sidii abeesadii xeeladdeedii Xaawa ugu khiyaanaysay oo kale. 4Waayo, haddii mid yimaado oo idinku wacdiyo Ciise kale oo ah ku aanan ku wacdiyin, ama haddii aad heshaan ruux ka duwan kii aad hesheen, ama injiil ka duwan kii aad aqbasheen, si wanaagsan ayaad ugu dulqaadataan. 5Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn. 6Laakiin in kastoo aanan hadalka ku fiicnayn, aqoonta waan ku fiicanahay, oo taasaannu si kasta idiinku muujinnay dadka oo dhan hortiisa. 7Dembi miyaan falay markaan is-hoosaysiiyey in idinka laydin sarraysiiyo, maxaa yeelay, injiilka Ilaah ayaan idinku wacdiyey hadiyad ahaan? 8Kiniisado kale ayaan dhacay, anigoo mushahaaro ka qaadaya, si aan idiinku adeego. 9Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammays tireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa. 10Sida Masiixa runtiisu ay iigu jirto, faankan laygama joojin doono xagga dalalka Akhaya. 11Waayo? Ma waxay tahay inaanan idin jeclayn? Ilaah baa garan. 12Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin. 13Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix. 14Oo la-yaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka. 15Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.

Bawlos oo ku dhibaatooday rasuulnimadiisii

16Haddana waxaan leeyahay, Qofna yaanu doqon ii malayn, laakiin haddaad ii malaysaan, weliba sida doqon ii qaata inaan aniguna in yar faano. 17Waxaan ku hadlayo ugu hadli maayo sida Rabbigu doonayo, laakiin si doqonnimo ah iyo si geesinimadan faanka ah ayaan ugu hadlayaa. 18Siday kuwa badanu jidhka ugu faanaan, ayaan anna ugu faani doonaa. 19Waayo, idinku si farxadleh ayaad doqonnada ugu dulqaadataan idinkoo caqli leh. 20Idinku waad u dulqaadataan nin hadduu idin addoonsado, hadduu wixiinna cuno, hadduu wax idinka qaato, hadduu isa sarraysiiyo, hadduu wejiga idinka dharbaaxo. 21Waan ka xishoonayaa inaan idhaahdo, Waannu tabar daran nahay. Laakiin weliba wax kasta oo uu qof geesi ku yahay aniguna geesi baan ku ahay (sida doqon ayaan u hadlayaa). 22Iyagu ma Cibraaniyo baa? Anna waan ahay. Ma reer bini Israa'iil baa? Anna waan ahay. Ma dhashii Ibraahim baa? Anna waan ahay. 23Iyagu ma Masiix bay u adeegaan? Si ka sii badan ayaan ugu adeegaa. Sidii qof waalan ayaan u hadlayaa. Waan ka hawlo badnaa, waanan ka xabsi badnaa, karbaashyo tiro la'aan ahna waa laygu dhuftay, marar badanna dhimashaan ku dhowaaday. 24Shan goor Yuhuuddu waxay i karbaasheen afartan mid la'. 25Saddex goorna ulaa laygu dhuftay, marna waa lay dhagxiyey, saddex goor doonni baa ila jabtay, habeen iyo maalinna waxaan ku jiray badda. 26Marar badan baan safray, xagga webiyadana khatar baan galay, xagga tuugaggana khatar baan galay, xagga dadkaygana khatar baan galay, xagga dadka aan Yuhuuddu ahaynna khatar baan galay, xagga magaaladana khatar baan galay, xagga cidladana khatar baan galay, xagga baddana khatar baan galay, walaalo been ah dhexdoodana khatar baan ku galay. 27Waxaanna ku jiray dhib iyo daal, marar badanna hurdola'aan iyo gaajo iyo harraad, marar badanna cuntola'aan iyo qabow iyo arrad. 28Waxyaalahaas dibadda ahna waxaa ii dheeraad ah waxaa maalin walba i dhiba ee ah kawelwelidda kiniisadaha oo dhan. 29Kumaa itaal daran oo anna aanan itaal darnayn? Kumaa la xumeeyey oo aanan ka guban? 30Hadday tahay inaan faano waxaan ku faanayaa waxyaalaha ku saabsan itaaldarradayda. 31Ilaaha ah Aabbaha Rabbi Ciise, kan barakada leh weligiis, wuxuu yaqaan inaanan been sheegaynin. 32Xagga Dimishaq taliyihii ka hooseeyey boqorkii Aretas ahaa ayaa gaadh ka qabtay magaalada reer Dimishaq si uu ii qabto. 33Markaas anigoo dambiil ku jira ayaa daaqad xagga derbiga hoos laygaga dejiyey oo aan gacmihiisii ka baxsaday.

Cutubka 12

Riyooyin iyo itaaldarro

1Waa inaan faano in kastoo aanay waxtar lahayn, laakiin waxaan gaadhi doonaa riyooyin iyo waxa Rabbigu muujiyo. 2Waxaan garanayaa nin Masiix ku jira oo afar iyo toban sannadood ka hor kor loo qaaday ilaa samada saddexaad. Inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 3Oo waxaan garanayaa ninkaas, laakiin inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 4Isaga kor baa loogu qaaday Firdooska, oo wuxuu maqlay erayo aan lagu hadlin oo aan nin loo idmin inuu ku hadlo. 5Kaasoo kale xaggiisa waan ku faani doonaa, laakiin xaggayga kuma faani doono, itaaldarradayda mooyaane. 6Waayo, haddaan dooni lahaa inaan faano, doqon ma ahaan doono, waayo, runtaan ku hadli doonaa; laakiin waan iska celiyaa inaanu qofna ii malayn mid ka weyn wuxuu igu arko ama iga maqlo. 7Inaanan isu sarraysiin waxyaalaha lay muujiyey weynaan tooda dheer aawadeed. waxaa lay siiyey wax jidhkayga muda oo ah mid Shayddaan uu soo diray inuu i kadeedo, si aanan isu sarraysiin. 8Waxaas aawadiis saddex goor ayaan Rabbiga ka baryay in waxaasi iga fogaado. 9Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego. 10Sidaa aawadeed waxaan ku farxaa itaaldarrooyin iyo hadallo cay ah iyo baahiyo iyo silicyo iyo dhibaatooyin Masiix aawadiis, waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badnahay.

Bawlos faankiisii

11Doqon baan noqday; idinkaase igu qasbay. Waxay ahayd inaad i ammaantaan, waayo, sinaba ugama aan liidan rasuulladii ugu wada waaweynaa, in kastoo aanan waxba ahayn. 12Hubaal rasuul calaamooyinkiis ayaa si dulqaad leh laydiinka dhex sameeyey xagga calaamooyin iyo yaabab iyo shuqullo xoog leh. 13Maxaa idinka dhiman oo aad uga liidataan kiniisadaha kale, anigoo aan idin culaysin mooyaane? Xumaantan aawadeed iga raalli ahaada. 14Markan waa markii saddexaad oo aan diyaar u ahay inaan idiin imaado; oo idinma culaysin doono, maxaa yeelay, idinkaan idin doonayaa ee ma doonayo wixiinna; waayo, ma aha inay carruurtu waalidkood wax u kaydiso, laakiin waa inuu waalidku carruurta wax u kaydiyo. 15Anna si farxad leh ayaan isu bixin, naftiinnaanan isu bixin. Haddii aan aad idiin jeclahay, ma si ka yar baa lay jecel yahay? 16Hase ahaatee, anigu idinma aan culaysin, laakiin khaa'in baan noqday oo sir baan idinku qabtay. 17Miyaan faa iido ahaan wax idiinkaga qaatay kuwii aan idiin soo diray midkoodna? 18Tiitos waan waaniyey, walaalkeenna waan la diray isagii. Tiitos miyuu faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay? Miyaannaan isku ruux ku socon? Miyaannaan isku tallaabooyin ku socon? 19Haatan waxaad u malaynaysaan inaannu iska kiin daafacayno. Ilaah hortiisa waxaannu u hadlaynaa sida kuwo Masiix, oo gacaliyayaalow, wax kastaba waxaannu u samaynaa si aad u dhisantaan. 20Waayo, waxaan ka cabsanayaa in, kolkaan imaado, aan idinka waayo sidaan doonayo inaad ahaataan, idinna aad iga weydaan sidaad doonaysaan inaan ahaado, waaba intaasoo ay jiraan dirir, iyo masayr, iyo xanaaq, iyo iskala qaybqaybin, iyo cay, iyo xan, iyo qabweynaan, iyo rabshooyin; 21waaba intaasoo kolkaan mar kale imaado uu Ilaahay hortiinna igu hoosaysiiyaa, oo aan u baroortaa kuwo badan oo hadda ka hor dembaabay, oo aan ka toobad keenin wasakhnimadii iyo sinadii iyo nejisnimadii ay faleen.

Cutubka 13

Digidda

1Socodkan aan idiin imanayo was kaygii saddexaad. Laba ama saddex markhaati afkooda ayaa eray walba lagu xaqiiqayn doonaa. 2Markii horaan idhi, haddana waan leeyahay; sidaan idinku idhi markii labaad oo aan idinla joogay, ayaan haatanna anoo idinka maqan ku leeyahay kuwii hadda ka hor dembaabay iyo inta kale oo dhanba in haddaan mar kale imaado, aanan u tudhayn iyaga, 3waayo, waxaad doondoonaysaan wax caddeeya in Masiixu iga dhex hadlayo, kan aan xaggiinna ku itaalka yarayn, laakiinse dhexdiinna ku xoogga badan. 4Waayo, isagoo itaal daran ayaa iskutallaabta lagu qodbay, laakiin wuxuu ku nool yahay xoogga Ilaah. Annaguba isaga waannu la itaal yar nahay, laakiin isagaannu xaggiinna kula noolaan doonnaa xoogga Ilaah. 5Isjirraba inaad iimaanka ku jirtaan iyo in kale, oo bal istijaabiya. Oo miyeydnaan is-ogayn in Ciise Masiix idinku jiro haddaydnaan ahayn kuwo aan loo bogin? 6Laakiin waxaan rajaynayaa inaad ogaan doontaan inaannaan ahayn kuwo aan loo bogin. 7Hadda waxaannu Ilaah ka baryaynaa inaydnan wax shar ah samayn, mana aha inaannu annagu u muuqanno sidii kuwo loo bogay, laakiinse waa inaad idinku samaysaan waxa wanaagsan, in kastoo aannu nahay sidii kuwo aan loo bogin. 8Waayo, annagu ma samayn karno wax runta ka gees ah, laakiinse waxaannu samayn karnaa wax runta la jira. 9Waayo, waannu ku faraxnaa markaannu itaal yar nahay, idinkuna aad itaal weyn tihiin. Wax kalena Ilaah baannu ka baryaynaa oo waa kaamilnimadiinna. 10Sababtan aawadeed ayaan waxyaalahan u qoray intaan maqnaa, si aanan markaan joogo si adag idiinkula macaamiloon sida amarkii Rabbigu ii siiyey inaan idinku dhiso oo aanan idinku dumin.

Dhammaadka

11Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabad geliyo. Qummanaada, dhiiranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa. 12Dhunkasho qoduus ah midkiinba midka kale ha ku salaamo. 13Qoduusiinta oo dhammi way idin soo salaamayaan. 14Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelnimada Ruuxa Qoduuska ahu kulligiin ha idinla jireen.

Document Actions