Personal tools

Towbadkeen oo Raac Sayid Ciise Masiix

By: Margaret Noor Abdulla

Mid Masiixiyiinta hore ka mid ah, rasuul Bawlos, wuxuu warkhad u qoray kiniisadda Aasiya isaga oo uga digaya in ay marnaba ka noqon runta oo ah in uu Masiixu ku dhintay saliibka dembiga dunidda awgeed isaga oo markaasna maalintii saddexaad ka sarakacay qabriga iyo dadkii dhinteyba.

Bawlos wuxuu warkhaddan u qoray reer Galatiya sida ku qoran aayadaha 6-9, suurradda (cutubka) 1aad. Bawlos waxaa uu yiri "waxaan ka yaabay oo nasiib darro ah sida aad deg deg uga noqoteen ama la idinka jeediyay isaga kan idiinku bishaareeyey naxaariista Cisa Masix ku jirta oo aad ugu jeedsateen wax dhalanteed ah taaso marnaba an naftiinna badbaadinayn taas oo aan waxba ahayn' waxaana jira kuwa dhibaato la socda oo doonaya in ay nijaaseeyaan Kitaabka Qudduuska ah ee Ciisa Masiix. Laakin haddii qof ama malaa'igta Jannadu idinku wacdiiyaan Kitaab ka duwan kan Injiilka Qudduuska ah ee Cisa Masiix, kaas balaayo ha ku dhacdo. Sidaan hore idinku sheegay ayaan mar kale idiin sheegayaa; haddii benu'aadam idinku wacdiyo Kitaab aan ahayn Kitaabka Qudduuska ah ee Ciisa Masiix, kaasna balaayo ha ku dhacdo."

Bawlos wuxuu u sheegay Masiixiyiinta reer Aasiya in ay iska jiraan in la lumiyo ama la duufsado. Islamarkaana wuxuu ogeysiiyey "xitaa malaa'iigta Jannaddu hadday idinku wacdiyaan amaa xaqiijiyaan in uusan Cisa ku dhimman iskutalaabta, ha rumaysanina.

Kitaabka Qudduuska ah ee Ciisa wuxuu innoo sheegayaa in uu Ciise u dhintay dembigeenna owgiis, sida u Qoraalku farayo, oo la aasay, maaliintii saddexaad ka sarakacay qabriga, uu samada u baxay sida Kitaabka Qudduuska ahi sheegayo.

Kitaabku wuxuu qorayaa in uu Ciise u dhintay dembiga dunida oo dhan.

Walaal dambigaaga iyo kayga owgiis isaga ayaa u dhintay si aan u helno dembi dhaaf. Sidas owgeed, rumaysta Erayga runta ah, kii ala kii rumaysta Ciise Masiixa wuxuu helayaa cafiga dambiga iyo nolosha waligeed ah.

Aadanba sheydaan ayaa Jannada ka duufsaday. Dambigu wahkti hore ayuu soojiray oo billowgii Aadan iyo Xaawo Ilaah bay Jannada nabad kula noolaayeen laakiin iblayska oo ah cadawga iyo lumiyaha dadka kan ugu weyn ayaa u yimid oo duufsaday. Xaawo waxaa ay maskii ku tidhi "waan cuni karnaa midhaha Jannada ku yaal oo dhan laakiin geedka badhtamaha Jannada ku yaal ma cuni karno. Rabbigu wuxuu nagu amray in aanan wax ka cunin geedka badhtamaha ku yaal waayo maalinta aan wax ka cunno geedkaas hubaal waan dhimman doonnaa." Maskii wuxuu Xaawo ku yidhi "taas ma jirto oo waa been mana dhimanaysaan waayo Ilaah wuxuu og yahay maalinta aad cuntaan geedkaas midhahiisa in indhuhu idiin furmayaan oo waxaad garan dontaan wanaaga iyo sharka." Xaawo markii ay cuntay midhihii geedka Rabbigu u diiday waxay siisay ninkeedi Aadan ahaa oo isna wuu cunay midhihii. Markii uu Rabbigu arkay in ay jebiyeen ammarkiisii ayuu nacladay maskii, aadna ugu carooday Xaawo iyo Aadanba.

Halkaas ayay Aadan iyo Xaawo ku dambaabeen oo dembigoodiina wuxuu gaadhay farcankoodii awoow kaa awoow, ayeey ka ayeey iyo daadkii dunida oo dhan.

Sidaas daraadeed, Ilaah wuxuu u soo diray Eraygiisii oo uu jidh huwiiyey kaas oo uu yidhi waa Inankaygii Ciise Masiix in uu dunida ka badbaadsho dembiga ina haleelay ilaa Xaawo iyo Aadan.

Shaydaanku waxyaabo badan ayuu adeegsadaa si uu Rabbiga innooga duwo. Waxyaabaha uu innagu duufsado waxaa ka mid ah lacag iyo maal iyo taajirnimo aan ku mashquulno kuwaas oo innaga leexiya xaqa. Waa in aan iska jirna in aanan noqon kuwo lacagta caabuda intii ay Rabbiga Ciise Masiix caabudi lahaayeen.

Dad badan ayaa runta Ilaah ku socda oo maqla addeecana Ilaah. Ciisa Masiix ayaa yidhi "laakiin damaca dunida ama maalka iyo lacagtu waxaay cuna qabateeyaan qofka oo taas ayaa keenta lumis laga lumo wadada Eebbe.

Iska jir in aad noqoto mid kuwaas la mid ah oo ha u adeegin maal iyo taajirnimo aad ka dhimaneyso. Marka aad maqasho runta Ciisa Masiix ee ah in uu ku dhintey iskutalaabta dembigaaga owgiis-erraygaa runta ah qalbiigaaga ka rumayso oo yuusan sheydaan kaa luminin runta Rabbigaaga. Ibliisku waa cadow been badan kaas oo doonaya in uu kaa leexiyo wadada Ilaah iyo Kitaabka Qudduuska ah.

Document Actions