Personal tools

WARQADDII RASUUL BAWLOS U QORAY DADKA FILIBOY

Cutubka 1

Salaan

1Annagoo ah Bawlos iyo Timoteyos. oo ah addoommadii Ciise Masiix, waxaannu warqaddan u qoraynaa kulli qoduusiinta Ciise Masiix oo magaalada Filiboy la jooga hoggaamiyayaasha kiniisadda iyo caawiyayaasha. 2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix. 3Mar kastoo aan idin xusuustaba Ilaahay baan u mahadnaqaa, 4Oo kol kasta markaan kulligiin idiin duceeyo, waxaan idiin soo duceeyaa anigoo faraxsan 5wehelnimadiinna xagga ka wadashaqaynta injiilka aawadeed maalintii ugu horraysay ilaa haatan. 6Anigu waxaan aaminsanahay in kan shuqul wanaagsan idinku dhex bilaabay uu dhammayn doono ilamaa maalinta Ciise Masiix. 7Haddaba sidaas daraaddeed waa igu qumman tahay inaan sidaas kulligiin idiinka fikiro, waayo, qalbigaan idinku hayaa, maxaa yeelay, kulligiin waxaad tihiin kuwo nimcada igala qayb qaata xagga xidhnaantayda iyo xagga daaficidda iyo xaqiiqaynta injiilkaba. 8Aniga Ilaah baa iiga markhaati ah sidaan kulligiin idinkugu xiisoonayo xagga jacaylka Ciise Masiix. 9Waxaan Ilaah ka baryayaa in jacaylkiinnu aad iyo aad ugu sii bato xagga aqoonta iyo waxgarashada oo dhan, 10inaad waxyaalaha wanaagsan tijaabisaan, oo aad daacad iyo ceeb ka saliin(??) ahaataan ilamaa maalinta Masiixa, 11idinkoo ay midhaha xaqnimadu idinka buuxaan, kuwaas oo Ciise Masiix ku yimaada, oo Ilaah u ah ammaan iyo mahad. Wixii ka dhashay Bawlos xidhidtaankiisii 12Haddaba, walaalayaalow, waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan in waxyaalihii igu dhacay ay injiilka horumar u noqdeen, 13sidaas daraaddeed waxaa askartii boqorka iyo kuwa dale oo dhanba u wada muuqday inaan Ciise Masiix aawadiis u xidhanahay. 14Oo weliba walaalaha xagga Rabbiga badidood, iyagoo xidhnaantayda ku kalsoon, ayay aad iyo aad ugu dhiiran yihiin inay hadalka Ilaah cabsila'aan ku hadlaan. 15Runtii waxaa jira qaar Masiixa ku naadiya xaasidnimo iyo dirir, qaarna waxay ku naadiyaan niyo wanaagsan. 16Qaarkoo waxay ku naadiyaan jacayl, iyagoo og in la ii doortay injiilka daaficiddiisa, 17laakiinse kuwa kale waxay Masiixa u naadiyaan si ay dadka u kala qaybqaybiyaan, iyagoo aan daacad ahayn oo ku fikiraya inay dhib igu kiciyaan anigoo xidhan. 18Haddaba waa sidee? Hadday iska yeelyeel tahay iyo hadday dhab tahayba, Masiixa si kastaba waa loo naadiyaa, oo anigu taas waan ku farxay oo weliba waan ku farxi doonaa. 19Waayo, waxaan ogahay in taasu badbaado ay iigu noqonayso xagga ducadiinna iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix, 20sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiiranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba. 21Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido. 22Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo. 23Laakiinse anigu labada dhexdoodaan ku dhibtoonayaa, oo waxaan jeclahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay, 24laakiinse inaan jidhka ku sii jiro aad baa loogu sii baahan yahay idinka aawadiin. 25Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo far- xadda rumaysadkiinna aawadood, 26in faankiinnu Ciise Masiix ku bato xaggayga, joogistayda aan mar kale idinla joogo aawadeed. 27Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka, 28oo idinku innaba ha ka cabsanina cadaawayaashiinna, taas oo iyaga u ah calaamada halaagga, laakiinse waxay idiin tahay calaamada badbaadadiinna, taasuna waxay ka timaadaa xagga Ilaah. 29Maxaa yeelay, waxaa laydinku siiyey Masiixa aawadiis, mana aha inaad isaga rumaysataan oo keliya, laakiinse inaad isaga daraaddiisna u xanuunsataan, 30idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.

Cutubka 2

1Haddaba haddii ay Masiixa ku jiraan dhiirrigelin iyo qalbiqaboojis jacayl ah iyo haddii ay ku jirto walaalnimo xagga Ruuxa iyo haddii ay ku jiraan jixinjix iyo naxariis, 2farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah. 3Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay. 4Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale. 5Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro. 6Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis, 7laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg, 8oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto. 9Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya; 10in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan, 11iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano. 12Haddaba, gacaliyayaalow, xataa sidii aad weligiin u addeeci jirteen, iyadoo aan ahayn intii aan idinla joogay oo keliya, laakiinse haatan intaan idinka maqnahay si sidii hore aad uga sii badan badbaadadiinna ku shaqaysta cabsi iyo gariir, 13waayo, waa Ilaah kan idinkaga dhex shaqeeya xagga doonista iyo xagga shuqulkaba farxaddiisa wanaagsan aawadeed. 14Haddaba wax walba ku sameeya gunuunac iyo muranla'aantood, 15inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira, 16idinkoo hore u soo fidinaya hadalka nolosha, si aan anigu u helo wax aan ku faano maalinta Masiixa, taas oo ah inaanan micne la'aan u ordin oo aanan micne la'aan u hawshoon. 17Oo weliba haddii laygu dul sadqeeyo allabariga iyo hawsha rumaysadkiinna, waan farxayaa, oo kulligiin waan idinla farxayaa, 18oo weliba sidaas oo kale idinkuna waad farxaysaan oo waad ila rayrraysaan. 19Laakiinse waxaan Rabbi Ciise ka rajaynayaa inaan dhowaan idiin soo diro Timoteyos si aan aniguna ugu farxo markii aan xaaladdiinna ogaado. 20Waayo, ma aan hayo nin isaga la mid ah oo xaaladdiinna si dhab ah uga welwelaya. 21Waayo, iyagu waxay kulligood doonayaan waxyaalahooda, mana aha waxyaalaha Ciise Masiix. 22Laakiinse idinku waad taqaaniin xaqiiqadiisa in sida ilmo aabbihiis ugu adeego uu isagu iigula adeegay xagga injiilka. 23Sidaas daraaddeed waxaan rajaynayaa inaan haddiiba isaga idiin soo diro markii aan arko sida ay xaaladdaydu u socoto. 24Laakiinse Rabbigaan ku kalsoonahay inaan aniga qudhayduna dhowaan idiin iman doono. 25Laakiinse waxaan lagamamaarmaan ku tiriyey inaan idiin soo diro Ebafroditos oo ah walaalkay iyo mid ila shaqeeya oo aan isku askar nahay. oo ah kii aad soo dirteen iyo midiidinkiinna xagga baahidayda. 26maxaa yeelay, isagu wuu idiin xiisooday kulligiin, oo aad buu u tiiraanyooday, waayo, idinku waad maqasheen inuu bukay, 27Oo xaqiiqa isagu wuu bukay oo dhimashuu ku dhowaaday. Laakiinse Ilaah baa u naxariistay isaga. mana alla isaga oo keliya, laakiinse anigana wuu ii naxariistay inaanan lahaan caloolxumo caloolxumo dul saaran. 28Sidaas daraaddeed anigoo aad u dadaalaya ayaan isagii soo diray, inaad faraxdaan markii aad mar kale aragtaan, oo ay anigana caloolxumadu iga yaraato. 29Sidaas daraaddeed idinkoo aad u faraxsan isaga Rabbiga ku qaabbila, oo kuwa isaga la mid ahna maamuusa, 30maxaa yeelay, shuqulka Masiixa aawadiis ayuu dhimasho ugu dhowaaday, markuu nafsaddiisa khatar u geliyey inuu dhammaystiro wixii ka dhinnaa hawshii aad ii qabateen.

Cutubka 3

1Walaalahayow, ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Rabbiga ku farxa. Sida xaqiiqadaa anigu inaan isla wixii idiin soo qoro dhib iguma aha. Laakiinse idinka way idiin roon tahay. 2Eeyaha iska jira, oo iska jira kuwa sharka sameeya, oo iska jira gudniinta beenta ah, 3waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda. oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn, 4in kastoo aan aniga qudhayduba jidhka ku kalsoonahay, haddii nin u malaynayo inuu jidhka ku kalsoon yahay anigu waan ka sii daranahay. 5Aniga waxaa lay guday maalintii siddeedaad, oo waxaan ahay jinsiga reer bini Israa'iil, oo waxaan ka ahay qabiilka Benyaamiin, oo waxaan ahay Cibraani ka mid ah Cibraaniyada; oo xagga sharcigana waxaan ahay Farrisi; 6xagga qiiradana waxaan ahaa mid silcin jiray kiniisadda, xagga xaqnimada sharciga ku jirtana waxaan ahaa eedlaawe. 7Habase yeeshee waxyaalihii faa’iidada ii ahaa kuwaas Masiixa aawadiis ayaan khasaare ku tiriyey. 8Runtii anigu wax kasta ayaan khasaare ku tirinayaa wanaagga aqoonta aan aqaan Rabbigayga Ciise Masiix aawadiis, kaas oo aan aawadiis wax kasta ugu khasaaray, oo haatan waxaan ku tirinayaa inay yihiin qushaash inaan Masiix faa'iido ahaan u helo 9oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo. Laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo, 10inaan ogaado isaga iyo xoogga sarakiciddiisa iyo wadawadaagidda xanuunsigiisa, anigoo isaga xagga dhimashadiisa ugu ekaanaya, 11si kasta ha ahaatee haddii aan gaadhi karo sarakicidda kuwii dhintay. 12Mana aha inaan hore u helay amase hore la ii kaamilay, laakiinse waan ku sii dadaalayaa inaan qabsado wixii Ciise Masiix ii qabtay. 13Walaalahayow, anigu ku tirin maayo inaan aniga qudhaydu weli qabsaday, laakiinse wax keliya ayaan samaynayaa, waxyaalihii iga dambeeyey intaan illoobo ayaan waxaan laacayaa waxyaalaha iga horreeya. 14Anigu waxaan dadaal ugu roorayaa xagga goolka iyo ilaa abaalgudka yee dhista sare oo Ilaah oo ah xagga Ciise Masiix. 15Sidaas daraaddeed in alla inteennii kaamil ahu aan sidaas ku fikirno, oo haddii aad si kala duwan wax kaga fikirtaan, xataa waxaas Ilaah baa idiin muujin doona. 16Laakiin wixii aynu hore u gaadhnay, isla waxaas aynu ku soconno. 17Walaalayaalow, idinku kulligiin igu wada dayda, oo u fiirsada kuwa sidaas u socda xataa sidaad annaga masaal noogu haysataan. 18Waayo, waxaa jira kuwa badan oo socda oo aan marar badan wax idiinka sheegay, oo aan haddana anigoo ooyaya idiin sheegayo inay yihiin cadaawayaasha iskutallaabta Masiixa, 19oo kuwaas dhammaadkoodu waa halligaad, ilaahooduna waa caloosha, ammaantooduna waxay ku jirtaa ceebtooda, oo waxay ka fikiraan waxyaalaha dunida. 20Laakiinse innaga waddaninimadeennu waxay ku jirtaa jannada halkaasoo aynu weliba ka sugayno Badbaadiye kaas oo ah Rabbi Ciise Masiix. 21Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.

Cutubka 4

1Sidaas daraaddeed walaalahayga aan jeclahay oo aan u xiisoonayow, idinku waxaad tihiin farxaddayda iyo tiirkayga. Gacaliyayaalow, xagga Rabbiga saas ugu xoogaysta. 2Waxaan waaninayaa Yu'odiya, oo waxaan waaninayaa Suntukhee inay labadoodu xagga Rabbiga isku maan ahaadaan. 3Ka ila shaqeeya oo runta ahow, waxaan kaa baryayaa inaad dumarkaas caawiso, waayo, iyaga iyo Kaleemeentos iyo kuwa kaloo ila shaqeeyaba oo magacyadoodu ku qoran yihiin kitaabka nolosha, waxay iila dhibtoodeen injiilka aawadiis. 4Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa. 5Qabownimadiinna dadka oo dhammu ha ogaado, waayo, Rabbigu waa soo dhow yahay. 6Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto. 7Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fikirradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix. 8Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Wax kasta oo run ah, iyo wax kasta oo sharaf leh, iyo wax kasta oo xaq ah, iyo wax kasta oo daahir ah, iyo wax kasta oo door ah, iyo wax kasta oo wanaag laga sheego, haddii wanaag ku jiro iyo haddii ammaanu ku jirto, waxyaalahan ka fiirsada. 9Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nabadduna wuu idinla jiri doonaa. Bawlos wuxuu dadka Filiboy ugu mahad naqay deeqdoodii 10Laakiin Rabbiga aad baan ugu faraxsanahay inaad haatan ugu dambaysta mar kale iga fikirteen; taas oo aad ka fikiri jirteen laakiin aad fursad u weydeen. 11Ka hadli maayo baahi, waayo, waxaan bartay inaan raalli ku ahaado hadba xaaladdii aan ku jiro. 12Waxaan aqaan saboolnimada, oo weliba waxaan aqaanna barwaaqada. Meel kasta iyo wax walba waxaan ku bartay dhergidda iyo gaajadaba, barwaaqada iyo baahidaba. 13Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan xoogeeya. 14Habase yeeshee si wanaagsan baad yeesheen markaad dhibaatadayda ila qaybsateen. 15Idinka qudhiinnuba waad taqaaniin, reer Filiboyow, in injiilka bilowgiisii markii aan Makedoniya ka soo kacay aan kiniisadduna ila qaybsan waxa ku saabsan bixinta iyo helidda, idinkoo keliya mooyaane. 16Waayo, xataa markii aan Tesaloniika joogay, idinku mar iyo labaad ii soo dirteen wixii aan u baahnaa. 17Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya. 18Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh. 19Ilaahaygu wuu idin siin doonaa wixii aad u baahan tihiin oo dhan, sida ay tahay hodantinimadiisa xagga ammaanta Ciise Masiix ku jirta. 20Haddaba ammaanu ha u ahaato Ilaaha Aabbeheenna ah weligiis iyo weligiis. Aamiin. 21Igu salaama mid kasta oo ka mid ah qoduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan. 22Qoduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga. 23Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha la jirto ruuxiinna.

Document Actions