Somali words to the Somali songs
You have our permission to copy and distribute these songs and words. These songs and lyrics were written and recorded by Somali believers who wanted them to be available for free.
1. HAYE AAN AMMAANNO
Haye aan ammaanno
Haye aan ammaanno
Ilaahii na uuntay
Haye aan ammaanno
1. Wuu na eegayaayoo
Na ilaaliyaaye
Ilaahii na uuntay
Haye aan ammaanno
2. Indhihiiyo dhegaha
Iyo afarta addin
Isagaa na siiyee
Haye aan ammaanno
3. Waa ayaan wanaagsane
Alla noo inshaaree
Haye aan ammanno
4. Alxamdulillaahi
Inta aan nidhaahno
Ilaaheenna fiican
Haye aan ammaanno
5. Intii Eraygiisa
Addeecdoo rumaysa
Wuu u abaal gudaayee
Haye aan ammaanno
6. Intii aammintoo dhan
Inamuu ka yeelee
Haye aan ammaanno
7. Waa Wankii Ilaahoo
Iinna aan lahayne
Haye aan ammaanno
8. Allabarigeenna
Inuu noo ahaado
Inan buu na siiyee
Haye aan ammaanno
9. Ibliiskiyo jinniga
Isagaa ka adage
Haye aan ammaanno
2. DUCEEYA
Duceeya, duceeya
Dadkiiyow duceeya
Duceeya, duceeya
Dadkiiyow duceeya
Deeqlaha ina uummay
inuu dembigeenna
Innaga wada daayo
Dadkiiyow duceeya
Duceeya, duceeya ....
Masiixa la doortay
Daruurta sideeda
U soo degi doona
Digriga ugu heesa
Duceeya, duceeya ...
Masiixa darteena
Dhammaan dembigeenna
Dushiisa ku qaatay
Damiirka u sheega
Duceeya, Duceeya ...
Markay deldeleenna
Dhiiggiisii u daatay
Dadkiisa jacaylka
Cadaab ka difaacay
Duceeya, duceeya ...
Midkii dunida oo dhan
Iftiinka ku daaray
Dabaaldeg u muuja
Ammaan ugu deeqa
Duceeya, duceeya ...
La doona, la doona
Dadkeenna la doona
La doona, la doona
Dadkeenna la doona
Kitaabka la doona
Injiilka la doona
Wanaagga la doona
Iftiinka la doona
Duceeya, duceeya ... (3x)
3. CIISE WUU IMANAYAA
Ciise wuu imanayaa
Ciise wuu imanayaa
Ilaahay baa sheegayoo
Ereygu been maaha oo
Inanka kii diidayow
Ayaantii way dhowdahoo
Ciise wuu imanayaa
Ciise wuu imanayaa
Eebbe wuxuu diiday buu
Eebbe wuxuu diiday buu
Uunka yidhi daaya oo
Eedda wuu nici jiroo
Waa ammaan inaan xusnoo
Ayaantii way dhowdahoo
Ciise wuu imanayaa
Ciise wuu imanayaa
Ummadda wuu doonayoo
Ummadda wuu doonayoo
Wuu asxaan fali jiroo
Addimo kaan haysan buu
Orod yidhoo socon jiroo
Ayaantii way dhowdahoo
Ciise wuu imanayaa
Ciise wuu imanayaa
Kii indhaha waayey buu
Kii indhaha waayey buu
Aragtidiisa u furoo
Waa Amiirkii runta oo
Aayado muujiyoo
Ayaantii way dhowdahoo
Ciise wuu imanayaa
Ciise wuu imanayaa
Waa albaabkii jannada
Waa albaabkii jannada
Kii muftaaxa u ahoo
Kii inkiray baa lumoo
Naarta ku asqoobayoo
Ayaantii way dhowdahoo
Ciise wuu imanayaa
Ciise wuu imanayaa
4. ILAAH AAN BAAHANE
LOO BAAHANYAHAYOW
Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Adaan ku baahannahaye
Noo bishaaree
1. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Ba'aa lagu sheegay aakhiro
Naga badbaadi
2. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Qiyaamaha baaska yaallaa
Naga badbaadi
3. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Xisaab ba'an baa la sheegee
Naga badbaadi
4. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Adaan boqorow ku barinee
Naga badbaadi
5. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Belaayada taal aduunyada
Naga badbaadi
6. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Inaan baadiyowno Eebbow
Naga badbaadi
7. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
naan bidciyowno Eebbow
Naga badbaadi
8. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Masiixa inaan ka baydhnaa
Naga badbaadi
9. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Bakhti iyo booli iyo been
Naga badbaadi
10. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Bushi iyo baahi iyo ceeb
Naga badbaadi
11. Ilaah aan baahane
Loo baahan yahayow
Baybalkoo aan ka boodnaa
Naga badbaadi
Ilaah aan baahane ... (3x)
5. ILAAHAY WAA RAXIIM
Raxmaankeygaan jecelahay
Riyaan ku arkay isaga
Rubadku wuu ii farxaa
Malaa'igo ruxubo ah baa
Raabraabo u soo degoo
Runtii bay ku heesayaan
Ilaahay waa Raxiim (2x)
Rajaan la farxaa anigu
Risiq Eebbaan cunaa
Rafaad weligay ma galo
Oo jannada Rooxada ku taal
Ayaan ku riyaaqayoo
Raxmad Eebbaan fishaa
Ilaahay waa Raxiim
Ruuxaan ka samaysanahay
Rabbuuna xaggii ka yimid
Ramaadkiyo doogga baxa
Caanaha ramadka ee la dhamo
Raaxada hurdada ee la tago
Casiiskaa inoo rakibay
Ilaahay waa Raxiim
6. KAALAYA AAN
AMMAANNEE
Rabbi baa awood leh
Aayo iyo khayr badan
Ilwaad iyo sharaf leh ee
Kaalaya aan ammaannee
Rabbi baa adkaan leh
Caqli aan go'ayn iyo
Ilays aan damayn leh ee
Kaalaya aan ammaannee
Adduunkuu badbaadshoo
Dembigeennii awgii
Isagaa u iishee
Kaalaya aan ammaannee
Ibliiskiyo Jinnigaa
Aadanaha lumiyaa
Isagaa ka adagee
Kaalaya aan ammaannee
Ninkii Ruuxa aammina
Rabbigiis addeecaa
Axdi baa u yaallee
Kaalaya aan ammaannee
Kii amarka raacee
Ilaahii rumeeyaa
Axdi baa u yaallee
Kaalaya aan ammaannee
Arxankeennii weeyaan
Ayaan Eebbe weeyaan
Aakhiriyo adduunkee
Kaalaya aan ammaannee
7. BAAQIGA EEBBOW
Baaqiga Eebbow
Dunida beeray
Ballan ku sheegay
Ka baaqan maayo
Buuraha korkooda
Haddaan bil joogo
Barafku i garaacana
Beenbeenin maayo
Badbaadshahayga
Baaqiga Eebbow ...
Boqol sano
Haddaan ban joogo
Beer iyo xooliyo
Bilcanba waayana
Beenbeenin maayo
Badbaadshahayga
Baaqiga Eebbow ...
Haddii lay bireeyo
Badna laygu tuuro
Budh layla dhacana
Beenbeenin maayo
Badbaadshahayga
Baaqiga Eebbow ...
Haddii aan baahdo
Beeso aan waayana
Beenbeenin maayo
Badbaadshahayga
Baaqiga Eebbow ...
Bugta i haysa
Beerka i xanuunjin
Isaga i baanto
Iga bogsiiya
Beenbeenin maayo
Badbaadshahayga
Baaqiga Eebbow ... (2x)
8. QORAALKU SIDII UU YIDHI
Qoraalku sidii uu yidhi
Qoraalku sidii uu yidhi
Qiyaas Rabbi baa u dhigan
Intaan Ifku qaybsamin
Qudhiinuna taagan tahay
Qayaamuhu aanu dhicin
Ilaahay maad qirtaan
Qawlkiisa rumaysataan
Ilaahay maad qirtaan
Qawlkiisa rumaysataan
Quruumaha dunida jira
Quruumaha dunida jira
Inkastoo quwodo is bidaan
Mar baa laga qaban naftoo
Dhammaan laga qaadayaayee
ntaydaan wada qallalin
Ilaahay maad qirtaan ...
Qaynuunku sidii uu yidhi
Qaynuunku sidii uu yidhi
Ducada kii aan qadderin
Salaaddana qiimo siin
Qaadirka uma tegi karo
Kii oon Sayidka u qasdiyin
Ilaahay maad qirtaan ...
9. GACMAHAAGA NOO FIDI
Dembigaan galeyniyo
Waxaan geysannoo idil
Giddi waan ka beyrnoo
Xaqii baanu garannaye (2x)
Guulow Allahayow
Goor iyo ayaanba
Gacmahaaga noo fidi (2x)
Golihii Iblayskiyo
Gudcurkii inaanan
Ugu noqon gadaalbuu
Naga yahay go'aankee (2x)
Guulow Allahayow ... (2x)
Nimcadaada guud iyo
Kuwaan garan Injiiljka
Inuu Erayga gaaraan
U gallaa socdaalkee (2x)
Guulow Allahayow ... (2x)
Gabbalkii dhacaayiyo
Waagi soo guduutaba
Noogu deeq gargaarkiyo
Raxmaddaada gaarka ah
Guulow Allahayow ... (2x)
10. WAXAAN AHAY DEMBIILE
Waxaan ahay dembiile
Waxaan ahay dembiile
Dunuubtii aan falay baa
Dunuubtii aan falay baa
Daraaddeed
Lagugu qodbay iskutallaabtee
Daraaddeed
Laguugu qodbay iskutallaabtee
Waxaan ahay dembiile
Waxaan ahay dembiile
Dulmigaan sameey baa
Dulmigaan sameey baa
Daraadiis
Laguugu qodbay Iskutallaabtee
Daraaddiis
Laguugu qodbay Iskutallaabtee
Waxaan helay dembidhaafka
Waxaan helay dembidhaafka
Nolol daa'im ah inaan helo
Nolol daa'im ah inaan helo
Daraaddeed
Laguugu qodbay iskutallaabtee
Daraaddeed
Laguugu qodbay iskutallaabtee
Waxaan ahay adeegahaaga
Waxaan ahay adeegahaaga
Dembidhaafka inaad i siisa
Dembidhaafka inaad i siisa
Daraaddeed
Laguugu qodbay iskutallaabtee
Daraaddeed
Laguugu qodbay iskutallaabtee
11. TOOBADDA RABBI
Haddii dadku ila tashado ee
Kuwii oon iga tegin
Tilmaan baan siin lahaayoo
Tibaax baan u jeedin lahaayoo
Xaqaana tis qaadi lahaa (2x)
Talada aan odhan lahaa
Wax weyn bay tari lahayd
Hadday Sayidka u tagaanoo
Toobadda Rabbi raacayaan
Hadday Sayidka u tagaanoo
Toobadda Rabbi raacayaan (2x)
Haddii dadku uu wax tebo oo
Ku taamaan inay helaan
Tayey ka rajaynayaan oo
Inay tiiraanyadiyo
Xanuunkuba kaga tagaan (2x)
Inay tubta roon maraan
Wax weyn bay tari lahayd
Hadday Sayidka u tagaanoo
Toobadda Rabbi raacayaan
Hadday Sayidka u tagaanoo
Toobadda Rabbi raacayaan (2x)
12. GUULOW ILAAHOW
Gu ul low Ilaahow
Adigaa noo gargaara
Guullow Ilaahow
Adigaa noo gargaara
Galab iyo subaxba
Adigaa noo gargaara
Gelin horiyo gelin dambeba
Adigaa noo gargaara
Guulow Ilaahow ...
Gigta waaberigaan
Gurigaaga gallaa
Gacmahoo fidsan baan
Ku soo hoos goglaynaa
Guulow Ilaahow ...
Gabbalkoo dhacay baan
Ku garwaaqsanaynaa
Girgire foox ka buuxaan
Kuula soo gelaynaa
Guulow Ilaahow ...
Gabay iyo madiix baan
Kuula soo gurmannaa
Gacantoo fidsan baan
Kugu magangelaynaa
Guulow Ilaahow ... (2x)
13. XALAY BAAN
MASIIXII ARKOO
Xalay baan Masiixii arkoo
Xamdi baygu waajibayeey
1. Xumaantaydii buu u dhintoo
Xamdi baygu waajibayeey
2. Xinjirtiisii buu igu dhaqoo
Xamdi baygu waajibayeey
3. Dembigaygii buu xalayoo
Xamdi baygu waajibayeey
4. Geeriduu ka xoog badiyoo
Xamdi baygu waajibayeey
5. Xabaashuu ka soo baxayoo
Xamdi baygu waajibayeey
6. Xertiisii ayaaaragtoo
Xamdi baygu waajibayeey
7. Xaqiiqdii ayaan helayoo
Xamdi baygu waajibayeey
8. Ibliiskii ayuu xabbisoo
Xamdi baygu waajibayeey
9. Cadaabtii xor baan ka ahoo
Xamdi baygu waajibayeey
10. Iimaankaygii baa xasiloo
Xamdi baygu waajibayeey
11. Xumaantoo dhan buu iga tiroo
Xamdi baygu waajibayeey
12. Kitaabkiisii baan xafidoo
Xamdi baygu waajibayeey
13. Xalaal quudataan ahayoo
Xamdi baygu waajibayeey
14. Xariggii Ibliiska jaroo
Xamdi baygu waajibayeey
15. Xabiibkii Allaan noqdayoo
Xamdi baygu waajibayeey
16. Quduus kay xiriirinayoo
Xamdi baygu waajibayeey
17. Xaakinkaan xusuusanahoo
Xamdi baygu waajibayeey
18. Jannadaan la soo xarmadoo
Xamdi baygu waajibayeey
19. Lay xisaabin maayo berroo
Xamdi baygu waajibayeey
14. CIISE WAA MASIIX
Ciise waa Masiix
Waa Markhaati run ah
Maalintuu yimaad
Inta moog ayaa
Murugo iyo dhib qabaa
Magaciisa baa
Dembi maydhayoo
Maamuus runuu
Ku mutaystay sharaf
Waana muran la'aan
Ciise waa Masiix ...
Dhakhtar maadiyo
Midhka uu yidhaa
Loo mabsuudayoo
Ifka oo mugdi ah
Maalin buu ka dhigay
Ciise waa Masiix ...
15. NUURKII ADDUUNKA
Nabar aan dawo lahayn
Oo lala nusqaamiyo
Naf go'doo xabaalani
Nooleeyihiiyow
Nuurkii adduunkow
Naruuradaada qaaliga ah
Nimcadaada wax naga sii (2x)
Markii aan nuglaannee
Niyadda naga xumaatee
Qalbigu naafo gaadho
Naxariistihiiyow
Ciise nuurkii dunidow
Naruuradaada qaaliga ah
Nimcadaada wax naga sii (2x)
Adaa nacabka Shayddaan
Ee qalbiga negida ku ahaa
Niyadda iiga saaroo
Naarta iga xoreeyee
Kuwa naca xambaarsanee
Aan garan nasteexada
Nimcadaada gaarsii (3x)

