Personal tools
You are here: Home Somali language Waxbarashada Ciise Masiix Ku Saabsan Suldaanka iyo Wiilka Addoonkiisa

Suldaanka iyo Wiilka Addoonkiisa

Suldaanka iyo Wiilka Addoonkiisa

            Suldaan Saleebaan wuxuu lahaa caruur fara badan, laakiin hal wiil oo keliya ayuu dhalay.

Addoonkiisa Cabdulaahi la yidhaado wiil buu lahaa.   Wiilashaas way isbarteen, oo saxiibo bay noqdeen.  

      Wiilka Suldaan, oo Guleed magaciis la yiraah, markuu 18 sanno jirsaday, wuxuu Suldaanku siiyay gaadhi aad u fiican, oo Lamborgini la odhan jiray.  Gaadhigaas wuxuu ahaa kan ugu fiican dalkiisa.  Aad baa u quruxsanaa, aad baa u qiimo weynaa, aad buu u dheerayn jiray.   Mar kasta Guleed Lamborginigiisa uu ku wadi jiray jidadka magaalada, gabdhaha magaladaas joogay waxay odhan jireen,  “Fiiri – waa kaas Guleed.   Nin fiican buu yahay, oo gaarigiisa waa ka fiican yahay isaga.”  Markay sidaas yidhaadeen, waxay u suuxi jireen jacaylkooda awaadiis.

     Cali Cabdulaahi, oo ah Wiilkii addoonka, gaarigaas iyo Guleed iyo gabdho fara badan oo suuxiyaan buu fiiriyay, oo aad buu u hinaasay.   Sidaas awaadeed, markii Suldaanku iyo Guleed ay dal kale u dhoofeen, Cali fursadiisa buu qabsaday. Ardaaga Qasriga Suldaanka buu gelay, qufulka garaashka buu ku dhuftay faas, albaabka buu furay, oo kursiga Lamborginiga buu fuulay.   Matoorka buu shiday, sheellarihii buu riixay, oo Cali sidii duufaan qode oo kale ayuu jidka ugu socday.  Habase yeeshay, markuu isgoyska jidadka gaadhay, iyo ama midig ama bidix buu leexi karay laakiinse toos uma socon karin, Cali fariinka aad buu u doondoonay, laakiinse ma heli karin.   Cali baa qayliyay, garabkiisa wejigiisa hortiisa buu saaray, oo dhagax weyne buu ka dhacay, Gaariga buu halaajiyay.

    Warkii arrintan markay dhegaha Suldaankii maqleen, aad buu uga cadheysiiyay.   Suldaankii askariyaashiisa baa u diray cisbitaalka, oo Cali bey ku yidhaahdeen, bixi qiimaha gaariga Suldaanka, haddii kale waan ku dilaynaa.   Cali baa jawaabay oo askaariyaasha ku yidhi – Qiimahaa ma haysto.  Baabuurkaygii qaad, oo Suldaankii u dhiib.  Gaariga Cali wuxuu ahaa gaari Ford ah oo 50 sanno jiray.  Qiimahiisuna wuxuu ahaa $150.00 ama ka daran haddaad meesha birqalaxda keentid.   Suldaankii baa qoslay, markaasu cadhooday, oo saraakiisha ku amray inay Cali xidhaan, oo xabsiga ku turaan, intaan aynan dilin.  Suldaankii baa yidhi, Haddaadan lacagtii oo dhan oo ah 500,000 i siinin, waan ku dilayaa.

     Cali fariin buu u diray Suldaankii.  “Aabbahay weydii, oo lacagtii isagaa ku siin doona.”  Suldaankii mar kale buu qoslay.  “Abbahaa waa nin sabool ah sidaada oo kale, oo lacagta $5 ka badan weligiis ma arkin.   Deyntaada sidee buu u bixin karaa?    Waan ku dilayaa.”

     Cali aad buu uga fekiray arrintan oo fekir fiican buu helay.   Warqad buu u qoray suldaankii sidan oo kale:

“Haddaad rabtid inaad wax dishid, dibigayga dil.  I dhaaf.”

      Suldaankii baa jawaabay oo Cali u sheegay, “Dibigaaga gaarigayga ma dhicin.   Adiga ayaa gaarigayga dhacay.   Waa xil ku saaran.   Garbaha dibigaaga kuma saarna.  Qiimaha gaarigii oo dhan ii dhiib, ama waan ku dilayaa.”

 

      Waxaan u maleenayaa in Cali uu u baahan yahay caawimo.  Ama Qiimaha deyntiisa buu u baahan yahay, ama naf kale buu u baahan yahay in uu Suldanku siiyo.

 

      Waxaynu nahay sidii Cali oo kale.  Ilaah innaga sheegay, Mushaaradda dembiga waa dhimashada.   Ilaah waa lagu qasbiyaa caddaaladdiisa  iyo xaqnimadiisa inuu ina ciqaabiyo dembiyageenna awgood.   Ilaah baa innaga sheegay, Mushaaradda dembiga waa dhimashada, oo Ilaah weligiis been ma sheegin.

 

       Ilaah waa boqorka jannada iyo dhulka, dunida iyo akhiro.  Wax kasta oo aan sameenayno abuuristiisa ka gees, ama rayiddiisa ka gees, waa mid Ilaah ka gees ah.   Saas awaadeed ciqaabta dembiga aad buu u daran yahay. 

       Culayska cadhada Ilaah dembiggenna ka gees ah garabka qof kale lama saari karo. Waa tan sababta – qof kasta oo dunida jooga waa dembiile.   Deyn weyn buu ka qabaa Ilaah.  Deyn hadduu leeyahay, qiimaha deynteenna ma bixin karo.   Sidaas awaadeed dhexdhexaadiye baan u baahan nahay dembi la’an ah. 

      Waxeynu u baahan nahay dhexdhexaadiye bini admi ah.    Dhimashada dibiga Cali xaqnimada Sulaankii ma raalli gelinayo, dhiiga xoolo Ilaah ma raalli gelinayo.

      Waa ku quran Kitaabka Qoduuska Ah, Qaybta Cibraaniyada, 10:4-10; Ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado.   Saas daraadeed kolkuu Masiixu dunida soo galay wuxuu lahaa, “Allabaryo iyo qurbaan ma aad doonaynin, laakiin jidh baad ii diyaarisay.   Waxyaalo la bixiyo oo laq gubo oo dhan iyo dembi allabarayadiis kuma aad faraxsanayn.  Markaasaan idhi, Bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaaada, Ilaahoow.   Kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.”

    Siduu horay u yidhi,  allabaryo iyo qurbaan iyo waxyaalo la bixiyo oo la gubo iyo dembi allabaryadiis ma aad doonayn, kumana aad faraxsanayn, kuwaasoo loo bixiyo sidii sharciga (sharcigii axdiga hore) leeyahay.   Markaasuu (Ciise) yidhi, bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaada.   Wuxuu rujiyay kii koowaad si uu ka labaaad u taago.  Sida doonistaasu tahay, waxaa qoduus laynaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyay.  

    Ciise Masiix sidaan oo kale noqday, dembiyadeenna mooyane, inuu ina madaxfuro dembi iyo dhimashadda.  Waa haddiyad Ilaah.   Sow maad qaadanaysid?

Document Actions