Dhiirrinta. Suaasha 1aad: Siddee baa lay dhiirringeliyay?
Dhiirrinta
Suaasha 1aad: Siddee baa lay dhiirringeliyay?
Jawaabta 1aad. Ciise Masiix baa leh naftayda, ruuxayga, iyo jidhkayga. Sidaas daraadeed. waa lay dhiirringeliyay in aan ahayn keli.. Haddaan noolaado ama aan dhinto, kiisa baan ahay. Ciise Masiix badbaadiyahayga aammin ah buu yahay.
Ciqaabta oo aan heli lahaa dembiyadayda aawadood baa la saaray garabka Ciise Masiix. Dhiigiisa qaalli ah buu u bixiyey madaxfurashadayda. Wuu iga xoreeyay xukunta Ibliis.
Wuu i ilaaliyaa sidii qof khasnaddiisa dhawrayaa. Xitaa hal tin ah madaxayga ka dhici mayso hadduusan Abbahay Jannada ku jira doonin. Wax kasta oo dhacaya waa wada shaqeenayaa in lay badbaado. Waxaan ogahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xitaa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.
Ciise Masiix, isaga baa i leh. Sababtaas buu Ciise Masiix iigu xaqiijiyaa Ruuxiisa Qoduuska ah, in nolosha weligeed ah aan geli doono. Isaga intaa buu i karsiiyaa in aan u riyaaqo, oo aan doonayo, misna aan diyaargareeyo inaan isaga u noolaado iyo inaan isaga u adeego.
Suaasha 2aad: Maxaad ogaan lahayd haddii aad rabtid in aad ku noolaatid, oo aad ku dhimaatid raxmadda dhiiringelintan?
Jawaabta 2aad: Saddex shay waa inaan aqaan:
- Waa in aan ogaado weynaanta dembiyadayda iyo darxumadayda.
- Waa in aan ogaado sidii layga xorreeyay dembiyadaydii iyo darxumadaydii oo dhan.
- Waa in aan ogaado sidaan mahad ugu celin lahaa Ilaah madaxfurashadiisa awaadeed.
Suaalahan iyo jawaabahan waxay ka yimaadeen qoraalka loo yaqaan “Heidelberg Catechism.”
Frederick II, kaasoo xukumiyey gobol ka mid ah goboladda dalka Jarmaalka. Wuxuuna xukumayay sannadkii 1559-1576. Wuxuu rabbay in dadkiisa la baro cilmiga diinta ee Ciise Masiix. Saas awaadeed Frederick wuxuu amray macallimiinta jaamacada ee Heidelberg waxbaraya inay diyaargareeyaan Catechismka. Tan iyo wakhtigaas, dad badan oo Masiixi ah baa wax laga baray buuggan.
Su’aalahan oo dhan iyo jawaabahan idilkood waxaa lagu aasaasay Kitaabka Qoduuska ah. Su’aal kasta iyo jawaab walba waxaa lagu aasaasay Qorniinkii Kitaabka Baybalka. Qaybahan hoos lagu qoray waa dhawr qaybood, kuwaasoo ku saabsan su’aasha 1aad iyo tan 2aad.
I Korintos 6:19-20 Miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Qoduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? Oo idiinku isma lihidin, waayo qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday.
Sidaas aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.
Rooma 14:7-9 Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto. Waayo, haddi aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimmannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimmannoba, Rabbigaa ina leh. Waayo, sabaabtaas aa Masiixuu u dhintay, una soo noolaaaday inuu Rabbiga u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba.
Tiitos 2:14 Isagu (Ciise Masiix) nafsaddiiuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
1 Butros 1:18-19 Waxaad ogtihiin inaan dabiicaddiinnii builaashka ahayd oo aad awowayaashiin ka dhaxasheenlaydinkaga soo furan waxyaalaha baaba’aya oo ah sida lacagta iyo dahabka, laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiix oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn.
