Ciise Masiix
Gobolka Ontario ee Dalka Kanada baan degganahay. Meeshan waxaa ku yaala beer canab badan oo fiican. Waa wax yaab leh markii aan arkay sidda beercanabluhu uu
geed canab ah u hagaajiyay. Waxaan ka fekiray inay geedaha dileen markay ka gooyeen qaybtii libaax ee geedka laamihiisa. Wixii ka haray waa sidii kurtin oo kale. Haddaad fiirisid, waxaad sheegi lahayd, Hubal beerlaha geedkiisa wuu dilayaa.
Arrin kale oo beercanab ah aan ka fekirno. Nin Beeraleey ah markuu beer canab ah abuurayo, wuxuu doondoonayaa xidiid iyo kurtin geed canab xooggan iyo markaas dabaddeed laan wanaagsan oo geed canab macaan wuu ku lifaaqayaa sidii tallaal oo kale. Saas awaadeed xoogga geedka koowaad iyo macaanaanta geedka kale ayay wada sameeyaan canab badan oo wanaagsan.
Waa ay la mid tahay innaga iyo nolosheenna khaasatan ruuxdeena.
Tan iyo intii Aabbaheen Aadan dembaabay, xidid iyo kurtin xun baan haysannay. Noolosheennuna waxay u weexsan yihin dembiyaal, nacasnimo, iyo caasinimo. Waa in laynu tallaalo geed wanaagsan oo Ciise Masiix. Isaga xagga ruuxdiisa nolol cusub ayuu ina siinayaa, haddaan aqbalno.
Bal maqal erayaasha Ciise Masiix.
Waa ku qornaa Kitaabka Qoduuska Ah, Surraddii Yooxanaa, Qaybta 15aad.
Ciise Masiix baa yidhi: “Anigu waxaan ahay geedka canabka ah oo runta ah. Aabbahayna waa beerfalaha. Laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho.”
Maxaan ka baran karnaa qaybtan? – Ciise Masiix waa geedka runta ah.
Markaan Ciise Masiix la xiriirno, ujeedigiisa iyo wajibkeenna waa in aan midho fiican dhalno. Haddii kale, waa laynaga gooyaa. Haddaan midho dhalno, Ilaah baa ina nadiifiyaa si aan midho ka sii badan u dhalno. Sidaas awaadeed waa laynu tijaabiyay, in aan ka sii roonnaano.
“Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydaan igu jirin.”
Haddeynu isku dayno in aan wax wanaagsan oo Ilaah ka farxiya sameeyno, oo laan gooni ahaan saas baan u dadaalaynaa, waan waayi doonaan. Sida laanta oo kale ay ugu baahan tahay dhacaanka geedka, innaguna dhacaanka ruux ah ee Ciise Masiix baynu u baahannahay in aan midho wanaagsan dhalno. Haddii kale, midhaha ka yimaadaan geedkeenna oo dembiyaasha laga fasasiyay, iyo midhahaas midho qurun ah bay yihiin, oo waxtar la’aan ah.
Ciise Masiix baa yidhi, “Anaa ah geedka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la’aantay waxba ma samayn kartaan.”
Ciise Masiix intaa buu
yidhi, Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana
qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.
Markaan Gobolka Washington joogay ee
wadanka Maraykanka, meeshaan joogay waxay magaaladda Seattle xaggeeda waqooyi
ay ku taal, waxaan arkay beer badan oo geedaha raasberri ah. Bilkasta ee Diseembar shaqaalaha geedaha way
nadiifiyeen,maxaa yeelay qaybtii sannadkii la soo dhaafay midho dhashay, ee
engegtay oo dhintay, oo midho ka badan ma dhalin. Sidaas awaadeed, waa laga gooyay geedka, oo
waa la ururiyay, oo waa la gubay.
Ciise Masiix sidaas oo kale ayuu ina waaninayaa arrinta xidhiidh isaga iyo innaga u dhexeesa. Haddaanan aqbalno haddiyaddiisa oo badbaadsho iyo madaxfurasho, geed xun baan joognaa. Midho wanaagsan ma dhalin karno. Haddaan haddiyaddiisa aqbalno, geed run ah oo Ciise Masiix waa laynugu tallaalay. Midho wanaagsan sidii jacayl, iyo naxariis, iyo raxmad, iyo dulqaadasho baan dhali doonnaa. Haddii kale, qayb kama helno beerta Ilaah, oo midho wanaagsan ma sameen karno, oo waa laynaga gooyay.
Ciise Masiix ayaa intaas ku daray –“Haddaad igu jirtaan, oo ay erayadayduna idinku jiraan, weydiista waxaad dooonaysaan, waana laydiin yeeli doonaa. Waxaa Aabbahay ku ammaanmaa inaad midho badan dhashaan, waxaadna noqon doontaan xertayda. Haddaad qaynuunnadayda xajisaan, jacaylkaygaad ku jiri doontaan, sidaan qaynuunada Aabahay u xajiyay, oo aan jecaylkiisa ugu jiro. Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in farxaddaydu idinku jirto, iyo inay farxaddiinnu buuxsanto. Kanu waa qaynuunkayga in aad is jeclaataaan sidaan idiin jeclaaday. Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis. Saxiibaday baad tihiin haddaad yeeshaan waxaan idinku amro. Mar dambe addoommo idiinku yeedhi maayo, maxaa yeelay addoonku garan maayo wuxuu sayidkiisu sameeyo, laakiin saaxibbo waan idiinku yeedhay, maxaa yeelay, waxaan Aabbahay ka soo maqlay oo dhan ayaan idiin ogeysiiyey. Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay, waanan idiin diray in aad tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu sii jiraan.
Aaan isku fiirino - Nafteennu midho ma dhalayaan? Haddaad rabtid in aad midho wanaagsan dhashid, Ciise Masiix u weydii inuu ku la xiriiro Ruuxiis oo Ruuxa Qoduuska ah, iyo inuu kula heshiisiiyo Ilaaha Nool. Markaasaa midho wanaagsan baad dhali kartaa.
Rabbigu nabadiisu ha idinla jirto.
