WARQADDII KOWAAD OO YOOXANAA
Cutubka 1
Nolosha weligeed ah waa la muujiyey
1Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Hadalka nolosha ah. 2Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey. 3Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah. 4Oo waxaannu waxyaalahan idiinku soo qoraynaa si ay farxaddiinnu u buuxsanto.
Ilaah waa nuur
5Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba. 6Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno. 7Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan. 8Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto. 9Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caadil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan. 10Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu Ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo hadalkiisu inaguma jiro.
Cutubka 2
1Carruurtaydiiyey, waxaan waxyaalahan idiinku soo qorayaa si aydnaan u dembaabin; oo qof uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabbaha ku leennahay Dhexdhexaadiye, waana Ciise Masiix kan xaqa ah. 2Oo isaguna wuxuu dembiyadeenna u yahay kafaarogudka; oo kuweenna oo keliya uma aha ee weliba wuxuu u yahay dembiyada dunida oo dhan. 3Oo taas aynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkayno. 4Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga. 5Laakiin kan hadalkiisa adkeeya, runtii, Ilaah jacaylkiisu wuu ku dhan yahay isaga. Taas aynu ku garanaynaa inaynu isaga ku jirno. 6Kan yidhaahda, Isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isagu u socday.
Qaynuunka cusub
7Gacaliyayaalow, qaynuun cusub idiin soo qori maayo, laakiin waxaan idiin soo qorayaa qaynuun hore oo aad tan iyo bilowgii haysateen. Qaynuunkii hore waa hadalkii aad bilowgii maqasheen. 8Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa. 9Kan yidhaahda, Nuurkaan ku jiraa, oo walaalkiis neceb, wuxuu ku jiraa gudcurka ilaa imminkada. 10Kan walaalkii jecel, nuurkuu ku jiraa, oo wax lagu xumaado kuma jiro isaga. 11Laakiin kan walaalkii neceb, gudcurkuu ku jiraa, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo, waayo, gudcurkaa indhihiisa tiray. 12Wax baan idiin soo qorayaa, Carruurtiiyey, maxaa yeelay, dembiyadiinnii waa laydinka cafiyey magiciisa aawadiis. 13Aabbayaashow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, idinku kan sharka ah ayaad ka adkaateen. Carruurtaydiiyey, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, Aabbaha waad garanaysaan. 14Aabbayaashow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad xoog weyn tihiin, oo hadalka Ilaah baa idinku jira, oo kan sharka ah ayaad ka adkaateen. 15Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga. 16Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida. 17Oo duniduna way idlaanaysaa, iyo damaceeduba; laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu jirayaa weligiis.
Kadigidda kuwa Masiixa ka geesta ah
18Carruurtiiyey, waa saacaddii u dambaysay, oo sidaad maqasheen inuu kan Masiixa ka geesta ahi imanayo, weliba, imminka kuwa badan oo Masiixa ka gees ah ayaa kacay, taa aawadeed ayaynu ku garanaynaa inay saacaddii u dambaysay tahay. 19Way inaga baxeen, laakiin kuweennii ma ay ahayn; hadday kuweennii ahaayeen, way inala joogi lahaayeen; laakiin way inaga baxeen oo taasaa caddaynaysa inaanay kulligood inaga mid ahayn. 20Laakiin idinku waxaad leedihiin subkid ka timid Kan Qoduuska ah, oo wax walba waad taqaanniin. 21Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaanniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood. 22Waa kuma beenaaluhu, kan dafira inuu Ciise yahay Masiixa mooyaane? Isagu waa kan Masiixa ka geesta ah, waana kan dafira Aabbaha iyo Wiilkaba. 23Ku alla kii Wiilka inkiraa, ma leh Aabbaha; laakiin kan Wiilka qirtaa Aabbuhuu leeyahay. 24Haddaba idinku waxaad tan iyo bilowgii maqlayseen ha idinku sii jiro. Haddii wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen idinku sii jiro, idinkuna waxaad ku sii jiri doontaan Wiilka iyo Aabbaha. 25Oo kanu waa ballankii uu inoogu ballan qaaday oo ah nolosha weligeed ah. 26Waxaan idiin soo qoray waxyaalahan ku saabsan kuwa idin khiyaanaynaya. 27Subkidda aad ka hesheen isaga way idinku sii jirtaa; oo uma baahnidin in cidina wax idin barto; laakiin sida subkiddiisu wax walba idiin barto, oo ay run u tahay, beenna aanay u ahayn, waa inaad siday wax idiin bartay ugu sii jirtaan. 28Oo imminka, Carruurtiiyey, ku sii jira isaga; in kolkuu muuqdo aynu kalsoonaan doonno oo aynaan wakhtiga imaatinkiisa ka xishoonin inaynu hor tagno. 29Haddaad og tihiin inuu xaq yahay, waxaad weliba ogaataan in mid walba oo xaqnimo falaa uu isaga ka dhashay.
Cutubka 3
Jacaylka llaaha Aabbaha ah
1Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabbuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah, oo saasaynu nahay. Sidaa aawadeed dunidu ina garan mayso, maxaa yeelay, isagaba ma ay garanaynin. 2Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay. 3Oo mid kasta oo waxyaalahaas ka rajeeyaa isaga, naftiisuu daahiriyaa siduu isaguba daahir u yahay.
Carruurta Ilaah waa inaanay dembaabin
4Kii kasta oo dembi falaa wuxuu falaa caasinimo; oo dembigu wuxuu yahay caasinimo. 5Oo idinku waad og tihiin in isagu u muuqday inuu dembiyadeenna inaga qaado, oo isagu dembi ma leh. 6Ku alla kii isaga ku sii jiraa, ma dembaabo; ku alla kii dembaabaa ma uu arkin isaga, oo weliba ma yaqaan isaga. 7Carruurtiiyey, yaan cidi idin khiyaanayn; kii xaqnimo falaa waa xaq siduu isaguba xaq u yahay. 8Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabiiyo shuqullada Ibliiska. 9Ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo; maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah. 10Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn. 11Oo kanu waa warkii aad tan iyo bilowgii maqlayseen, kaasoo ah inaynu isjeclaanno, 12oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo. shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.
Isjeclaada
13Walaalayaalow, ha la yaabina haddii ay dunidu idin neceb tahay. 14Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn. dhimashaduu ku sii hadhaa. 15Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa. 16Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen. 17Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga? 18Carruurtaydiiyey, yaynaan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno. 19Oo taasaynu ku garan doonnaa inaynu kuwa runta nahay, oo aynu isaga hortiisa qalbigeenna kaga dhiiro gelin doonnaa 20xagga wax alla wixii qalbigeennu inagu eedeeyo, maxaa yeelay, Ilaah waa ka weyn yahay qalbigeenna, oo wax walbaba wuu og yahay. 21Gacaliyayaalow, haddii aan qalbigeennu ina eedayn, kalsoonaan ayaynu ku leennahay xagga Ilaah. 22Oo wax kastoo aynu ka barinno waynu ka helnaa, maxaa yeelay, qaynuunnadiisa ayaynu xajinnaa, oo waxaynu falnaa waxa isaga ka farxiya. 23Oo kanu waa qaynuunkiisa, kaasoo ah inaynu rumaysanno magaca Wiilkiisa Ciise Masiix ah, oo aynu isjeclaanno, siduu qaynuunka inoo siiyey. 24Oo kii xajiya qaynuunnadiisa, wuu ku sii jiraa isaga, isaguna wuu ku sii jiraa. Oo saasaynu ku garanaynaa inuu isagu inagu sii jiro xagga Ruuxa uu ina siiyey.
Cutubka 4
Ruuxa runta ah iyo kan beenta ah
1Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin; waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida. 2Taasaad ku garanaysaan Ruuxa Ilaah; ruux walba oo qirta in Ciise Masiix jidh ku yimid, waa ku Ilaah. 3Oo ruux walba oo aan qiran Ciise Masiix ku Ilaah ma aha; oo kanuna waa ruuxa kan Masiixa ka geesta ah oo aad maqasheen inuu imanayo, imminkana duniduu ku jiraa. 4Carruurtiiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira. 5Iyagu waa kuwa dunida; oo taas aawadeed waxay ka hadlaan waxa dunida, oo duniduna way maqashaa. 6Innaguna kuwa Ilaah baynu nahay; ka Ilaah yaqaan waa ina maqlaa; oo ka aan kan Ilaah ahaynna inama maqlo. Taasaynu ku garanaynaa ruuxa runta ah iyo ruuxa qaladka ah.
Ilaah waa jacayl
7Gacaliyayaalow, aynu isjeclaanno; waayo, Ilaah baa leh jacaylka; oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah, Ilaah buuna yaqaan. 8Oo ka aan jeclaynina Ilaah ma yaqaan; waayo, Ilaah waa jacayl. 9Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey. 10Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaarogudka dembiyadeenna u noqdo. 11Gacaliyayaalow, haddii Ilaah sidaa inoo jeclaaday, waa inaynu isjeclaanno. 12Cidina Ilaah ma arkin marnaba. Haddii aynu isjeclaanno, Ilaah wuu inagu jiraa, oo jacaylkiisu wuu inagu dhan yahay. 13Ruuxiisuu ina siiyey oo taasaynu ku garanaynaa inaynu ku sii jirno isaga, isaguna inagu sii jiro. 14Innagu waynu aragnay oo waxaynu markhaati u furaynaa in Aabbuhu Wiilka soo diray si uu Badbaadiyaha dunida u noqdo. 15Ku alla kii qirta inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah, Ilaah baa ku sii jira isaga, isaguna wuu ku sii jiraa Ilaah. 16Oo innaguna waan garanaynaa oo waan rumaysan nahay jacaylka Ilaah inoo qabo. Ilaah waa jacayl; oo kii ku sii jiraa jacaylka, Ilaah buu ku sii jiraa. Ilaahna isaguu ku sii jiraa. 17Taasaa jacaylku kaamil inoogu noqday si aynu kalsoonaan u lahaanno maalinta xisaabta; maxaa yeelay, siduu isagu yahay ayaynu innaguna dunidan ku nahay. 18Jacaylku baqdin ma leh, laakiin jacaylka kaamilka ahi baqdinta dibadduu u saaraa, waayo, baqdintu ciqaab bay leedahay. Oo kii baqaana kaamil kuma noqdo jacaylka. 19Waynu jecel nahay isaga, waayo, isagaa hore inoo jeclaaday. 20Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag? 21Oo waxaynu isaga ka haysannaa qaynuunkan, kaas oo ah, Kii Ilaah jecel, walaalkiina ha jeclaado.
Cutubka 5
Iimaanka Masiixiyiinta
1Ku alla kii rumaysta inuu Ciise yahay Masiixa, Ilaah buu ka dhashay; oo ku alla kii jecel kan dhalay, kan isaga ka dhashayna wuu jecel yahay. 2Taasaynu ku garanaynaa inaynu carruurta Ilaah jecel nahay, goortaynu Ilaah jeclaanno oo qaynuunnadiisa xajinno. 3Waa kan jacaylka Ilaah, kaasoo ah inaynu qaynuunnadiisa xajinno; oo qaynuunnadiisuna ma cusla. 4Ku alla kii ka dhashay Ilaah, wuxuu ka adkaadaa dunida, oo waxaa libta ka adkaata dunida ah rumaysadkeenna. 5Waa ayo kan dunida ka adkaadaa, kan rumaystaa inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah mooyaane? 6Kanu waa kii biyo iyo dhiig ku yimid, oo ah Ciise Masiix; biyo keliya kuma iman, laakiin wuxuu ku yimid biyo iyo dhiig. 7Oo waa Ruuxa kan maragga furaa, waayo, Ruuxa waa runta. 8Waxaa jira saddex marag fura; waana Ruuxa iyo biyaha iyo dhiigga, oo saddexdaasuna waa isku mid. 9Haddii aynu maragfurka dadka aqbali lahayn, maragfurka Ilaah baa ka weyn, waayo, maragfurka Ilaah waa kan oo ah inuu Wiilkiisa ka marag furay. 10Ka Wiilka Ilaah rumaystaa maragguu ku haystaa nafsaddiisa, kii aan Ilaah rumaysanna, wuxuu isaga ka dhigay beenaaleh; maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan maraggii uu Ilaah ka marag furay Wiilkiisa. 11Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto. 12Kan Wiilka haystaa, noloshuu leeyahay. Kii aan Wiilka Ilaah haysanna nolosha ma leh.
Dhammaadka
13Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin. 14Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa, 15oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxyaalihii aynu isaga ka barinnay. 16Haddii qof uun arko walaalkii oo samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn, waa inuu Ilaah baryo; isaguna noloshuu siin doonaa kuwa samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn. Waxaa jira dembi xagga dhimashada ah. Oo anigu odhan maayo, Kaas ha ka tukado. 17Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn. 18Waan og nahay in ku alla kii Ilaah ka dhashay aanu dembaabin. Maxaa yeelay, kii ka dhashay Ilaah naftiisuu ilaaliyaa, oo ka sharka lihina ma taabto. 19Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh. 20Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah. 21Carruurtiiyey, sanamyada iska ilaaliya.

Previous:
WARQADDII LABAAD OO BUTROS
