Personal tools
You are here: Home Somali language Waxbarashada Ciise Masiix Ku Saabsan Aabbayaashow – waa tan warqaddiinii shaqofulinta

Aabbayaashow – waa tan warqaddiinii shaqofulinta

Maalmahan caruurtiinu waxay idiin keenaya warbixino ku saabsan shaqofulintooda.

Mararka qaar warbixinadu waa fiican yihiin, mararka kalana warqadahaasu waxay u baahan yihiin fiirogaar ah. Warbixinadaasu waa arrin caruurtaada iyo macallamiintooda, iyo Ilaah, iyo innaga u dhexeeya.

Ilaah baa ina siiyey caruurteenna sidii haddiyad wanaagsan oo kale. Nebi Daa’ud wuxuu ku qoray Sabuurraddii 127 ayada 3: Bal eeg, caruurta waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo, oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.

Caruurtaada wajibkooda waa inay si fiican ay iskugu dayaan inay isticmaalaan kartida Ilaah siiyay.

Macallamintooda waxaa xil laga saaray inay si fiican wax u baraan caruurteenna. Waa wajibkooda oo Ilaah ka yimid inay gartaan caruurteenna, maskaxdooda, caqligooda, iyo kartidooda. Waa wajibkooda inay caruurteena jeclaadaan, iyo inay si fiican wax u baraan.

Waa maxay wajibkeena Aabbenimo?

Waa tan wixii lagu qoray kitaabka qoduuska ah, Suraddii Kolosay, qaybta saddexaad, ayada 21, “Aaabbayaashow, caruurtiinna ha ka cadhaysiinina yaynaan qalbi jabine.”

Marar badan markaan waxbarayay caruurta, kama maqlo walidiinta wax wanaagsan. Taasoo khusaysa warqadahooda shaqofulinta.

Waxaan maqlayaa erayaal sidan oo kale:

“Wiil xun baad tahay”.

“Doqon baad tahay.”

“Walaashaada ama walaalkaaga ayuu si fiican wax u baray – adiga dhibaatadaadu maxay tahay?”

Caruurteena. hadday caasiyoobayaan, hadday caajisanaadaan, haddaysan rabin inay shuqulkooda sameeyaan, waa in aan edbino.

Laakiin, waxaan u maleeenayaa marar badan, si degdeg ah beynu u dhaleecaynaa caruurteenna, laakiinse uma dhiirrigelino si sahlan. Waxaan maqlay mar hore ilmo ila hadlaya oo ii sheegay, “Anigu doqon baan ahay, anigu awood ma’an lihi, anigu waxba ma’an sameen karo.” Sidaas buu yidhi maxaa yeelay isaga ayaa sidaas ka maqlay aabihiis, hooyadiis, iyo walaalihiis.

Aabayaashow: Sidee baad u la xaalaysaan caruurtiinn a? Ilaah u weydi siduu doonayo inaan ula hadalno caruurteenna. Hadaad ku dambaabteen carrabkiina – waa inaad toobad keentaan, oo Ilaah u baridaan inuu idiin caafiyo. Markaas kadib, u taga caruurtiina, oo caafintooda weydista.

Aaabayashow: caruurtiinna ha ka cadhaysiinina laakiinse waxaad ku barbarisaan edbinta iyo waanada Rabbiga. Caruurteenna aan dhiirigelino.

 

Document Actions