Taariikhdeyda
By: Macalin Xassan
Anigu waxaan ku dhashay magaalada Burco taariikhdu markay ahayd 1964 kii waxanse noloshaydii caruurnimo badideedii ku qaatay magaalada Jabuuti halkaasoo uu aabahay shaqaale ka ahaa muddo dheer. Markii aan siddeed jir ahaa ayaa dugsi quraan oo ku yaalay magaalada Jabuuti ay hooyaday I geysay halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashada quraanka. Runtii yaraantaydii waxan ahaa arday aad u fahmo badan oo waxkastoo macalinku ii sheego si habboon ayaan u akhrin jiray ilaa aan qalbiga ku qabto oo aan xafido. Mana aan seexan jirin ilaa aan casharkeyga xafido. Mara fara badanna waxan guriga iman jiray iyadoo aan sito quraarad Vimto ah amaba qalimo cusub kuwaasoo aan ku heli jiray abaalgud ahaan. Aabahay had iyo goor shaqada ayuu ku maqnaan jiray oo uu mashquul ku ahaan jiray reerkana aniga ayaa curad u ahaa sidaa aawadeed aniga ayaa waxbarashadeyda aad ugu dadaali jiray. Caruurnimadeydii waxan ahaa wiil yar oo aad u su’aalo badan hooyadey oo aheyd qofka iigu dhowna waxan marar badan weydiin jiray su’aalo waaweyn oo waxyaalo kala duwan ku saabsan. Waxan xusuustaa maalin ay hooyo badda I geysay markaasaan intaan badda weynaanteedii ka yaabay aan hooyo ku idhi: “hooyo badda maxaa xagga shishe ka xiga?” hooyona waxay iigu jawaabtay: “hooyo Ilaah baa garanaya”. Maalin kalena intaan xanuunsadey ayaa hooyo waxay I geysay meel dhakhtar ah oo ay naago Faransiis ah oo maryo cadcad gashani ay joogaan. Naagahaasi waxay ahaayeen soorooyin ama “maanseerdo” kiniisadda kaatooliigga ka socday oo dadka liita iyo kuwa jiran u sama fali jirey. Mid kamida ayaa baadhis caafimaad igu sameysay kadibna daawo ayey I siisay markaasay hooyo u sheegtay sidii aan daawadaas u qaadan lahaa iyadoo afsoomaali ku hadleysa. Gabadhaas caddaanka ahayd waxa kaloo ay I siisay qalab caruureed oo aan ku cayaaro oo dhowr ah. Waqtigaas waxan ahaa todoba jir. Markii aan guriga u soo laabaneyney ee aan jidka ku soo jirnay ayaan ka fekeray dumarkii cadcaddaa ee dhakhtarka ka shaqeynayey iyo naxariistoodii markaasaan hooyo ku idhi: “hooyo naagihii cadcaddaa maxay ahaayeen?” hooyona waxay iigu jawaabtay: “naagahaas cadcaddi waa maanseerado (soorooyin) kiristaana”. Markaasaan hooyo ku idhi: “hooyo kiristaanku waa maxay?” hooyo ayaa iigu jawaabtay: “hooyo kiristaanku waa dadka nebi Ciise rumeysan”. “ oo waa maxay nebi Ciise?” ayaan markale hooyo weydiiyey. Hooyo ayaa igu tidhi: “nebi Ciise wuxuu ahaa nebi dadka buka daaweyn jiray, kuwa dhintayna nooleyn jiray, masaakiintana u samafali jiray”. Runtii jawaabtaas ay hooyo I siisay anigoo todoba jira iyo naxariistii ay dumarkii soorooyinka ahaa I tuseen qalbigeyga ayey muddo aad u dheer ku jirtay waxayna keentay inaan arintaa nebi Ciise ku saabsan ka fekero isla markaana aan nebi Ciise ixtiraam weyn u qaado. Sikasteba ha ahaatee markii aan laba iyo toban jir ahaa ayaan quraanka dhammeeyey hooyona waxay igeysay iskuul kale oo kii hore ka weyn kaasoo lagu baran jiray naxwaha luqadda Carabiga, xisaabta iyo luqadda Faransiiska. Waxa kaloo intaa ii dheeraa inaan galab kaste salaadda casar kadib aan masaajid gurigayaga ku dhowaa aan ka dhegeysan jiray tafsiirka quraanka. Waqtigaas waxaan aad u jeclaa ciyaarta, sheekooyinka iyo waxyaalihii dhacay taariikhihii hore dhegeysigooda iyo weliba u samafalka dadka da’da ah ee indhahala’ salaaddana waan tukan jiray. Hadaba markay taariikhdu aheyd 1975 kii ayaa qoyskayagii waxa ku soo korodhay arin cusub oo qas iyo qalaanqal ka dhex abuurtay aabahay iyo hooyaday. Arintaasina waxay aheyd aabo ayaa guursadey xaas labaad taasina waxay keentay dhibaato iyo rabsho qoyskayagii soo dhex gasha. Bacdamaa aan ahaa curadkii reerka arintaasi aniga shaqsiyan ayey ii taabatay mararka qaarna aabahay gacanta ayuu hooyaday saari jiray anigoo arkaya. Waxa markaa iga yaryaraa saddex caruura oo walaalahay ahaa. Dhamaadkii 1976 kii ayaa markii khilaafkii hooyo iyo aabo ka dhexeeyey uu meel xun gaadhay gacan-ka-hadalkii aabona uu aad u batay ayaa arintu ay gaadhay heer aan sii wadan kari waayey waxbarashadeydii. Muddo yar kadibna waxan ka soo guurnay Jabuuti oo waxaan soo degnay magaalada Burco aabo iyo xaaskiisii kalena waxay ku hadheen Jabuuti. Halkaasna waxa ku dhaawacmay waxbarashadeydii iyo dareenkaygii caruurnimo, balse markii aan Burco nimid waxan ku biiray dugsi hoose\dhexe oo degamadaas ku yaalay.
Dhalinyaranimadeydii
Waqtigii aan dhalinyarada ahaa waxaan kaloo isku dayey inaan barto farsamada gacanta sida “auto-mechanics-ka” iyo nijaarnimada howlahaasna lacagyar ayaa iga soo geli jirtay markaasaan dakhliga reerka oo aad u liitay aan ku biirin jiray kolba intii itaalkeyga ah. Waxa kaloo aan marwalba dooni jiray qof iiga jawaaba su’aalo badan oo nolosha ku saabsan oo aan shaqsiyan qabay runtiina ku ma aan qanci jirin jawaabaha aan mararka qaar dadka ka heli jiray. Sidaas aawadeed waxaan marwalba u gaajeysnaa inaan si fiican u barto luqad aan afsoomaali aheyn oo aan wax ku akhriyo si’aan su’aalo badan jawaabo ugu helo. Taasina waxay ii horseeday inaan luqadda ingisriisiga si fiican u barto inteeda badanna aan anigu isbaro. Sababtoo ah dugsiyada dowladda luqadda si qoto dheer looguma baran jirin dadaalkaas dheeraadka ahna waan ku guuleystay markii danbena waxaan akhriyey buugag badan si aan jawaabo ugu helo su’aalo shaqsiyan ah oo aan nolosha ka qabay aqoontaydii guudna sare ayey u kacday waqtigaas kadib. Laga bilaabo sannakii 1979 waan shaqeyn jiray oo waxyaalo kala duwan ayaan qaban jiray si dakhli aan uga helo oo aan reerka dhaqaalihiisa oo ugu kabo, farsamada gacanta ayaan ku shaqeyn jiray inkastoo ay shaqadaydu aanay rasmi aheyn. Waqtiyadaas waxaan kaloo jeclaa inaan wadanada Carabta tago si aan dhaqaale naftayda iyo ta reerkaba ugu soo kordhiyo balse taasi iima ay suurtagalin.
Dagaalkii 1988 kii
Badhtamihii 1988 kii waxa gobolada woqooyiga ka dhacay dagaal qadhaadh oo u dhexeeyey jabhaddii SNM iyo dowladdii Siyaad Bare. Dagaalkaasi wuxuu keenay inay dad badani u qaxaan dalka Ethiopia. Aniga iyo qoyskeyguna waxaan ku jirnay dadkii Ethiopia u soo qaxay waxaana jiray dad badan oo saaxiibaday iyo qaraabadeyda ahaa oo dagaalkaa siyaalo kala duwan ugu dhaawacmay amaba ugu dhintay had iyo jeerna waxaanan ka fekeri jiray sababta ay dadku isugu dilayaan si naxariisdaro ah oo qadhaadh iyadoo aan usoo joogay nasiibdarrooyin badan oo dagaalkaasi keenay. Waxan dagaalkaa ku arkay xaqiiqada ah inay dabeecadda aadanuhu tahay mid aad u xun oo silic iyo saxariir u horseedi karta malaayiin iyo malaayiin qof oo aan waxba galabsan. Taasina runtii aad bay iiga yaabisay waxaanan aad u dareemay inay banii’aadanka wax ka khaldanyihiin. Markii aan muddo sannad ku dhow xero qaxooti oo bariga Ethiopia ku taal ku jiray noloshuna ay runtii aad iyo aad cidhiidhi u noqotay ayaan aniga iyo laba dhalinyaro ah oo saaxiibaday ahaa waxan goosany inaan dalka Sudaan u dhoofno oo aan dabeetana meeshii kale ee suurtagal ah uga sii gudubno. Taasna waxa nagu kaliftay rajo la’aan iyo nolol xumo ka jirtay xeradii qaxootiga ee aan ku nooleyn markaas. Iyadoo aanu heysano lacag aad u yar oo aan ka badneyn laba boqol oo doolar ayaan saddex dhalinyaro ugu soo ambabaxnay inaan dalka Sudaan tagno iyadoo aan Ethiopia oo dhan dhexmareyno. Balse markii aan Addisababa soo gaadhnay ayey lacagtii aanu sidanay sii dabayaraatay. Dalka Ethiopia waqtigaas waxa ka talineysay dowladdii Mingistu soomaalidana aad iyo aad baa looga necbaa. Si kasteba ha ahaatee markii aan Addisababa muddo bil ah si dhuumasho ku joognay ayaanu gaadhi ka raacnay oo waxaan u ambabaxnay magaalada Gondar oo woqooyiga Ethiopia ku taala. Qorshahayaguna wuxuu ahaa inaan Gondar ka baxno oo aan si dhaqso ah Sudaan ugu sii gudubno. Markii aan laba cisho Gondar joognay ayaan anagoo lug ah ka baxnay waxaana gadh-wadeen noo ahaa nin xabashi ah oo dalyaqaan ah oo lacag naga qaatay shaqadiisuna aheyd howlaha caynkaasa. Deegaankaas Gondar iyo agagaarkeeda markaas waxa ka socday dagaal kulul oo u dhexeeyey ciidankii Mingistu iyo jabhadihii mucaaradka ku ahaa. Si kasteba ha ahaatee intii aanaan gaadhin xadka Sudaan iyo Ethiopia u dhexeeya balse aanu ku dhownahay ayaa niman maliishiya ah oo dowladdii Mingistu ay diratay na qabteen maalin kadibna Gondar ayaa nalagu soo celiyey anagoo maxaabiis ah. Gondar waxaan waxan ku xidhneyn laba bilood oo aad u rafaad badan cuntada iyo biyuhuna aad iyo aad bay noogu yaraayeen oo waxa nagu dhacay macaluul iyo cuduro intii aanu halkaa ku xidhneyn. Ka dibna waxa naloo soo wareejiyey Addisababa iyadoo ay xaaladayadu aad u liidato. Markii aannu Addis nimid waxa nala geeyey jeel gaara oo lagu heyn jiray dadka siyaasadda u xidhan oo magaalada Addis ku dhexyaalla. Saddexdayadiina waanala kala qaybiyey oo waxa nala kala geeyey saddex qaybood oo kala xidhan oo jeelkaas ka mida ahaa muddo toban bilooda oo aannu jeelkaas ku xidhneyna midkaayona kan kale muu arkin. Dowladda Ethiopia aad bay nooga shakiday oo waxay noo maleeyeen inaanu nahay basaasiin uu Siyaad Bare iyaga u soo diray. Waxa kaloo ay la yaabeen sida aannu ugu guuleysanay inaannu u dhexmarno dhammaan wadanka Ethiopia iyadoo aanaan sidan waraaqo sharci ah iyo sidii aan u dhaafnay boqolaal kontorol oo ay ciidamada dowladdu dhigeen wadanka oo dhan.
Baybalka iyo Addis
Qolkii aniga la’i geeyey ee jeelkaas Addis ku dhexyaalay ka mid ahaa waxa ku jiray siddeed nin oo rag odayaala ah, kuwaasoo muddo badan siyaasad u xidhnaa. Raggaas waxa ku jiray nin wadaad ah oo baadari ah oo ka tirsan kiniisadda Orthodox-ka ee dalka Ethiopia. Runtii ninkaas wadaadka ahaa aad iyo aad buu ii soo dhoweeyey. Ninkaas wadaadka ahi wuxuu markaas jeelka ku xidhnaa muddo todoba sano ah waxaanu ii sheegay in la soo qabtay isagoo u socda dalka mareykanka waxa kale oo uu ii sheegay inay qoomoyaddiisu Tigree aheyd oo ay taas dowladdii Mingiste uga shakiday. Waqtigaas waxa jirtay inaan xanuunsanaa isla markaana waxa iga muuqatay diif iyo gaajo iyo rafaad aad u badan oo laga argagaxo. Dhammaan maxaabiistii aannu isku qolka aheyna way isoo dhaweeyeen oo waxay I siiyeen dhar, furaash, busteyaal, kabo dacas ah, saabuun iyo waxyaalo kale oo aan markaa u baahnaa. Waxa kale oo ay sheegeen shuruucda maxaabiista u degsan iyo sidii aan noloshayda maxbuusnimo ugu noolaan lahaa. Jeelku wuxuu ahaa mid aad iyo aad uga fiican kii aan hore u soo marnay, tusaale ahaan wuxuu lahaa biyo nadiif ah oo markaste socda, library, guri timaha lagu xiirto, meel teeniska lagu cayaaro, makhaayad shaaha iyo cabitaanada kale lagu iibiyo, television iwm. Cuntada jeelkuna waxay aheyd mid aad u wanaagsan, sababtoo ah dadka jeelka ku xidhnaa waxay ahaayeen dad dhammaantood ka soo jeeda dabaqadda sare ee dalka Ethiopia. Si kasteba ha ahaatee, father Girma oo ahaa ninkii wadaadka ahaa oo runtii ahaa odey aad u naxariis badan ayaa maalin maalmaha ka mida wuxuu I siiyey Baybal yar oo new testament (axdiga cusub) ah oo luqadda ingiriisida ku qoran waxaanu ii sheegay inaan aqoon korodhsi ahaan u akhristo oo aan wixii su’aalo ah ee aan qabona isaga weydiiyo taasna waan aqbalay. Runtii anigu shaqsiyan muddo dheer ayaan doonayey inaan marka ugu horeysa ee ay suurtagal ii noqoto aan Baybalka akhristo oo aan ogaado waxa ku qoran. Waxa kaloo qorshaha iigu jirtay inaan xitaa akhriyo diimaha kale iyo falsafadaha kale ee aan islaamiga aheyn si aan u ogaado waxyaalaha ay sheegayaan. Markayga horeba waxyaalahaasi waxay ahaayeen kuwo aan ku taami jiray oo xitaa markii aan ardayga ahaa ee aan soomaaliya joogay waxan jeclaa inaan kutubo caynkaas ah akhristo balse maan heli karin. Intii aanan Baybalka akhriyin wax fikrada oo sidaasa oo aan ka qabay may jirin marka laga reebo inuu kitaabkaasi yahay kitaab gaalo oo la bedelay dhow jeer fikirkaas oo ah kii ay qabeen bulshadii soomaaliyeed ee aan markaas ku dhex koray. Waxaa hadaba markii aan Baybalka akhriyey aan ku arkay waxyaalo lama filaana oo runtii aanan u fadhiyin. Waxyaalahaas waxa ka mida ahaa: Alle ka cabsi, naxariis, jacayl, salaad, soon, samafalid iyo cibaado xitaa ka qoto dheer tii aan bulshadeyda iyo diinteyda oo aheyd diinta islaamkaba aan ku aqaanay. Sababtoo ah waxaan u heystay inuu kitaabka Baybalku yahay kitaab ay gaalo qortay oo ay ka buuxaan waxyaalo xunxun oo qofka iyo Ilaah kala fogeynaya. Balse markii aan kitaabkaas akhriyey fikrad taas aad iyo aad uga duwan oo aad iiga yaabisay ayaan ku arkay. Waxa kaloo aan kitaabkaas ku arkay wanaag iyo xaqnimo aad u qoto dheer oo aanan anigu hore u arkin amaba aanan hore u maqlin. Kuwaas waxa ka mid ahaa amarka kitaabiga ah ee odhanaya: “cadowgaaga jeclow oo wanaag u samee kuwa ku dhiba iyo kuwa ku silciya”.
Si kasteba ha ahaatee markii aan baybalka akhriyey dhowr jeer intii aan jeelkaas ku jiray waxan runtii fahmay in dhammaan waxyaalihii aan bulshadayda ka maqli jiray ee ku saabsanaa baybalka amaba diinta kiristaanka aanay ahayn kuwo sax ah. Waxa kaloo aan dareemay inay jirto aqoon daro badan oo bulshooyinka ku kala dhexjirta fariinta Nebi Ciisena aanay ahayn sidii la iigu sheegi jiray. Waxa kaloo aan gartay inay diinta kiristaanku tahay diin xaq ah oo dhammaan banii’aadanka faraysa Alla ka cabsi, cibaado, naxariis iyo jacayl aad u qoto dheer oo rabbaani ah.
Raaciddii Runta
Jeelkii Addisababa waxaan ka baxnay kadib markii aan ku jirnay muddo hal sano ah waxaana dowladda Ethiopia ay dib noogu celisay xeryihii qaxootiga ee aan markii hore kasoo baxnay. Anigu muddo bilo ah kadib waxaan dib ugu soo noqday magaalada Diridhaba oo aan ka iibsaday kitaab baybal ah oo luqadda ingriisida ku qoran kaasoo aan si dadaal badan u akhrisan jiray markaste oo aan waqti u helo. Ugu danbeyna kadib markii aan baadhis badan iyo isbarbardhigid badan oo shaqsi ah sameeyey waxan goostay inaan Sayid Ciise Masiix iyo fariintiisa quduuska raaco oo fariintaasina ay tahay runta xaqa ah ee lagu badbaadi karo, qofka iyo Ilaahna isu soo dhaweyn karta. Runtiina markii aan go’aankaas muhiimka aan anigu shaqsiyan gaadhay waxa bulshada xaggeeda iga soo gaadhay dhibaatooyin badan oo lama filaan ah iyo hagardaamooyin badan oo aad u qadhaadh balse dhibaatooyinkaasi wuxuun bay sii kordhiyeen iimaankayga iyo jacaylkayga aan Masiixa iyo Jidkiisa u qabo runtiina marnaba maan qoomameyn amaba kama aan shallaayin go’aankaygii shaqsiga ii ahaa ee aan Masiixa iyo waxbariddiisa ku raacay sababtoo ah aad baan u hubaa inuu Sayid Ciise yahay ka xaqa ah ee Ilaah ka yimid. Maantana waxan dareensanahay oo aan hubaa in diinta masiixiyaddu ay boqolkiiba boqol ay tahay diinta keliya ee Ilaah iyo banii’aadanka oo dhan isu soo dhaweyn karta dadkuna ay ku heli karaan denbi dhaaf buuxa oo aan Ilaah ka hello. Jidka xaqa ah ee Sayid waa mid ay ka buuxaan jacayl, naxariis, dulqaad, iyo daryeelka xuquuqda banii’aadanka oo dhan oo aan la kala soocin.
Erey Dardaaran Ah
Waxaan jecelahay inaan ogeysiiyo dhammaan walaalaha taarikhdeydan gaaban akhriyaya In sababta aan diinta masiixiyadda u raacay ay tahay go’aan qaadasho shaqsiyeed oo qoto dheer taasoo aan gaadhay kadib markii aan bartay ee aan ku qancay diinta masiixiyadda oo ah diin aad ii raali gelisay marka la eego dhinacyo badan. Waxa kaloo aan rumeysanahay inaanay diintu aheyn oo keliya wax la kala dhaxlo balse ay tahay wax uu shaqsi kaste oo banii’aadan ahi uu xaq u leeyahay inuu doorasho sameyn karo oo uu dooran karo caqiidadii amaba diintii uu isagu markaas ku qanco ee uu run u arko. Waxa kaloo aan rumeysanahay inaan shaqsiga banii’aadanka ah lagu qasbin, lagu dhibin, lagu takoorin amaba aan lagu waxyeeleynin sababtoo ah diinta uu isagu markaas rumeysanyahay amaba afkaartiisa iyo falsafaddiisa u gaarka ah. Dad baa waxa ay rumeysanyihiin in ay tahay in la dilo oo qudha laga jaro qofkii bedela diintiisa amaba fikradihiisa ruuxiga ah (spiritual orientation) taas waxan u arkaa in ay tahay wax cadaaladda Ilaah aad iyo aad uga fog isla markaana ku saleysan fikir, dareen iyo dabeecad aan xagga Ilaah marnaba ka iman. Ugu danbeyna waxaan diyaar u ahay inaan ka jawaabo su’aalaha iyo faallooyinka iyo weliba canaanta qofkaste oo akhriya taariikhdeydan aan kaga hadlayo sidii aan Sayid Ciise u raacay. Emailkayga amaba
Cinwaankeyguna waa: scmforchrist@gmail.com
Sidaa iyo nabad gelyo iyo nooli kulantee!
(Xassan Rooxaani)
