Personal tools
You are here: Home Somali language Waxbarashada Ciise Masiix Ku Saabsan Cabdulaahi oo lacagtiisii iska tuuray

Cabdulaahi oo lacagtiisii iska tuuray

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa jiray nin la yiraahdo Cabdulaahi. Ninkan Cabdulaahi wuxuu ahaa sabool. Waligiisna wuu gaajoon jiray.  Dadkii arkay waxay odhan jireen, “Miskiinoow, waa tan lacagtii aan ku siinaya.  Qaad, oo cunto ku iibso. Markaasaad cuni kari doontaa, oo waad dhergi doontaa.”

        Cabdulaahi oo in yar waalan, wuxuu u maleenayay in lacagtii ay sun tahay.  Saas awaadeed, mar kasta lacagtii waa la siiyay, lacagtii buu ku tuuray ceelka tuuladiisa bartimaheeda ku yaal.  Cabdulaahi saxiibyadiisu markay arkeen, waa la yaabeen, oo waxay isku dayeen inay hubiyaan sababta keentay akhlaaq xumadiisa.  Sababi ma jirto – Cabdulaahi wuxuu yidhi, “Lacag ma jecli, waan iska tuurayaa, i dhaafa.”

  Sidaas awaadeed Cabdulaahi, iyo xaaskiisa, iyo caruurtiisa weligood bay gaajaysnaayeen. 

        Su’aal baan ku weydiinayaa – Waajibka yaa leh, ma Cabdulaahi mise dadkii tuuladiisa joogay, in uu gaajeysnaaday? Dadkii tuulada deganaa waxay siiyeen awooda ama kartida in uu cunto helo.  Waa go’aan kiisa oo keliya, waa wajibkiisa oo keliya inuu doortay in uu iska tuuro wixii isaga caawin lahaa.  Xilka doqonimadiisa waa loo saaray garabkiisa oo keliya.

         

        Waajib yaa leh in aanan xaqnimo kaamil ah samayn karin? 

Su’aashan oo Katakism laga helay fiiri:

         Ilaah sow ma ina dulminin markuu inagu amray sharcigiisa inaan fulino wixii aanan samayn karin?

        Jawaabta waa tan:

        Maya.  Ilaaha ina abuuray inaan kaamil ahaan lahayn.  Waxaan kari jirnay inaan sharciga fulino, hase yeeshee, markii Ibliis uu tijaabiyay Aadan,  Aadan oo irtid ah sharciga Ilaah buu amardiiday.  Sidaas buu Aadan wuxuu innaga iyo isaga ka xaday haddiyadda ee kartida ineynu awaamirta sharciga Ilaah fulino.  

          Aan ka hadalno jawaabtan.

          Aadan wuxuu ahaa qof sida innaga oo kale.  Aadan kartida buu lahaa inuu dembi diido, ama inuu dembi galo.  Naftiisu waxay ahayd kaamil, dembi la’aan.  Laakiinse, markii Ibliis uu guubaabiyay inuu laabraaco waxaa Ilaah uu mamnuucay, kartida uu dembi ku diido, Aadan iyo faraciisa bay waayeen.  Saas awaadeed, mar kasta fursad immanaya inaan dembaabno, fursaddaas baan qaadaynaa.  Fikraddeenna dabiici ah waxay yihiin kuwo Ilaah iyo sharcigiisa ka gees ah. 

         Sidee baa laynagu badbaadin karnaa?

         Aan ka fikirno Cabdulaahi.  Hadaan sameen kari lahayn, oo aanu bedeli kari lahayn maskax fiican iyo maskaxdiisaba, dabcan lacagtiisa ma uusan turi lahayn markaas dabadeed.  Haddii Maskaxdiisa la bedelay, wuu ka fikiri doonaa lacagtiisa si qumman.  

      Haddeynu rabno inaan si qumman uga fikrino Ilaah iyo sharcigiisa, waa in Ilaah qalbigeenna bedelo. Waa lagu qoray Kitaabka Qoduuska ah sidan oo kale – Haddii qof Masiix ku jiro, waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeen e.  Laakiin wax walba waa xagga Ilaah kan igula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimmada, taas waxaa weeye Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada.  2 Korintos 5:17-19. 

    Saas awaadeed warqadan baan ku qorayaa.  Haddaad su’aalo haysatid, fadlan nala soo xiriir.     

Document Actions